Tuesday, March 26, 2019

MAXAAD KALA SOCOTAA GABDHAHA UGU QAALISAN SOOMAALIYA EE GUURKOODA AAD LAGU TARTAMO?

Dad badan ka ma war hayaan in ay jiraan gabdho rag badan ay baadigoobaan oo wakhti iyo lacag ba ay u huraan sidii ay ku heli lahaayeen xogtooda oo dhammaystiran, habka loo la xiriiri karo iyo hannaanka ugu fudud ee lagu hanan karo.

YAA WEEYE GABDHAHAASI?
    
Gabdhahaasi waa kuwa qaraabada dhaw la ah hadba madaxweynaha markaasi haya talada qaranka. Waa kuwa ay madaxweynaha walaalaha yihiin, kuwa ilma adeerrada yihiin, kuwa uu adeerrada u yahay iyo kuwa uu abtiyada u yahay.

YAA RAADIYA IYO MAXAY SE TAHAY SABABTU?  
  
Gabdhahaasi waxaa raadiya ragga magaca iyo mansab doonka ah. Waa rag doonaya in ay ka dhigtaan jaranjaro ay ku gaaraan aqalka waddanka looga arrimiyo oo ay ku helaan xurmo iyo xaq. Waa run oo, gobannimada Soomaalida ayey ka mid ah tahay xurmaynta iyo xaqdhawrka xididka.

MA JIRTAA SHURUUD LAGU XUSHO? 
 
Gabadhaasi hal shardi bas baa lagu xushaa, kaas oo ah in ay madaxweynaha ehelo hoose la tahay, oo ay madaxtooyada geli karto. Dhib ma lahan haddii ay qal dheer tahay, weji koobma ah leedahay, dhalo yar tahay, gooman dhaadheer iyo indhayar leedahay, coon tahay, hogfo iyo xaglo kala jeeda lee dahay. Xita waa soconaysaa haddii ay ka dhammaatay.

MA JIRTAA CID AY U SHAQEYSAY? 
   
Haah. Waxa ay u shaqaysay saddex nin oo midi noqday safiir, midina noqday xildhibaan, kuna uu noqday agaasime ilaa iyo haddadan shaqeeya. Saddexdaas nin waxa ay kala heleen saddex gabdhood oo ehelo hoose la kala ahaa saddex madaxweyne. Waxaa igu maqaalo ah, nin isna qandaraas ku helay, mase hubo.

NIN XASAN KU HUNGOOBAY OO WAX KA RAADIYA FARMAAJO  

Waxaa jiray nin dhallinyaro ah oo ka mid ahaa ragga raadiya gabdhaha qaraabada la ah madaxweynayaasha, ayaa waxaa uu muddo dheer ka dib helay gabar ay odayga isku dhawaayeen oo madaxtooyada awood u lahayd in ay galgasho. Sannad ayey ku qaadatay in uu inta xiriir la sameeyo uu jacayl ku abuuro. Waxa uu heshiiskoodii kama dambaysta ahaa ku soo aaday xilligii doorashada, kolkaas buu waxa uu gabadhii ka dhaadhiciyey in ay dib u dhigaan guurka ilaa doorashada ka dhacayso. Nasiibdarro se, waa soo bixi waayey Xasan Sheekh. Markaas buu waxa uu bilaabay in uu dabciyo xiriirkii gabadha, halkaasina ku joogsaday guurkoodii. Waxaa iigu wardambaysay isaga oo raadiya tu` qaraabo la ah Farmaajo, in uu helay iyo in kale ma aqaane.

GABDHAHA HEERKA LABAAD EE QAALIGA AH 
     
Sida aan war ku hayo, xarfaanta jago doonka ah meel kasta waa joogtaa. Waxaan maqlay in gabdhaha labaad ee qaaliga ah ay yihiin gabadhaha qaraabada la ah madaxda dawlad-gobaleedyada. Rag baa raadiya oo ku gala madaxtooyooyinkaasi, laakiin weli ma helin tirada ragga ku helay jagooyin sare.
FG: Adduun xog baa is dhaafisey e, xogtan haddii ay ku anfacday, asii aad tahay nin u oomman in uu madaxtooyada galo, fursad kalana waayey, tan waad ku dayi kartaa.
DIGNIIN

Haddii aad go`aansato in aad hawshaan gasho, waxa aad arkaysaa gabdho ku dhahaya maxadweynaha ayaan qaraabo nahay oo haddii la rabo ku faanayaba. Qaraabada ayaanan isku si loo aqoon, waxaa laga yaabaa in ay u jeeddo, saddex oday baan kala tirsanna amma isku jifo baan nahay, adna aad u fahanto in ay tahay tii aad doonaysay, oo halkaasi wakhti kaaga lumo. Marka waxaa lagaa rabaa in aad si fiican u barato jifada iyo ina ayaha madaxweyna oo afaran, ina ayaha hooyadiis, dadka la dhashay iyo kuwa ay ilma adeerrada iyo ilma abtiga yihiin. Midda kale, dhawaanshaha ka sokow, waa in ay gabadhu karti leedahay, madaxtooyada taqaannaa, oo cadkeeda dhacsan kartaa, ninkeedana meel marin kartaa. Haddii ay tahay baarid buulkeed-ku-dumo ah, iska dhaaf, Caynabaa ka biyo dhaw e.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus                          
Kala xiriir: 
nayruus@gmail.com                            
https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb: facebook.com/snayruus

Saturday, March 16, 2019

JINNI-ISKU-RIDKA OO HAWLO BADAN LAGU XALLIYO (Xog aanad ka warheyn laakiin ku anfici karta)

Dad baa u qaba Jinni kasta oo ka dhex qayliya gabdhaha ama wiilasha in uu sax yahay. Waxaa jirta farsamooyin kale oo waayo dhaw soo baxay oo ay gabadhaha iyo wiilashu u isticmaalaan Jin-isku-ridkaasi.


Tusaale, gabar baa aad uga heshay wiil oo markaasina isku dayday in ay xiriir la samayso laakiin uu ka santaagay. Si kasta inta samaysay ayay soo loodin weyday wiilkii. Kaaga darane, waxa ay arkaysaa isaga oo la socda gabdho kale oo iyada aan waxba dhaamin. Gabadhii xanaaq bay la dhacaysaa, kolkaas baa waxa ay samaynayaa arrin wiilkaas yasay ay suuqa uga saarto. Wax kale samayn maysa e, Jinni iyo Rooxaan aan jirin bay isku ridaysaa. Wadaaddo baa loogu yeerin. Kolka Qur`aanka la saaro ayaa wiilkii ka dhex qeylinayaa. Waxa uu ku eedaamayaa, “Allaha aniga ayaa gabadha galay. Quruxdeeda baan ka helay. Waa i diidday, . . . Alla Qur`aanka iga daaya waan baxayaaye” Sheekadii ayaa xaafadda oo dhan la is dhexqaadsiin. “Alla hebel baa heblaayo ka dhexqeyliyey”, ayaa noqonaya warka ugu xiisaha badan. Wiilkii kolka uu maqlo, waxa ay u badan tahay in uu inta yaryaraado uu dariiqyada xaafadda mari waayo, oo marka dambe uu gaaro in uuba deegaanka oo dhan ka cararo. Gabdhaha keliya ma ahane, wiilasha qudhooda qaar baa sidaas oo kale yeela, oo gabdho ku daadiyey oo ay suuqa ka saarayaan dartood Jin isugu rida.

Ilaa iyo hadda waxa aannu xogtooda helnay ilaa 4 ruux oo sidaas lagu sameeyey. Waxaa se ugu darnaa wiil ka cararay Xamar oo Nayroobi aaday. Gabarna waaba tahriibtay, in kasta oo ay ka faa`iidday oo ay cararkii Ingiriiska ku gashay.

WAA LAGU GUURSADAY         

Gabar waxaa jirtay waaridkeed ku cadaadin jiray waxbarasho. Laakiin, marki ay dhammaysay dugsi sare ayey gabadhii nacday sii wadista waxbarashadii kale. Waxa ay jeclaatay in ay iska guursato, laakiin waalidkeed uma oggolayn guur iyo waxaas ilaa ay heer sare ka gaarto waxbarashada. Waagii dambe sidii ay u fekeraysay ayay u soo baxday in ay Jin isku riddo. Subixii dambe ayey xadraysay. Culimo ayaa loogu yeeray. Jin baa ka dhexqeyliyey. Waa lala sheekaysatay. Jinkii waxa uu aakhir warkii ku soo gebagebeeyey, “Annagu idinkan waxba nagama qaadi kartaan. Waxaan ka cabsannaa wiilka Axmednuur la yiraahdo. Wiilkaasi haddii gabadhan la siiyo, wallaahi waa na loo yaabaa.” Waa wiil ay gabadhu jeclayd oo ay ilma harbeer ahaayeen. Arrintii markii waaridkeed culimadii u sheegeen, si uu jinka uga cararo, horaa gabadhii laga siiyey wiilkii oo weliba loo dhisay.


UUR LAGU KHALDAMAY BAA LAGU XALLIYEY   

Gabar uur aysan ku talagelin uu u dhuuntay, ayaa sidii ay uga fekeraysay ay u soo baxday in ay Jin isku riddo. Maalintii dambe ayaa Jinni soo riday. Culimo ayaa loogu yeeray. Jinkii baa ka qeyliyey. Waxa uu Jinku leeyahay, “Gabadhan uur bay noo qaadday, kana bixi maynno ilaa ilmahaasi nalooga soo rido.” Culimadii iyo ciddii yaab. Gabadhii waa la baaray mise ilmo 4 bil ah bay siddaa. “Naa yaa uurka kuu yeelay?” baa la weydiiyey. Seyte,”Qof Bini-aadam ah maannaan kulmin, laakiin dhawr habeen baa waxa aanan garanayn oo aan ka sasay, sariirta ka dareemay!” Kolkaas bay sii buubuubtay. Culimadii baa mar kale loogu wacay. Jinkii wuxuu yiri: In cunugga yaga nalooga soo tuuro mooyee, bixi maynno. Maxaa la sameeyaa? Waalidkii waxa uu u qaatay in Jinnigaas ka qeylinaya uu la jiifsaday gabadha iyada oo aan ogayn. Aakhirkii wuxuu waaridkii gaaray, in Jinka ilmihiisa gabadha looga soo tuuro. Waa la soo tuuray cunuggii. Maalintaas baa gabadhii caafimaad ugu horreysay. Sidaas bayna gabadhii waaridkeed ku martay.


WAA LAGU DHOOFAY    

Sida aan maalin dhaweyd war ku helay, wiil baa xitaa jin-isku-ridkaasi ku dhoofay. Jin baa muddo ka dhexqeyliyey. Waxaa afkiisa laga waayey waxa aan ka ahayn ʻCanada`. Sidii Qur`aan loogu waday, markii dambe Jinkii laga saari waayey ayaa sheegay in daawadiisu tahay in dalka laga kaxeeyo oo la geeyo Canada. Dee si caafimaad wiilka loogu helo waa la dhoofiyey.


JAAMACADO DIBEDDA AH BAA LAGU AADAY    

Dhallinyaro badan oo waridkood ka diiday in ay dibedda waxbarasho u aadaan, oo taas beddelkeed, dalka ay wax ku bartaan baa farsamooyinkaan jin-isku-ridka ah inta adeegsaday, danahoodii ku gaaray.


Waayadatan, Jin-isku-ridkau waxaa uu noqday gar iyo daawo lagu xalliyo arrimo iyo hawlo badan oo loo caalwaayey.

NUXURKA WARKAN:     

Haddii aad waarid tahayna, arrintaas u took hayn, haddii aad dhallinyaro tahayna, waa qish.


FG: qoraal aan hadda ka hor ka qoray, ka akhriso Links hoose:
https://suldan-nayrus.blogspot.com/2018/08/gabar-jinni-been-ah-isku-ridday.html

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus                
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
               
https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb: facebook.com/snayruus

Tuesday, March 12, 2019

Xikamaddii Jimcadii Hore



Gabyaa Cabdullaahi Muuse ayaa yiri:

1. Laba awoowgay baa soo gaaray – Qarnigii 18aad
2. Laba aabbahay ayaa soo gaaray – Qarnigii 19aad
3. laba aniga ayaa soo gaaray (waa Gabyaa Cabdullaahiye) – Qarnigii 20aad

Laba awoowgay baa soo gaaray: Xoolaha oo fardaha loogu jecel yahay iyo guurka gabadha reerkoodu xoogga leeyahay loogu jecel yahay.

Laba abbahay ayaa soo gaaray: Xoolahoo geela loogu jeceyahay iyo guurka gabadha quruxda badan loogu jecel yahay.

labana aniga soo gaaray: Xoolaha oo idaha loogu jecel yahay iyo guurka gabadha reerha hodan ka dhalata oo loogu jecel yahay.

Anna waxaan ku daray (Waa Suldaan Nayruus e)

Midna aniga ayaa soo gaaray (Qarniga 21aad): Xoolaha oo lacagta Doollarka loogu jecel yahay iyo guurka gabadha lacagta haysta oo loogu jecel yahay.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus, xikmadda afaraadna iska leh

Monday, March 11, 2019

MAXAAD KALA SOCOTAA GANACSIYADA DEGDEG LOOGA MACAASHO DALKA IYO DADKABA NAAFAYNAYA?


Waxaa jira lix ganacsi oo waddankana dhib ku ah, dheef degdeg ahna lahoo isla markiiba laga taajiro. Shantaas ganacsi waa kuwaan:

 1. ALAABAHA DUMARKU ISKU DHALAALIYAAN    

Xamar keliya waxaa sannadkii ku baxa in ka badan 350 Malyan oo Doolar. Dadka ganacsigan ka shaqeeya, dhaqsadiiba waa taajiraan. Waa degdeg fakhriga ku tuur. Weligaa ma gashay dukaan alaabahaas keliya lagu iibiyo? Alla maxaa ilbiriqsigiiba gabar soo galaysa! Sida uu u kala socdo marka aad aragto, waxaa laga yaabaa in aad go`aan dhaqsa ah ku gaarto in aad isla markaasiba dukaankaas oo kale furato. 
FG: Isha Xogta lacagta: Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed. Bal ka warran deegaannada Soomaalida lacagta alabahaasi kaga baxa!

2.    JAADKA     
Sannadkii waxaa ku baxa 1.2 Bilyan oo Doolar. Dadka ka shaqeeya waa taajiriinta dalka ugu sarreeya. Ogow sannadba sannadka ka dambeeya waa sii kordhaysaa tirada dadka qayila.  
FG: Isha xogta lacagta: warbixin AEF ka samaysay 2016kii.

3.     KHAMRADA
Ganacsigan waxaa markii hore dalka ka bilaabay rag ka mid ah ciidanka shisheeyaha, laakiin mar dambe ayaa waxaa ganacsigaa u kicitimay laba haween ah oo Soomaali ah oo xaafadda Chalsea deggan oo muddo yar gudahood ku taajiray oo Dubay ka samaystay fooqyo yaab leh. Ganacsigii islaamahaasi waa lala fahmay oo hadda waxa keena dad tiro beelay. Waxaa Soomaaliya laga helay suuq cajab leh oo baryo ku hodan ah. Waxaa la helay qurbejoog waddanka timid oo farihii ka badatay oo Khamri yaqaan ah iyo qorraxjoog aan tiro lahayn oo lacag waalan haysata oo khamri barad ah oo u haysata in ay ilbaxnimo kaga dhimman tahay halkaasi. Waxaa la ii sheegay in qoys keliya oo qorraxjoog ah oo hodan ah oo ka kooban oday iyo habarti iyo afar ay dhaleen ay habeenkii gurigooda ku cabbaar Khamri marka la isku geeyo qiimihiisu gaarayo 360 Doolar!
FG: Lama hayo weli xogta lacagta sannadkii ku baxda.

4.    XASHIISHKA        
Xashiishku, kuna waddanka baa lagu beeraa, midna dibedda baa laga keenaa. Isana ma naqaan waxa Soomaali baraye, waxaa la yiri suuq gudaha oo xoog leh buu leeyahay, kolkaas baa ganacsato ka taajirtay. Waxaa la sheegayaa in isna sidaa oo kale dhaqo looga faa`iido.       
FG: Lama hayo weli xogta lacagta sannadkii ku baxda.

5.    SHIISHADDA IYO AGABKEEDA
Ganacsatada keenta Shiishadda iyo Agabkeeda kuma baarto. Marka ay suuqa soo geliyaanba horaa tafaariikhlaydu uga kala daftaa. Iyada oo Konteenarro badan oo kala duwan ay ku keenaan ganacsato kala duwan ayey marmarka qaar suuqa ciyoon uga baxdaa, kolkaas baa diyaarad lagu keenaa wax lagu sugo konteennarrada soo wajahan.
FG: Lama hayo weli xogta lacagta sannadkii ku baxda.

6.    TAABUUGA
Sidaas oo kale tubaakada loo yaqaan Taabuu ayaa iyana si xawaare leh suuqa uga socota. Wiil meel ku gata miis oo walxaha uu iibiyo ay ka mid tahay Taabuu ayaa ii sheegay in uu 1500 xabbo oo Taabuu ah uu gado saddexdii maalin. Waxaa uu ii sheegay in uu boos ka iibsaday Weedow, aqal jiingad ahna ka dhistay. Waxaa dadka iibsada ugu badan ardayda Dugsi Hoose/Dhexe/ Sare ilaa Jaamacad. Waxaa la sheegay in ay gabdhuhu ku badan yihiin. Sababtaas baa la iigu sheegey, ka sokow xaraaradda, gabadhu marka ay cunto iyada ayey isugu baxdaa oo nin uma baahna. Maalintii laba xabbo haddii ay gabadhu muudmuudsato, maalintaas iyo habeenkaas wiil taleefoon ka qaban mayso baa la yiri. Sidaas awgeed gabdhuhu laba xaraaradood ayey ku gooyaan isticmaalka Taabuuga, waana tabtaas sida ay ugu badan yihin. Ganacsigan waxa uu ka mid noqday kuwa ugu macaashka badan dalka. Waxaa la sheegey ganacsatada soo dejisa in ay qasriyo degdeg ah jeexdeen.
FG: Sida saddexda ka hoorreyso oo kale, weli xog lagama hayo inta ku baxda lacag sannadkii.

FUXSHI IYO FASAAD CIRIB XUN OO CIRKA ISKU SII SHAREERAYA  

Marba haddii ay balwadi meesha soo gasho, iyada ayaa farqaha ku sidata fisqi iyo fasaad oo dhan. Arrimaha kor ku soo xusan oo dalka ku soo fatahmay waxay keeneen in waddankii uu ku soo butaacmo fisqi aan ab-iyo-isir loo lahayn. Waxaa bilaabatay macsi noocwalbaale ah oo cudurro ku talagal ah wadata oo dibedda laga soo waariday. Dhallintii: gabdho iyo wiilal, suuqaa la galayoo, geerashayn baa loo kicitimay.

FG: Maadaama ganacsiyadani ay leeyihiin faa`iido xawaare leh, waxaa galay, haddana u tafaxaydsan dad dhaldhalaalka maalmahaas arkaya laakiin aan ogayn cawaaqibka aayahooda iyo mustaqbalka dalkooda.

HALKEE BAY KU DAMBEYN FACAAN IYO JIILKA XIGA, DALKANSE YAA U HARI DOONA?

Akhriste, adiga ma kuu daayaa warcelinta weydiimahan?


Waxaa qoray: Suldaan Nayruus                
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
               
https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb: facebook.com/snayruus

Friday, March 8, 2019

XUKUNKA SOOMAALIYA WAXAA ISKU HAYA QURBEJOOG IYO ALSHABAAB

“Haddii la hadlana waa-af-sallax-kudheg, haddii kalana ariga jaqiiqda laga deyn maayo.” Oraah Soomaaliyeed.

In kasta oo u-orodka kursiga Soomaaliya uu marxalado kala duwan soo maray oo hadba qolo isku soo qabsanaysay, waayadan waxa uu dhexyaallaa Qurbejoog iyo Alshabaab.        


Haddii aad la socoto, dadka hadda waddanka haysta, min agaasine, guddoomiye degmo, mid gobol, la-taliye, wasiir iyo wasiir-ku-xigeen, baarlamaannada 75%, ra
ʻisulwasaare ilaa madaxweyne waa wada qurbejoog. Maxaad kuwaan ka sheegeysaa, madaxda ciidamada: dhul, cir, booliis iyo nabadsugidba waa wada qurbejoog. Ku darsa o, mucaaradka doonaya in ay xukunka qolada haysa kala wareegaan waa wada qurbejoog. Dhammaan dadkaasi hal qofna carruurtiisa dalka ma joogto.

MA DOONAYAAN IN AY U DHINTAAN DALKA AY XUKUMAYAAN?

Sayid Maxammed, nin aan xaaskiisa iyo carruurtiisa xera Daraawiisha keenin, kuma aamin qabi jirin, waxna uma dirsan jirin. Itoobiya, nin aan carruurtiisa iyo xaaskiisa dalka joogin ma aaminto dhulxaaqna uma dhiibato.

Waa saase, nin aan carruurba ka joogin, yuu u dhimanayaa? Maya, ha sheegin. In ay magac iyo lacag ka uruursadaan mooyee, wax kale ma leh. Weligaa maqli maysid nin ama naag qurbejoog ah oo dagaallamaya ayaa dhintay! Ma rabaan in ay ka dhintaan qabawga, dalxiiska iyo lacagta ay kala rogayaan. Taas beddelkeed, waxa ay degaan guryo dhagxaan lagu wareejiyey, hoteello shub ku meegaarsan yihiin, waxa ayna ilaalo ka dhigtaan dhallinyaro gaajaysan. Waxa uu joogaba waa inta uu shaqadaasi ku jiro, kolka ay u dhammaato horay buu ka laabanayaa. Si kale, waa dal aysan shaqo ku lahayn oo ay u soo shaqo tageen.

ALSHABAAB

Waa mitid xukundoon ah, waxa ayna u halgamayaan in ay waddanka u taliyaan. Nimankani, xukunkooda daacad bay u yihiin. Waa u dagaallamayaan, waa u dhimanayaan, naftoodana waa u hurayaan. Dibed ma aadaan, carruurahooda iyo reerahooda waddanka ayey ugu nool yihiin.

MADAXWEYNAHA IYO AMIIRKA OO QORRAXJOOG U TAGAY

Koox qorraxjoog ah ayaa mar u tagay Farmaajo, waxa ayna ka codsadeen in qorraxjoogta uu wax ka siiyo shaqada muushka ah, dhaqaalaha miiran iyo jagooyinka tuban. War laga waa. Haddana waxa ay u tageen Ubuu Cubayda. Isaga duurka buu ku jiraa oo shaqo iyo dhaqaale la weydiisto ma hayee, waxa ay ka codsadeen in uu qaraxyada lagu go`ayo ka daayo. Isna ju` lagama maqal.

MAXAA TALO U AH REER QORROXJOOG?

Waddanka waxaa ku hardamaya dawlado qaarkood ku hadla af Ingiriis, qaarkoodna ku warrama af Carabi. Wixii Ingiriiska ku hadlayey qurbejoog baa khadkooda soo xiratay, wixii af Carabi ku warramayeyna Shabaab baa khadkooda soo xiratay, sidaas awgeed, qorraxjoog oo awalba labadaasi af ku dhib qabtay, haddana adduun ay la xirato uma furna, taas darteed, waxaa u soo jeedinayaa, si ay u badbaadaan in ay heshiisiiyaan labadaasi qolo. Haddii aysan taasi dhacayn, maa la isaga dhexbaxo, oo kuwii awood roonaada, addoomo loo noqdo.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus                
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
              
https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb: facebook.com/snayruus

Thursday, March 7, 2019

DADKA SAWIRRADA AH CARRUURTA AY DHALAAN WAA KA CAQLI BADAN YIHIIN DADKA KALE CARRUURTOODA (Xog aan laga warheyn)

Xog iyo baaritaanno muddo socday ayaa lagu ogaaday in dadka sawaabiinta ah dhallaankoodu ay aad iyo aad uga caqli badan yihiin dadka garaadka leh ilmahooda. Waxaa la leeyahay, Alle waa caaddil oo wixii ka dhimmanaa dadkaasi ayaa ubadkooda loogu daraa. Sidaas darteed, haddii aad aragto qof aad caqligiisa iyo garashadiisa la yaabto, ka wareyso xaalka waalidkiisa adiga ayaa ogaane. Haddii midkood caaqil yahay, kan kalaan cayman.

Maxaadba warkan sheeko-xariir ugu qaadan, maan daliil cadba kuugu daro oo aan kaaga soo qaado maahmaah Soomaaliyeed oo caan ah:

DADKU WAA AFAR:        
1. Mas Mas Dhalay
2. Mas Abur dhalay                  
3. Abur Mas dhalay         
4. Abur Abur Dhalay

MAS MAS DHALAY: waxaa loola jeedaa waalid garaad sare leh oo ilmo garaad sare leh dhalay. Laakiin tani AAD IYO AAD IYO AAD bay u yar tahay in la helo. Waa dhif iyo naadir in la arko laba waalid oo horay ah oo wiil ama gabar horay ah dhalay. Adduunkuba qabkaan uma shaqeeyo. Oo haddii sidani ay mar kasta dhici lahayd, adduunkuba isma beddeleen oo waxaa dhici lahayd in ay jirto qolo caqliga iyo garaadka sare iska dhaxasha oo adduunyadan meeqaam sare iyo maamuus gaar ah ku leh. Uun kalaba adiga oo aan aadin, dib u raac oo meeye tarankii ay ka tageen nimankii caqliga iyo kartida Eebbe isugu daray ee Soomaalida ahaa ee inta goobta, guursan jiray gabdhaha Soomaali ugu caqliga iyo aragtida dheeraa? Wixii ummadda la dheereysiiyey, carruurta in laga jaray u badan tahay!

MAS ABUR DHALAY: waxaa loo la jeedaa waalid heer sare ah oo dhalay ilmo aan la mid ahayn. Tani aad iyo aad bay u badan tahay. Haddii aad lammaanihiinuba tihiin dad isla sarreeya, waa adag tahay in la idin ka beero ilmo sidiinna oo kale ah. Haddii iinaan dhalin axmaq cayga daadinaya waad caymataan.
ABUR MAS DHALAY: waxa loola jeedaa waalid wax dhimmaan oo dhalay ilmo heer sare ah. Tanina aad iyo aad bay u badan tahay. Waana tan maanta casharkeennu yahay. Haddii labada waalid wada dhimmaan yihiin ama midkood dhimman yahay, waxaa laga beeraa cunug leh caqli iyo karti sare. Eebbe labadooda wixii ka dhimmanaa ama midkood ka dhimman ayaa cunuggooda lagu sii kabaa. Sidaas awgeed, cunuggu waxa uu wataa caqligiisii iyo midka waalidkiis ka dhimmanaa oo loogu buuxiyey.     
Ogow, wixii kaa dhimman, wax kasta oo ay yihiin, allow lixaadkaba ha ahaadeene, ʻbeerdaro` ma ahan oo meel kalaa laguugu darin.
ABUR ABUR DHALAY: Waxaa loo la jeeda waalid dhaadhaan ah oo dhalay carruur Allaw sahal ah. Tani ma dhacdaba, oo doqommo ma dhalaan nacas, haddii ay dhacdana, wax la sheegi karo ma ahan yaraanteeda awgeed. Sideedaba, caaqu waxa uu ka beermaa laba caaqiliin ah ama caaqil iyo qof kale oo caadi ah.   

Sida aad maahmaahda koowaad ku aragtayba, qaabkaanna adduunkan uma shaqeeyo, oo haddii sidaani ay dhici lahayd, waxaa la arki lahaa adduunyo qaar wada seegseeg tahay.

FG: Labada qaaciido ee kala ah: Mas Abur Dhalay iyo Abur Mas dhalay, waaye sida ay adduunyadan u shaqeyso.

NUXURKA WARKAN     
   
1. Haddii aad rabto in aad dhasho cunugga adduunka ugu caqliga badan guurso gabar sawir ah ama nin sawaab ah.   
     
2. Haddii aad isku hubto garaad sare iska ilaali gabar ama nin garaad sare leh si uusan idin kaga beermin dabbaal.  

3. Haddii aad doonayso cunug caadi ah, adiga oo caadi ah guurso gabar ama nin caadi ah. Ogow, caadi baa caadi dhala.

YAA U FIIRSASHADAN SAMEEYEY?     
Isl qoraha

YAA U DIRSADAY?
Cidna.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus               
Kala xiriir: 
nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb: facebook.com/snayruus

Wednesday, March 6, 2019

Mashruucii ʻFADHI KU DHEREG` oo Kismaayo Ka Hirgalay iyo Afgarashadii Ugu Yaab Badnayd Abid Oo Musharrixiin Lagu Xalliyey!

Markii la faafiyey qoraalkii uu cinkwaankiisu ahaa FADHI KU DHEREG, rag iyo dumar badan oo Reer Jubbalaan ah ayaa waxa ay isugu direen baraha bulshada. Taasi waxa ay keentay in Xildhibaannada Jubbalaan oo tiradooda 80 tameeyo tahay ay maanta u taagan yihiin 10000 (toban kun) oo musharrax. Sababtu waxaa weeye, waxaa la isla fahmay lacagta faraha badan ee musharrixiinta madaxweynuhu ay bixinayaan oo laga yaabo in Xildhibaankii uu uruursan karo ilaa 200, 000 kun oo Doolar oo uu hal mar fakhriga ku tuurayo. Qoraalka FADHI KU DHEREG ka sokow, dadku waa tol oo waxa ay inta la xiriireen ogaadeen lacagaha ay heleen xildhibaannadii Buutlaan iyo qasriyadii ay isla markiiba jeexdeen.

Dhacdada yaabka leh ayaa ahayd, in Xildhibaan Jubbalaan oo reer ka dhaxeeyey oo ay u tartamayeen 40 musharrax, shalay lagu dhexdhexaadiyey in nin loo daayo, 39 kala ay qaybsadaan lacagta faraha badan ee codkaasi. Waxaa lagu heshiiyey in musharrax kasta lacagta laga qaado. Maadaama aamminkii uu yaraaday, waxaa la isku waafaqay in Xildhibaanka guri lagu hayo oo uusan iska bixi karin, marka musharrax soo wacana la raaco. Si ay ku dhacdaba, haddii uu dhuunto Xildhibaanku, waxa ay beeshu ku heshiisay in ay garaacaan 39 ka kale oo ay ka soo matajiyaan wixii uu la dhuuntay. Marka la raaco, musharruxu lama faqi karo Xildhibaanka, lacagtana iyaga oo dhan baa kala heshiinaya, markii loo tiriyana horay bay ka qaybsanayaan inta kale. Xildhibaanku iskuma heli karo lacagta iyo jagada.

Kismaayo oo dhan baa maanta musharrax Xildhibaan ah, dabadaa la is haystaa, lana is fahan.

REER GALMUDUG

Galmudug xiisaheedu waa adag yahay. Dadka ugu lacagta badan Soomaaliya ayaa ku dagaallamaya. Dhaqaalaha faraha ka batay ee Xamar yaalla (mid dawladeed iyo mid shacabba), dadka iska leh waa Reer Galmudug. Ganacsato, Wadajir, UPD iyo Nabad iyo Nolol iyo baloo dhan baa isku hardinaysa. Tuubboyin badan oo dibedda ah baa haddana ku soo burqan doonta. Waxa ay u badan tahay in qiimaha codadku uu ka sara maro kan Jubbalaan. Ilaa 300, 000 Doolar baa la qiyaasayaa in Xildhibaankii dadaaala uu uruursan karo. Qofkii Galmudug Xildhibaan ka hela, fakhriga in uu tuurayo shaki kuma jiro. Halkaasina ha lagu yaaco. Waa fadhi ku dhereg, jiif oo jaq, adiga oo aan hawshoon hodan, iyo bilaash ku baashaal.
Digniin: Galmudug dilku waa ka fudud yahay ee hadda ka sii feker sidii aad lacagtaasina ku xaabsan lahayd, naftaadana u badbaadsan lahayd.

FG: Haddii aad doonayso in aad akhrisato qoraalka FADHI KU DHEREG, ka akhriso linkskaan hoose: https://suldan-nayrus.blogspot.com/2019/01/fadhi-ku-dhereg.html.  Akhri qoraalkaasi xog iyo qish badan baad ka helaysaaye.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus      
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb: facebook.com/snayruus