Tuesday, February 11, 2020

KA TAXADDAR ARRINTAN: Talooyin aad kuu anfacaya


Qof kasta oo aad ehel tihiin, qof kasta oo aad lammaane tihiin, qof kasta oo aad saaxiib dhaw tihiin, qof kasta aad isla shaqeysaan iyo qof kasta oo aad si uun isugu dhawaataan, ma ahan sida aad ka wada filanayso. Mar walba waxaa jiraya waxyaalo kaa qarsoon ama wejiyo kale oo aadan ogayn oo uu qofkaasu yeelan karo. Waxaa laga yaabaa in uu si kuula socdo, si kalana uu kaaga socdo. Dadku, inta badan ma ogaadaan wejiyada iyo siraha dadka ay isku dhaw yihiin in ay dabagal ay ku sameeyaan mooyaane, taas oo iyana, walwalkeeda, walbahaarkeeda iyo wadnago`eeda leh. Dhawr tusaale ayaan hoos ku sheegi doonnaaye, bal dhuux talada ka hor:

Tusaalaha koowaad: Beri baa waxaa jiray laba gabdhood oo isku aabbe iyo isku hooyo ahaa oo qoyskooda la wada noolaa. Labadooda mid ka mid ah ayaa waxa ay lahayd saaxiib jacayl kala dhexeeyo, waxa uuna ugu imaan jiray gurigooda oo uu kula haasaawi jiray. Marka uu wiilkaasi guriga yimaado, gabadha kale waa soo dhaweyn jirtay, inta ay qolka fadhiyaan walaasheed iyo saaxiibkeed iyada ayaana u adeegi jirtay. Wey jeceshahay walaasheed, cid kasta oo madaxa walaasheed ku timaadda waa qaddarin jirtay. Laakiin gaabdha kale sidaas ma ahayn. Waa ay ximin jirtay, haddii ay khaldanto waxba uma aysan qarin jirin, in ay ka hormarto ma aysan oggolayn, ma na jaclayn in ay waalidka uga dhawaato. Xitaa wiilka waa ku xamataa oo, wanaagba uga ma sheegto.Tan kale waa iska daacad oo, ma isa sii weydiiso wax kasta oo ay ka dareento. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa gabadhii oo farriinqoraal kula sheekaysanaysay saaxiibkeed, walaasheed oo ag fadhida damacday in ay la hahadasho laakiin innantii waxa ay kaga mashquushay farriimihii. Ilaahay amarki, tii inta xaajo qabatay oo kacday ayey moobeelkii oo sidii farrimihii u ballaqan yihiin meesha uga kacday oo ay is tiri u soo laabo. Markii ay dhaqaaqday ayaa gabadhii kale moobeelkii iska sii eegtay farriimaha ay gabadhu hadalkeeda la maqli weyday. Xoogaa markii ay dib u sii raaraacday ayaa waxa ay aragtay wax ay ka naxdo! Waxa ay fiirsatay xan iyo cay aad u fool xun – aanan halkaan ku carrabaabi karin - oo ay ninkii saaxiibkeed ahaa uga sheegayso. Waa wax aysan ka filanayn walaasheedii ay isku dhiigga ahaayeen in ay qof kale oo Soomaaliweyn ah sidaas uga ceebwarrano! Maantaas sidii ay uga calool go`day ilaa iyo hadda oo laga joogo 4 sano is lama hadlaan!

Tusaalaha labaad: Waxaa jiray wiil iyo gabar isqabay. Waxa uu wiilku ahaa nin qaab wadaad leh oo waalidkiisa iyo ehelkiisa iyo xaaskiisuba ay sidaas ku og yihiin, aad bayna uga dambeeyeen. Shan sano ka dib, ayaa xaaskiisu maalin iska eeg eegtay moobeelkiisa, kolkaas bay meelo inta u dhacday waxa ay ku aragtay wax ay ka naxdo: Ninkii oo dhex fadhiya naago oo la qayilaya, marna khamri la cabbaya, muqaallo jinsi ah oo uu la samaynayo gabdho kala duwan iyo sheekooyin kale duwan oo wada baxar ah oo uu dhex dabaalanayo. Yaab iyo amakaag. Wixii hal mar bay inta ka geddisatay, waxa ay noqotay kala shidaafqaadasho iyo arrin muddo lagu sheekaysto.

Tusaalaha saddexaad: In kasta oo uu labadii hore wax uga duwan yahay, haddana meel kale ayuu xariir kala lee yahaye, wiil baa xaaskiisa oo ay isqabeen sannad iyo bar waxa uu ka codsaday xaaskiisa baasweerka faysbuuggeeda. Waa siisaay. Wiilkii, waxa uu mashquulay dhawr habeen in uu gadaal u raaco dadkii ay wada sheekaysan jireen sannado ka hor. Sidii uu waday ayuu waxa uu ku arkay saaxiib hore oo ay lahayd iyo waxyaalo uusan u bogin oo dhexmaray. Maantii uu arkay ayuu bilaabay in uu wejigii inantii u beddelo, uuna la yimaado dhaqammo ay ka heli weysay taas oo keentay in ay aakhir inta u dulqaadan weydo, la kala gurto.

Tusaalaha afaraad: laba gabdhood oo saaxiib dhab ah isla ahaa ayaa middood waxa ay lahayd wiil jacayl kala dhexeeyey. Saaxiibteeda kale waa ay bartay. Laakiin saaxiibteed kama aysan helin xiriirka labadan qof ee aadka u quruxda badan iyo mustaqbalka u ifaya. Midda dambe ayaa waa dambe waxa ay bilowday in ay si dadban uga shaqeyso isku dirkooda. Mar kasta oo ay saaxiibteed kala tasho wiilka, waa u xumaysaa, haddii ay maalin isqardoofaanna in ay sii kala fogoyso ma ahane, isku ma soo dhaweyso. Xitaa markii dambe waxa ay ka shaqeysay in ay isku dirto oo ay sidaas ku kala tagaan. Ayaan dambe ayaa diradiraalaydii waxa ay faysbuuggeeda ka gashay gabadhii kale moobeelkeeda, kolkaas bay iyada oo aan xirin inta illowday u dhiibtay moobeelkeedii. Gabadhii, kolka ay jaamacaddii ka tagtay oo gurigeedii gaadhay ayey inta isku kala bixisay sariirteeda waxa ay damacday in ay gasho faysbuuggeeda, mise tii faysbuuggeeda ayaa ku jira. Ma aysan xirine, isagii ayey sii baarbaartay, kolkaas bay aragtay iyada iyo saaxiibkeedii hore wixii ay xan, caay, aflagaaddo iyo namiimnimo uga geysay! Maalintaas bay darteed uga baxday jaamacaddii si ay araggeeda aysan dib dambe u arkin.

Ujeeddada aan arrintani ka lahaa waxaa weeye, haddii aad u baahan tahay in aad maanfiyoobi ku noolaato laba arrimood samee:  


1. Waa midda koowaade, qof kasta sida aad tahay ha u malayn in uu hal weji lee yahaye, qof kasta wax walba ka fila oo, adigu calooshadaada bannaaanka ka keenin oo, wax isku la har.       



2. Wa midda labaade, ha baabaarin moobeellada iyo baraha dadka kuugu dhaw, hana dabagelin, difeetada ay maankaaga gaarsiin karto ayaa ka daran tan aad ka faa`iidaysid.


FG: Saaxiib, waxaa jiray ilaa 11 sheeko oo kale oo arrimahan meelo kala xiriiray, oo aan sannadkii hore faafiyey oo talooyin wax-ku-ool ah ku jireene, kuwaasina ka sii baar boggan haddii ay ku seegeen.

- Buugga NABSI laftiisa sheekooyin waxa ku jira arrimahan la xiriira oo baas kula dambeeyey dadkii galay! isna raadi oo akhri.

Mahadsanidiin,

Waxaa Qoray: Suldaan Nayruus          

Kala xiriir: nayruus@gmail.com