Sunday, December 31, 2017

HOOYO MACAAN IGA RAALLI AHOW


Islaan ayaa waxa ay maalin canaanatay gabar foodlay ah oo ay dhashay. Gabadhu, waxa ay markaas ahayd inan inta waayadaas qaangaartay, caaddaas maraysay! Inta hooyadeed dhoocil la mid ah ka soo qaadday, bay muran iyo jaqjaq kala hor timid. Xaarxaarintii inta si kale u qaadatay, bay inta qolkeedii gashay, oo soo labbisatay, iska dhaqaaqday.

Halkii ay u jeedday iyada oo aan gaarin, ayey inta daashay, goor cilcillow ah meel jardiin ah iska fariisatay. Iyada oo weli darbigii fadhida, ayaa waxaa kor ka aragtay islaan gurigeedii adeeg u wadatay. Inta ku soo leexatay, bay ku tiri, “Eeddo, maxaa meesha ku fariisiyey?” Gabadhu, indhaha bay ka eegtay mooyee, islaantii uma warcelin. Islaantii, inta aragtay in ay gabadhu wax si ka yihiin, bay misena ku tiri, “Eeddo soo bax, aan gurigeyga ku geeyee…” Gabadhii, dan baa haysaye, waa dabagashay. 

Markii ay tageen gurigii, ayaa islaantii aragtay naabta afka ka saaran, kolkaasina garatay in ay gabadhu gaajaysan tahay. Inta dabkii shidday ayey isla markii ba ugu tuurtay Baasto. Kolkii ay gabadhii feeraha iska saartay, bay inta islaantii gacanta ka dhunkatay, ku tiri, “Eeddo aad baad u mahadsan tahay. Hooyadeyna saan ogaa bay iigu qalineysay, adna, adiga oo aysan waxba isku kaaya gelin, ayaad inta i soo wadday cunto macaan gurigaaga iga siisay.”

Islaantii oo markaas fahantay xaalka gabadha, ayaa inta u soo dhawaatey, ku tiri hadalkan gabadhii beddelay, “Eeddo, cuntadan aan hadda ku siiyey ayaad sidaas kal-iyo-laabta ah iigu mahad celinaysaa, ka warran islaanta, inta aan ogaa caloosha kugu sidday, maalintii aad dhalatay ilaa iyo haddana wax ku soo siinaysay. Eeddo, soo taa kaa ma mudna mahadin weyn? Miyey kaa istaahishaa in aad dhegeysato ama aad la muranto, oo waxa ay ku farto ka madax adeygto?!”

Gabadhii, isla markiiba is beddel baa ku dhacay, waxa ayna go’aansatay in ay gurigii ku laabato. Iyada oo dhex sii maraysa ayey is heleen hooyaadeed, oo saacado badan baadigoobaysay. Hooyadii, inta gabadhii ku soo boodday oo labada dhaban mac ka siisey ayey soo kaxaysay. Inta gabadhii qolka fadhiga kaga hormartay ayey ku tiri, “Hooyo macaan soo gal, waad gaajaysan tehee, kaala cun raashinkan aan kuu diyaariyey.”

Gabadhii, kolkii ay fariisatay, ayey aad u eegtay cuntada jaad-ba-jaad ka ah ee hooyadeed u diyaarisay, oo weliba aadka uga wanaagsan midda ay islaantii siinaysay. Markaas baa gabadhii inta laabteedii raxmadi rusheysay, oo ay is heyn weydey, hooyadeed inta ku boodday oo isku duubtay, oo shummis ku boobtay, iyada oo oyeysana waxa ay ku lahayd, “Hooyo macaan waan ku jeclahay… Hooyo macaan waan khaldamay… Hooyo macaan iga raalli ahow.” 

Waxaa qoray Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com 

Tuesday, December 19, 2017

Buugga NABSI




Buuggan la dhaho ‘Nabsi’, waxaa uu ka sheekeynayaa cuqubo, hoog iyo inkaar ka dhalatay nasbi qofi uu ka galay ruux kale, kaddib markii inta uu dhagray uu laqdabeeyey oo uu uga baxay isa siintii, aamminaaddii iyo qalbigiisii uu raaciyey.  

Buuggu, waxaa uu si faah-faahsan uga warramayaa musiibadii, amarkii iyo nabsigii ku dhacay, mid mid, 11 qof oo kala duwan oo inta khiyaanay oo luggooyey, ka inkaar-galabsaday 11 qof oo kale.
Dhiganahan, qisooyinka nabsi ee ku uruursan, waa kuwo badankood si gaar ah u quseeya axdiyo jacayl oo la isaga baxay iyo heshiisyo caashaq oo la isku ballan-furay.  

Haddaba, inta aad buuggan akhrineyso, oo hadba qiso kaa nixisa iyo mid kaa yaabisa aad dul mareyso, inta aragtid dulmiga la iska galo, ba’a ka dhalanaya, ayaad inta gacmaha iyo dhafoorka isku qabtid, oo madaxa war-wareejisid, isla markaaba talo ku gaaraysaa in aad iska ilaaliso nabsi oo dhan, oo aadan weligaa cidna qalbigiisa dan-kuu-keliya iyo been ku sasaban.   

Akhriste, bal arag buugga, qaado oo akhri, si inta u ogaatid dhabanna-haysta uu tebinayo, aad keydkaaga nololeed ugu biirisid waaya-aragnimo xilli dheer kugu qaadan lahayd isla markaasina cibro inta ku qaadatid aad dadka kalana waano uga dhigtid.

Waxa aad hadda ka heli kartaa buugga dhammaan goobaha Muqdisho buugta lagu iibiyo iyo Boosaaso ama wac: 0616132474 ama kala xiriir: nayruus@gmail.com