Saturday, September 22, 2018

ABBAAYO ANIGA AYAA KUGU JECEL CID KASTA OO AAD TAHAY

Kolka ay sugsi sare isugu yimadeen baa sheeko-doceed u furantay, taas oo waa darmbe gaarsiisay in ay inta isku bogaan ay xilliyo gaar ah ballamaan, oo ay wakhti isla qaataan. Aad baa la isaga sii helay, waxa ayna gaareen in jacayl u kala tilaabbay uu isku xidho qalbiyadooda, oo ayba saacad ismoogaan waayaan, haddii ay kala maqnaadaanna uu u soo  khabro haatufjacayl, oo qof walba meeshiisa ku siiya xogta qof kale.

Maadaama aysan labadoodii kala maarmi karin, waxa ay is weydiiyaan in ay mustaqbal wada yeeshaan, oo ka fekeraan in ay isguursadaan, markaas bay mar dambe axdi ku galeen, in marka jaamacadda dhamaystaan ay isguursadaan. 

Dugsi sare isla dhammayste, hal jaamacadna, kulliyadda ganacsiga ayey ka bilaabeen, jacaylkoodiina marba marka dambeysa waa sii labalixaadsanayey. Saddex sano ka dib waa soo afmeereen jaamacaddii.

Sidii uu ballanku ahaa, waxaa la gaaray xilligii la isku guursan lahaa, waxa ayna wiilkii iyo gabadhii isla garteen in ay is aroosaan. Wiilkii waxa uu u tagay ciddiisii, waxa uuna la socodsiiyey gabadha uu jecel yahay iyo in uu doonayo in uu guursado, arrintaasina laga gacansiiyo. Ciddii waa ka aqbaleen, laakiin waxaa la weydiiyey cidda ay gabadhu tahay, kolkaas buu u sheegey in uusan garanayn. Aabbihi oo aan wax kala ba ka fekerin, baa yiri, “Iska daa marka aan la kulanno odaayasha gabadha ayaan ogaanaynaaye”. Gabadhii ayaa sidaas oo kale ciddeedii ku wargelisay guurka, iyagiina waa soo dhaweeyeen.

Markii ay is diyaariyeen cidda wiilka, ayaa wiilkii waxa uu gabadhii ku wargeliyey xilliga ballanta, isaga oo u sheegay in gurigooda ay imaanayaan odayaal dhankiisa ka socda iyo wadaadkii meherin lahaa, iyana ay sii diyaarsato dadkeeda.

Subixii ayuu wiilkii soo kaxeeyey odayaashii, waxa uuna keenay gurigii gabadha, halkaas oo si wanaagsan oo gobeed ogaayashii loogu soo dhaweeyey. Markii la is baranayey, ayaa odaayaashii wiilku waxa ay ku baraarugeen in cidda gabadha laga doonayo ay yihiin qolo ay yasaan oo aysan isguursan. Odayaashii wiilka ayaa ayaab iyo afkalataag ku dhacay oo, afkii baa juuqda gabay. Aabbaha wiilka ayaa inta istaagay, kolkaas yiri, “Adeerrayaalow naga raalli ahaada, qolo kale ayaan idiin haysannay, guurkiina waan ka laabannay, oo isma gayno!” jeerkaasina odayaashii ku yiri, “War inaga soo bixiya guriga gunta.”

Wiilkii, markii uu arkay odaayaasha oo kala dareeraya iyo hawshiisii oo laga naqday, ayuu inta si kale noqday, buu aabbihi ku yiri, “Aabbe saas ha yeelin, Naciima waa qalbigeyga kama na maarmo, aabbow waa jeex iga mid ah oo kama tegi karo, aabbow cid kasta ha ahaatee ii doon Naciima.” Inta uu istaagay wiilkii oo aabbihi hoos fariistay, buu odaygii oo dhaqaaqi raba ku lahaa, “Abboow waan ku baryayaa, abboow garka iyo gomadda baan ku haystaaye, jacaylkayga halkaas ha oga tegin, oo ha i laabjebin.” Odaygii ma maqlin codka xanuunka leh ee wiilkiisa e, inta ul makoorad ah oo uu watay la dhacay ayaa gurigii inta xoog looga kaxeeyey, gaari lagu soo tuuray.

Gabadhii, markii ay ogaatay guurka laga laabtay, istaagga bay ka dhacday. Waa miyir daboolantay, waxaana loo la orday isbitaal.

Wiilkii, markii gurigii la geeyey, ayaa isaga oo si kale ah waxa ay odayaashii ku bilaabeen in ay ka dhaadhiciyaan, in cidda ay gabadhu ka soo jeeddo ay yihiin qolo gun ah oo bakhtiga cunta, oo aan la guursan. Waxa ay u sheegeen, in haddii uu guursado, carruurtiisu ay faddaro noqonayso oo aanan la guursanayn. Waxa ay u wariyeen oraah ahayd, in wiilkaagu uu hiil kaaga baahan yahay marka aad hooyadiis guursanayso, oo haddii aad ka dhasho naag midgaan ah, loo bixin doono Barbarxaaraan, wiilasha faciisa ahna waa liidi doonaan, gabdhaha gobeedna ma guursan karo, hadhawtana adiga ayuu ku habaari doonaa… 

Wiilkii, hadalka odayaasha kuma socon oo, maqanejooge ayuu ahaa. Markii odayaashii ka kala tegeen ayuu sariirtii isku tuuray, isaga oo aan dharkiisii iska bixin. Habeenkii oo dhan hurdo ma ladin. Marna fashilkii saaka oo dhabbanahays ku noqotay ayaa ku soo dhaca, marna Naciima ayaa la soo hormariyaa, kolkaas buu inta madaxa gacanta saarto, waxa uu samaayo garan waayaa.

Markii subixii la gaaray, buu inta dadkii ka hor kacay, isaga jarmaaday gurigii Naciima, kolkaas baa loo sheegay in ay gabdhii isbitaal ku jirto. Isbitaalkii ayuu ugu tagay, markaas baa markii ay aragtay, faleebbooyinkii ku socday oo dhan inta iska jartay ayey ku boodday, oo ilmo mooyee wax kale laga waayey. Cabbaar haddii ay ku dhegganayd, waxaa ka soo baxay, “Abboowe Jaamac, ma aana garanayn qabiilka aan ahaa, haddii aan aqoon lahaa kula ma xiriireen, kumana jeclaadeen, walaalow haddii aan ku waayey nolol waa iiga dhammaatay, waana ka quustay adduun dambe, adigu farxad iigu noolow.” Jaamac wadnaha ayaa rigleeyey. Hadal waa ka soo bixiyey, ilma aan joogsi lahaynna, laabtiisa ayey taraaraxaysay.

Xoogaa haddii uu af kala qaadi waayey, hadal gabadhii u laabqaboojiyey ayaa aakhirkii ka soo baxay, waxa uuna ku yiri, “Naciima, aniga ayaa ku jecel. Abbaayo aniga ayaa kugu jecel cid kasta oo aad tahay.” Isaga oo shaatigiisa ilmada Naciima uga tirtiraya, ayuu waxa uu ku lahaa, “Macaanto ii aamus, hawshayadu qabiil ma joojin kara e, aniga ayaana taas xallinayee.” Naciima, hadalka Jaamac waa ka qaaday xanuunkii isbitaalka keenay. ‘Fay’ inta  tiri, ayey Jaamac oo ay garabka haysato u raacday gurigeedii, oo ciddeedii ku laabatay iyada oo faraxsan. Saddex beri ka dib, Jaamac inta lacag raadsaday, ayuu Naciima la goostay, oo inta deegaankii ka guuray, meel kale la degay.

Hadda Jaamac iyo Naciima waxa ay isku hayaan afar carruur ah, waxa ayna ku nool yihiin nolol jacayl iyo farxad leh, oo isaga oo kula fadhiya ayaad arkaysaa isaga oo daqiiqad daqiiqad u wacaya, indhiisana waa ka jecel yahay. Dadka deriska ah oo dhan inta jacaylka Namiica iyo Jaamac la yaabaan, ayey kaga sheekeystaan xaafaddaas, waxa ayna haatan deggan yihiin xaafadda Waaberi ee Muqdisho.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus,
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
fb: www.facebook.com/snayruus


Sunday, September 9, 2018

BUUGGA SHEEKOY SHEEKO SHEEKO XARIIRO


Buuggan loo Bixiyey  Sheekooy Sheeko  Sheeko Xariiro,” waa buug lagu soo aruuriyey sheekooyinkii carruurta. Waxaa ku jirta 50 sheeko, oo mid waliba ay wadato sawir ka tarjumaya sheekada. Sidaa oo kale, sheeko kasta waxaa gadaal laga raaciyey dulucda iyo murtida ay xambaarsan tahay sheekadaasi.

Sheekooyinkani, waxaa ay ka dhisayaan akhristaha, dhanka afka, akhriska, hadalka, fekerka, murtida iyo waaya-aragnimada.   

Waa buug aad u anfacaya carruurta, ardayda, macallimiinta iyo weliba waalidka doonaya in uu ilmihiisa ku ababiyo sheekooyin wanaagsan, oo maskaxda ilmaha kaabaya.

Buuggan, waxa aad ka heli kartaa, dukaammada buugta: Kismaayo, Xamar, Baladweyne, Garowe, Boosaso, Hargeysa iyo Nayroobi. Ama kala xidhiidh Lambarkan: 0616132474 ama nayruus@gmail.com  

Thursday, September 6, 2018

ABAALKII UGU QURUXDA BADNAA OO AY LABA WIIL OO SAAXIIB AHAA ISKU GALEEN!

Dhawr subax oo isku xiga ayuu arkayey saaxiibkiis oo uu ka muuqdo isbeddel uusan u bogin. Dhaashnaantii iyo istaaggii lagu arki jiray ma leh, oo isaga oo aan isa soo tirtirin, oo aan isa soo hagajin ayuu yimaadaa iskoolka. Ma leh firfircoonaantii uu ku yaqaannay. Lagu ma arko kaftankii iyo foorjayntii uu caanka ku ahaa. Su’aalihii badnaa ee uu macallimiinta weydiin jiray ma jiraan. Ma ahan sidii lagu garan jiray ee intuu farta taagto uu jawaabaha u la degdegi jiray, kolka uu macallinku ardayda wax weydiinayo. Waayadan waa ka soo daahaa casharka, oo qaabkii hore uma yimaado fasalka. 

Marka uu soo aadayo ischoolka, ardayda xaafaddiisa ayuu soo raaci jiray, laakiin maalmahan, keligi baa yimaada isaga oo niyadjabsan, oo lugta jiidaya. Xilliga biririfta, waa kii isaga iyo saaxiibbadi inta israacaan ay afka wax soo wada gelin jireene, hadda fasalka ayuu iska sii fadhiyaa, inta ay ardayda oo dhan soo laabanayaan. Kolka uu baxayo, ardayda ay isku xaafadda yihiin ayuu horay baska u la qabsan jiray e, sida marka uu imaanayo oo kale, ayuu keligi iska tagaa. Habkii caadada u ahayd maalmaha fasaxa toddobaadka ee la kulanka saaxiibbadiis iyo ciyaartii kubadda, waa joojiyey.

Samatar oo ahaa saxiibkiisii ugu dhawaa, ayaa markii uu arkay isbeddelka yaabka leh ee ku yimid Geelle, dhawr jeer si guud wax uga wey weydiiyey, laakiin Geelle uusan jawaab saxa ka bixin, kana meermeeray in uu si cad uu ugu warramo.

Samatar oo ay arritani saamayn ku yeelatay maadaama saaxiibkiis Geelle si wax ka yihiin, ayaa maalintii dambe go’aan ku gaaray in uu inta saaxiibki kaxeeyo, uu geeyo meel makhaayad ah, oo inta wada qadeeyaan, uu si dhab ah u weydiiyo meesha saaxiibkiis laga asiibay. Inta hooyadi lacag uu warsaday ka soo qaatay, ayuu maalin, markii fasalkii laga baxay duhurkii, ka codsaday, kuna adkeeyey in uu raaco, taas oo uu markii dambe aqbalay Geelle. Sidii uu u sii waday, ayuu geeyey makhaayad heer sare ah.

Markii ay wada qadeeyeen, ayaa Samatar waxa uu ku yiri saaxiibkiisa Geelle, “Saxiib Geelle, waad i taqaan oo waxa aan ahay saaxiibka kuugu dhaw ummaad oo dhan. Waad og tahay, laga soo bilaabo dugsi dhexe ilaa hadda oo aan ku jirno fasalka ugu dambeeya ee dugsigan sare ee Banaadir, waxa aan ahayn saaxiibbo dhib iyo dheefba wadaaga. Saaxiib, muddooyinkaan dambe sidaadii hore ma tihid, waxaa kaa muuqata murugo aad qarinayso oo saameyn kugu yeelatay, anna si’ ii taabatay, maadaama aan kaa waayey wixii aan kugu aqoon jiray. Saaxiib Geelle, dhawr jeer baan arrintan wax kaa weydiiyey, laakiin wax sax ah aad ii sheegi weyday, taasi wallaahi kurbo kale ayey igu abuurtay. Waxa aan mar kasta is weydiiyaa dhibka kugu soo kordhay iyo sababta aad iiga qarinayso. Miyaannaan Geelle saaxiibkaa ahayn? Miyaadan aaminsanayn waxa kugu dhaca in aan kula dareemayo? Geelle, waxa aan maanta halkaan kuu keenay, in aad si dhab ah iigu warranto.”

Wiilkii Geelle ahaa isbeddel ayaa uu ku keenay hadallada saaxiibtinimo ee ka imaanaya laab u xaaran. Ma uusan jeclayn in arrinta dhibaysa uu cidna la wadaago, laakiin hadallada saaxiibki oo maankiisa ruxay darteed, waxa uu go’aansaday in uu saaxiibkiis la wadaago arrinta ku soo korartay, markaas buu ku yiri, “Walaal, waan ogahay, waana aaminsanahay in aad tahay saaxiib qaaliya oo aan jeclahay. Saaxiib ma doonayn in aan kula wadaago waxa igu soo kordhay, sababta oo ah waxa aan ka baqayey, in dhibka aan dareemayo aadna aad dareentid, oo aan labadeennaba culays ina fuulo. Waxa aan rabay in ay keligay igu ahaato, adna farxaddaada ku noollootid saaxiib. Haddii aad igu qasbayso in aan ku sheego, waan kaaga warramayaa. Saaxiib aabbahay Faarax ayaa waa dhaweyd dawladda inta qabatay ay xiratay. Maannaan aqoon sababta loo xiray, laakiin maalin na loo oggolaaday in aan soo booqanno ayaa aniga, hooyo iyo gabadha iga weyn ee walaashay ah, ugu tagnay xabsiga, kolkaas buu noo jeediyey dardaaran uu muuqday in aannan mar dambe arki doonin, waxna waa inoo sheegi waayey. Annaga oo murugeysan baan ka soo tagnay. Arrinta loo xiray baannu meelo kale ka raadinnay, kolkaas baan soo ogaannay, in aabbe uu ka shaqeysan jiray hawlo uusan Kacaanku oggolayn, taasina keeni karto in la daldalo. Saaxiib, arrintaa baan waayadan la murugeysnaa, taas oo na haysata, ayaa misena noloshii guriga hoos u dhac weyn ku yimid. Isaga ayaa il inoo ahaa, isagiina waad aragtaa.”

Intii uu hadalka ku jiray, ayaa Samatar aad uga calool xumaaday dhibka gaaray aabbaha wiilkaasi iyo saamaynta murugeed iyo midda nololeed ee uu reerka ku yeeshay. Markii uu warkii ka baxay, ayaa Samatar ku yiri Geelle, “Saaxiib, aad iyo aad baan uga xumahay arrinta naxdinta leh ee aad ii warisay. Nin rag ah baan ahay, oo waan isku dayin in aan wax kaala qabto dhan walbaba. Saaxiib, aabbahay ayaa dawladda ka tirsan, nin adeerkay ahna madax sare ayuu ka yahay, waxa aan awoodda saarayaa sidii aabbe xabsiga uu uga soo bixi lahaa, inta hawhaasi socotana, reerka masruufkiisa aan meel saaro, adna ii soo ducee.” Geelle oo niyaddu u qabawday misena la yaabay hadalka Samatar, ayaa ku yiri, “Saaxiib, aad baad u mahadsan tahay. Aad baan ugu faraxsanahay garab istaaggaagaas, in kasta oo aanan aqoon sida ay arrintaasi ku suuroobi karto.” “Saaxiib waan dadaalayaa, ii soo ducee adigu, haddana waan ku fasaxayaa.” Sidaas baa lagu kala tagay.

Samatar, sidii uu u socdayba, gurigoodii ayuu tagay, isaga oo aad uga tiiraanyeysan sheekadii saaxiibkiis Geelle. Ilaa markhribkii, intii uu aabbihi ka imaanayey, waxa uu ka fekerayey sidii uu aabbihi uga dhaadhicin lahaa arrinta aabbaha Geelle, oo uu ku geli lahaa. Sidii uu u fekerayey baa aabbihi yimid makhribkii.

Sida caadada u ahayd, cishihii ayey isaga iyo abbihi miiskii ay tageen ku wada casheyn jireen. Markii ay cashadii bogteen, ayaa sidoodii misena xaalka iska wareysteen maadaama ay ahaayeen wiil iyo aabbihi saaxiib ahaa oo is xog wareysta. Samatar ayaa aabbihi Jaamac ku yiri, “Aabbe, caawa sidii hore ma ihi, aad baan u murugeysanahay, u welwelsanahay!” “Aabbe, maxaa dhacay, ii sheeg waxa jira, aniga ayaa ku jecel, wax walbana kula qabanayee?” Ayuu odayg ku yiri. Samatar baa markaas afka furtay, “Aabbe, wiilkii saaxiibkay ahaa ee aad taqaannay ee ahaa Geelle ayaa aabbihi Kacaanku xiray. Geelle waa saaxiibkay qaali ah oo aan aad u jeclahay. Xabsi iyo dil buu ku xukuman yahay baa la yiri. Saaxiibkay iyo reerkoodii welwel iyo dhib adag bay xaaladdoodii gashay. Reerkii xitaa masruuf ma haystaan, oo adaygii siin jiray waa tan la xiray. Aabbe arrintaasi ayaan doonayaa in aad na la furdaamiso. Haddii aad yeesho, aabbe inta odaygaasi xaalkiisu meel u dhacayo, reerka waa biil la’yahee, fadlan arrintaasina na la maaree.”

Odaygii, inta uu hadalka wiilka dhagaysanayey baa inta shucuurtiisii isbeddeshay, buu waxa wiilkiisii ku yiri, “Aabbe, caqliga iyo garaadka ayaan kugu jeclahay. Aabbe, codsi dhankaaga iiga yimaada waan ku khasbanahay in aan sida uu yahay u fuliyo. Aabbe, arrintaas waan galayaa, saaxiibkaana waan gacan qabanayaa. Waan aqaan Geelle, waa saaxiibkaa, anna waa jeclahay cid kasta oo aad jeceshahay. Aabbe, berriba lacag fiican baan kuugu dhiibayaa saaxiibkaa, si ay reerka masruuf uga dhigtaan bishan. Odaygana waan soo ogaan xaalkiis.” “Aabbe odayga magaciisa ii sheeg.” Ayuu weydiiyey Samatar. “Abbe waxaa la yiraahdaa Faarax Salaad Cabdi.” Ayuu wiilkii ugu jawaabay. “Aabbe igu hallee arrintaasi, aniga ayaa war kaa soo siine.” Ayaa odaygii war ku soo gebagebeyeey. Samatar oo farxay ayaa inta abbihi dhabannada ka shumiyey, ku yiri, “Aabbe, aad baad u mahadsan tahay, waan kugu ogaa garashada iyo gacanqabadka.”

Subixiiba, Samatar oo lacag badan wada ayaa iskoolkii kula kulmay Geelle, oo is la markiiba lacagtii ku wareejiyey, lana socodsiiyey warbixintii isaga iyo aabbihi dhex maray. Geelle markii uu arkay lacagta farabanideeda iyo warbixinta qalbi qaboojinta ah ee uu siiyey saaxiibkiis Samatar, buu inta laabta geliyey, ku yiri, “Saaxiib, ma garanayo waxa aan kuugu abaalgudo." Inta cabbaar laabta ku hayey oo ilmeeyey, ayuu ku yiri, "Aad baad u mahadsan tahay, saaxiib qaali ah.”

Jaamac, subixii waxa uu raadiyey macluumaad ku saabsan Faarax Salaad, kolkaas buu soo ogaaday in uu ku eedaysan tahay fal ka dhan ah Kacaanka oo halis ah. Waa nin ay riixayso murugada wiilkiisa iyo saaxiibkiye, waxa uu feker dheer ka dib go’aansaday in uu suudaaliyo. Rag madax ahaa inta la kaashaday ayaa Eebbe 35 cisho ka dib, u fududeeyey in ninkaasi la cafiyo, oo la siidaayo. Maalmaha hawsha siideyntiisa lagu jiray, Faarax, aad buu uga yaabbanaa cidda uusan garanayn ee u shaqeynaysa! Markii la siidaayey, ayaa waxa gaarigiisa ku soo kaxeeyey Jaamac, kolkaas buu ku yiri, “Walaal, ninka ku siidaayey waa aniga, aqoon kuuma lahayn, laakiin wiilkaaga iyo wiilkayga ayaa ah saaxiibbo dhab ah, wiilkayga oo murugaysan ayaana arrintaada i soo gaarsiiyey. Sidaas baan hawshaada ku soo galay. Reerkiina, masruufkiisii aniga ayaa meel sii saaray.” Faarax, inta dubaaxiyey oo jiriricooday oo qalbigiisa naxriisi rushaysay, baa inta indhahiisii ilmo buux dhaafisay, uu ku yiri, “Jaamac, arrintani waa arrin aanan weligey arag. Walaalo, wax aan dhaho ma aqaan, aad baad u mahadsan tihiin adiga iyo wiilkaagaba.” Inta dareenkiisii uu xakamayn waayey, ayaa hadal kale ka soo bixi waayey. Gurigiisii inta geeyey, buu ka soo laabtay Jaamac. Faarax, markii uu gurigii gaaray, ayuu u tagay reerkii oo noloshoodii u dhammaystiran tahay. Maxaa raashin iyo faakihaysi kala duwan yaalla!

Geelle, markii uu arkay sida gobanimada leh ee uu ula shaqeeyey Samatar, waxa uu in muddo ah ka fekerayey, waxa uu ugu abaalgudo, kolkaas buu waxa ku soo dhacday in uu Samatar siiyo gabadha ka yare ee aadka u quruxda badayd ee Filsan. Inta iyada soo qalqaaliyey, ayuu saaxiibkiisna siiyey. Kolkaas baa labada qoys ba, inta aad ugu farxeen si siman uga qeyb qaateen arooska. Maadaama Samatar uu wax baranayey, masruufka reerka, labada odayba waa bixin jireen.

Saaxiibtinimadii, labada wiil kuma ekaane, waxaa sidaas oo kale saaxiibay oo aad isku jeclaaday labadii oday, waxaa sidaas oo kale saaxiibay labadii xaas iyo carruurihii oo dhan, kolkaas bay noqdeen laba qoys oo wada dhashay oo kale.

Sidii ay saas u ahaayeen, ayaa dagaalkii sokeeye dhacay. Alle amarki, qoyska Geellana waxa ay isku abtir noqdeen qolada Xamar soo galaysay, kuwa Samatarna waxa ay noqdeen qolada Xamar ka baxaysay. Geelle iyo aabbihi Faarax, waxa ay dusha saarteen, in qoyska Samatar iyo qosaska kale ee qaraabada la ah aysan wax dhib ah gaarin. Inta 15 qoys oo kii Samatar iyo kuwii qaraabo la ahaa ba, hal xaafad isugu geeyeen ayey waardi ka ahaayeen, kolkaas baa cid u soo dhawaata la waayey, iyaga ay ku jireen weliba madax muhiim ahayd. Waardiye keliya kama ahayne, xitaa noloshooda ayey dhabarka saarteen. Xaafadda oo dhan waxaa looga yaqaan reerihii Geelle iyo Faarax, oo cid soo fiirasaba la waayey. Mar baa gabar cidahaas ka tirsanayd, oo suuqa adeeg u doonatay wiil soo faduuliyey, kolkaas bay Geelle u sheegtay, waaba la ogaa dhibkii qabsaday wiilkaasi.

Qeybo ka mid ah reerahaasi, oo horay u dhoofay baa codsaday in ay yimaadaan Nayroobi, si ay uga wadaan, kolkaas baa Geelle iyo Faarax inta gaariyaal u kireeyeen bay geeyeen ilaa xadka Kenya, iyaga oo aan cid kale ku aaminin.

Reerkii Samatar waa dhoofay, kolkaas bay ayaan ka dib, u soo dacawoodeen reerkii Geelle, oo ay Mareykanka isla tageen. Markii ay Mareykanka isugu tageen, ayaa Samatar oo ka naxay doobnimada uu ku weynaaday saaxiibki Geelle, waxa uu siiyey gabadha uu ugu jeclaa walaalihiis ee Hodan.

Ilaa hadda, Samatar iyo Geelle la is kama ag waayo, ma kala haraan oo, indhahooda waa iska jecelyihiin. Labadii reer, ilaa waagaas waa walaalo saaxiib ah oo aad isku jecel. 

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus      
Kala xiriir: nayruus@gmail.com




WADAADKII SAAXIIBKIIS DILAY IYO CUQUBADII KU DHACDAY


Waxaa jiray laba nin oo muddo dheer saaxiibbo ahaa. Waxa ay ahaayeen labaduba laba nin oo wadaaddada akhwaanka ahaa. Waa isla socon jireen, wax ayna ahaayeen laba saaxiib oo la isku yaqaannay.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa mid labadooda ka mid ah, waxa uu xiriir la yeeshay qolooyin sirdoon ah, oo waddamada deriska ah ka mid ah. Kolkaas buu isku beddelay jaajuus mushaar ku qaata tiftifka wadaaddadaas uu ka mid ahaa. Ninkani, waxa ay shaqadiisu noqotay in uu wadaadda dabagalo, oo warkooda keeno, si kuwa madaxda ah ee danaha laga leeyahay, loo laayo.Shaqadaas ayuu in muddo ah ka shaqeynayey, saaxiibkiisna ma oga hawsha uu ku jiro.
Sidii uu hadba wadaad war uga geynayey, ayuu markii dambe, inta iimaankii ka tagay, waxa uu ka mid noqday kuwa wadaadda khaarijiya, halka markii hore uu ka ahaa oo keliya farmuuqe.
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa shaqadiisii waxa ay soo gashay wadaadkii saaxiibkiis ahaa, oo aad loogu yaqaannay gaalo neceybka, iyo wacdiyo kulkul oo uu marar qaar ka jeediyo masaajidda. Ninkaan oo ay hawlihiisu ka mid ahaayeen khaarijinta wadaaddada noocaas ah, ayuu maalin maalaha ka mid ah la ballamay wadaadkii saaxiibkiis ahaa. Gurigigiisii ayuu inta ugu yimid oo la qadeeyey, galabtiina la casaryeeyey, ayaa maqribkii markii la gaaray, gurigiisa hortiisa bistoolad madaxa kala dhacay, halkaasina uu ku geeriyooday.
Waxa uu dilay ninkii saaxiibkiisa ahaa, waxa uuna ku dilay gurigiisii hortiisa, oo carruurtiisii iyo reerkiisa uusan ka fogeyn, isaga oo weliba ilaa maanta oo dhan uu u martiqaadnaa, oo uu cuntadiisii cunayey.
Maalintaas wixii ka dambeeyey, waxaa ku dhacay ninkii cudur ilaa iyo hadda waxba laga qaban waayey. Ninkii waxa uusan ceshan karin kaadida, menida iyo saxarada, isaga oo soconaya ayeyna ka daadanayaan!
Ninkii, markii arrintan uu caalwaayey ay ku dhacday, ayuu reerkii iyo carruurtii inta u yimid, u sheegay in uu abbahood dilay ee ay cafiyaan, isaga oo xaalo badan farta ka saaray, isla markaasina noloshooda iyo masruufkooda dusha saartay. Laakiin, si kasta oo ay u cafiyeen, xag Alle ayaan weli laga cafin, oo sidii ayey ummuurtii u haysataa!

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus        
Kala xiriir: nayruus@gmail.com

Wednesday, September 5, 2018

FILASHADI SHACNI FOORAR BAA U DAMBEEYEY: Bal eeg sida nin qurbejoog ah uu gabadhaasi u galay

Caku, dhib badanaa haddii qofka kaaga warramaya murugo uu soo martay, ay ilmo inta ka soo daadato, uu inta gacamaha wejiga saarto, isaga oo ilmo iyo hingo isku daraya, uu hadal googo’ ah wax kuugu sheegayo. Kolkaas baa adna, inta calooshu kaa soo dhacdo, illin aadan ku talagelin laabtaada ku taraaxraaxdaa, taasina ay sababtaa hakad badan oo sheekada ku yimyimaada.
       Shacni, iyada oo biibatadeeda shaah ku karsanaysa ayaa wiil yaqaanna i dulgeeyey, si aan inta u arko, u xaalwareysto. Markii la iska kaaya barayey, ayey ina fariisay meel u dhaw halka ay fariisato ee ay adeegga ay ka bixiso ee darmuusyada shaaha iyo weelashu u yaallaan. Salaan iyo shaah macaan oo ay na siisay ka dib, waxa aan ku bilaabay wareysigii aan ugu imid. Kolka ay ogaatay arrinta aan wax ka weydiinayo, isla markiiba waa isbeddeshay. Xasuus murugo iyo tiiraanyo leh ayey gashay. Kolkaas bay iyada oo marna gacmaha iyo dhabannada isa saaraysa, oo hoganaysa, marna ilmaynaysa, si fiican inooga dherjisay qisadeedii oo dhan.
          Gabadhan, iyada oo xillihi duhur ah, oo qarraxdu aad u kulayd, ka soo baxday dugsisa sare ee Imaamu-Shaafici ee Xamar ku yaalla, ayaa iyada oo taagan laamiga Isgoyska Sheekh Cali-Suufi, oo sugaysa bas ay u raacdo xaafadda Buuloxuubey ee ay degganayd, waxaa soo istaagay jambiga ay laamiga ka taagnayd gaari jaadka raaxa ahaa, oo uu watay nin dhalo xiiran, oo ku labbisnaa sirwaal jeenis ahaa iyo funaanad gacmo gaab ahayd. “Abbaayo, soo bax aan ku sii dhaweeyo halkii aad rabtay.” Ayuu ku yiri. Yaxyax, xishood iyo baqdin wax loo kala garan waayey inta galay, ayey inta si feejigan u eegtay, ka aamustay. “Abbaayo, ha xishoon, wiil walaalkaa ah baan ahee, soo gal gaariga aan ku sii dhaweeyee.” Ayuu mar labaad ku yiri, isaga oo weliba inta dejiyey muraayadda daaqadda kale, u sii furay. Gabar, meesha ku yara jacddaday, oo gaari caasi cabbaar u taagnayd bay ahayde, inta dhiirratay ayey gaarigii gashay. “Halkeed u socotaa walaalo?” ayuu weydiiyey. Waxa ay u tilmaantay halka ay u jeedday. Inta uu sii waday, ayuu la sii sheekaystay, isla markaasina ka qaatay xiriirkeeda.
          Shacni waa 18 jir markaasi maraysay fasalka saddexaad ee dugsiga sare. Waa qoor geedkaas le’eg, oo qofka arka uusan da’daasi ku qiyaasi karin. Midabka iyo suurada, waa Soomaali dhalad ahoo, waa tii uu mar hees ku sifeyn jiray Axmed Cali Cigaal, oo ka habaabi maysid. Si kale, magaceeda ayaabad ka garanaysaa bilicda muuqaalka inantaasi. Waa sababta ninkan Xabiib la yiraahdo uu gaariga ugu istaajiyey, kolkii uu quruxdeeda iyo qaabdhismeedkeeda uu aad ugu bogay.    
          Xabiib, waa nin qurbejoog ah, oo da’ahaan markaasi u muuqday 30 jir, laakiin 50 jir ahaa, markiisii hore jir yari u dhashay, aadna isaga sii shaqeeyey, cirrada garka iyo madaxa iyo bidaartiina, xiiritaan ku qariyey. Waa nin taksi ku wada magaalada Shiikaago ee waddanka Maraykanka, waxa uuna soo booqdaa labadii sanaba mar, magaalooyinka Xamar iyo Nayroobi, waxa uuna u yimaadaa tumasho iyo in gabdhaha Soomaaliyeed, inta been ku akhriyo uu uga baashaalo, oo uu ku illoobo xammaalkii, walwalkii iyo walaacii qurbaha. Kolkaas baa Shacni waxa ay ka mid noqotay curdanka uu Xabiib aayahooda seejiyo.
          Shacni iyo Xabiib, waxaa u bilawday sheeko jacayl oo yaab lahayd, oo uu Xabiib u adeegsanayey afmiishaarnimadiisa, waaya-aragnimadiisa, dhaqaalihiisa iyo jejogelinta in uu guursanayo oo uu dibedda geynayo. Kolkaas baa, gabdhaha xilligan laga raac dhaldhaal adduun e, Shacni inta jacayl xawaare ku socda qaaday, ninkii ka daba dhacday. Habeen kasta ku wadidda gaari cad iyo casho had ba nooc ah, bey ka bixi weydey. Hadiyadaha dharka iyo udgiyeyaasha ayaan kala joogsi lahayn. Gabadhii muddo yar gudaheedba, Xabiibow waxa aan ahayn afkeeda waa laga waayey.
          Kolkii ay Shacni ku soo dhacday dabinkii lala rabay, ayaa lagu bilaabay in had ba hoteel lagu ballamiyo, oo halkaas saacado badan lagu hayo. Hawada adduunka ee u bidhaamaysa iyo jacaylka lagu abuuray ba, waxa ay si fudud isugu dhiibtay ninkii. Kolkaas buu, wax danayste ah buu ahaayee, gabadhii bacda inta ka fiiqay, maalin walba ku raaxaysaa kulayl iyo ciriiri uu aad uga helay, oo uusan waayadan dhaayo ka qaadin! Marar badan, waxa ay ku aragtaa qololka hoteellada ay ugu tagto dhalooyin dhaadheer, oo ay biyo ku jiraan, oo dhawr jeer oo ay wadiisay waxa ku jira, uu ugu sheegay cabbitaanno gaar ahoo, uu dibedda kala yimid, oo uu daltabyada isaga ilaaliyo, laakiin miskiintu ma oga, in ay Khamri tahay, ayna sabab u tahay dulqadhoobkiisa aan noogga lahayn ee ay u dulqaadan weydo!
          Caku gun! Ilaahay haddii uu wax kuugu daro gun liidata, oo maalmahaas u shidan tahay, musiibo kuuma dhimmana. Shaw dhacdhaca uu siiyo miskiintaasi Soomaaliyeed waa uu u xisaabsanaa! Sidii uu qaabkaas ugu raqlaynayey, ayaa maalintii uu baxayey, habeenkeedii soo kaxeeyey, kolkaas buu geystay guri ku yaalla Xaafadda Cabdicasiis, kolkaasina qol la galay. Haddii uu keligi ahaan lahaa waa fiicnaan lahayde, xayn qurbojoog ah, oo gurigaas Khamriga iyo Xashiishka ku cabta, gabdhahana ku gumaada, gabdhii saf kamara ku yiri. Hadalkii ugu dambeeyey ee ku dhaho waxa uu ahaa, iyada oo markaasi cabaad bilawday, “Saaxiib, qarashkii waayadan ku gelayey ayaa lagaa soo matajinayaaye, dulqaado!” Halkaas baa habeenkii oo dhan niman marqaansan gabadhaasi ku haysteen. Intaas waa iska oydaa, laakiin yaa warkeeda maqlaya! Markii laga dhammaystay, baa saqdhexe inta gaari lagu soo qaaday, xaafadda Taleex dhexdeeda lagu soo tuuray. Xitaa shilimaad ay bajaaj ku raacdo ma siin! Halkaas baa iyada oo iska ooyaysa, waxa ku soo baxay wiil dhallinyaro ah oo lugaynayey, oo kolka uu gartay xaalka gabadha, inta soo kaxeeyey, bajaaj ku daray, xaafaddeeda geysa.
          Ciddii oo caawa oo dhan sidii ay u raadinayeen ka noogay ayey gurigii ugu tagtay iyada oo basteed ah oo iska ooyeysa. Arrinta kale ee haysatay ayaa ahayd, in ay la noolayd habaryarteed, oo ahayd islaan cirfiid ah oo, naxariistu ku yarayd, oo dhibka gurigeeda ka haystay daraaddeed, ay waadayada ay ninkaasi la socotay, lahayd, waad ka bixi doontaa. La lama diirnixin, la lama murugoon, isbitaal lama geyn, si kalana loo lama tacaalin.
         Shacni, waxaa halkaasi uga bilawday muraaradillaac iyo niyadjab, kol haddii rejadeedii mel xun ku soo burburtay, facsharantay, oo uumiyuhu ogaadeen in la kufsaday, oo gabdho iyo wiilal ba in la isku tilmaamo bilaabeen. Waalidkeed haddii ay la joogto waa fiicaan lahayde, guri yasmo iyo hadal xun la dhaho ayaa nasiibku la nooleeyey. Mar bay isku daydaa in ay ninkii wacdo, laakiin waaba dansanyahoo, subixiiba waa baxay. Haddii ay ka ashtankoon lahayd, ma taqaan halkii uu rasmi u degganaa, cid taqaan iyo tolki toona! Markaas baa foorar iyo dhabannahays waxa aan ahayn ka soo hari waayaa. Iska daah iskool ay aadda e, in ay bannaanka u baxdo waa ku dhici weydey. Taas waxaa ugu darmaday, in muddo yar ka dib ba uu ku soo baxay uur aan aabbe sax ah lahayn, kaas oo keenay in gurigii ay islaantii ka cayriso. Markaas baa Shacni, kolkii ay weyday cid kale oo ay maciinsato, dantu bidday in ay gasho xero ka mid ah xeryaha qaxootiga Muqdisho.
Shacni, waxa ay hadda haysataa wiil kobac ah, waxa ayna nolosheeda iyo kan wiilkeeda ka dabbartaa makhaayad shaah oo ay ka furatay meel waddo ah, oo aysan kiro ku socon.       

Xogwareysigii iyo qoristii: Suldaan Nayruus      
Iga la xiriir: nayruus@gmail.com