Monday, October 22, 2018

TANI WELIGEED BAY JIHAADAYSAY!


Waa aan kuray ahaa ayaa niga oo marar kala duwan raadye daarnaa mawjadihiisa warwareejinaya, waxa aan geeyey meelo ay ku kala jireen raadeyaashii Kulmis iyo kan BBC da. Dhawr mar oo kala duwan baa waxaa maankayga ku soo dhacayey erayada Jihaad iyo Mujaahid oo ay adeegsanayeen dhaqdhaqaaqyadii SSDF iyo SNM ee ka horjeeday dawladdii Kacaanka.
Si fiican waagaas uguma baraarugsanayn waxa uu Jihaadku yahay, laakiin xilli dambe oo aan Kitaabbo raacanayey baan waxa aan ogaaday in uu Jihaadku yahay Dagaal Barakaysan oo Muslimka kala dhexeeya Gaalada cadawga ku ah ee aan heshiis nabadeed kula jirin.
Ayaan u dhaw waayadaas uu macnaha Jihaadku wax iiga bidhaamay baa aniga oo fadhiya makhaayad waddo saarnayd oo shaaha laga cabbo ayaa waxaa magaaladii soo galay gaari, nooca loo yaqaan Jeemiska oo uu saarna qoriga loo yaqaan 37, oo aad sheellaraha loogu cadaadinayey, hoon dheerna yeerinayey. Waxaa gaariga dusha ka saarnaa 5 nin oo, laba ka mid ah qoriga labada dhinac ka saarnaayeen isla markaasina xabbado ridridayeen, laba kalana go`yaal ay warfinayeen iyaga oo ku qeylinayey, “War ka kacooy, magaalada cadaw baa ku soo socdee, war Jihaad u kaca, war Jihaada, . . .” mid kalana uu seeri dhawaajinayey. Gaarigii oo xiimaya ayaa i dhaafay isaga oo magaalada oo dhan ku wareegayey. Magaaladu waxay ahayd magaalo col-u-joog ehe, daqiiqado yarba waxa ay noqotay qof iyo qori.
Xilligu casar buu ahaaye, waxa aan aaday Masaajidka Jaamaca oo ii dhawaa si aan casarka ugu soo tukado Jamaacada. Markii casarkii laga baxay baa waxaa istaagay Imaamkii oo horay dhiilladu ka soo gaartay, kolkaas baa waxa uu Masjidkii ka iclaamiyey Jihaad isaga oo ka sheekeeyey fadliga Jihaadka iyo qofka ku dhinta Jihaadkaas halka uu Jannada ka galayo. Culimo iyo caammo, intii galabtaas Masjidka joogtay qoryahoodii bay iyaguna gurteen. Jihaadkii waa la qaaday galabtaas. Waa laga hortagay cadawgii. Waa la jabiyey. Gawaari, hub iyo saad badanna waa laga soo qanimaystay. Waagaas keliya ma ahayne, dhawr mar oo dambe ayaan arkayey dadka deegaanka oo Jihaadyo kala duwan, mar qaadaya, kolna isku difaacaya.
Aniga oo aad ula yaabbanaa kala duwaanashaha Jihaadka aan Kutubta ku soo arkay iyo midka dadka deegaanka ay isticmaalayaan baan ayaan dambe waxa aan u socdaalay Koofurta Soomaaliya. Xilligaas aan Koofurta imaanayo, waxaa ka jiray Dagaallo Sokeeya oo qaab qabiil u abaabulnaa oo ay kala hoggaaminayeen qabqableyaal jabhado-beeleed oo intooda badan watay xarfo magacyo Ingiriirska ah oo la soo gaabiyey oo ay badankood ka sinnaayeen xafarka ʻSʻ.
Kolkii aan Koofurta soo gaaray, waxa aan ugu imid erayada Jihaad iyo Mujaahid oo ay u isticmaalayaan dhammaan qabiilladii iska soo horjeeday. Qolo kasta waxa ay aaminsanayd in ay Jihaad xaq ah kula jirto qolada kale ee ka soo horjeedda. Deegaankii aan ka imid kuma arki jirin dumar Jihaadka ku jira iyo qof la leeyahay ʻMujaahid Hebel` laakiin waxa aan Koofurta ugu imid oo igu cusbaa dumar Jihaadka dhinacooda uga jira iyo dad Mujaahidiin loogu yeerayo. Marar kala duwan baan waxa aan arkay dad kala duwan oo daagaallo ku nafoobey oo loogu yeerayey Mujaahid Hebel/Mujaahidad Hebla iyo kuwo dagaallo ku dhintay oo la leeyahay, Ilaahay ha u naxariisto Mujaahid Hebel.
Sidii uu u socday Jihaadkaas qabaa`ilka ka dhexeeyey baa Soomaaliya waxa ay misana sii gashay marxalad kale oo dadkii u kala miirmeen laba geesood (Laba maamul oo midna dawlad hoggaaminayso midna Alshabaab horkacayo). Sidii hore oo kale, labadaas dhinacna, horay bay Jihaadkii ka sii wadeen.
Aniga oo muddo dheer la amakaagsanaa habka uu Jihaadku ugu qoran yahay Kitaabka iyo sida Soomaalidu u taqaan, wax ii fasirana intaa aan laʻaa, ayaa maalin dhaweyto soo ag fariistay odayaal meel ku qaxweynayey. Ilaahay amarki, dooddoodii ay kaga hadlayeen xaaladda waddanka ayaa waxa soo dhexgalay erayga jihaad, kolkaas bay cabbaar ka hadleen Jihaadka waxa uu yahay iyo sida ay Soomaalidu u taqaan.
Nin aad u da`weynaa oo waara-arag ahaa ayaa waxa uu ka sheekeeyey in waagii uu erayga Jihaad soo galay carrada Soomaaliya, ay Soomaalidu u fasiratay (Culimo iyo caammaba) in uu yahay dagaal xaq ah oo la isaga dhiciyo qof kasta oo ka soo horjeeda, gaal iyo islaan, kuu doono ha ahaadee. Isaga oo faahfaahin galay buu odaygii sii lahaa, “Marka, xilligii uu erayga Jihaad afka Soomaaliga soo galay, inta saas loo qaatay baa labadii qolo ee is dagaashaba, Jihaad uu dagaalkoodu ahaa.” Odayga oo caddaynayey in uusan farqiga saasa u dhaxayn Jihaadkii hore ee Soomaalida iyo kan hadda, ayaa waxa uu lahaa, “Weligiisba Jihaadka Soomaaliya ka socday nafhur wuu lahaa, laakiin, waxaa Jihaadkan hadda ah ku soo siyaaday hub cusub iyo hab cusub.”
Odaygaas sidii uu taariikhdaas u waday buu markii dambe isaga oo suuljaawinaya, waxa uu hadalkiisii uga baxay, “Jihaadku ma wax hadda Soomaaliya ku cusub baad u qabtaan, tani weligeed bay jihaadaysay!”

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Email: nayruus@gmail.com
Fb: www.facebook.com/snayruus 


Sunday, October 21, 2018

MA NAGA MUDAN YAHAY HADDA MAXAMMED XASAN WEJI XAALMARIN IYO ABAALGUD?

“Laabjabkii iigu horreeyey, waxa aan la kulmay maalintii aniga oo jira 7 sano aan tagay iskool, markaas oo ninkii maamulayey uu igu yiri: Maxaad halkaan ka soo doontay, maad birtiinnii tumatid? Marka uu saas i lahaa, waxaa ag taagnaa macallimiin iyo dad kalaba, kolkaas bay kulligood wada qosleen iyaga oo u muuqday in ay fekerkaas ku raacsanaayeen!” Maxamed Xasan Cali Weji ayaa sidaas yiri, isaga oo sii daba dhigay, “Hadalka xun ee yasmada ah ee niyadda dhaawaca, maalin weliba waan ku qoraacdaa, waana ku qadeeyaa. Waxa ahay golqaniinyada jaahilka. Maalin kasta waxaa iga horyimaada 10 jaahil oo jirkayga cad fuqsada.”
Maxamed Xasan Cali Weji, waa aqoonyahan ka baxay jaamacaddii Lafoole, kuna takhasasay afka Ingiriiska. Waa macallin ka soo shaqeeyey waxbarashada asaasiga ah ee dalka. Waa wariye rugcaddaa ah oo ka soo shaqeeyey raadyow Muqdisho iyo Hargeysa. Waa curiye caan ku ah hal-abuurka sheekooyinka gaagaaban. Waa qoraa soosaaray buug uu ku aruuriyey sheekooyinkiisa gaagaaban. Si kooban, waa nin dadka iyo dalka u soo shaqeeynayey muddo ka badan 40 sano.
Beesha uu ka soo jeedo darteed, Weji, aqoontaas iyo adeeggaas ummadda uu u hayey kaga ma uusan helin bulshada mansab, aqoonsi iyo ictiraaf. Iska daa taase, xitaa kaga ma helo hadal fiican oo laabtiisa farxad geliya. Maalin waliba waxa uu la kulmaa kuwa toos u dhahaya iyo kuwa gadaal kaga xamanaya erayga `boon` iyo erayo kale oo ka sii liita oo lagu xaqirayo. Sidaas oo ay tahay, maalinna Weji kama niyadjebin in uu dadkiisa iyo dalkiisa ugu adeego aqoontiisa iyo waaya-aragnimadiisa.
Halyeygan, kuwo aan garaad ku dhammayn, ka feker iyo aqoon yar, baa maalin kasta hela mansabyo sare, sharaf iyo maamuus, oo weliba lagu casuumaa shirar iyo xaflado sare; dal iyo dibadba, magacooduna meel walba gaaraa. Waxa heerkaas u saamaxaya, waa beelaha awoodda haysta ee laandheerenimada sheeganaya ee ay ka soo jeedaan.
Hadda ma tahay xilligii aan odaygaas laabdhiqi lahayn oo, inta garka iyo gommadda qabsanno aan ku dhihi lahayn: “Aabbe, aad baan uga xunnahay khaladkii naga kaa soo gaaray. Aabbe, waan gafnee na cafi oo, naga raalli noqo.” Ma tahay wakhtigii aan ictiraafi lahayn oo aan siin lahayn ʻbillad geesiʻ iyo ʻbillad sharafʻ oo aan ku oran lahayn: “Aabbe, waad naga mudan tehee, qabso.”

Haddii uu fekerkan kula fiican, fadlan qoralkan sii faafi si uu u gaaro qof kasta oo Soomaali ah oo waxgarad ah, falcelis ku habboonna uu uga yimaado.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com
Fb: www.facebook.com/snayruus


(Muuqaalkiisa iyo hadalkiisii murugada lahaa hoos ka daawo)

Sunday, October 7, 2018

MACALLIN LOO DILAY ARDAY DHACAY DARTI: dhacdo yaab leh oo saameyn muddo ku lahayd waxbarashada dalka


Waayadii ay xoogga u socotay oraahda ahayd ʻnin walbaw tabartaa, nin walbaw taagtaaʻ ayaa macallin dhigi jiray dugsi ka mid ah dugsiyada magaalo waddanka ka mid ah, waxa uu aad ugu ad-adkaa dhanka macallinimada. Waxa uu aad u ilaalin jiray wakhtiga, waxa uuna si dhab ah wax u bari jiray ardayda. Waxa uu dhigi jiray maaddooyin ad-adag, sida: Xisaabta, Fiisigiska iyo afka Ingiriiska. 

Maadaama uu si fiican casharrada ardayda u diyaarin jiray isla markaasina uu ku dadaali jiray in uu fahansiiyo, sidaas oo kale ayuu ardayda ku cadaadin jiray in ay fahmaan kuna dadaalaan barashada carrada iyo nakhtiimintoodaba.

Ma uusan baqi jirin, mana uusan aqoon eexda iyo qof jeclaysiga e, kolka uu imtixaanka saxayo, wakhti badan buu gelin jiray, sida ay tahay buuna u saxaa, arday walibana waxa uu keensado ayuu siiyaa. Taasi waa midda qur ah ee uu uga duwanaa macallimiinta kale, oo iyagu ishooda-qaateyaal ahaa, mararka qaarkoodna eex iyo arday jeclaysi eegi jiray. Macallinkaas mooyee, inta kale waxa ay ka sinnaayeen in aysan ardayba ridin, haddii ay doonaan calaamadaha lagu baaso ha u kala badiyeene. 

Sidii lagu yaqiinnay macallinkan, maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu soo gudbiyey imtixaankii maaddooyinkiisii, oo ay 7 ka mid ah ardaydii maaddooyinkiisa gashay, ay ku dheceen.

Ardayda maaddooyinkiisa ku dhacay, waxaa ka mid ahaa wiil ka soo jeeday qolo hubaysned. Wiilku ma ahayn mid dadaali jiray, mana ahayn mid saani ah u imaan jiray iskoolka. Wiilkan, waa ku baasay dhammaan maaddooyinkii kale ee macallimiinta kala duwan ay dhigayeen, laakiin intii uu macallinkani u bixinayey, buu ku dhacay.

Wiilkii inta ʻu-qaadan-waaʻ ku dhacay, baa isaga oo furka tuuraya inta uu gurigii ku laabtay, waxa uu walaalihi iyo ilma adeerradi u sheegay - isaga oo ficil ka raadinayey - in macallin uu ku riday saddex maaddo oo uu u dhigayey, halka macallimiintii kale maaddooyinkoodii uu ku baasay. Mid walaalkiis ah oo mooryaan ahaa iyo mid kale oo ay qaraabo ahaayeen, baa inta dhiiggii kacay, oo qoryo soo qaateen, bay ku dheheen wiilkii, “Soo bax, na soo tus ninka kugu riday imtixaanka.” Wiilkii, waa soo kaxeeyey, waxa uuna keenay iskoolkii, waxa uuna tusay macallinkii. Labadii jirrida ahayd, ma wareysan macallinkiiye, isaga oo fasal hortaagan, bay baas qabadsiiyeen. Halkaasina ay macallinkii ku dhaaftay noloshii. 

Dhacdadan oo caan noqotay, waagaas ka dib, cidina ma aysan ku dhicin in ay riddo arday wax ka dhigta iskool ka mid iskoollada magaaladaasi iyo magaalooyinkii kale ee laga maqlay. Ilaa iyo haddana saamaynteedii waa ay sii jirtaa.

Markii la dilay macallinkiiba, wiilkii waa ka tagay iskoolkii, mid kalana kuma uusan biirin. Ayaan ka dib, waxa ku dhacay cudur. Waxaa jirkiisa ka soo daatay nabro waaweyn, oo cuncun siyaado ah leh, oo in uu is xoqayo mooyee uusan faraha kala bixi karin. Waxa sidaa oo kale misena ugu darmaday kulay iyo hur, isaga oo in uu 24-saac biyo isku shubo mooyee, uusan joogi karin. Si kasta inta ciddiisii yeeshay oo meel kasta geeyeen, bay caafimaad u waayeen. Markii dambe, sidii uu silicaas iyo saxariirtaas ugu jiray, bay adduun is daayeen.

Fg: Qoruhu uma arkin muhiim in uu sheego magaca magaaladaasi. Dadka ogaa ama ay soo gaartay oo garanaya goobta ay ka dhacdayna, muhiim ma ahan in ay faallada hoose ku muujiyaan, oo ay dadka la wadaagaan.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Fb: Facebook.com/snayruus