Tuesday, April 24, 2018

MACALLIN JAAMACADDII WAAN DHAMMEEYEY: Gabadhii shaxda yaabka leh u degtay macallinkeedii

Markii ay dugsiga sare dhammaysay, ayey gashay jaamacad ka mid ah jaamacadaha Muqdisho. Waxa ay ku biirtay kulliyadda dhaqaalaha. Bilihii horeba, waa ku adkaatay jaamacaddii. Waxa ay ku wareertay afka Ingiriiska iyo xisaabaadka dhaqaalaha. Waxaa kale oo niyadjab weyn ku riday buugta waaweyn ee jaamacadda oo marka ay soo kala rogto ay waxba ka fahmi weydo. Dhawr jeer bay ku fekertay in ay jaamacadda isaga harto, laakiin, misena waxa ay aragtaa, qeyrkeed oo ay dugsi sare isla soo dhigteen oo waxbarashadii sii wata.


Muddo markii ay isweydiin ku jirtay, ayaa waxaa u soo baxday in ay samayso tab kale oo ay waxbarashadan ku sii wadi karto. Waxa ay ahayd gabar is hubta oo aad u qurux badane, waxaa ay is tustay, in ay wejigeeda jaamacadda uga baxdo. Inta arrintaas go’aan ku qaadatay ayey muddo bil ah, waxa ay baaritaan ku samaynaysay hormuudka iyo macallimiinta kulliyadda. Kolkaas bay waxa ay soo ogaatay, in macallinka ugu xiisadaha adag uu yahay hormuudka kulliyadda. Waxaa kale oo ay soo heshay, in hormuudka kulliyadda uu xukumo macallimiinta kulliyaddaas. Kolkaas bay waxa ay go’aan ku gaartay, in ay shax u daadiso hormuudka kulliyadda, si ay uga dhigato buundo ay uga tallowdo hirarka caqabadda ku ah guul-ka-gaarista waxbarashadeeda.  

Maalmahaas ay talada rogrogaysay, waxa ay ahayd horraanta bisha 10aad ee sannadka 2013kii. Kolkaas bay sidii ay uga fekeraysay halkii ay shaqo ka ambaqaadi lahayd, waxa ay ku soo dhacday in hawsheeda koowaad ay ka bilawdo, in ay hadiyad qaali ah oo soo jiidasho leh guddoonsiiso maamulaha kulliyadda. Markii ay taladaasi heshay ayey misena ka fekertay xilliga ugu habboon ee ay hadiyaddaasi ku beegi karto. Sidii ay taana u maanshiilaysay, waxaa u soo baxday in ay haddiyaddaasi ku beegto munaasibadda maalinta macallinka Soomaaliyeed oo ku aaddan 21ka bisha 11aad oo markaasi bil iyo jarjar ka dhimmanayd.  

Marka xilligii la gaaray ayaa, awal bay qurux u dhalataye, inta aad isku sii bishay, waxa ay maalintaas tagtay xafiiskii hormuudka. Albaabka oo riixnaa inta garaacday, ayey tiri, “Macallin waa Rooda e, ma soo geli karaa?” Nasiibkeeda, keligi buu ahaaye, “Soo dhaaf” buu yiri. Inta ay xafiiskii ugu gashay hormuudki ayey si xushmad ku dheehan tahay u guddoonsiiyey hadiyad cajab lahayd. Markaas ay guddoonsiinaysay, iyada oo dhoollacaddaynaysay ayey ku lahayd, “Macallin Rooble iga guddoon hadiyaddan, waxa aan aad ugu faraxsanahay macallinimadaada, waxa aana jeclahay in aan kuugu hambalyeeyo maalinta macallinka Soomaaliyeed.” Hormuudkii, markii ay gabadhu u soo galeysayba, quruxdeeda ayuu indhaha siin waayey. Kolkii ay inta u soo dhawaatay, hadiyadda u dhiibaysayna, waxa uu la ashqaaraaray udgoonka gabadhaas ka soo baxayey iyo muuqaalka xubneheeda qaar, maadaama ay dhar ku dheggan qabtay. Weligi ma arag arday hadiyaddan oo kale u keena oo weliba ku soo addiyey munaasabaddan muhiimka ah! Hormuudkii si kale ayuu noqday, gabadhiina maankiisa ayey boos ka xaaratay.

Wixii maantaas ka dambeeyey, hormuudkii iyo gabadhii waxaa u bilaabatay xiriir mar dambe isku beddelay jacayl oo ardayaddu markii hore ay jilaa garwadeen ah ka ahayd, laakiin markii dambe isaga si dhab ah ay ugu tallaalshay oo uu gaaray in uu daqiiqad moogaan waayo inantaas hadalkeeda ama muuqeeda.

Marka gabadhii uu ugu soo dhacay dabinkii ay u dhigtay, isla jeerkaasna aragtay sida uu u jecel yahay hormuudku, waxaa gashay kalsooni. Iska daa wax akhris e, xitaa mar mar waa u goysaa casharrada fasalka, wax kastana waxaa xalliya hormuudka. Taas iskaba daaye, dhaqaalaynteedii waxa uu ugu daray, in uu waayadii dambe, isagu uu ka bixiyo lacagta jaamacadda. Imtixaanka iyada ayaa ugu sara marta fasalka, sababta oo ah, hormuudkii ayaa waxa uu bilaabay in uu gabadha imtixaanka ka saacido oo inta imtixaanka uu sii siiyo, buu misena kala sii shaqeeyaa, kolkaas baa iyada oo xafidsan horey ka qortaa imtixaanka, dhibco sarena ku baastaa.


Kolkii ay gabadhii dhammaysay waxbarashadii oo weliba dhibco sare oo yaab leh jaamacaddii uga baxday, ayaa markii ay qaadatay shahaadadii, awalba dan bay ku wadataye, hormuudkii taleefoonka ka qaban weydey. Gurigeedii ayuu tagaa, kolkaas baa albaabka sidii uu u garaacayo, laga furi waayaa.

Sideedaba, jacaylku waxa uu ugu daran yahay kolka jeclaaduhu uu waawaayo la-jeclaadaha. Marka oo ay ku adkaato jeclaadaha in uu heli waayo maqalka ama muuqa la-jeclaadaha, waa mar kasta oo uu jacaylka ku sii bato jeclaadaha.

Hormudkii, waayidda uu waayey inantii uu indhihiisa ka jeclaa, waxa ay gelisay badweyn jacayl oo hafisay. Har iyo habeen waa jiifan waayey, jaamacaddii qummaati waa u aadi waayey, oo googooys buu noqday, haddii uu aadana waa maqanejooge. Waa wiiqmay oo, waxa uu noqday xayeysi dharkiisii hore ku dhexdhacay. Intaa waxa uu ka fekeraa waxa gabadhii ku dhacay, intaana waxa uu ku mashquulaa taleefoon aan la qabanayn ka-waciddiis, farriin aan laga soo jawaabayn ugu diriddeed Moobeel iyo Faysbuug, guri aan laga furayn garaaciddiis, haddii laga furana, mar magaalada ayey ku maqan tahay la leeyahay, marna meel kale ayey qabatay ama waa jiifta loogu jawaabayo. Ma ka quusto, ma helo, kama warhelo.


Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa macallinkii oo Dahabshiil u yimid in uu lacag koontadiisii kala baxo, waxa uu ugu soo galay Roodo oo bangigii ku dhex jirta oo iyana hawl meesha u timid. Uu indhaha ka qaadayba, inta is heyn waayey oo ku orday, hadal calaacal ah oo dadkii ag joogay ay maqlayeen, ku yiri, “Roodooy, qaali, maxaa kugu dhacay oo aad intaas iiga maqnayd, sidii aan kuu raadinayey waan kugu daalaye?. Qaali, sidii aan kuu waayey hurdo iyo hoyaad waan ka tagay, adiga ayaana kaa fekerayey. Xabiibti, maxaad sidaas u samaysay oo aad waqtigaas dheer muuqaaga iyo maqalkaaga iiga qarisay?” iyo erayo kale oo laab wax jecel ka imaanayey, ayuu ku lahaa, isaga oo aan arkayn dadka faraha badan ee ku hareereysan oo inta maqlay soo wada dhuganayay.

Roodo, inta markii hore ka naxday, ayey inta si xasilloon u dhageysatay, kolkii uu hadalkii dhammeeyey, sidii uu jawaab qurux badan oo qalbiga u dhista uga sugayey, si yaab iyo yasmo ku jirto inta loo eegey, hadal oo dhan waxa ay ugu soo koobtay, “Macallin jaamacaddii waan dhammeeyey!”

 

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus 
E-mail: nayruus@gmail.com 

Saturday, April 21, 2018

QABIILKA OO SAAMEYN KU YEESHAY SIYAARADII AWLIYADA SOOMAALIDA, KUWA CAALAMIGA AHNA UUSAN WAX SAAMEYN AH KU YEELAN


1990kii ka hor, haddii aad Soomaaliya ku noolaan jirtay, waxaa jiri jiray Awliyo dalka laga wada yaqaannay, oo wakhtigoodii ugu badnaa u soo huray faafinta diinta islaamka. Culimadaas Awliya Alle ahaa, kolkii ay geeriyoodeen, ummaddu si wada jir ah ayey xus duco iyo barako ah ugu dhigi jireen. Waayadaas, waxaa la arki jiray, marka la gaaro xilliga siyaarada, dad badan oo oo kala yimaada dhammaan daafaha Soomaaliya, oo isugu yimaada qabriga weligaas la siyaaranayo. Awliyada aannu xiriirka la lahayn ee waddamada kale, iyagu, intii isku meel deggan ba, deegaankooda ayey ku xusi jireen, maadaama aysan qabuurtoodu ku oollin dalka dhexdiisa.



Wixii ka dambeeyey 1990kii, xaalkii waddanku waa is beddelay. Dagaallo iyo colaado sokeeye ayaa waddankii kala xiray. Qolo walbana waxa ay ku khasbanaatay in ay deegaankeeda ku siyaarato Awliyadaas – kuwa gudaha iyo kuwa caalamiga ah ba.




Laakiin, wixii ka dambeeyey 1996kii, dagaalkii sokeeye meelo fool xun ayuu gaaray, taas oo keentay in Awlayadii Soomaaliyeed la barto qolyooyinka ay ku abtirsadaan. Kolkaas baa haddii uu weligu ka soo jeedo laba qabiil oo ay colaadi dhex martay midkood, deegaankaas siyaaradiisa laga joojiyaa. Sidaas darteed, qabiillo badan ayaa joojiyey siyaarada culimo badan oo ka soo jeeda qabiillo aysan isku wanaagsanayn.


Maadaama siyaarada culimada wanaag iyo barako loo arko, hadda qabiil walba sheekh ay isku heyb yihiin oo dhintay, haddii uu jiro, isaga ayey siyaartaan, haddii uusan jirinna, odaayasha qabiilku uu ka soo farcamay ayey xusaan.




Siyaartii Awliyada caalamiga ah, iyadu qabiilku saameyn kuma yeelan, oo sidii loo siyaaran jiray ayaa meel walba oo Soomaaliya ka mid ah xilligeedii loogu qabtaa.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com

Thursday, April 19, 2018

MAXAA KALA HAYSTA JARAA’IDYADA KA SOO BAXA DUBAI IYO MAQAAYADAHA SOOMAALIYA? Arrin yaab leh!


Kollay haddii aad Soomaaliya joogtid, cidi kaaga ma sheekeynayso maqaayada cuntada laga cuno ee Soomaaliya. Markii aad cuntada dhammaysato, waxaa laguu keenayaa jaraa’id la soo jarjaray, si aad afka iyo gacmaha isaga tirtirto. Jaraa’idyada laguu keenayo, waa kuwa ugu caansan Dubai, sida: Dubai Standard, Gulf News, Khaleej Times, The national, the  Arabian Post iwm. 
Waxaa yaab leh, in ganacsato ay ka keensato jaraa’idyadaas Dubai, oo ay soo rartaan, una keensadaan waddanka, in ay ka iibiyaan maqaayadaha Soomaaliya, si ay macaamiishooda afka iyo gacmaha ugu ishtiraashaystaan. 

Sheekada ugu xiisaha badnayd, waxa ay ahayd, markii nin u dhashay waddanka Iskutagga Imaaraadka Carabta uu arkay nin Soomaali ah, oo boqollaal kartoon ku raranaya jaraa’idyadaas, markaas buu waxa uu weydiiyey, “Akhi, masha Allah, waddanka Soomaaliya illeen waa waddan akhriska aad looga xiisaayo, oo inta jaraa’idyadii ka soo baxayey ku filnaan waayeen, kuwaan soo dhoofsada!”. Ninkii Soomaaliga ahaa waxaa ku adkaatay, in uu Carabkii u sheego, in jaraa’idyadan afka lagu tirtirto, markaas buu ku yiri, “Akhii, umadda Soomaaliyeed waa ummad war ku nool ah!”. 
Ha la yaabin, haddii uu Carabkii ninkii Soomaaliga ahaa ugu deeqey lix bilood, kumaannaan nuqul oo 7-da jaraa’id ee UAE ugu caansan ah, si ummaddaas warka ku nool ay uga faa’iidaystaan. Isna waa ganasade Soomaaliyeed e, inta soo rarto jaraa’idkaas ayuu maqaayadaha Soomaaliya ku soo daabulaa. Masha Allah, aad buu uga macaashay! 

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com

Monday, April 16, 2018

MAXAA KALA HAYSTA DHAGOOLAYAASHA IYO CIIDAMADA AMMAANKA MUQDISHO?

Muqdisho marka la joogo, cid kasta oo ka baqaysa in la beegsado, waxa ay samaysataa ciidan waardiyeeya. Haddii ay meel gaar ah deggan yihiinna, waxa ay samaystaan xad ay dhigaan dhagaxaan shub ah ama jawaanno ciid laga buuxiyey, waxa ayna meel gaar ah ugu sameeyaan waardiye gaariyaasha iyo dadka meelaha maraya u diga, wixii soo dhaafa xadkaasina rasaas huwiya.

Waad og tahay, oo waddanka shaqo la’aan iyo faqri ba’an ayaa ka jirta, sidaas darteed, dadku iyaga oo iska lugaynaya ayaad arkaysaa, iyaga oo iska maqan, oo maanka is kala sheekeysanaya. Markaas baa waxaa laga yaabaa, in qofka maqalkisii caadi yahay laakiin is ka maahsan, uu ku yimaado meel inta qolo xirtay ay ciidan waardiyeynayaan. Marka hore, qofka iyaga oo aan la la hadlin ayaa qoriga lagu soo jeediyaa, markaas baa haddii la arko, in uu iska soo socdo, qaylo iyo xabbad kor loo rido la isugu daraa. Qofkii inta argagaxo, oo maahsanaantii ka baxdo, ayuu arkaa isaga oo meel jinni maraya, kolkaas buu inta ka leexo, dhabbe islaan qaadaa. Ka warran, ninkaas nolosha Soomaaliya ka jirta la maahsan, haddii uu ahaan lahaa dhagoole?!

Qofka dhagoolaha ah, isaga oo iska socda oo maahsan, haddii uu ku yimaado meelahaas, oo dhowr jeer ‘joog’ lagu yiraahdo, oo uu maqli waayo, waxaa dhacda, in xabbad lagu furo, oo uu halkaas ku dhinto. Waayadan qof la dilay wax ba la iskama weydiiyo, haddii uu sii yahay qof laangaab ahna, kaba sii daran. Shabaab wax dilay ama Shabaab la dilay ayey dadka oo dhan wada noqdaan.


 
Inta aan maqlay, saddexdii sano ee ugu dambeysay, afar dhagoole ayaa sidaas ku dhimatay, oo qaar ka mid ah ku baxay gacanta ciidamada shisheeye ee waddanka jooga, oo dhagoole iska lugayna inta ku soo baxay, ay inta u maleeyeen wadkoodii, ay markaas xabbad raacsiiyeen. Inta aanan maqal ee dad kale maqleen waa ka sii badan karaan tiradaas.

Waxaa intaas dheer, marar farabadan ayaa ciidamada ammaanku dhagooleyaal iska qoodaynaya ku soo baxaan, kolkaas bay inta ka shakiyaan qabtaan. Marka ay la hadlaan oo ay jawaabi waayaan, ayey u maleeyaan dad is yeelyeelaya, markaas bay aad u garaacaan. Muggii ay war ka waayaan ayey xabsiga cadaabta u taxaabaan. Sidii loo garaacayo ayaa markii ay juuq dhihi waayaan, xabsiga ku hayaan ilaa uu ka imaanayo qof raadinaya. Jeerkaas bay ogaadaan in uu dhagoole yahay. Xabsiyada waxaa jooga, dad dil kaga hadalsiiya dadka hadli diida, cadaabtaas darteed na sheegta dambi aysan shuqul ku lahayn, laakiin ma joogaan dad af yaqaan kuwa dhagaha la', sida loo garaacayo, oo hadal looga raadinayo ayuu dhintaa!
Fadlan, haddii ay farrintani ku damaqday, la wadaag asxaabtaada iyo ciddii mas’uul ah oo aad garanayso, adiga oo aan minguurin.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com

Saturday, April 14, 2018

GANACSATADA SOOMAALIYEED MA KALSOONIDARRO BAA HAYSA MISA AQOONDARRO? Bal arag arrintan yaab kale leh ee aan u fiirsaday!

Marka aad marayso laamiyada ama jidcaddayaasha halbawlaha ah ee magaaladaada, ama dhex marayso suuqyada waa weyn ee dalka, waxa shaki kaa galayaa in aad Soomaaliya joogto! Sababtuna waxa ay tahay; masawirrada ku dheggan tabeellayaasha suran foolka bakhaarrada, dukaamada, carwooyinka, dhartolayaasha, mayaaqadaha, hudheellada, timejarayaasha, gabdhoqurxisyada, xarumaha duullilmaadka, xarumaha dhardhaqaalka, isbitaallada iyo … iwm.

Haddii aad u fiirsato bakhaarrada, dukaamada iyo carwooyinka; waxa aad ku arkaysaa tabbeellyaashooda sawirro gaalo cadcad oo dhar qaba ama saacado. Meelaha dharka gabdhaha lagu iibiyo, waxaa ugu sawiran gabdho carbeed oo cabbaayado qaba ama carruur carbeed oo dharkooda qaba. 

Xitaa meelaha qabdhaha lagu qurxiyo naago cadcad oo hablo ay isku qolo yihiin u cillaamaya ayaa ugu sawiran. Kuwa iibiya khamiisyada iyo catarrada waxaa ugu sawiran nin carab ah oo cigaal qaba. Dukaamada hilibka iibiyo iyo hudheellada cuntada gada, waxaa ugu sawiran nin koofi dheer qaba (oo gaal iyo islaan kuu yahay aanan garanayn) oo saxuun iyo middiyo wata, oo ag taagan digaag shiilan iyo showaarmo la saafayo. Kuwa dharka tola, niman aan u malayn in ay Hindi yihiin oo dhar tolan qaba ayaa ugu dawiran. Isbitaallada, jaad kasta oo yihiin ba, waxaa ugu sawiran niman iyo naago caddaan ah oo wax baaraya. Shirkada taleefoonnada, iyo kuwa bangiyada sawirro dad cad baa ugu dheggan!

Ma arkaysid maqaayada cuntooyinka dalka ay tabbeellayaasha ugu sawiran yihiin iyo qof Soomaali ah oo xayeysiinaya, iyaga oo weliba iibiya. Middii iigu yaabka badnayd, waxa aan arkay biibato iibisa caano geel oo keliya, misana uu ugu sawiran yahay nin cad oo caano cabbaya!

Intaas waxaa dheer, inta badan afka ugu qoran waa afaf qalaad: Ingiriis iyo Carabi.

Adduunyada, dhawr meel oo aan ka soo maray, waxaa xarumahooda ganacsi ugu dheggan sawirrada dadkooda, xitaa kuwooda ugu caansan, afkooda ayaana ugu qoran. Kuwaani, ma waayeen dad Soomaaliyeed oo ay ku sawirtaan iyo cid afkooda waxa ugu qorta mise kalsoonidarro ayaa haysa, oo dadka caddaanka ah iyo afka qalaad ayey kaga kalsoon yihiin mise taleefishinka waxa ay ka arkeen ayey soo minguuriyeen oo aqoondarro baa haysa!

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus     
E-mail: snayruus@gmail.com