Tuesday, December 8, 2020

GABAR XEELAD U DEGTAY MINYARO KU SOO SOCOTAY: Bal Arag Shaxda Ay Marwadan U Degtay Ninkeeda Iyo Gabar Uu Rabay In Uu Daba Keeno!

Habeen ay casho u keentay ayey aragtay Saygeeda oo raashinkii ag yaallo oo aan weli afka saarin, ugana mashquulsan Moobeel iyo Farriimo-diris. Dhawr jeer oo ay ku soo laalaabatay ayey u sheegtay in uu badarka cuno inta uusan saa`id uga sii qaboobin. Mar dambe ayaa waxaa kulmay iyada oo qolka cuntada u soo gashay iyo isagii oo weli afka saarin cuntadii oo markaa suuliga galay, Moobeelkii oo furanna miiska kaga tagay. Waxay istiri bal eeg waxa uu sidaas ugu mashquulsanaa, mise sheeko hallaasi ah baa u socotayba, oo jacayl waalan buuba dhex jibaaxayay! Waxa ay daqiiqado kooban isha ku marisay intii ay ka gaari kartay, kolkaas bay waxa ay ogaatay in isaga iyo gabar yar ay meel fiican wax u marayaan, hawshooduna soo dhaw dahayba. Inta taleefoonkii gabadha ka qoratay ayey Moobeelkii u dhigtay, waxna dhiillo ahna ma dareensiin Saygeeda.
Lambarkii gabadha ayey Watisab ku darsatay, waxayna bilowday in ay xirii saaxiibtinimo la samayso Inantaas. Maalinba maalinta dambaysa waa ay isku soo dhawaanayeen, iyaga oo marar badanna wada tagayey aroosyo kala duwan oo kol Inantaas dhankeeda ka socday, kolna Marwadan dhankeeda ka socday. Xataa waxa ay gaareen in ay si joogta ah isu soo booqdaan. Xiriirkoodu kuma ekayn oo keliya hadal, israaraac iyo booqsha e, Marwadu waxa ay ka saacidda Inanta dhanka lacagta Interneetka, hadalka, cusburka iyo cillaanka iyo adeegyada kale ee ay u baahato, taas oo keentay in si fudud ku degto maanka inanta, noqotana saaxiibta keliya ee ay ku tashato.
Waayadii la isfahmayba, waxaa la iska wareystay xaalka xiriirka nolosha, iyada oo Marwadu sheegtay in la qabo laakiin ay ka qarisay cidda qabta, Inantuna carrabowday in aan la qabin laakiin ay lee dahay xiriir jacayl oo natiijadiisu dhadhawdahay. Waxaa kale oo Inantu ka warrantay in ninka ay wada sheekaystaan uu naag qabo, oo uusan ka qarin arrintaas. Kolka ay Marwadii ogaatay xogtaas ayey gabadhii waxa ay ka dhaadhicisay in aysan u habboonayn iyada gabadhaas yar ee quruxda badan ah in ay nin xaasle ah oo nolol kale ku jira ay iyaduna la wadaagto. Waxa ay si wacan ugu sharraxday in xaasleyaashu aysan qaddarin badan siinnin Minyarada oo ay muhimmadda koowaad siiyaan Minweynta. Tusaaleyaal badan ayey arrintaas ka siisay. Waxa ay ka raaridday in aysan ku degdeg guurkaas xaaslaha ee ay la samaysato xiriir kale nin aan naag qabin, kanna xiriirkiisa ay ka fiirsato. “Adiga oo aan garoob ahayn, oo dhabankaas leh, oo heli kara labaatan jir, maxaa kugu wada nin naag iyo carruur walwaalaya?” ayey mar kasta ogaal weydiin ugu celcelisaa. Intaas uga ma harta e, qoraallada farriimana waa la eegtaa, jawaabaha waxa ay u la qaabaysaa hab dood iyo muran dhalin karta, taas oo ay ka tusiso waxyaalo badan oo Inanta sii fogeyn kara. Waxa ay taqaannay meelaha uu ninkeedu uu ka nugul yahaye, bartaas bay uga adkeysaa.
Inantii waxbaa juq yiri. Talada Marwada feker iyo wax isweyndiin buu ku dhaliyey. Talo rogrog badan ka dib, waa la qummanaatay soojeedintii Marwada, waxa ayna bilowday in ay xiriirro cusub ay samaysato. Waxa ay u kicitintay in ay gaabiso xiriirka ninkii. Inta ay shaqadaas ku jirto, Marwaduna talo iyo taageero kama dayso. Sidii ay Marwadu talo u siinaysay Inanta, aakhirkii meel xun buu ku kala go`ay xiriirkii Inanta iyo ninka oo waagii ay Marwadu soo dhexgalaysay u marayey meel wanaagsan, ballankuna ahaa in ay isguursadaan shab bil ka dib oo u soo diyaargaroobayey ninku.
Intaas uga ma harine, waxa ay Marwadu istustay in ay macquul tahay in ay dib isugu laaban karaan, kolkaas bay waxa ay Inantii ku sii gubaabisay in ay si degdeg ah ku guursato wiil ay sheeko u socotay. Wiilkaas waa ay baratay Marwadu, waxa ayna ka shaqeysay sidii ay isugu soo dhaweyn lahayd, una yegleeli lahaayeen Reer. Sidii ay u wadday, ugu dambeyn, Inantii waa gurigaysay.
Ninkii, aad buu u jeclaa gabadhaas yar, sidii uu khilaafkoodu u bilowdayna, wax weyn baa si ka noqday. Waa Inan uu jacayl waalli ah u qaaday oo, uu wakhti iyo dhaqaale miiran geliyey soo xerogelinteeda. Intii uu ismaandhaafkaas socday, wax walba oo lagu dejin karo gabadha, oo xiriirkii caadiga ka dhigi karaa waa sameeyey. Jeerka uu maqlay in Inantii la guursaday, rejadii waa dhammaatay oo, waalli buu u sigtay. Feker iyo dhabannahayn buu waayo ku jiray.
Intaa ay Marwadu hawshaas ka shaqeynaysay, waa la socotay shucuurta iyo dareenka saygeeda, laakiin dabayl caafimaad baa ku maraysay.
Ilaa iyo hadda ninkaasi ma oga meesha laga galay!
FG: Sheekadan waxaa iiga sheekaysay Marwo ku taxan boggan, waxaana ku dhaliyey in ay ila wadaagto, ka dib markii ay akhrisay qoraal bishii hore halkan ku faafiyey oo cinwaankiisu ahaa: TALADII MINYARADNIMADA oo ka sheekaynayey Inantii u keentay talada uu ku guursan karo ninkii ay jeclayd ee xaaslaha ahaa ee Minweyntiisa ka baqi jiray.

Waxaa Qoray
SULDAAN NAYRUUS nayruus@gmail.com

NINKII MASEYRKA BADNAA: Walaallay tani waa ii qoran tehee wax kale sheeg?

Hadda ka hor baa waxaa jiray nin Soomaali ah oo masayr badnaa. Isaga oo doob ah ayuu gabadha uu la shakaysto ka masayri jiray. Ayaantii dambe ayaa waxa uu iska warsaday: Haddii gabdhaha aan la qabin sidaan yihiin, kuwa la qabo sidee weeye? Isla su`aashaas ayaa haddana feker kale ku sii dhalisay ahaa: Haddii aad lacalla naag guursan lahayd, sideed ku ogaan lahayd in xaaskaagu ay nin kale aaddo? Cabbaar ayuu arrintaas haddana isa sii weydiinayey. Markii dambe ayaa waxa u soo baxday in uu hadda ogaado waxa ay gabdhuhu waaridkood u sheegaan marka ay shukaansi tagayaan oo uu sababahaas oo dhan buug ku qorto, oo hadhow haddii mid ka mid ah uu xaaskiisa ku qabto, uu fahmo oo uu u diido in ay sababtaas ku baxdo.
Arrintaas buu ku dhaqaaqay. Waxa uu bilaabay in uu gabdho badan uu shukaansado, mid kastana uu ku ballansado qolkiisa. Tu kasta oo u timaadda waxa uu weydiiyaa waxa ay waaridkeed ku soo tiri markii ay guriga ka soo baxaysay. Mid baa tiraahda: Waxaan ku iri, saaxiibtay ayaan wax la soo akhrisanayaa ama buug ka soo qaadanayaa. Mid baa tiraahda: baladkaan wax ka soo gadanayaa ayaan ku soo maray. Mid baa tiraahdaa: Aroos ayaa aadayaa baan u soo sheegay. Mid kasta waxa ay u sheegtaa waxa ay waaridkeed ku soo tiri markii ay guriga ka soo baxaysay. Isna, waxa uu buug ku qortaa tu walba waxa ay tiraahdo oo ay guriga uga soo baxdo. Arrintaas muddo dheer ayuu waday, wuxuuna ka buuxiyey buug weynankii ka batay.
Waagii dambe ayuu guursaday. Waxa uu xaaskiisa faray in aysan weligeed guriga ka bixin sabab maangal ah mooyee. Haddii ay maalin ku tiraaho waan baxayaa, waxa uu weydiiyaa sababta ay ku baxayso. Sababtaas haddii ay sheegto, waxa uu buuggii ka eegaa sababihii ay sheegi jireen gabdhiihii u imaan jiray. Haddii sababta ay sheegtay xaasku laga helo buuggaas, waxa uu dhihi jiray: Walaallay tani waa ii qoran tehee wax kale sheeg? Ma fasixi jirin ilaa ay sheegto sabab aan buuggaas ku jirin.
Sheekadani waxa ay igu la soo dhacday, markii aan arkay nin saaka xaaskiisa u garaacaya shaki bixitaan darti.

Waxaa Qoray
SULDAAN NAYRUUS nayruus@gmail.com

Sunday, September 20, 2020

NIN ISAGA IYO XAASKIISA MEEL XUN AY KA GAADHAY OO MARKII DAMBE XAL U HELAY: Sidee isugu xumaadeen, habeebkee se uu xal ugu helay?

Nin dhallinyaro ah oo xisaabiye u ah shirkad ay hawlaheedu aad u kala socdaan, noloshiisuna ku xiran tahay taxaddarkiisa, ayaa waxa ay aad isku dhibsadeen xaaskiisa. Ninkani waxa uu yimaadaa gurigiisa, isaga oo aad iyo aad u daallan oo madaxa haysta shaqadii xisaabinta ahayd oo dhibta badnayd awadeed.

Waa og tihiin oo, dadka ku shaqeeya xisaabaadka ad-adag ama qorsheynta iyo kala-maamulka hawlaha culculus ee joogtada ah iyo kuwa fekerka iyo hindisidda iyo wax-xallinta ku shaqeeya, ama tartan iyo rag-iska-dhicis ku jira ama la-daalaa dhacaya arrimo adduun oo kale, aad bay maskaxda uga daalaan. Iyaga oo daal la tiicaya ayeyna tagaan guryahooda. Xataa marka ay tagaan aqalladooda, wax baa aalaaba ku soo dhacdhaca ama ka khaldamay amma ay illoobeen, arrimahaas oo qaarkood walwal leh ayaa maankooda kaakiciya. Dadka noocaas ah, kolka ay guriga yimaadaan, ma jecla hadalka badan, warjeceylka xaasaskooda ama or-orodka iyo qeylada carruurtooda. Waxa ay aad u xiiseeyaan, in ay qolkooda galaan, ku nastaan, iyaga oo maanka is kala sii sheekaysanayana, iska seexdaan.

Ninkan dhallinyarada ah, kolka uu guriga yimaado, ayaa waxaa gorodda ka soo gasha xaaskiisii oo caabboon. Waa gabar firfircoon oo maanta oo dhan xaafadda iska joogtay oo marna hurudday marna nasiino kale isaga jirtay. Maaddaama uu maalintii oo dhan ka maqan yahay, waxa ay rabtaa marka uu yimaado in ay wakhti fiican la qaadato oo uu la dheeldheelo oo uu uga sheekeeyo sheekooyin farxad leh aadna uu u a-ammaano. Waa gabar ku xiran musalsallada oo aragta nin marka uu xaaskiisa u imaanayo, hadiyad qaali ah u soo qaadayo, marka uu yimaadana inta labada dhaban ka dhunkada, horay qosol, dheel, sheeko iyo farxadsiin uga bilaaba. Dadkaas aan isqabin ee filinka beenta ah jilaya ayey inta dhab u qaadato, ninkeeda sidaas oo kale ka raadisaa. Laakiin arrintaas kama hesho. Inta badan, waxa ay aragtaa, uu yimaadaba, kolka uu suuliga ka soo baxo, isaga oo sariirta tagaya oo isduuduubaya. Waa ka dabatimaaddaa oo, inta casho u keento bay isku daydaa in ay la had-hadasho, laakiin, jawaabaha ayuu u soo kookoobaa, iyada oo ka dareemaysa dhibsi. Xataa haddii waxyaalaha ay kala hadlayso ay lacag ku jiro, waa ku adag tahay in uu kala dodo, oo inta badan horey buu ka yeelaa, si kasta oo ay ugu culus tahay, isaga oo isdhaafiyana ka-doodisteeda.

Marka sida ay jeclaan lahayd ka weydo ayey ku bilowdaa hadal. Garnaqsi ayey uga anbaqaaddaa: Hebelow, ma waxaad u qabtaa in uu guurku yahay oo keliya jimcaysi, ilmo la dhalo iyo masruuf la bixiyo. Guurku saaxiib intaas waa ka ballaran yahay, waxaa uuna u baahan yahay muxubbo iyo farxad. Aniguna guurkaaga kuma haysto wax dhadhan ah Wallaahi. Wallaahi guurku, haddii uu sidaas yahay, maba aanan galeen. Waxa ay mar walba ugu dhega-hadashaa in uusan jeclayn ee uu is kaga ag joogo, carruurta yeysan kaa dayacmin. Waxyaalo badan oo maskaxdeeda ka guuxayey oo qaarkood sannado ka hor dhex mareen bay soo gocotaa oo ku sii wada sii daysaa hal mar. Xataa marar badan carruurta ayey ku soo yaacisaa, markaas bay ka aragtaa dhibsi iyo isaga oo ku leh: Carruurta iga kaxee, heedhe. Jeerkaas bay tiraahdaa: haddii aadan carruurta jeclayn maxaad u dhalaysay iyo haarammo kale.

Dhawr jeer oo uu damcay in uu uga sheekeeyo culaysyada qabqabta si ay wax ula fahanto, waxa ugu jawaabtaa: Saaxiib rag oo dhan waa shaqeystaa, dumarkooda iyo carruurtoodana farxad waa siiyaane, adiga ayaan niyad hayn!

Dhibtaada kale ee jirta ayaa ah: Nimanka noocaas ah ee maskax-mashquulka badan, sida ragga caadiga ah oo kale, xiiso mar walba ah uma qabaan galmada. Aalaabana, marar badan oo aysan doonayn, waxa ay u sameeyaan in ay ku qanciyaan xaasaskooda. Intantaan, marar badan oo ay aragtay isduuduubkiisa iyo feker-soo-jeedkiisa, waxa ay u qiyaasatay in uu xaas kale lee yahay oo uu meelo kale soo maray oo uusan iyada u baahnaynba, niyadna u hayn. Halkaas masayr badan bay ka qaadday, naago ay xan-wareysatay oo ka waaya-aragsanna, waa ku sii xoojiyeen.

Ninkii, habeen walba waxa uu la kulmaa inan caabboon oo sheeko iyo qosol iyo farxad raadis ah, isna, waa nin, isaga oo maskaxdu xanuunaysa oo culays haysto imaanaya guriga oo aan awoodi karin waxa ay gabadhaasi doonayso, xataa ay ku adag tahay in uu jilo. Haddii ay daqiiqado ahaan lahayd, waaba samayn lahaaye, waxa ay u baahan tahay saacado si niyad ah sheeko laga guro iyana looga sheekeeyo wax ay xiisaynayso taas oo uusan tamar u hayn, uusanna xammili karin. Adduunka waxa uu neceb yahay marka ay soo ag fariisato oo ay tiraahdo, ii sheekee, oo uu garan waayo wax uu dhaho, markaas baa inantu isla judhiiba niyadjabtaa, oo horey ka bilowdaa hadallo uusan jeclaysan, oo biyo-shubta: iska kay fur walaalow haddii aadan qalbi ii hayn. Isagu, taas beddelkeed waxa uu jeclaystaa, in kolka uu yimaado, loo firaaqeeyo, buuqa carruurta laga dulqaado, iyana, haddii wax u qaban karto ay biyo kulul oo liindhaan lagu miiray ay cagahau gelgeliso, jirka iyo madaxana ay u yara duuduugto, haddii ay la hadlaysana, hadallo dhiirrigelin ah ay ugu maangaboojiso.

Dhibsiga iyo kohsiga uu dareemo ee uu qudhiisu niyadjabka ka qaado, waxa ay marar badan ku kalliftay in uu gabadha u sheego in uu safar u baxayo, oo inta uu huteel magaalada gees ka dego, uu maalmo halkaas ku nasto. Mar dambe ayaa waxa uu mise bilaabay in uu ka soo daaho guriga, oo uu yimaado kolka carruurtana ay seexato, iyana firfircoonidu ay ka dhammaato oo ay halaaqo afka la kala taagayso.

Ninkii, isaga dhibaatadaas ku jira, oo marar badan isku dayey in buuqa inanta marka uu meel xun gaaro, uu lacag ku dejiyo, marar kalena inta la isku adkaysan waayo ay ku soo qaadday in uu iska furo, isna uu ku fekeray dhawr jeer in dalaaqadeheeda siiyo, ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa soo wacay nin ay saaxiibbo ahaayeen oo raadinayey gabar shaqaale ah. “Saaxiib hebelow, dukaammadii ayaa mid ka mid ah waxa looga baahan tahay gabar shaqaale ah, baladkana ma fiicna oo waad iska og tahay, marka waxaa loo baahan yahay gabar la yaqaan oo damiin adag leh, ee ma heli kartaa gabar aad aqoon u lee dahay oo aad damiinan kartid.” Ninkii, inta isla markiiba maankiisa ka shaqeysiiyey oo xasuuso galay, ayuu la soo booday: War waan hayaa saaxiibow. Xaaskayga ayaan idiin hayaa. Saaxiibkiis ayaa ku yiri: War xaasku ilmo ayey kuu haysaa, waadna og tahay shaqada wakhti badan baa lagu jirayaaye, qof kale ma haysaa? Suu ye, “Saaxiibow, iska daa waxaase, shaqada ha na dhaafine, haddii aannu saaxiib nahay, xaaska ii gee shaqada.” Dood dheer ka dib, waa ka oggolaaday saaxiibkiis. Ninkii, inta habeenkii xaaskiisii u tagay ayuu u sheegay arrintii. Waaba soo dhaweysay iyada oo lahayd: Hooyaday iyo walaalahay baaba taageero iiga baahan. Waana gashay shaqadii. Ilmihii shaqaale ayaa loo qabtay, saa shaqada, subixii bay u kallahdaa, waxa ayna ka soo labataa galabgaab.

MAXAA DHACAY MARKAAS KA DIB?

Gabadhii waxa ay timaaddaa guriga iyada oo daallan oo madaxu dhiidhii lee yahay. Iyada oo la wada daallan yahay ayaa la isku ag dhacaa. Ii sheekheedii iyo farxad iyo madadaalo raadintii meeshaas bay ka baxday. Walaalo meelaha na geegee oo na soo wareeji, oo aniga iyo carruurta na soo ciyaarsii, maantaas baa u dambaysay. Cashadiisa inta siiso ayey ku tiraahdaa: Xabiibi iska naso, bal carruurtaan wax soo siinayaa oo aan kala seexinayaaye. Jimce raadiskii badnaa iyo shakigii badnaa meesha waa ka baxay oo, qanaaco ayaa dib u bilaabatay. Waagii hore, lacag laaluush ah ayaa ka bixi jirtay oo uu ku maslaxo marka ay buuq keento ama uu ka dareemo niyadjab e, taasi waa u baaqatay. Xataa waxaa kale oo u kaydsantay lacagihii kaararka aan kala joogsiga lahayn iyo kuwii qaaraanka iyo tii taageerada ehelada ay uga qaadi jirtay, iyada ayaana ku wada filnaatay. Qofka wax bixiya ayaa madax ah oo la jeclaadaaye, qoyskeedii oo dhan baa aad u wada jeclaaday inantii.

SHAQO AY ABAAL KA HAYSAY IYO ISNA UU ABAAL KU QABAY

Inantu, waxa ay u qaadatay in saygeedu horumar uu la jecel yahay darteed uu shaqadan ugu raadiyey, iyo weliba sida uu ugu dulqaado xilliga dheer ee ay shaqadaas ku maqan tahay iyo habka uusan arrimaha guriga culays ugu saarine, sida ay wax ugu suurageli karaan wax ugu maarayso. Aad ayey uga mahadcelisaa mar walba iyo gaar ahaan kolka ay mushaarka soo qaadato oo jeerkaasina inta u kala dirto waalidkeed iyo walaalaheed, duco loogu abaalmariyo. Isna abaal weyn ayuu ku qabay shaqadaas oo, waxa ka dhacay culays weyn oo ka haystay farxad-doonka iyo koolkoolinta badan ee ay raadin jirtay. Jimcada keliya ayaa wakhti la isku helaa oo la isku soo hiloobaa. Hadda, labadaba kama qasna. Farxad.

______________________________

XASUUSIN: Rag badan iyo dumar badan, arrimaha noocaan oo kale waa ay kala qabsadeen, laakiin, nasiib-darro, inta labada geesba fahmi waayeen meesha uu dhibka ka jiro, ayaa aakhir, inta la isdhisaday sidaas la isku furay. "Ragga Soomaaliyeed jacayl iyo xannaanaynta dumar ma yaqaannaan iyo caku dumarka Soomaaliyeed, laga ma helo raalliyo ninkeeda raalligelin karta, gurigii la rabay in lagu nasto bay ka dhigaysaa gole karaaho!" ayey markaa saaxiibbadood ugu kala warramaan.

Waxaa Soo Wariyey: SULDAAN NAYRUUS          
Email:
nayruus@gmail.com  
Page: facebook.com/snayruus

 


Sunday, September 13, 2020

MAXAY SOOMAALIDU MAR WALBA U DANAYSAA ISBEDDELKA MAAMULKA MADAXTOOYADA?

 Ninba maalintiisuu
Maandeeq gujaystaa
.” Abwaan Feerfeer.

Saaxiib, horta qoraalkan ka hor, weligaa ma isweydiisay sababta ay Soomaalidu kol kasta u jeceshahay in uu isbeddalo Xukanka Madaxtooyada? Haddii aad joogto Muqdisho, ama Hargeysa, ama Garoowe ama Dawlad-gobaleedyada kale, abidkaa ma ka fekertay sababta Soomaalida meelahaas kala joogta ay kulli isku calool u yihiin oo uur iyo afba uga wada diidaan in uusan ku soo laaban qofka markaa saaran Kursiga Madaxtooyadaas? Anigu waan iska wareystay, waana helay sababta e, bal xoogaa ila soco.

Dhallinyaro badan oo aan isku barannay Xamar, ayaa markii la soo doortay Cabdiqaasin Salaad, waxaan arkay nimankii oo wada yaacay, qaar dhoofay iyo kuwo deeqo waxbarasho ee dibedda ah aaday. Waan la yaabbanaa meesha ay ka helayeen ishan deg-degga ah ee aan la isla ogayn, mar dambse ayaa la ii sheegay in ay ka heleen Madaxtooyadii Cabdiqaasin ilo-xigaalo oo arrimahaas u fududeynayey. Dhallintu, waagaas waxa ay u qeybsanayd dhoof-doon iyo waxbarasho-doon. Intii dhoof u xiisa qabtay, wafuudda ayaa la raacinayey, intii waxbarasho doon ahaydna, deeqaha waxbarasho ee Soomaaliya oo idil loogu talagalay baa si gaar ah loo siinayey. Waagaas indhuhu iima fiiqnayne, mindhaa ciddii wax kale doon ahayd oo halkaas loo joogana, waa helaysay.

Waagii uu Cabdullaahi Yuusuf (AUN) noqday Madaxweynaha Feederaalka, ayaa nin aan is naqaannay inta maalin ii yimid, waxa uu igu yiri: Saaxiib, safar degdeg ah ayaan Soomaaliya u gelayaaye, waxa aan doonayaa in aan ku macasalaameeyo. Sababta safarkiisa ayaan weydiiyey. Waxa uu ii sheegay in uu u socdo dawladda uu hoggaamiyo Cabdullaahi Yuusuf. Waxa uu iiga warramay in uu adeerki ka mid ahaan jiray Jabhaddii SSDF, uuna dhintay xilli uu Jihaad ku jiray. Waxa uu iiga sheekeeyey, in, haddii uu u tago Cabdullaahi Yuusuf uu jago uga heli karo magaca Muhaajidkaas. Maalintaas aannu ismacasalaamaynaynay, waxa aan u haystay nin riyoonaya oo, xataa waxa aan kula taliyey in uusan safarkaasi ku fududaan, laakiin, nin wax og buu ahaa, oo waa iga saxsaanaaye, arrintii waa u shaqeysay, waxaana horay looga magacaabay QUNSUL. Marka aan arkay arrintaas, tii Cabdiqaasim baa igu soo dhacday oo, waxa aan goostay in aan si dhab ah ugu fiirsado waxa ka socda Madaxtooyadaas iyo in aan si saxa u darso dadka ka soo horjeeday Cabdullaahi Yuusuf. Waxaa iiga soo baxday u-kuurgalkaas, in Madaxtooyadaas sida shimbirihii u dul heehaabayaan Mujaahidiinta SSDF, inta nool iyo carruurta ama ehalada intii dhimatay iyo dad kale oo wada fursad goob ah oo Buutlaan uga soo hayaamay. Dhamman shaqooyin, jagooyin iyo qansadaarso wada raadis bay ahaayeen. Qofkii doonaya in uu Madaxweynaha la kulmo, waxaa khasab ahayd in uu maro raggiisa, saa si kale kuma arki kara e. Waayadaas, magacyo ayaa la baxshay. Soomaali badan oo arkaysay fursadahaas la iska daldalanayo oo aan la isweydiinayn: yaa naga maqan, ayaa meel walba ka qeylinaysay, ilaa qaarkood Muqaawamadii ku uur noqdeen.

Kolka Sheekh Shariif loo doortay Madaxweyne, dadkii uu ugu yiimid Madaxtooyada ee Cabdullaahi ka haray, waa uu kala eryey, waxaa uuna qortay shaqaale cusub oo uu ku soo xulay reer ahaan iyo urur ahaan. Meel kasta oo nacfi lahayd oo qof Cabdullaahi uu  ku naasnuujinayey, Sheekh Shariif dadkiisii buu ku beddeshay. Dhammaan qandaraasyadii raggiisii buu ku soo wareejiyey. Dal iyo dibedba, jagooyinkii, Mujaahidiin wada koofiyado qaba ayaa la wada wareegay. Raggiisa mooyee, Soomaali intii kale kama kabbanayn. Inta ladnaadeen oo Sunnadii ku camalfaleen ayey xaasaaskii badsadeen. Waayadaas waxaa baxay magac kale. Aalasheekh haddii aadan ahayn, ama aadan ku tiirsanayn, ama ehelo hoose ahayn, bannaanka in aad joogtaad ku khasbanayd. Ummaddii hal mar bay afka ku qabatay, waxaana bilowday mucaarad xoog badan. Waa tii sidii la isku waday Xukunkii laga tuuray.

Xasan Sheekh Maxamuud, mugga uu la wareegay Madaxtooyadii, xaaqin buu mariyey Xigaalo iyo Aalasheekhba. Ehalo iyo raggiisii oo baannaanka muddooyin ku hornaa oo oommaan baa darkii soo galay. Nin walba meesha uu soo arkoodo ayaa looga cayrinayey ciddii horay u joogtay. Waa tii ay muddo yar gudaheed dubdhacsadeen oo calool kuusan wada yeesheen. Waa tii Soomaali, iyaga mooyee, hal mar la wada dhawaaqay. Waa tii ilaa masaakiintii habaar la wada istaagtay markii la arkay xaalufka dhan walba ah ee ay wadeen xulafadaasi. Waayadaas Damuljadiid magac la yiraahdo ayaa afka lagu wada qabtay. Xataa waxaa la gaaray, haddii aad iska yeelyeesho Dammuljadiid, dukaammadu in ay deynta kuu oggolaadaan. Waa la isugu tagay oo, waa tii haraati-geelle lagu reebay. Sida loo nacay falka nimankaas, waxaa aad looga baqayey, haddii uu Xasan Sheekh mar labaad doorashadaas heli lahaa, in dalka lagu kala tago!

Maantii uu Farmaajo xukunka la wareegay, qof walba waa la socdaa in uu sameeyey sidii caadada ahayd oo raggii Xasan Sheekh meel walba furahii laga la wareegay. Gabdho yuuyuuban oo dhar ku dheggan wada qaba iyo wiilal intooda badan dhaladu xiran tahay oo Laabtoobyada kolkolaha ku sita oo magacyo kala duwan ku kala socda ayaa meel walba la wareegay. Dal iyo dibedba wada qabsade. Dadkii Damuljadiidka ku faani jiray in aysan sheegan oo ay caayaan bay noqotay si ay lufluf u helaan. Xulafada Farmaajo wax bay ay uga duwan yihiin kuwii hore. Xulafadii Cabdullaahi Yuusuf haddii la raadiyo, waxaa laga yaabaa in laga helo Majlis, xulafooyinkii Shariif iyo Xasanna, waxaa la arkaa in aad ka hesho Masjid maalin jimce ah, laakiin kuwa Farmaajo, qof yaqaanna oo tagi kara Baararka Xalane moyee, qof kale ma heli karo. Qaarkood, sida la sheegayo waaba ka awood badan yihiin Wasiirrada. Magaca ay la bexeen caksigiisa: NABAR IYO NAXDIN, baa lagu suntay. Waxaa magacaas bixiyey dad barwaaqo ku bataashayey oo ay hal mar, iyaga oo aan ka warqabin, ka afqabteen oo ay ku noqdeen lamafilaan, nabar iyo naxdin isla socota. Ilaa iyo imminkana, kuwii la kediyey oo looga naxsaday baa dadka afka u geliya magacaas. Hadda waxa ay ugu jirtaa oo raqaya oo naaxay xerta Farmajo iyo dadka siyaalo kala duwan ugu xiran. NABAD IYO NOLOL baan ka mid ahay, wax kale iska daaye, hadda, gabar iska socota waad ku mehersan kartaa. Laakiin, waxaa bannaana tuban dad isugu jira kuwa boggau caddaaday oo aan weligood farta malabka gelin iyo kuwa horey darka u soo galay oo wada malafsanaya.

Tusaalahan waxaa la mid ah oo aan ka kaaftoomay, Madaxweyneyaasha Dawlad-gobaleedyada oo iyagana sidaas oo kale, ay tahay ninba maalintiisa iyo raggiisa. Maxaa Axmed-Madoobe dabada loogu dheggan yahay? Maxaad u malaynaysaa akhriste? Bal xoogaa ka sii sheekayso Mujaahidiinta Raaskambooni iyo Muhaajiriinta Soomaali-Galbeed ee Kismaayo sidii Ayaxii ugu degay.

Arrinta yaabka leh aya waxaa ay tahay, maalinta Madaxweyne xilka ka dego oo raggiisii, meel kasta oo ay joogaan, fureyaasha laga la wareego, waxaa la arkaa in uu dhaco guur badan iyo furriin badan. Waxaa isla markiiba gabdhaha Islaameed ku qamaama nimanka Madaxtooyooyinka ku xiran, qaarkoodna gabdhaha ku fasahaadiya lacagta bilaashka ah. Nimanka furayaasha laga la wareegana, waa iska furaan gabdhihii, qaarkood laga yaabo in ay u qarsoonaayeen, dhaqaalihii ay bareen oo ay xammili waayaan darteed. Haddii ay sheeko-sheeko ku ekeydna, waa lagu dhageystaa.

Madaxtooyooyinka Soomaaliya looga kala arrimiyo, waxa ay noqdeen isha ugu muhiimsan ee magac iyo maal degdeg ah laga sameeyo. Waa meel ay Soomaali oo dhan isha ku wada hayso oo, qof walba ku taamo in uu mar gaaro ama qof kale gaarsiiyo si uu markiisa uga waraabo, dadkiisa iyo saaxiibbadina gacanta ula geliyaan. Waa meherad musuq oo kooxba maalinteeda ay shidato. Ma jiro madaxweyne halkaas soo maray oo isaga iyo kooxdiisu daahir yihiin. Koox kasta, markeeda, khayraadkaas bay isku koobtaa oo, xataa ugu yaraan fursadaha ma qeybiyaan. Waxba kama dhibcaanba! Ma ahan musuqu hanti la dhiitiyo oo keli ah, xataa waxaa ku jirta fursad-ugu-kala-eexashada ummadda xilkaas ku aammintay, taas oo noqotay arrin ay Madax ciilal hore qabtay kala dhaxlaan. Inta ay maalintaas ugu jirto moyee, inta kale waxa ay sugataa inta uu muddo-xileedkaas dhammaanayo. Kama wada duwana Axmed Dhooyihii busaaradaysnaa oo xoolaha u ciishaysnaa ee walaalkii kula dardaarmayey in uu dulqaato oo maalintooda ay sugtaan. Waa tii ay ka mid ahayd miraha gabaygiisii: SABIR YEELO HAYBOOW MAANTAAN HELNAAN KA HIRQAN DOONNAAYE.

Sababta ugu weyn ee ay Soomaalidu u diiddo in Madaxweyne jooga uu soo laabto ayaa waxa ay tahay, maaddaama uusan jirin Madaxweyne in uu gacan-gode mooyee, aan dhaafi karin dadkiisa iyo xertiisa, in aysan isaga, dadkiisa iyo xertiisuba noqon dabaqad baroosinno aasata oo ku sii dul naaxda, fakata oo aan la soo qaban karin oo sida tan Hindida, sharciga ka saramarta oo dadka hoos u soo eegta iyo in beel gaar ah aysan beelaha kale xukunka ku dhaafin. Sideedaba, Soomaalidu ma oggola in waxa ka dhexeeya dad gaar ah ku naaxaan ama ku saramaraan, laakiin waxa ay oggoshahay in uu cirkaas ku tago wax qofi gaar u lee yahay. Waxa aad mooddaa in ay Soomaalidu ku taagan tahay dhabbihii sheekadii caanka Mudug ka ahayd: Reer Muduggii caanaha biraha ku jiray ee ka dhexeeyey ee isku qabsaday, waa tii markii jiq la isku noqday ay ku heshiiyeen in ay ku tookaystaan cantuugo cabbiran. Waa tii gacanqaadkiina joogsaday, nin walbana helay cantoogo uu cidihiisii ku gaaray.

Sababta uu Maxamed Siyaad (AUN) u joogay muddo dheer xilka waxaa lagu sababeeyaa, in qeyb ka mid muddadiisii fursadaha loo waa sinnaa. Qeybtaas lama wada danaynayn kursigiisa, laakiin, marka ay bilaabay nin-jeclaysi, waa tii Madaxtooyada la wada arkay oo, aakhir loogu daatay.

Diidmo ay Soomaalidu kaga go`an tahay in uusan ku soo laabadan Madaxweyne jago haya oo isaga iyo dadka uu farqaha ku wato mar labaad u cunaqabatayn, waxaa xataa gebagebada maamulkaas dhacda khalkhal-ammaan oo ka dhigan: fadlan, na dhaaf oo ha nagu soo laaban haddii aadan waddanka la rabin fawdo. Waa ka tag waxa naga dhexeeya ee aad adiga iyo raggaagu ladaabanaysaan, intaas ha ku filnaato e. Waa marka ay madaxa la soo baxdo cid kasta oo arrimaha Soomaaliyda si xun u faragelisa. Waa jeerka ay soo noolaato cid kasta oo dawlad-diid ah, ayna helaan dad niyadjabsan oo caraysan oo taageera.

Haatan, laga soo bilaabo 2017 kii ilaa iyo inta ka dhimman muddo-xileedka Farmaajo, dadkii dibadda dhoobnaa oo wada qatanaa oo noocwalbaalaha ahaa oo hortooda lagu qaybsanayey shaqoyinka, qandaraasyada, jagooyinka, khayraadka iyo fursadihii dalka oo dhan, ayaa meel kasta qaylo ka wada. Waxa ay u qeylo-dhaaminayaan, waa in ay fulaan Farmaajo iyo raggiisu. Ku-soo-laabasho iska dhaafe, waxa ay la dhawaaqayaan in aan waxyarna lagu darsan. Waxa ay dadka ka maraysaa meeshii ay Xasan Sheekh markiisii ka marayeen. Sidii looga baqayey, haddii uu soo laabto khalkhal-ammaan, dagaallo, xoogeysiga dawlad-diidka iyo kala dhaqaaqa ummadda, ayaa looga baqayaa haddii Farmaajo dheeraysto ama uu soo laabto.

Hadda, dadku, dhammaantood ma jecla in uu soo laabto Farmaajo iyo Dhalaxiirtiisu, Xasan Sheekh iyo Damuljadiidkiisu iyo Sheekh Shariif iyo Aalasheekhiisu. Saddexdaba, uurka bay inkaarayaan. Allow kanna na dhaafi, kuwaasina ha nagu soo celin bay Salaadaha ka dib ku ducaystaan. Waa dad ay soo wada arkeen oo horey iyo haddaba dalkii gowska saartay, ilaa iyo imminkana la wada maqlayo bashuuqsigooda. Waxa ay dadku raadinayaan Madaxweyne cusub, Ra`isulwasaare Cusub, Wasiirro cusub, Xoghayeyaal cusub, Agaasimeyaal cusub, Safiirro iyo Diblomaasiyiin cusub, si haddii aysan Soomaaliyi Musuqmaasuq deynayn, ummaddu fursadda u soo wada marto, qolobana markeeda u soo wareegto Shaqada, Qandaraasyada, Jagooyinka, Dawladeynta, Buletburuufyada, Hoteello-beriyadda, Wafiga iyo Dalxiiska, Badinta Guurka Sunnada ah, Faanka iyo Bootada.

Waxaa qoray: SULDAAN NAYRUUS        
Email: nayruus@gmail.com       
Page: facebook.com/snayruus 

Tuesday, February 11, 2020

KA TAXADDAR ARRINTAN: Talooyin aad kuu anfacaya


Qof kasta oo aad ehel tihiin, qof kasta oo aad lammaane tihiin, qof kasta oo aad saaxiib dhaw tihiin, qof kasta aad isla shaqeysaan iyo qof kasta oo aad si uun isugu dhawaataan, ma ahan sida aad ka wada filanayso. Mar walba waxaa jiraya waxyaalo kaa qarsoon ama wejiyo kale oo aadan ogayn oo uu qofkaasu yeelan karo. Waxaa laga yaabaa in uu si kuula socdo, si kalana uu kaaga socdo. Dadku, inta badan ma ogaadaan wejiyada iyo siraha dadka ay isku dhaw yihiin in ay dabagal ay ku sameeyaan mooyaane, taas oo iyana, walwalkeeda, walbahaarkeeda iyo wadnago`eeda leh. Dhawr tusaale ayaan hoos ku sheegi doonnaaye, bal dhuux talada ka hor:

Tusaalaha koowaad: Beri baa waxaa jiray laba gabdhood oo isku aabbe iyo isku hooyo ahaa oo qoyskooda la wada noolaa. Labadooda mid ka mid ah ayaa waxa ay lahayd saaxiib jacayl kala dhexeeyo, waxa uuna ugu imaan jiray gurigooda oo uu kula haasaawi jiray. Marka uu wiilkaasi guriga yimaado, gabadha kale waa soo dhaweyn jirtay, inta ay qolka fadhiyaan walaasheed iyo saaxiibkeed iyada ayaana u adeegi jirtay. Wey jeceshahay walaasheed, cid kasta oo madaxa walaasheed ku timaadda waa qaddarin jirtay. Laakiin gaabdha kale sidaas ma ahayn. Waa ay ximin jirtay, haddii ay khaldanto waxba uma aysan qarin jirin, in ay ka hormarto ma aysan oggolayn, ma na jaclayn in ay waalidka uga dhawaato. Xitaa wiilka waa ku xamataa oo, wanaagba uga ma sheegto.Tan kale waa iska daacad oo, ma isa sii weydiiso wax kasta oo ay ka dareento. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa gabadhii oo farriinqoraal kula sheekaysanaysay saaxiibkeed, walaasheed oo ag fadhida damacday in ay la hahadasho laakiin innantii waxa ay kaga mashquushay farriimihii. Ilaahay amarki, tii inta xaajo qabatay oo kacday ayey moobeelkii oo sidii farrimihii u ballaqan yihiin meesha uga kacday oo ay is tiri u soo laabo. Markii ay dhaqaaqday ayaa gabadhii kale moobeelkii iska sii eegtay farriimaha ay gabadhu hadalkeeda la maqli weyday. Xoogaa markii ay dib u sii raaraacday ayaa waxa ay aragtay wax ay ka naxdo! Waxa ay fiirsatay xan iyo cay aad u fool xun – aanan halkaan ku carrabaabi karin - oo ay ninkii saaxiibkeed ahaa uga sheegayso. Waa wax aysan ka filanayn walaasheedii ay isku dhiigga ahaayeen in ay qof kale oo Soomaaliweyn ah sidaas uga ceebwarrano! Maantaas sidii ay uga calool go`day ilaa iyo hadda oo laga joogo 4 sano is lama hadlaan!

Tusaalaha labaad: Waxaa jiray wiil iyo gabar isqabay. Waxa uu wiilku ahaa nin qaab wadaad leh oo waalidkiisa iyo ehelkiisa iyo xaaskiisuba ay sidaas ku og yihiin, aad bayna uga dambeeyeen. Shan sano ka dib, ayaa xaaskiisu maalin iska eeg eegtay moobeelkiisa, kolkaas bay meelo inta u dhacday waxa ay ku aragtay wax ay ka naxdo: Ninkii oo dhex fadhiya naago oo la qayilaya, marna khamri la cabbaya, muqaallo jinsi ah oo uu la samaynayo gabdho kala duwan iyo sheekooyin kale duwan oo wada baxar ah oo uu dhex dabaalanayo. Yaab iyo amakaag. Wixii hal mar bay inta ka geddisatay, waxa ay noqotay kala shidaafqaadasho iyo arrin muddo lagu sheekaysto.

Tusaalaha saddexaad: In kasta oo uu labadii hore wax uga duwan yahay, haddana meel kale ayuu xariir kala lee yahaye, wiil baa xaaskiisa oo ay isqabeen sannad iyo bar waxa uu ka codsaday xaaskiisa baasweerka faysbuuggeeda. Waa siisaay. Wiilkii, waxa uu mashquulay dhawr habeen in uu gadaal u raaco dadkii ay wada sheekaysan jireen sannado ka hor. Sidii uu waday ayuu waxa uu ku arkay saaxiib hore oo ay lahayd iyo waxyaalo uusan u bogin oo dhexmaray. Maantii uu arkay ayuu bilaabay in uu wejigii inantii u beddelo, uuna la yimaado dhaqammo ay ka heli weysay taas oo keentay in ay aakhir inta u dulqaadan weydo, la kala gurto.

Tusaalaha afaraad: laba gabdhood oo saaxiib dhab ah isla ahaa ayaa middood waxa ay lahayd wiil jacayl kala dhexeeyey. Saaxiibteeda kale waa ay bartay. Laakiin saaxiibteed kama aysan helin xiriirka labadan qof ee aadka u quruxda badan iyo mustaqbalka u ifaya. Midda dambe ayaa waa dambe waxa ay bilowday in ay si dadban uga shaqeyso isku dirkooda. Mar kasta oo ay saaxiibteed kala tasho wiilka, waa u xumaysaa, haddii ay maalin isqardoofaanna in ay sii kala fogoyso ma ahane, isku ma soo dhaweyso. Xitaa markii dambe waxa ay ka shaqeysay in ay isku dirto oo ay sidaas ku kala tagaan. Ayaan dambe ayaa diradiraalaydii waxa ay faysbuuggeeda ka gashay gabadhii kale moobeelkeeda, kolkaas bay iyada oo aan xirin inta illowday u dhiibtay moobeelkeedii. Gabadhii, kolka ay jaamacaddii ka tagtay oo gurigeedii gaadhay ayey inta isku kala bixisay sariirteeda waxa ay damacday in ay gasho faysbuuggeeda, mise tii faysbuuggeeda ayaa ku jira. Ma aysan xirine, isagii ayey sii baarbaartay, kolkaas bay aragtay iyada iyo saaxiibkeedii hore wixii ay xan, caay, aflagaaddo iyo namiimnimo uga geysay! Maalintaas bay darteed uga baxday jaamacaddii si ay araggeeda aysan dib dambe u arkin.

Ujeeddada aan arrintani ka lahaa waxaa weeye, haddii aad u baahan tahay in aad maanfiyoobi ku noolaato laba arrimood samee:  


1. Waa midda koowaade, qof kasta sida aad tahay ha u malayn in uu hal weji lee yahaye, qof kasta wax walba ka fila oo, adigu calooshadaada bannaaanka ka keenin oo, wax isku la har.       



2. Wa midda labaade, ha baabaarin moobeellada iyo baraha dadka kuugu dhaw, hana dabagelin, difeetada ay maankaaga gaarsiin karto ayaa ka daran tan aad ka faa`iidaysid.


FG: Saaxiib, waxaa jiray ilaa 11 sheeko oo kale oo arrimahan meelo kala xiriiray, oo aan sannadkii hore faafiyey oo talooyin wax-ku-ool ah ku jireene, kuwaasina ka sii baar boggan haddii ay ku seegeen.

- Buugga NABSI laftiisa sheekooyin waxa ku jira arrimahan la xiriira oo baas kula dambeeyey dadkii galay! isna raadi oo akhri.

Mahadsanidiin,

Waxaa Qoray: Suldaan Nayruus          

Kala xiriir: nayruus@gmail.com           


Sunday, November 17, 2019

GABADHII BAARAN JIRTAY JEEBKA NINKEEDA IYO ARRINTA AY MAALINTII DAMBE KALA KULANTAY


Gabar xaas ah ayaa hadda ka hor waxaa ay mar walba baaran jirtay jeebabka ninkeeda. Wax kale ka ma aysan baari jirin e, maaddaama uu ahaa nin lacag jeebka isaga qaata, lacagta ay ka hesho jeebkiisa ayey wax uun ka goosan jirtay isaga oo aan ogeyn, isna, in kasta oo aysan tebiddiisu badnayn, laakiin haddii uu maalin wax uun dareemo, meel uu u saariyo inta uu aqoon waayo, ayaa in uu isagu isticmaalay u la ekaan jirtay laakiin uu illowsan yahay ama ay meel uga dhuntay.

Sidii ay aroor walba u baaran jirtay jeebkiisa ayey maalintii dambe waxa ay ka heshay nuqulka warqad furriin ah oo uu siiyey gabar uu hoos u qabi jiray oo ay isfahmi waayeen.  Say te, ‘Waaw’.

Maantaas, iyana xog bay heshay, isna tuuggii jeebsiibi jiray ayuu helay!

Waxaa Qoray: Suldaan Nayruus          
Kala xiriir: nayruus@gmail.com          
Fb page: www.facebook.com/snayruus

Thursday, November 7, 2019

GAARI AAN ISKA DHAAFAY IN AAN RAACO IYO SABABTII ARRINTAAS KEENTAY


In aan iska lugeeyo waa caadadayda e, shalay ayaa aniga oo laamiga iska dhinac socda, waxa aan arkay gaari nooca raaxada ah oo wiil dhallinyaro ah uu watay oo tartiib u socday. Wiilkii isha inta uu iga qaaday ayaan arkay isaga oo si uun ii soo eegaya. Meesha aan u socdo oo dheereyd iyo qorraxada oo kululayd iyo wiilka oo aan beerjileec ka dareemay, waxaa niyaddayda soo gashay in aan istaajiyo oo aan dhaho: Walaalo horay ii sii dhawee. Waan la hadlay. Waxba ima weydiine, daaqadda inta ii furay ayuu yiri, “Soo gal saaxiib.” Isla markiiba inta maskaxdaydii sidii Kombiyuutarkii u shaqeysay oo xasuuso hore gashay ayey ii soo gudbisay farriin ahayd, “Ha raacine iska fasax.” Maskaxdayda waan ka dambeeyaaye, inta aan daaqaddii u xiray oo aan u mahadceliyey ayaan iska fasaxay. Wiilkii oo shaki galay ayaa iska sii socday oo gabar iyana sidaas oo kale laamiga lugaynaysay horay u sii qaaday.

MAXAY AHAYD FARRIINTA MASKAXDAYDU SOO GUDBISAY OO GAARIGA IGA CELISAY?

Waayadii 2012 dii ilaa 2014 tii, waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayey gawaarida raaxada oo si is dabajoog ah Dekadda Muqdisho uga soo degayey. Arrintaas waxaa sabab u ahaa laamiyada cusub ee magaalada laga dhisayey. Waxaa aad u soo badanayey dhallinyarada baabuurta laamiyada kula xawaaraynaysay oo qofkii lugaynaya oo joogsada inta u istaaga, meesha uu rabo geynaysay. Iyagu dadkaas uma daynaynayne, baabuur ku mushaaxaas baa dan u ahaa iyo hadba meel tegiddaas. Kolkaas baa waxaa batay dad heeraha laamiga iska tuban oo aan baas raacayn oo wada lifti doon ah oo meesha u taaagan wiil baabuur raaxo la xiimaya.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa oday u bartay raaraacidda baabuurta dhallinyarada oo laami u taagnaa in u helo baabuur raaxo oo sii dhaweeya, waxaa uu arkay baabuur Kaarib ah oo qurux badan oo wiil dhallinyaro ah uu wato. Gacanta ayuu u taagtay. Waa uu istaagay. Waa uu raacay. Wiilka baabuurka watay waxaa uu ahaa wiil nafti hure ah, isaga iyo gaarigana qarax ay ka dhaansanaayeen, waxaa uu na u socday bar loogu talagalay in uu isku qarxiyo. Wiilku, maadaama uu aaminsanaa in uu janno u socdo, waxaa is kula taliyey in uusan odaygan xaasidin oo uu jannada u wado. Sidaas buu yeelay oo, markii uu gaaray halkii lagu ballamay ayuu isqarxiyey, odaygiina halkii buu ku googo’ay.

Wixii dhacdadaas ka dambeeyey, umaddii basaskoodii iyo lugtoodii ayey iska iimaansadeen.

Farriintaas ayaa ii diidday raacidda gaarigaas.


Taladii Maskaxda: Suldaan Nayruus      
Email: nayruus@gmail.com           
FB Page: www.facebook.com/snayruus