Tuesday, July 24, 2018

BUUGGA CAWO: XOG KOOBAN OO KU SAABSAN


Weligaa rajo ama rajay ma noqotay, oo daruuftu ma ku badday in aad aayo (eeddo) la noolaato oo, dabadeed dayac, silic, saxariir, jirrab, rafaad iyo cadaab adduun ma ku soo marisay? Haddii aadan rajoobin, ma aragtay oo ma la kulantay rajo ama rajay dhibtaas maray, oo si caadi ah kaaga sheekeeyey utumo iyo tiiraanyooyin laabtiisa ka go’i waayey oo ay aayo ku soo dhigtay?

Haddii aadan rajo ama rajay noqon, asii aadan la kulmin rajo kuu warranta oo aadan xogba ka heyn xinka, hinaaska, cuqdadda, xaasidnimada, colaadda iyo dagaalka hoose ee aayo ku heyso carruurta ninkeedu dhalay ee la soo kora, haddaba buuggan ka warso, isaga ayaa ku hor keenaya oo si tafaftiran kaaga warramaya qiso dhab ah oo gabar Soomaaliyeed oo hooyadeed markii ay dhashay ay dhimtay, inta aayooyinkeed mudatay ay midna soo cadaabaysay 15 sano midna 6 sano.   

Kolka aad buuggan akhrinayso, haddii aad nin tahayna, cunug aad dhashay oo hooyadi dhimatay aad baad aayihiisa uga fekeri doontaa, xaas aad kala tagteen ilmo ay kuu dhashayna, weligaa in aadan ka soo qaadan baad go’aan ku gaari doontaa. Haddii aad gabar tahayna, dhallaan aad dhashay in aan weligeed lagaa qaadin, oo aanan islaan kale loo geyn ayaad talo cad ku qaadan doontaa.

Akhriste, bal buuggan arag, qaado oo akhri, oo maankaaga ku biiri xogo muhiim ah oo maskaxdaada inta ka bixi waaya, weligaa aad ka sheekeysid.

Waxa aad buuggan ka heli kartaa goobaha buugta lagu iibiyo ee Xamar, Garoowe, Boosaaso iyo Hargeysa, ama wac: 0616132474 ama kala xiriir: nayruus@gmail.com

Qoraagga Buugga
Suldaan Nayruus