Wednesday, March 28, 2018

SIRDOONKII AY WALAALKI ISA SEEGEEN

Waxaa jiray nin ganacsade ah oo degganaa magaalada Muqdisho. Ninkan oo magaciisu ahaa Kaahiye, reerkoodu baaddiye ayey degganaayeen. Inta badan noloshoodu, isaga ayey ku tiirsanaayeen. Maalin maalmaha ka mid ah baa waxa uu ku fekeray, in uu walaalihiis, kuwa yaryar mid soo kaxeeyo oo uu wax baro, si uu reerka ula gacan qabto.  

Kaahiye, inta go'aankaas qaatay ayuu Keynaan soo kaxeeyey. Waxa uu isla markiiba geeyey dugsi Qur'aan, kolkii uu dhammeeyeyna, waxa uu ku daray iskool. Keynaan, markii  uu u gudbay dugsi sare, ayaa waxaa xiriir la soo samaysay Hey'addii Nabadsugidda Qaranka. Waxa ay u soo jeedisay, si weyna ugu muujisay, in ay danaynayso in uu ku soo biiro oo uu qaranka u shaqeeyo; taas oo uu si buuxda uga yeelay.   

Keynaan, markii uu dugsi sare afjaray, baa walaalki Kaahiye misena jaamacad ku biiriyey. Markii uu jaamacaddii idleeyey, ayaa Kaahiye waxbarasho dibedda ah u soo dhammeeyey, laakiin Keynaan waa ka diiday in uu dalka ka baxo, illeen hawl uusan Kaahiye ogeyn buu ku jiraaye. Markii uu Keynaan ka diiday, ayuu Kaahiye ku yiri, “Waayehee, aniga ganacsiga igala shaqee.” “Hayeh, waana kala shaqayn,” ayuu Keynaan ugu warceliyay.

Kaahiye, waxa uu ahaa nin dhaqaalihiisa inta badan hantiyey xilligii Kacaanka, waxa uuna fursad ka helay, qandaraasyo dawladdu ay bixinaysay, laakiin kolkii uu xoolo badan yeeshay, ayuu isu beddelay mucaarad. Waxa uu ka bilaabay magaalada olole hoose oo Kacaandiid ah. Waxa uu lacago u diri jiray mucaaradkii dowladda. Dhibka ugu weyn ee qabsaday Kaahiye ayaa waxa uu ahaa, dhaqdhaqaaqiisa mar walba waa lala socon jiray. Dhawr jeer baa la xiray oo weliba aad iyo aad loo ciqaabay.  

Waxa uu Kaahiye la yaabi jiray, sida ay dowladdu ku ogaato xogitiisa. Wax kasta oo uu yiri, shirka kasta oo uu qabto, tirada lacagta uu diro iyo cidda uu u diro, dhammaan, marka la xiro oo uu sheegi waayo, ayaa xabbad xabbad loogu tiriyaa. Heer waxa uu gaaray uu ka shakiyo nimanka ay mucaaradka isla yihiin ee uu la shiro. Kuma soo dhicin walaalki Keynaan in uu yahay Nabadsugid qaranka daacad u ah.   

Dowladdii, ninkii Kaahiye ahaa cadaadis adag bay saartay, qandaraasyadiina waa ka joojisay. Wiidadii ama dabaggalkii walaalki mooyee, kuwa kale oo farabadanna waa la dul dhigay oo uusan ka war heyn.

Mar uu aad u shiiday oo uu xoolo yareeyay, ayaa Keynaankii Nabadsugidda ahaa, madaxda Dowladda ka codsaday in walaalki Kaahiye qandaraasyadii wax un looga soo celiyo; isaga oo u sheegay in uu yahay oday madaxdhaqameed ka soo jeeda oo aysan busaaraddu ku wanaagsanayn. Dowladda oo tixgelisay codsigii Keynaan dartii, oday Kaahiye qandaraasyadii ayaa loo soo celiyey. Laba wiil oo uu dhalay oo Jaamacadda dhammaysayna, takhasus dibedda ah ayaa loogu diray.

Iyada oo ay halkaas xaajo marayso, ayaa dowladdii Kacaanku dhacday oo la kala haantaawilfay. Kaahiye iyo Keynaan, waa isla qaxeen, waxayna isla tageen xeryaha qaxootiyada Kenya. Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa Kaahiye helay teesare ka lumay walaalkiis, kolkaas buu ku arkay, in uu ahaa Keynaan sargaal sare oo Nabadsugidii ka tirsanaa. Teesarihii ma siine, isaga oo yaabban ayuu goobay cid uu bargaranayo oo ka tirsanayd saraakiishii Nabadsugidda, kolkaas buu soo helay laba nin oo u xaqiijiyey, in Keynaan muddo dheer Nabadsugid ahaa. Markii uu yaqiinsaday, ayuu aamminay in uu Keynaan ka dambeeyey xiritaankiisii iyo jirdilkiisii. Aad buu uga xumaaday, in ninkii uu baaddiyaha ka keenay oo uu intaas wax barayey uu ka shaqeyn jiray lurkiisa, lug gooyadiisa iyo ciqaabtiisa. Meeshii ay isla degganaayeen inta uga guuray, ayuu ku yiri, “Walaal dhab ah baan kuu haystay. Saaxiib ku ogaaday! Muusa biddiin, Ciisaa biddiin.” Labadii nin saas bay ku kala tageen.

Arrintii Kaahiye iyo Keynaan, waxaa dhawr jeer soo dhexgalay odayaal iyo cuqaal reerka ah, laakiin Kaahiye iyo Keynaan waa la heshiisiin waayey. Sababta oo ah, Kaahiye waxa ku dhegay, in uusan ninkaasi walaalki ahayn oo, isaga oo kabtiisa tolaya uu isna kafantiisa tolayey, halka Keynaanna uu ku dhegay, in uu ku saxsanaa hawshaas, uuna Qaranka iyo horusocdkiisa u shaqeynayey, walaalkiisna uu ku hawllanaa halka aannu maanta joogno. Lacagta iyo hantida uu haystay Qaranka ayuu ka helay, kolkaas buu hantidaas niman qaran-dumis ah u dirayey. Nimanka uu taageerayey, maalinna reerkiisa biil uma soo dirin, keliya qabiil buu ku la safnaa. Waxa aan ka shaqeynayey, in noloshiisii quruxda badnayd uu ku noolaado, isna waxa uu doonayey in xaqootigan iyo gunnimadan aan ku noolaanno. Waa kane, Qarankii dun, nimankii uu waxtarayeyna, waa kuwaase, Qaran ha keenaan!!

Kaahiye iyo Keynaan waa la heshiisiin waayay, waxaana khilaafkii labadooda u dhaxeeyay saameeyay ilmahoodii, ilma-adeerka ahaa oo aan maanta isa salaamayn.

Sheekadani waxa ay ka mid tahay 53da sheeko ee ku jirta buugga CIBRO oo haatan laga heli karo Dukaammada Buugta: MUQDISHO, HARGEYSA, BURCO, GAROWE, BOOSAASO, GALKACYO, BALADWEYNE, BAYDHABO IYO KISMAAYO.



Waxaa qoray: SULDAAN NAYRUS
 Email: nayruus@gmail.com

Sunday, March 25, 2018

SOO DHAWEYN LALA ASHQARAAREY OO UU NIN SUCUUDIYAAN AH U SAMEEYEY NIN SHAQAALIHIISA AHAA: Arrin yaab leh oo qabsatay baraha bulshada Khaliijka


Nin Sucuudiyan ah, ayaa waxaa u shaqeeyaa nin u dhashay waddanka Pakistan. Ninkan ayaa ah darawalka reerka. Ninkan shaqaalaha ah, ayaa ah nin akhlaaq fiican, shaqada u jajaban, dhega-fudud isla markaasina tixgelin iyo ixtiraam leh. Carruurta reerka sidii shaqaale ula dhaqma e, sidii waalid oo kale ayuu ula dhaqmaa, oo uu ugu naxariistaa, qalbigoodana u ilaaliyaa. Ninkii Sucuudiyanka ahaa ninkaas aad buu u jeclaaday. Kolkaas buu heshiiskii shaqaaleynta dhawr jeer u siyaadiyey. Intaas keliya ma samayn e, xitaa mushaarkii ayuu u kordhiyey, isaga oo gaarsiiyey in uu saddex jeer u jibbaaro. Markii uu arkay wanaaggiisa, sida shaqaalihii ulama dhaqma e, sidii walaalkiis oo kale ayuu ka dhigtay.

Dhawr jeer buu ninkii shaqaalaha ahaa weydiistay fasax uu waddankiisii u aado ninkii uu u shaqeynayey, laakiin ninkii baa ku dhegay, oo jeclaystay in uu joogo, sababta oo ah, waxa uu ka cabsanayey in uu waayo ninkaan qiimaha leh. Qoyskiisa, ayuu u keenaa Sucuudiga, intii uu isagu aadi lahaa. Waa dambe ayaa ninkii shaqaalaha ahaa ku adkaystay in uu baxo, isaga oo u sheegey ninkii, in uu waddankiisii u hiloobay. Maantii dambe ayuu ‘yaa Allahu’ ku fasaxay. Shaqaalihii, maalintii uu baxayey, ninkii iyo qoyskii dhammaan ayaa sagoontiyey, isaga oo lacag badan iyo hadiyado badan loo sii dhiibay.

Bil ka dib, ayaa ninkii soo wacay ninkii madaxda u ahaa, waxa uuna u sheegey, in uu soo baxayo. Ninkii Sucudiyaanka ahaa waa farxay, oo farxay. Maalintii uu imaanayey magaalada Riyaad, ayaa ninkii Sucuudiyaanka ahaa waxa uu soo diyaariyey qoyskii, qaraabadiisii iyo saaxiibbadiis dhammaan. Waxaa kale oo uu sii kireeyey Hoteel weyn, in xaflad soo dhaweyn u sii diyaariyo.

Ninkii shaqaalaha ahaa, markii uu soo degey ba, waxaa uu arkay dad farabadan oo saf ugu jira, oo sidii madaxweyne la soo dhaweynayo. Waxaa isla markii ba ku soo booday ninkii uu u shaqeyn jiray, oo inta ku dhegey dhabbannada ka shumiyey, oo weliba cabbaar uu ka fuqi waayey. Waxaa kale oo ku soo ordey carruurtii uu ninkaasi dhalay oo ugu soo kala orday sidii carruur aabbahood uu sannado ka maqnaa oo yimid. Ninkii shaqaalaha ahaa, gaari qurux badan inta lagu soo kaxeeyey ayaa la geeyey Hoteel, xaflad si heer sare ah loogu agaasimey, halkaas baa Kackac uu magaciisu ku qornaa, isaga iyo maxadiisii ba wada jareen.

Ninkii shaqaalaha ahaa, ayaa hadal lagu soo dhaweeyey, laakiin inta is hayn waayey, jacaylka loo muujiyey darteed, ilmo maashaysay, kolkaas buu xafladdii ka hadli waayey qiiro-ilmo darteed. Inta soo booday ayuu isku duubay ninkii madaxada u ahaa, oo uu cabbaar ka fuqi waayey, kolkaas baa isaga oo illini ka socoto, waxaa lagu qaaday gaarigii, waxaana loo kaxeeyey hoygiisii.

Waxaa soo fasiray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com   

Thursday, March 22, 2018

DHIBKA UU FAYSBUUGGU U GEYSTAY SAAXIIBBO IS JECLAA: Bal arag gartii ugu yaabka badnayd ee aan naqay!


Maalin dhaweyd ayaa waxaa i soo wacay wiil dhallinyaro ah oo aannu is naqaannay. Waxa uu iga codsaday in aan kulanno. Goor galab ah ayaan ku ballamiyey meel maqaayad ah oo shaaha laga cabbo. Markii uu ii yimid, ayuu ii sheegey in wiil kale oo aan adeer u ahaa oo ay saaxiib dhab ahaayeen, in uu taleefoonkii muddo laba toddobaad ah ka qaban waayey, xitaa farriimihii uu uga soo jawaabi waayey. Haddii uu taleefoon kale ka wacana, uu ka qabanayo, marka uu codkayga dareemana uu daminayo. Sababta arrintaas keentana ilaa iyo hadda uusan garanayn! Waxa uu iga codsaday in aan waco, oo waxa uu ka tabanayo saaxiibkiis aan weydiiyo, dabadeedna aan dhex-dhexaadiyo.    

Waan wacay wiilkii, waana ii yimid wax yar ka dib. Arrinta uu saaxiibki taleefoonka uga qaban waayey ayaan weydiiyey, kolkaas buu ii sheegey arrintaan aan la yaabay, waxa uuna yiri, “Adeer, ninkan iyo anigu saaxiib ayaan ahayn. In aan gooyo waxaa keenay, waa arrin dhanka Faysbuugga ah. Anigu Faysbuuggiisa mar walba waan la socdaa waxa uu soo dhigo, like, comment iyo share na waan dhahaa. Isagana, waa arkaa waxa aan soo dhigo, hal marna like ma saaro, iska daa comment e. Dhawr jeer baan arrintaas ku soo qaaday, kolkaas buu igu dhahaa, saaxiib, igu hallee, haddana ma fuliyo. Asxaabta kalana waxaad arkaysaa isaga oo u cammiraya! Markii dambe, waxa aan arkay in uusan dan iyo heello ka lahayn kuweyga. Sidaas baan ku ogaaday in uusan saaxiib dhab ah u ahayn. Qof aan kuu cammirayn maalinna, maxay tahay saaxiibtinimadiisu. Anna waan gooyey saaxiibtinimadiisa!”. Inta yaabey ayaan kii kale weydiiyey arrintaas, kolkaas buu qirtay.  

Markaas baan dhex-dhexaadin bilaabay. Kii dacwoonayey ayaan iri, hadda Facebook gaaga gal, oo ka sii gal profile ka saaxiibkaagan. 5 ta qoraal ee ugu dambeysay ee uu soo dhigay, like saar, comment ka bixi, share na dheh. Waa sameeyey. Ka dib, waxa aan u so jeediyey in uu la socdo wax kasta oo uu ninkaas soo dhigo, oo u cammiro, si saaxiibtinimada ay u sii jirto, kii kalana, waxa aan ku amray in uu saaxiibtinimadii soo celiyo. Inta Xabadka isa saareen ayey, iyaga oo wada socda iga dhaqaaqeen. 

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com

Tuesday, March 20, 2018

LAMMAANE SOOMAALIYEED OO ISKU FURAY KHUURO DARTEED: Waa markii koowaad oo ay taariikhda Soomaaliya ka dhacdo. Bal arag cajabtan!

Wiil dhallinyaro ah oo aannu waa sheeko-wadaag ahayn, ayaa waa hore, goor galab ah, iga soo wacay magaalada Nayroobi. Waxa uu ila soo socodsiinayey in uu gabar mehersaday, uuna doonayo in uu bil gudaheed aqal galayo. Maxaad ka taqaan dad asxaab ah, xoogaa buu iiga faalleeyey quruxda iyo qiimaha xaaskiisa cusub iyo sida uu ku soo xerogeliyey. Markii uu dhammeeyey, ayuu - waa i tuhmayee – kaalo i weydiistay. Anna waan kaaliyey. Waagaas baana iigu war dambeysay.

Maalin dhaw baan wiilkii isku aragnay whatsapp ka. Wareysigii koowaad ba, waxa aan ku weydiiyey xaalka xaaskii iyo haddii ay awlaad soo korortay amma wax la sugayo. Hadal aan ka naxay ayuu iigu jawaabay. “Gabadhii waan kala tagnay” ayuu igu yiri. “War maxaa dhacay?” ayaan weydiiyey. Kolkaas buu sheekadaan aan la yaabay ii galay, waxa uuna yiri ,“Saaxiibow, gabadhii, markii aan aqal galnay ba, arrin mucjiso ah ayaan ku arkay. Saaxiibow, kolka ay indhaha is geliso oo ay gabama’do, Khuuro yaab leh bay sii daynaysaa. Weligaa ma aragtay gaari Indhataree ah oo raran oo rimmoor jiidaya, oo weliba meel bacaad ah maraya, oo darawalku sheellaraha uu dacasadda geeyey? Wallaahi dhawaqa uu bixinayo in aysan Khuuradeedu ka duwanayn! Anigu, nin hurdo fudud baan ahay oo jiif waan ka tagay. Xitaa deriskii baa ashtako dadban bilaabay! La-tacaalid baan isku dayey, oo takhtar ayaan geeyey, kolkaas baan haddana soo ogaaday in aysan ba dawo lahayn Khuuradu. Gabadhu ‘labac’ bay ahaye, takhtar baa mar nagu yiri, gabadhu ha jimicsato, oo jiifka hadba dhinac ha u baddelato, cuntadana ha yareysato. Markii aan wax walba sameeyey, oo aan ogaaday in aanan hawshaan xallin karin, anigiina hurdo ka tagay, ayaan gabadhii iska fasaxay. Suldaan, hadda waxa aan go’aan ku gaaray, gabadhii dambe oo aan shukaansado in aan marka hore iska weydiiyo in ay Khuuriso iyo in kale!”.

Balo kula tagtay. Bal muu dhaqan-Soomaaligii ku dayo, oo kab geddisan sanka u saaro gabadha. Wacad Alle, waa joojin lahayd, sidii aan maqli jiray. Yaa se kaala tashanaya meel Sheyddaan ku hirgisayo!
Waxaa wariyey: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com