Wednesday, February 28, 2018

NAA AMMA SIDII AAN KUU QABI JIRNAY NOO QAB AMMA NA SOO FUR


Waagii Kacaankii barakaysnaa waddanka uu xukumi jiray, ayey ninkani muufadiisu maraqa ugu jirtay. Shaqo fiican oo dhaqaale miiran ayuu haystay. Ninku, naag uu jecel yahay ayuu qabay, oo xayn ubad ah u haysay. Raggu, la-dhaqanka dumarkooda waa ku kula duwan yihiine, ninkani xaaskiisa si gobanimo leh buu kula dhaqmi jiray.

Guri weyn oo qasri ah, oo laba dabaq ah ayuu uga taagay xaafadda Kaasabalballaare. Wax alle iyo wixii soo gala oo dhaqaale ah, iyada ayuu farta ka saari jiray. Kolkaas baa xaaskiisii ka sara martay marwooyinka kale oo dhan. Dhaqaalahaas aan xisaabta lahayn, ayey qaar dahab iyo xiriir ku gadataa, waxna dharkii soo baxa ku iibsataa, qayb hadba guriga ku beddelataa, inna, wixii quud ah ee dalka iyo dibedda laga keeno, guriga kaga soo buuxisaa.

Xilliga cuntada, guriga maqaayad baad mooddaa, waxa raashin kala jaad ah ee la diyaarinayo. Guriga, waa la is ka dhooban yahay, inta ehel iyo asxaab imaanaysa ee marwadaas u soo shaxaad tagaysa, inta dumar ah ee xaaskaas tabalcaaro u soo raadsanaysa. Guriga saddex shaqaale ayaa joogta oo ku hawllan shaqada gurigaas. Islaanta, iyada ayaa ka magacdheer ninka qaba, waxa ayna ku heshay ku-tamashlaynta lacagta ninkeedu siiyo.
     
Xilligii dagaallada sokeeye dalka ay ka qarxeen ayaa qoyskani qaxeen. Dhibka ay mareen lagama sheekeyn kara e, sidii ay u cararayeen ayey tageen xerada Dhadhaab. Waxa ay muddo rafaad ku jireen, waagii dambe ayaa Alle reerkii ur u bixiyey. Ninkii mooyee, islaantii iyo carruurtii baa dhooftay, oo dalka Kanada ka degay. Ninkiina, xeradii waa ka ka daldoorsaday oo, Nayroobi ayuu iska tagay.

Islaantii iyo ilmaheedii ba shaqo fiican ayey horay ka heleen. Naagtii, isla markii ba waxa ay bilawday in ay biisho ninkeeda, laakiin, waxa ay u soo dirtaa masruuf ku xaddidan kirada hudheelka iyo cuntada iyo mar mar kis yar oo ay ku tiraahdo “Ku arrad tiro” xilliyada ciidaha.

Ninkii, sidii uu filayey wax uma noqon oo, noloshii qaxootiga mid aan wax badan ka duwanayn ayuu galay. Tolka iyo asxaabtu waa tuhmaan oo, wax uu siiyana ma leh. Waa jaadaa oo, wax uu ku qayilo uma soo harto. Kama muuqato nolol qurxoon oo, shaati iyo surwaal ayaa la arkaa ku dul caddaada. Marka uu waco xaaskiisa, uma garaabta e, waxa ay isku xisaabisaa lacagta ay u soo dirto iyo noloshiisa, kolkaasina ku tiraahdaa, “Walaal, lacag lagu dhakhleeyo ma hayo.” Carruurtiisa ayuu la hadlaa, markaas bay ku dhahaan, “Abbe, hooyo la hadal, wixii aan helno iyada ayaan u dhiibnaaye.”

Mar haddii la tuhmayo oo uusan shaah bixin karin, haddana dhogor qurxoon uusan lahayn, oo uu masaakiinta u muuqaal eg yahay, waxa ay dantu ku kalliftay in uu dadka kala dhuunto araggiisa.

Odaygii, maantii dambe ayuu - busaaradda haysa darteed - aad u fekeray. Waxa uu soo xasuustay, markii uu shaqayn jiray, sidii quruxda badnayd ee uu islaantiisa ula dhaqmi jiray iyo habkii uu boqoradda uga dhigi jiray ee uu qayrkeed uga sara mariyey iyo qaabka marka ay fursadda heshay ula macaamilayso, sharaftii uga qaadday, qayrkiisna ugu dullaynayso. Inta is heyn waayey ayuu habeen taleefoon ku garaacay, kolkaas buu isaga oo xanaaqsan soo xasuusiyey sidii uu u geli jiray iyo habka ay ula dhaqmayso. Isaga oo furka tuuraya ayuu sidii uu daldalmayey, hadal oo dhan markii dambe ugu soo gebagabeeyey “Naa amma sidii aan kuu qabi jirnay noo qab amma na soo fur.” Taleefoonkiina waa isa saaray. 

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com
Fb: www.facebook.com/snayruus 



Sunday, February 25, 2018

KOLKII AAN ABBAHAY WAAYEY AYUU AABBE II NOQDAY ANNA HADDA AYAAN WIIL U AHAY


Aabbihi iyo hooyadi keligi bay dhaleen. Hooyadu waa gurijoog, aabbihuna reerka ayuu subixii u kallahaa. Wiilku, dugsigii Qur’aanka waa dhammeeyey, haddana iskoolka dhexe ayuu dhigtaa. Aad buu waxbarashada u jecel yahay uguna fiican yahay. nasiibdarro, isaga oo fasalka sagaalaad dhigta ayuu aabbihi, isaga oo suuqa Bakaaraha ka xammaalanaya xabbad wiifto ah madaxa ka gashay, halkaasina adduunkii uu uga tagay.

Wiilkii iyo hooyadi, aabbe la’aan iyo nin la’aan ayaa ku dhacday. Waxa taas uga darnaa, noloshii baa cariiri isla markiiba ku noqotay. Hooyadi orod bay bilawday, laakiin bariiskii bay ka badin weydey. Waxa ay noqotay in ay ka guuraan daartii ay ku jireen, oo ay degaan aqal jiingad ah.  

Wiilkii, bishii koowaad ba, geeridi aabbihi ka dib, waxaa la weydiiyey lacagta iskoolka. Ma uusan bixin. Tii xigtay baa la weydiiyey. Ma uusan keenin. Tii saddexaad baa fasalka laga soo bixiyey, oo lagu yiri, “Haddii aadan bixin, iskoolka ma imaan kartid.” Meel uu lacag ka keeno ma garanayo. Aabbihi dhimay, hooyadina, quutuldaruurigii ayey la lagdamaysaa. Tol kale iyo meel uu aadana garan maayo. Inta bannaanka iskoolka fariistay ayuu oohin la dhacay.

Markii, duhurkii ardaydii la kala fasaxay, oo ay kala dareereen, macallimiintina, mid kasta ag marayey, ayaa macallin oday ahaa, inta wiilkii yarka haa ku leexday, ag fariistay, isla markaasina inta si naxariis leh madaxa ugu salaaxay, si wanaagsan u wareystay. Wiilkii, si fiican buu ugu sharraxay dhibka haysta, iyo sida uu waxbarashada ugu baahan yahay. Macallinkii odayga ahaa laabtaa dillaacday, illin baana ku soo joogsatay, kolkaas buu ku yiri, “Adeer, ha welwelin, aniga ayaa booska aabbe kuu galaya e.” Odaygii, wiilkii buu misena ku yiri “Gurigiinnii i gee.” Markii uu ogaaday xaalka qoyska iyo xoolo yaridooda, macallinkii mushaarkiisa ayuu reerka wax uga goyn jiray, wiilkana, isaga ayaa xambaartay lacagta iskoolka iyo wax kasta oo uu u baahdaba.

Wiilkii, murugadii heysay waa deysay, waxa uuna helay aabbe kale oo xannaaneeya, koolkooliya, la taliya, dhiirrigeliya isla markaasina waxa uu raba siiya. Iskoolkii, markii uu si wanaagsan u dhammaystay, ayaa macallinkii misena, jaamacad ku daray.

Markii uu idleeyey jaamacaddii, ayaa wiilkii shaqo fiican waxa uu ka helay haayad. Hawshii koowaad waxa uu ka bilaabay, in uu macallinkii wax taro. Macallinku oday buu ahaaye, oo shaqada uu ku jiray dan baa u geynaysay mooyee ma ba kari karin, kolkaas buu shaqadii ka joojiyey, isaga oo biilkiisa dhabarka saartay. Macallinku, sidaa oo kale, awlaad ma dhalin e, isaga iyo xaaskiisiiba, waxa uu soo dejiyey guri weyn oo uu isaga oo hooyadi degganaayeen, oo uu kireeyey markii uu shaqada helay.

Wiilkii, macallinkii waxa uu u samayn jiray, wax kasta oo maankiisa ku soo dhaca. Gaari uu wato, ayuu marka uu shaqada ka yimaado, inta uu macallinka u kaxeeyo, ayuu meelaha ku soo wareejiyaa, oo mar maqaayad geeyaa, mar hoteel, mar carwo, marna meelaha mijabaxsiga loo tago. Waxa uu helo oo dhan, marka masruufka laga reebo, macallinka ayuu ku kharash gareeyaa. Waxa aan ‘Aabbe’ ahaynna ma dhaho. Waxa uu u noqday wiil uu dhalay oo baarri ah.


Wiilka, tolkiisii ayaa la yaabay, oo dhawr jeer weydiiyey sababta ninkan uu aabbe u dhaho, iyo waxa uu dhaqaalihiisa oo dhan ugu baatulinayo. Aad bay uga xumaadaan, kolkaas baa maalin falkan oo meel jamac ah lagu weeyey, uu ku jawaabay, “Kolkii aan abbahay waayey ayuu aabbe ii noqday anna hadda ayaan wiil u ahay.” 

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com

Sunday, February 18, 2018

MA AANAN OGAYN IN UU ILAAHAY DABO UGU AARO DABO!

Waxaa jiray nin taliye ahaa, oo cidda uu xukumi jiray gacan bir ah ku hayey. Xukunkiisa iyo ciqaabtiisu ba waad adkaayeen. Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu si xun u ciqaabay nin ka mid ahaa dadkii uu xumayey. Ninkan, markii loo soo qabtay, buu waxa uu amray, in inta loo xirxiro, oo dabada loo deylo, kolkaas loo foorariyo. Markii sidaas loogu diyaariyey, buu inta qori dheer soo qaatay dabada ka geliyey. Ninkii, ciqaabtii la mariyey, muddo ayuu dhulyaal u ahaa. 

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa taliyihii geed fuulay. Alle amarki, geedkii buu ka soo dhacay. Dabodabo ayuu u soo dhacay, kolkaas baa qor dheer oo kor u jeeday dabada ka galay. Taliyihii, si xun buu geedkaasi dabada uga galay, kolkaas buu muddo dheer baxnaanin u jiifay. Isaga oo maalin xanuunku aad u hayo, oo taahaya, ayaa waxaa u yimid odaayaasha ummaaddii uu xukumayey. Iyaga oo ka waraysanaya xanuunka haya, ayaa waxa uu si kadis u yiri “Waan ogaa in Ilaahay waxa aad gasho uu kaa jarayo, laakiin, ma aanan ogayn in uu Ilaahay dabo ugu aaro dabo!”.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Email: nayruus@gmail.com

Thursday, February 15, 2018

ALLOW GUN WAX HA INOOGU DHIIBIN

Gaari cusub oo nooca raaxada ah, ayaa waxa la is taajiyey carwo horteed. Waxaa ka soo degay laba nin oo garmdaw ah, oo caloolo weyn. Sida uu gaarigu u wirwirqayey, ayey iyaguna u dhalaalayeen – dhogorta qurxoon oo ka muuqatay iyo shacniga dharka ay xirnaayeen. Inta gaarigii xirteen ayey carwadii galeen. Cabbaar ka dib, waxa ay kala soo baxeen baco waaweyn oo buuxa. Gaarigii bay inta gadaal fureen, oo alaabtii ku gureen, kuna soo xirteen.

Cawrada waxaa ku dheggan meel maqaayad ah oo cabbitaannada iyo cuntada fudud laga helo. Kolkaas bay jaclaysteen in ay is qaboojiyaan. Inta soo dhaqaaqeen bay fariisteen meel aan iga fogayn. Kolkii dalabkoodii loo soo dhigay, ayaa waxaa soo dul istaagay wiil miskiin ah. Gacanta ayuu u taagtay. Midna indhaha ayuu ka fiiriyey, kii kalana ‘Allaha kuu sahlo’ ayuu ku yiri. Wiilku miskiin indha-adag buu ahaaye, inta hadlay buu ku yiri, “War niman yahow, wax la’aan ma tihidine, nimaankaas sidaas u eg baad tihiine, gaarigaasina waad wadataane, xalay baa wax iigu dambaysaye, wax yar baa igu filane, wax i siiya”. Inta labadii nin hal mar soo jeesteen, ayaa midna yiri, “Waryaa na dhaaf”, kii kalaba inta kor u hinqaday, gacantana u baaciyey, ku yiri, “Naga tag wasakh yahow”, cuntageeyihiina u yeeray, si uu wiilka uga cayriyo. Markii uu wiilkii arkay meesha xaal marayo, ayuu inta si fiican eegey, tartiib uga ag dhaqaaqay.
Inta uusan laba saan qaadin ba, waxa u yeeray nin kale oo meesha fadhiyey, oo sida nimankaas oo kale, aysan dhaqaale ka muuqan. Inta agtiisa fariisiyey, oo madaxa u salaaxay, ayuu ku yiri “Adeer maxaad u baahan tahay?”. “Adeer, wallaahi xalay baa iigu dambaysay wax aan afka saaro” ayuu wiilkii ugu jawaabay. Ninkii inta u wacay cuntageeyihii, ayuu ku yiri “Waxa aad heyso wiilkaan u keen”. Wiilkii markii uu dhargay, ayuu misena siiyey lacag Sh. So. aan qiyaasayey in ay u dhigmaysay 3 Doollar. Wiilkii, inta istaagay, ayuu ninkii foolka ka dhunkaday. Illeyn, mar baa farxaddu illin kaa keentaa, isaga oo ilmaynaya, ayuu inta uu misena gacan qaaday, ayuu si kal-iyo-laab ugu yiri, “Aad baad u mahadsan tahay adeer, Alle, sida aad iga farxisay, ha kaaga farxiyo”. Inta wax yar ka dhaqaaqay, ayuu wax uu eegey nimankii xumeeyey, kolkaas buu arkay miiskoodii oo buuxa, iyo iyaga oo lugaha inta isa saartay, ay u baxayso, markaas buu inta kor ugu dhawaaqay, ku celceliyey erayadan; “Allow gun wax ha inoogu dhiibin, Allow haddii aad adigu sidaas inoo garatay, Allow gobta nagu agow”. 

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com 


Tuesday, February 13, 2018

JACAYL DARTI JACAYL KALE LOOGU QARAABAYO: Bal eeg waxa ay gabadhani fashay iyo waxa ku dhacay!


Xilli dheer oo ay is jeclaayeen, baa gabadhii iyo wiilkii waxa ay is tuseen in ay is guursadaan, laakiin, dhibka ugu weyn waxa uu yimidaa, kolka laga wada hadlo xoolaha guurkaas ku baxaya, taas oo keenta in uu warkoodu jid u bixi waayo. Sababtu waxa ay ahayd, waxa ay ahaayeen laba qof oo beerka ku socda, cidahooduna digsiyada xagtaan.

Maalin maalmaha ka mid ah, baa gabadhii talo loo riyaaqay soo jeedisay. Waxa ay wiilkii u sheegtay, in uu jiro oday badarnoole ah oo marar badan la kaftamay. Iyada oo hadalkii u waddda, ayey weydiisay wiilkii, “Walaal, ka warran haddii aan odaygaas xiriir jacayl la sameeyo oo aan guursado oo, wixii uu meher ii siiyo iyo wixii kale oo aan ka farsamayn karo kuu dhiibo, adna aad noo keydiso ama meel inoogu furto, markii ay isku kaaya gaartana aan iska furo, dabadeed aan is guursanno?” Wiilkii, taladaas inta la dhacay, baa saas la is gartay. Gabadhii, waxa ay horay ka bilawday fulinta taladii. Sidii ay hadba odaygii u qooranaysay, la samaysay xiriir, la is jeclaa, la is lana gaar jacayl guur ku soo ururay.

Markii la aqal galay, baa gabadhii bilawday heshiiskii ay jacaylkeedii hore la gashay. Lacagtii meherka ahayd oo badnayd bay inta odaygii ka qaadday wiilkii u geysay. Isla markiiba, isna dukaan buu ku furay. Maalin kasta waxa ay biilka ka reebto ayey u tuurtaa, si uu macdaarka ugu ballaariyo. 

Markii ay sidaas ku wadday muddo sannad ah, baa waxa uu dukaankii gaaray meeshii ugu sarreysay. Kolkii ay aragtay in ay isku filnaan karaan, baa iyada oo fulinaysa heshiiskii hore - iyada oo aan la tashan saaxiibkeed - bilawday in ay odaygii rabash ku kiciso, taas oo muddo ka dib keentay in uu iska furo, Malaa’igtii isu beddeshay Shaydaanka.
  
Subixii ay warqaddeedii gacanta ku dhigtay, baa iyada oo farxad hawadaas la mareysa, waxa ay u tagtay saaxiibkeed oo dukaankii dhex fadhiya, oo lacag kala rogaya. Arrintii bay u sheegtay, laakiin wiilkii baa inta qarracmay, si la yaab leh ugu yiri, “Maxaad iigu sheegi weyday inta aadan ku dhaqaaqin hawshan. Ma aysan ahayn in aad ninka iska furto!” Inta is gashay, bay ku tiri, “Maxaa dhacay xabiibi, soo taas iskuma aannaan ogayn?!” “Walaalay odaygaagii ku laabo, anigu hadda hawshaasi kuma jiro e,” ayuu ugu jawaabay. “Walaalaw qaaliyaw, sidaas ha dhihin… Ilaah baan kugu dhaarshaye saas ha yeelin… Jacaylkaaga awgi ayaan saas u sameeyey e…” iyo wixii cabaad iyo oohin maantaas ka baxday, waxa ay soo afjaray hadalladan uu ku lahaa, “Naa hooy, buuqa iyo calaacalka ila dhaaf, dantaada raac oo, dukaanka iiga hor dhaqaaq!” 

Gabdhii, markii ay aragtay, arrintii wiilka darti ay u samaysay iyo waxa uu hadda ku kacay, baa iyada oo dukaanka hortaagan, xiddigaha ay tirisay.

Hadda, iyada oo madax xiiran, calalo ustag ah oo daclo leh qabta, ayaa maalin dhaw wiil igu tusay, iyada oo laamiga Sheekh Cali-Suufi dhex maraysa, oo baabuurtu ka is taagayso.  

Fg: Sheekadani kuma jirto sheekooyinka MUCJISADA leh ee ku jira Buuggii NABSI.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus 
E-mail: nayruus@gmail.com
fb: www.facebook.com/snayruus

Friday, February 9, 2018

ABBAAYO ISKA SIIB FUNAANADDA IYO SURWAALKA


Nin horey u batay ayuu ahaaye, maalin isaga oo galabgaab is kaga dhex mushaaxaya xaafadda Aktoobar ee magaalada Baladweyne, ayaa waxaa ka soo hor baxday inan jalaqsan, oo is walaaqeysa. 

Intii ay ku soo socotay, ayey googaraddeeda xoogaa kor u qaadday, oo lugaheedii qeyb faydmeen, garbasaarteediina kor u xaydday, oo gacmeheedii ilaa cudadda wax ka muuqdeen. Xabadka ayey kor u taagaysay, si ay horaaddadeeda u muujiso, socodkiina beddelatay. 

Ninkii oo aan isha ka leexin gabadha intii ay soo socotay, ayaa la dhacay bilicdeeda. Iyada oo qurux u dhalatay ayaa misena waxaa soo jiidatay caddaanta ka muuqatay intii laga arki karay jirkeeda. Ninkii, gabadhii ma sii deyn e, inta la is taagay, oo bartay, ayuu misena ka qaatay xiriirkeedii. Markii muddo la is shukaansanayey, waxaa lagu heshiiyey guur, waana la is doonay, oo la is nikaaxsaday.

Habeenkii arooska, markii nalkii guduudnaa la shitay, oo sariirta la isla tagay, ayaa kaftan iyo hiihiile ka dib, xilligii dhardhigashada la isla gaaray. Labadiiba, mid kasta sidii uu ku dhashay ayuu iska dhigay. Laakiin ninkii baa dhawr jeer gabadhii ku celceliyey erayadan, “Abbaayo iska siib funaanadda iyo surwaalka.” Gabadhiina hadalkaas inta la yaabtay ayey ku haysay “Macaane, waxba ma qabo.” Ninkii, inta ku qanci waayey ayuu taabtay, mise, waa run oo gabadhu jirkeeda maro ma saarna. Inta uu is taagay ayuu nalkii weynaa shiday, mise waxa uu dharka u maleeyo waa midabkii asliga ahaa ee jirkeeda.

Gabadhan, oo midabkeedu ahaa madaw maarriin galay, ayaa goor hore bilawday in ay is caddayso. Ma aysan awoodi karin in ay barkad gasho ama ay hesho dhammaan dawooyinka maqaarka fiiqdee, waxa ay ku dadaali jirtay, in ay joogtayso caddeynta wejigeeda ilaa kalxamaha, gacahana ilaa cududdada, lugahana ilaa lowyaha. Intaas ma ehee, inta kale jirkeedu waa sidii loo uumay. Markaas baa haddii ay ku dhar dhigato meel ilaysku nuxuus yahay, loo qaadanayaa in ay funaanad gacmo gaab ah iyo surwaal luga gaab ah qabto - waana sida uu ninkeedu u weydiiyey.

Ninkii markii uu arrintii ogaaday, buu ugu dhaqaaqey weydiin, kolkaas bay si fiican wax ugu sheegtay - illeen ma qarin karta e. Ninkii inta gaagaxay ayuu habeenkii sariirtii gees isaga tuuray, kolkii subixii la gaarayna, inta meherkeedii farta ka saaray, warqaddeedii siiyey.

Wagaas ka dib, gabar weji iyo addimo cag, ma uusan eegin.

Waxaa Qoray Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com