Tuesday, March 21, 2017

Farqiga u dhexeeya Roob-doontii hore iyo Tan Maanta (Sheekooyin Dhab ah)



Roobdoontii hore

Nin-ba, wixii u soo joogey buu ka sheekeeyaaye, waxa aan u soo joogey, iyada oo maalin milic dhamac ah iyo hongorre kulul uu jirey, roobkii Guguna la la’yahay, baa xilli far-dambeed ah, annaga oo Qur’aan dhiganayna, ayaa Macallinkii inaga codsaday, in aan Roob-doonno. Inta Looxdii Maxada saaranay, ayaan waddada qaadnay. Cajiib, Saacad kama soo wareegin, goortii Samada nala ka aqbalay, oo daruuro cirkii inta qabsadeen, roob Dhibca weyn nagu bilawday.

Waxa kale oo aan u soo joogay, maalin sidaas oo kale roob la’aani ay dhacday, markaas baa wadaad Magaalada Joogay, oo dadka deegaanku ay aaminsanaayeen in uu samada xiriir fiican la lahaa ayaa isaga oo meel fadhiya, inta dad badan u tageen bey koofidii, Tusbixii iyo Kitaabkii ka qaateen, markaas bey dheheen “Wallaahi baanaan koofida, Tusbaxan iyo Kabahan aannaan dib dambe kuugu celineyn, haddii aadan Alle ino baryin in uu naga dulqaado Abaartan iyo Roob la’aantaan”. Maantaas baa iigu horreysey, in uu Shiikhu Bidaar leeyahay, markaas baa wadadkii oo cagacad, oo dhako diiran, inta uu baxay, ayuu meel Bakad ah, inta istaagey, laba Rakcadood tukaday. Markaas buu inta gacmaha iyo indhaha sare u qaadey, Alle baryid bilaabey. Waxa aan ka xasuustaa erayadiisii “Ilaahayow, waxa aan ahay waad og tahay, Ilaahayow, dadkaani maciin bey i bideen, Ilaahayow maanta Koofida igu celi”. Cajiib, Ilaahay, inta isla markiiba aqbalay, ayaa ‘Afarta Beenu Jiho’ daruuro is qabsadeen, roob Biyamaris ah magaaladii soo galay.

LOOX la soo amaahday oo maalin dhaweyd inta lagu roob-doonay


Magaalo ka mid ah, magaalooyinka Soomaaliya, ayaa waxa ay ahayd magaalo dadka jooga ay Qaaddiriyo ahaayeen, oo aad uga dambeyn jirey Culimada Dariiqada. Kuwa Awliyada ah ee dhintana, waa siyaaran jireen, kuwa noolna, waa ka duceysan jireen. 1995-kii, ayaa waxaa magaalada soo galay Culimada Saxwada Islaamka, oo barakadooda watey. Magaaladii ayey xoog ku yeesheen, markaas bey dadkii waxa ay u sheegeen, in mabda’ ay heysteen uu ‘Bico iyo Baadhil’ ahaa. Waxa ay ka dhaadhiciyeen in Awliyada dhimatay, ay Kabahoodu ka roon yihiin, kuwa noolna aysan Ilaahay ka xigin. Malcamadaha Qur’aanka ayaa Magaaladaas ku badnaa, oo Sarab iyo Rammaali ka dhisnaa, Looxna lagu dhigan jirey Khad la riiqey iyo Qalin xalleef ah oo la qorey, ciiddana waa lagu fariisan jirey. Dadkii ayey u sheegeen, in ay Diinta arrintaasi ihaano ku tahay, oo Diinta meel wasakh ah iyo wax dheerti ah in lagu barto aan loogu tala-gelin. Inta Dugsiyadii ka takhaluseen ayey fureen Malcamado Jiigado ah, hoosna Shamiito ka ah oo Qur’aanka Buug iyo Qalimaan lagu dhiganayo.   


Maalin dhaweyd, ayaa magaaladii abaar xuni ka dhacday, markaas baa Roob-doon loo baahday. Culimadi Baraaruggu (Saxwadu), waa shireen. Mid ka mid ah Culimada oo horey Qaaddiriyo u ahaan jirey, laakiin Saxwada ku biirey – wax ku kallifey-ba – ayaa raggii u sheegey in magaaladaan waagii hore Ardeyda inta madaxa Looxda loo saaro, magaalada ay ku wareegi jireen, markaasna isla markiiba Roob soo da’i jirey. Maaddaama uusan jirin Dugsi ay Culimadu leedahay, oo Loox leh, waxaa loo baahday Loox. Sidii magaalada looga baarayey, ayaa waxaa la helay laba Dugsi oo yar-yar oo magaalada kooneheeda ku yaalla, Macallimiintii hore iyo Ardey qalin-nuug ahna joogaan. Inta labadii Dugsi la tagay, ayaa Macallimiintii laga codsay in ay Looxda maalin amaahiyaan. Ma diidi karaane, waa ka yeeleen. Midna 17 Loox bay ka soo qaaten, midna 25 Loox. Caku waxaan garasho lahayn, xitaa Macallimiintii maantaas shaah Masiin, Ardeydoodiina waa ka taagee, markaas bey Looxdii waxa ay u geeyeen Ardeydoodii. Inta madaxa u saareen ayey dheheen “Adinka oo Alle tuugaya magaalada wareega, inta Roob ka imaanayo”. Sidii ay maantii oo dhan u wareegayeen, ‘Nakata’ Roob waa soo hoori waayey.

Suldaan Nayruus
 


Saturday, March 11, 2017

Buugga Warsame iyo Wariyenimo


Buuggan (WARSAME IYO WARIYENIMO), waxa uu ka sheekeynayaa qisooyin murugo iyo tiiraanyo leh oo uu Wariye kaga tagay Warbaahinta Muqdisho, kaddib siddeed sano oo uu ka shaqeynayey. Wariyehaan waxa uu Warbaahinta ku biiray, isaga oo markaas baadiye ka yimid, oo laba bilood oo uu Muqdisho joogay oo uu bartey Far-Soomaaliga kaddib, horey ka bilaabay barashada Saxaafadda, horeyna kaga biirey Warbaahinta.
Inta aad buuggan akhrineysid, waxa aad ogaaneysaa Wariyehan xaaladdiisii hore ee baadiyaha, qaabkii uu uga soo tagey iyo safarkii dheeraa ee uu Muqdisho ku yimid, sida uu waxbarashadii Farta Soomaaliga ku bilaabey, habkii markii uu bartay uu u bilaabay barashada Saxaafadda iyo sidii uu ugu biiray Warbaahinta. Intii uu Warbaahinta kala duwan ka shaqeynayey, ayaad arkaysaa qisooyinkii taxanaha ahaa ee muragada lahaa ee ka soo maray intii uu xarun Warbaahin ka shaqeynayey iyo sidii uu markii dambe uga tagey Warbaahinta, oo uu raas kale oo Alle ku liibaanay uu u degay. Waxaa kale oo aad ogaanaysaa sida uu ninkaani u ahaa Gob aan marna hilmaamin cid mar asxaan u fashay.
Waa buug runtii in akhriskiisa wakhti badan la geliyo mudan, inta aad akhrineysidna, mar waad ka yaabin qisadan, marna keligaa adiga oo isla qoslaya ayaad arkin. Mar inta aragtid qaabka Wariye-yaasha iyo War-baahinta u shaqeeyaan ayaad ku siganaysaa in aad ka qaban-dhacootid Wariye-yaasha iyo War-baahinta-ba. Mar oohin ayaad ku sigan doontaa haddii aysanba illini kaa soo daadan, marka aad aragto dhibka ninkaan qabsadey iyo sida gobinamada leh ee loo kal-kaalay iyo sida uu abaalkii loo galay isugu taxalujinayey in uu u gudo.

Bal akhri, oo ogow bogog ka mid ah, taxanihii Warbaahinta Soomaaliya, burburkii kaddib.

Buuggaan, waxa aad ka heli kartaa: Xamar, Hargeysa, Boosaso, Garoowe, Nayroobi iyo Jigjiga.

Ama kala xidhiidh: nayruus@gmail.com

Suldaan Nayruus