Friday, August 9, 2019

XARUMO LAGU DIYAARIYO BUUGTA QALINJEBINTA JAAMACADAHA


Weli ma aragtay arday aad taqaannay oo kugu yiraahda: Jaamacaddii baan dhammeeyey oo, waxaan diyaarinayaa buugga qalinjebinta. Weliba ma kuu sheegay mawduuca uu ka diyaarinayo oo aad la dhakafaarto adayggiisa. Markaas ma weydiisay afka uu ku qorayo buuggaas, oo ma kuugu warceliyey in uu ku diyaarinayo af Ingiriis. Adiga oo aan afka ka oran, uurka ma iska tiri: Goormuu bartay Ingiriiska uu ku qorayo cilmigaas! Muddo aan dheereyn ma aragtay ardeygii oo soo daabacday buuggii uu qorayey? Ma la yaabtay weynankiisa? Ma eegtay waxa ku qoran oo, ma la fajacday aqoonta ka buuxda iyo Ingiriiska sare ee uu ku qoran yahay? Dabadeed ma isweydiisay halka uu ka keenay ardaygii aad taqaannay oo waxna aan akhrin jirin, Ingiriiskana gabta ka ahaa? Saaxiib, haddii aadan adigu isa-su`aalin aniga ayey horay dhawr jeer ii soo martay oo wax badan isweydiinayey, laakiin muddo dheer ka dib helay jawaabahaas.        

Baahi marka ay timaaddo, waxaa jira rag u fekera sidii ay baahidaas u dabooli lahaayeen. Bacdamaa ay jaamacad kasta khasab uga dhigtay ardayda ka qalinjebinaysa in af Ingiriis aysan barin ku diyaariyaan buug weyn, dhib weyn ayaa ardeydii arrintaas ka soo foodsaartay. Waxaa lamahuraan noqotay in la helo cid ka saacidda, kolkaas baa rag u fureen xarumo. Inta aan ka warhelay, waxaa ilaa iyo hadda jira 7 xarumuuud oo u badan Taleex, Banaaddir, iyo Maka-al-Murrama. 

Sidee U Shaqeeyaan Xarumahaas  
    
Ragga ay xarumahaasi u furan yihiin, waxaa qolo kasta Kombiyuutarrada uga buuxa kumannaan buug oo mawduuc kasta leh oo horay loogu qalanjebiyey. Waxa ay isugu jiraan kuwo dalka looga qalinjebiyey iyo kuwo Googal laga keenay oo jaamacadaha caalamka ah looga baxay. Maalinta uu gaaro ardaygu buug-diyaarinta ayuu u tagayaa mid ka mid ah xarumahaas. Marka uu u sheego kulliyadda uu ka qalinjebinayo ayey hordhigayaan cinwaanno badan oo quseeya maaddadaas si uu mid uga doorto. Mid buu ka xulanayaa; waxa uuna u geynayaa macallinka qaabilsan buug-eegidda. Haddii la soo oggolaado, nimankii ayuu u sheegayaa. Sug bay lee yihiin waan diyaarinaynaaye. Waxba ma diyaarinayaan oo Kombiyuutarka ayuu ugu jiraaye, laakiin lacagta ayey ku xalaalaysanayaan. Markii la gaaro muddadii loo qabtay ayaa farta laga saarayaa. Waa uu la tagayaa oo, waa soo difaacanayaa!    

Macallimiin Sida Xarumahaas U Shaqeysa  

Waxaa jira macallimiin aysan xarumo u furnayn, laakiin sida xarumahaas u shaqeysa. Kombiyuutarradooda ayaa buug badan ugu dhaansan tahay. Arday dallaaliin ah baa suuqa ugu jirta oo ardayda kale ku soo xirta. Macallimiintaas, kuwo ka mid ah waxaaba laga yaabaa in ay noqdaan kuwa jaamacadda u qaabilsan buugta qalinjebinta. Waxaaba dhacda in uusan ardaygu u baahnaan xarumahaas oo ay is fahmaan macallinka buug-eegidda qaabilsan. Macallinkaas ayaa mid uga soo bixinaya buugta Kombiyuutarkiisa ilkaha ka maraya, difaaciisana dhagesanaya, oo kistiisa ka qaadanaya.      

Jaamacado Badan Oo Hal Buug Looga Qalinjebiyo 
          
Xarumahaas badan, waxaa la soo xiriira arday badan oo ka kala qalinjebinaysa jaamacado kala duwan. Wixii isku mawduuc ahba hal buug ayey u diyaariyaan, markaas baa waxaa dhacda in 15 arday oo ka kala qalinjebinaysa 15 jaamacadood ay isku buug oo ku qalinjebiyaan. Xataa macallimiinta jaamacadaha kala duwan dhiga arrinatas waa sameeyaan oo, waxaa laga yaabaa in ay hal buug ay u kala diyaariyaan dhawr arday oo jaamacado kala duwan dhigta, oo ay shaah ka qaateen. 

Farxad Iyo Daamaashaad 
          
Waxa aad arkaysaa arday qalinjebisay oo inta aada meelo qurxoon oo aad u labbista isku soo sawiraysa buuggii qalinjebinta.          

FG: Intii aan xarumahaas booqanayey, waxa iigu la qosol badnayd middii uu boorkeedu ku qornaa “MISKIIN CAAWIYE”.       

Talo Aan U Soo Jeediyey Qaar Ka Mid Ah Maamuleyaasha Jaamacadaha    

Waxa aan la kulmay maamuleyaasha afar jaamacadood, waxa aana hor dhigay macluumaadkan aan sida mutadawacnimada ah u sameeyey. Waxa kula taliyey in ay laba mid sameeyaan: In ay ardayda baraan Ingiriis ay buugtaas ku diyaarin karaan ama in ay ardayda u oggolaadaan in ay afkooda hooyo ku qoraan buugta. Waxa igu yiraahdeen, "Waan ka soo fekeraynaa." Iyaga oo fekerkii ku maqan baa iigu dambeysay.         

Waxaa Qoray: Suldaan Nayruus 
E-mail: nayruus@gmail.com        
Fb Page: www.facebook.com/snayruus




Thursday, August 8, 2019

JACAYL IYO XAALKI


Habeenkii ay baratay, balo ayey doonatay. Waxa ay lugaheeda ku raadsatay cudur halis ah. Waa kii ay la jiiftay sagaal bilood. Muddadaas cunto saani uga ma degin, markaas bay weyd noqotay oo meelihii hilibku buuxin jiree oo dhan inta isku dhaceen, lafihii soo muuqdeen. Waa walbahaarka hayey e, kasho waa u weyday is-haagin iyo iska shaqeyn, markaas baa timaheedii dahabiga ahaa raso noqdeen, jirkeedii subbagga ahaana inta qallalay oo jacdaday, hollob fuushay. Ilkaheedii baylka ahaa luun baa maray, luqluq iyo rummay la`aan bayna sababsadeen. Indhaheedii cadcaddaa waxa ay isku beddeleen guduud god dheer ka soo muuqda, soojeed iyo dhafar ayeyna eersadeen. Gabdhii hadalka badnayd, aamus baa ka soo horay. Tii bashaashka ahayd, jacjuun indhaha dadka ka fiiriya bay noqotay. Wahsi iyo caajis baa u beddalay firfircoonidii iyo nashaadkii. Maahsanaan baa booskii ka saartay dhiifoonaantii lagu yaqiinnay. Wax dhega-adayg loo maleeyey baa u beddelay dhego-fudaydkii ay caanka ku ahayd. Waxbarashadii waa laga hor istaagay oo, waa tan bilaabi weydey jaamacaddii laga soo diiwaangeliyey. Isbeddelka ku yimid inanta waxaa la yaabay waalidkeed, walaaleheed iyo saaxiibbadeedba. Lama wadaagto midkoodna meesha laga soo galay. Isbitaallo badan baa lagu la tacaalay oo, looga quusay. Marrooyin Qur`aan ah baa lagu dejiyey oo, shifo looga ma helin. Qoysku waa u sameeyey wax walba oo looga saari karo waxa haya. Iyagiina rejobeel bay soo istaageen, iyadiina dhacdiid, dhinacayn iyo dhabannahayn ka ma dhammaado.

Inantan oo la yiraahdo Raxmo, habeen habeennada ka mid ah ayaa, iyada oo la socotay xeyn gabdho ah oo inta sheeko bogtay ka dhaadhacayey dusha sare ee Pizza House ta Muqdisho ku taalla, Cali oo fadhiyey barta dagaandegga waxa ay ishiisu qabatay Raxmo oo ugu dambeysay gabdhaha jaranjarada hoos ugu socda. Wiilkii inta uu aad u la dhacay quruxda iyo dhaylanimada inanta, ayuu inta isla markiiba istaagay oo horjoogsaday, salaamay. Qudheeduna, qacdii horeba, waa soo jiitay qaabdhismeedka Caliye, si qaddirin leh bay salaantii uga qaadday. Daqiiqado yar bay inta hadallo kooban isweydaarsadeen, kala qaateen taleefoonnada. Habeenkaas wixii ka dambeeyey waxaa u bilowday wiilkii iyo gabadhii sheeko aakhirkii isu rogtay jacayl. Raxmo waxa ay markaas ahayd 18 sano jir dugsi sare ka baxday oo jaamacad u diryaarsayd in ay gasho, laakiin jacaylkii halkaas ka raacay uu u diiiday. Cali se, jeerkaas waxa uu dhiganayey sannadka ugu dambeeyey ee jaamacadda.

Sideedaba, waa dhaqanka jacaylka oo, laba qof oo kasta oo xiriir bilaaba mid uu u eexdaa oo uu laabta u fariistaa. Xiriirkii ugu horreeyey ee ay Raxmo wiil la yeelato buu haaye, maalmihii hore ee haasawaha, iyadii ayuu jacaylkii horay daf ka yiri. Markii hore Cali baa soo wici jiraye, markii dambe iyadii baa daqiiqad moogaan weydey oo wici jirtay. Haddii uu arkay in isaga la danaynayo, waaba iska dhaafay wicitaankeeda oo keeda ayuu sugaa. Haddii uu maalmihii hore Kaar iyo Shilimaan soo jiidasho ah uu u tuuri jiray, waa iska dhaafay oo, isaga ayaaba loo soo xawilaa in ka badan intii uu u gami jiray. Maalmihii hore, isaga ayaa danayn jiray kulankeeda e, kolkii dambe iyada ayaa mar kasta ka codsan jirtay in ay aragto. Jeerkii uu arkay in kulankiisa la xiisaynayo, waa iska joojiyey codsigiisii kulammada. Xataa kulankeeda waa ka faa`iidaa oo, xolihiisa waa u turtaa oo, wax kasta oo ku baxa iyada ayaa bixisa.

Maxaad ka taqaannaa Aadane, marka uu arko in la danaynayo ayuu buur isa saaraa. Kolka uu dareemo in aad looga daba ordayo ayuu dhan kale u sii jeestaa. Jeerka uu ogaado in dhab loo jecel yahay ayaa yasmo iyo karaahiyo ku bilaabataa. Markii uu Cali arkay sida loo jecel yahay ayaa waxa uu dhibsaday taleefoonka aan kala joogsiga lahayn ee Raxmo. Waxa uu joojiyey qabashada taleefoonka. Marmarka uu ka yaabo dhicitaankiisa, ayaa waxa uu ugu dhiibaa qof la jooga oo u sheega in uusan joogin. Waa iska daayey ka jawaabidda farriimaha is dabayaal ee daqiiqad-daqiiqad ugu soo dhacayey moobeelkiisa, Watisabkiisa, Iimoogiisa, Faysbuuggiisa iyo Inistigaraankiisa. Markii dambe ee uu adkaysan waayey wicitaankeeda iyo farriimaheedaba, waa iska xayiray oo, baloog buu meel walba ka saaray. Isaga iska daaye, xataa saaxiibbadiisii ay ku baratay oo ay ka baryi jirtay in ay Cali kala hadlaan ayaa dhibsaday oo, xayiraad wada saaray. Markii ay aragtay in uu Faysbuuggeeda iska xayiray, ayey dhawr mar samaysaytay kuwo cusub oo ku darsatay, laakiin markii uu ogaadaba uu iska sii xayirayey. Maantii dambe ayey samaysatay mid aysan ku darsan laakiin ay qeybta baarista (searching) kala socoto waxa uu soo dhigo boggiisa. Galab uu soo dhigay boggiisa in uu Liido joogo ayey inta ka aragtay, orod isku sii taagtay si ay isha uga qaaddo. Waxa ay u timid isaga oo dhallinyaro dhex fadhiya. Isaga oo aan kicin buu hadal oo dhan ugu soo koobay: Ma aniga ayaa ku soo wacay oo halkaan kugu la ballansanaa. Hadda waqti ma hayo oo shir baan ku jiraaye, waa noo mar kale! Maxa ay samayn kartaa oo kale. Jac baa ku dhegtay oo, waa iska laabatay.

Caku ruux wax jecel. Raxmo iyada oo marmar ka fekeraysa Cali ayaa waxaa ku dhaca in ay macquul ahaan lahayd in uu soo waco, laakiin laga yaabo in uu la soo garaaci waayo Kaar la`aan, kolkaas bay markaasba u tuurtaa lacag ay ka soo shaxaadday waalidiinteeda. Iska daa soo wicide, xitaa waan helay lacagtii uma soo quuro. Intii ay jeclayad, maalin ciid soo galaysay ayey inta niyadda iska tiri: Cali ma haysto lacag uu dhar qurxoon ku iibsado iyo mid uu ku damaashaado. Markaas bay inta isla markiiba boodday, abbeheed weyddiisatay lacag. Waa oday taajir ah oo gabadhiisana jecele, warba kama soo celine intii ay sheegatey ayuu u dhiibay. Iyada oo aan shilin ka reeban bay ugu xawishay taleefoonkiisa. Xitaa ‘waad mahadsan tahay’ waa soo dhihi waayey.

Mar haddii ay ka weyday aaladaha la is kala xiriiro, waxa ay bilowday in ay cagaheeda ku raadiso. Labada meel ee uu ugu badan yahay (Waa jaamacadda iyo xaafadda e) ayey taqaannay e, labadaas bay ka baadigoobtaa. Marka ay jaacamadda ka soo raadiso, haddii uu kor ka arko waa ka dhuuntaa, haddii ay iska soo horbaaxaanna, inta badan qof aan arkayn oo aan maqlayn buu iska dhigaa oo, waa daba maraa, oo ka saandheereeyaa. Haddii ay is hor qotomiso, waxa uu ku dhahaa: Abbaayo aniga ayaa ku soo wacaya hadda waa degdegsanehee. Jawaabtaas bay inta laabta ku qabowsato ayey maalintaas iyo habeenkaas oo dhan taleefoonka beerka ku haysaa. Mise ma leh. Haddii ay isku daydo wac, ma helayso oo, xannibaad baa saaran. Qoyskiisa waa hore ayuu ku wargeliyey in aan gabadhaas albaabka lagu furin. Markii ay soo garaacdo oo la ogaado in ay tahay iyadii, Cali ma joogo baa la dhahaa. Kolkii la arkay in ay mar kasta soo raadinayso ayaa lagu bilaabay hadallo ixtiraamdarro, yasmo iyo xaqiraad ah, iyada oo taaganna albaabka xoog la isugu dhuftaa. Marmar waa lagu maadaystaa, kolkolna dhoocilaha guriga jooga ayaa ku daadiya biyaha wasakhda ah. Raxmo, iyadu waxaas oo dhan ma aragto oo, JACAYLKU MA LEH XISHOOD, XANAAQ IYO QAB. Berri bay ku soo laabataa halkii shalay falkaas lagu la kacay.

Wiilkii Cali ahaa aad iyo aad buu u nacay una karaahiyeysay gabdhan raadintiisa uu ka har iyo hoyaad waayey. Tab kasta oo uu isaga reebi karo waa sameeyey waana ka hari la`dahay. Xataa dhawr mar buu been ugu sheegay in uu guursaday si ay inta u hinaasto, uga harto, laakiin meelna ma danqato oo, 'Alle soo afar kuu ma bannayn' bay ugu jawaabtaa. Isaga oo maalin ka fekerayey sidii uu gabadhan ka yeeli lahaa iyo tillaabada ugu dambeysa ee uu ka qaadi lahaa iska dabareebkeeda, ayaa wiilal saaxiibbadi ah inta u yimaadeen waxa ay u sheegeen khad dhoofitaan oo Turkiga la marayo. Waxa ay uga warrameen in ay iyagu baxayaan, haddii uu raacayana fiise Turki ah oo 4,500 $ loo hayo. Wiil taladaas waa la dhacay laakiin cabbaar ayuu fekeray halkii uu lacagtaas ka keeni lahaa maadaama uu ka soo jeedo qoys sabool ah oo awalba ku dhibbanaa bixinta qarashaad yaryar ee jaamacadda uu bilaasha ku dhiganayey. Haddii uu indoor ah wax isweydiinayey, waxaa si kale ugu soo dhacday Raxmadii uu mar dhaweyd ka fekerayey iska reebkeeda. Waxaa qalow ku soo tiri in ay Raxmo reer aad u ladan ka soo jeeddo. Inta farxay ayaa waxa uu is kula taliyey in uu maalmo xiriirkeedii soo celiyo, markaasina uu ka codsado in ay reerka lacag uga soo xaddo. Ku dhaqaaq. La xiriir Raxmo. Raalligelin iyo laabxaarasho isugu dar. Gabadhii oo xanuun sariir la taallay hawadaas bay ku dhegtay farxad darteed maadaama uu soo wacay wiilkii ay adduun ugu jeclayd. Fadhiga ayey inta ka boodday, meel allaale iyo meeshii uu joogay ugu tagtay. Habeen bay ahayde, farxad iyo qabow ay u ayday ayey ka soo qaadday.

Baryo xiriir iyo jacayl la wadwad ah ka dib, Cali waxa uu ka codsaday Raxmo in uu oga baahan yahay lacag dhan 4,500 $ oo uu dan muhiim ah ku qabsanayo. Ma iyada ayaa diidi karta codsi ka yimid wiilkii ay adduun ugu jeclahayd. Iyadu lacag ma haysa e, sanduuq ay hooyadeed dahabka gashato inta u dhacday ayey ka soo dhiitisay dahab badan, oo inta isla markiiba la orodday, u geysay jacaylkeedii. Farxad buu inta la dhacay, ayuu ka qaatay inta uu aad ugu mahadceliyey. Dahabkii ayuu suuqa geystay oo, waxa uu u gaaray 6,400 $, masha Allah, kaba badan intii uu doonayey. Fiisihiisii iyo Hawlihiisii kale ayuu ku dhammaystay.

Baryo ka dibba, Raxmo hooyadeed tawday dahabkii, se si kasta inta la yeelay baa la garan waayey cidda qaadatay. Xaafaddii buuq iyo tuhun baa kala dhexgalay. Shaqaale badan, masaakiin iyo qaraabo guri ku noolayd buu salfaday.

Subixii uu baxayey galabteedii ayuu Cali ugu yeeray Raxmo qol uu saaxiibkiis lee yahay. Wax kale ugu ma wicine, waxa uu is kula yaabay gabadha muddadaas dheer sidaas u jecel oo uusan weligi taaban oo tuujin. Markii ay u timid ayuu ku yiri: Raxmo haddii aad si dhab ah ii jeceshahay iskay sii. Dharka dhigo oo sariirtaas ii jiifo. Ma diidine, hal mar bay dharkii muluq iska siisay. Markii uu dhankeeda soo aaday ayey ku tiri: Walaalle Caliyow, weligay nini korkeyga ma taaban. Adna jacaylka aan kuu hayo ayaa iga keenayee, ma jeclayn annaga oo aan xalaal isku ahayn in aan sidan ku kulanno. Walaalow, Alle baan kugu dhaarshaye, xaaraan ka ha igu bikrojebin. Caliyow, aniga ayaa diyaar kuu ehe, walaal maad i mehersatid. Xitaa qudbasiro aan isku soo nikaaxsanno hadda, haddii aadan lacag haynna, aniga ayaa bixinayee. Walaalow codsigaas ii qiimee, haddii aadan yeelaynna, qaali diyaar baan kuu ahaye, sida aad rabto samee.” Cali ma yeelin codsigaase, shaqayso buu is yiri. Laakiin markii uu u dhawaaday ayaa indhiisa inta caad fuulay oo ay si kale inta la noqotay, ka hammijabay bay isla markiiba ka hortimid, kolkaas buu inta dharkeedii xiro yiri, iska fasaxay.

Raxmo, markii ay ka tagtay oo ay gurigeedii gaartayba, waxa ay damacday in ay jacaylkeedii wacdo oo ay u sheegto in ay nabad tagtay. Waa wacday mise sidii hore oo kale ayaa Baloog loo saaray. Habeenkii oo dhan ayey wacdaa mise ma leh. Subixii ayey haddana ku bilowday wicitaan, mise waaba dansan yahay taleefoonkiisu. Ilaa maalintii xigtay oo dhan bay garaacaysay oo uu sheegayey in uu bakhtiisan yahay. Gabadhii naxdin baa ku dhacday. Ismaba weydiin bixid iyo waxaas e, waxa ay ka fekeraysay in ay wax kale heleen. Subixii dambe ayey ku kallahday gurigisii, kolkaas baa loo sheegey in wiilka ay raadinayso uu u baxay Turki. Ma aysan aaminine, faysbuuggeedii ayey inta furtay ka eegtay kiisii, kolkaas bay ka aragtay sawirro 'macasalaamo' ah uu soo dhigay oo uu isaga qaaday markii uu ka baxayey Gegida Dayuurada Muqdisho iyo kuwo kale uu isaga qaaday kolkii uu ka degayey Madaarka Ankara. Hubsatay socdaalkiisii.

Maantaas habeenkeedii ayey Raxmo wax isweydiisay. Waxa ay markii ugu horreysay wax ka iska su`aashay Cali. Waxa horay kaga soo dhacay falalkii ugu dambeeyey ee ay ku kacday. Waxa ay soo garwaaqsatay wax walba oo khalad ahaa ee ay u galaysay jacaylka Cali. Waxaa maankeeda ku soo duxay sida ay kalsooni, ciso iyo karaamo ugu haysay oo weilba gaarsiiyey in ay hooyadeed lacag uga soo xaddo, isna isku kala dhigto iyo khiyaanada iyo lug gooyada uu intaa ku hayey. Xasuuso dhib badan oo hore ayey gashay; xabbad xabbad ayaa loo soo hormarinayey waxa ay samaynaysay muddadaas dheer. Haddii ay saacado isku maqnayd, waxa u soo baxday in ay Eebbe u laabato; bilowdo salaaddii ay waa hore ugu dambeysay, una fariisato duco iyo Allatuug ah in uu Alle xasiliyo, u dambi dhaafo, waddada saxda ahna kuu ku duwo. Habeenkaas bay inta weysaysatay, waxa ay bilowday salaad iyo duco ilaa waagii uu ka dillaacay. Alle waa aqbalay Raxmo; waa uuna ka saaray shuushii iyo waallidii. Hal mar ayaa wiilkii qalbigeedii looga saaray. Waxa ay subixiiba iska soo qortay dugsi Qur`aan, maalmo ka dibna, waxa ay ku biirtay jaamacaddii la rabay in ay sannad ka hor bilowdo oo uu jacaylku ka teeday. Ka ma aysan qarine, markaan qoyskeedii waa la wadaagtay dhibka hayey ee Alle ka shaafiyey. Waa sheegtay dahabkii iyo halka ay geysay iyada oo cafis ka dalbatay waaliddiinteeda. Waxa ay ka bariday in cid kasta oo uu saameeyey dahabkaasi la raalligeliyo, sidii horena loo ahaado. Waaliddiin fiican baa dhalaye, wax walba waa laga yeelay.

Raxmo, dib dambe uma raadin Cali, kama na warheyso meel uu ku dambeeyey. Laakiin, waxaa la hubaa in rafaadkii uu mariyey Raxmo uusan ku raaxaysan doonin; in uusan ku barwaaqoobi doonin beesadii ay u xadday.

“Nabsi baa miskuhu kaa jabshiyo, miidasho la`aan leh” Cabdidhuux

“"Nabsigu waa dhaxaa ee kuma dhaafo; ma dheeraado ee waa ku dhinac yaal" Magool

Bal aan aragno halka uu Cali kula jabo dawaarku.


FG: Raxmo oo ka mid ah bahda ku taxan Boggayga Faysbuug ayaa maalin dhaweyto inta iga la soo xiriirtay inbox-ka, iga codsatay in aan is aragno oo ay iiga sheekeyso qisadan. Waxa aan ku kulannay Liido, si wanaagsan bayna iigu idlaysay qisadeeda, iyada oo i warsatay in aan saaxiibbada bogga la wadaago. Raxmo, hadda waa soo kabatay oo dheeheedii iyo dhalaalkeedii quruxda badnaa ee ay u dhalatay bay ku soo laabatay. Waa faraxsan tahay oo, nololsheedii bilicda badnayd ayey dib u bilowdday.

Waxaa Qoray: Suldaan Nayruus         
Email: nayruus@gmail.com      
Fb Page: www.facebook.com/snayruus       






SOOMAALIYA: SUUQII QASHINQUBKA OO SUUQ KALE ISKU BEDDELAY


Khudaartii ugu dambeysay ee dalka la keeno (Xogo muhiim ah oo aysan dadku la socon)

Dorraad waxaa dekadda Muqdisho laga soo dejiyey kunteenarro Kaaroot ah oo dibedda laga keenay. Waa Kaaroot la soo bacrimiyey oo quruxdii iyo waaweynankii ka batay. Shalay iyo saaka ayaa waxaa loo qeybinayey hoteellada iyo makhaayadaha ugu waaweyn ee Muqdisho. Waxaa lagu iibinayey qiime la mid ah midda dalka ka soo go`da. Tan waxaa ka horreysey Yaanyada, Khajaarka, Kaabishka, Basasha iyo Baradhada oo qaarkood meel fogba aan laga keeneyne, laga soo waarido Keenyadan iyo Itoobiyadan. Waxaa sidaas oo kale la keenay Fawaakih farabadan oo ay ka mid yihiin: Tufaaxa, Liin-ugunjida, Looska iyo . . .



Qiso Cajiib ah Oo Turkida Xamar Joogta Sameeysay

Berigii hore Turkida Xamar joogta, waxa ay khudaarta iyo fawaakihda kala soo degi jireen dalkooda. Laakiin waa dambe ayaa waxa ay isbarbardhigeen dalaggooda iyo kan Soomaaliya, kolkaas bay waxa ay ogaadeen in dalagga Soomaaliya dhan walbaba kaga wacan yahay kooda. Rag ka mid ah Turkida ayaa waxa ay goosteen in dalagga ay cunayaan ka beertaan Soomaaliya. Goob magaalada Muqdisho ka mid ah ayaa waxa ay ka heleen shan boos oo bannaan oo nin Soomaali ah lee yahay. Waxa ay ka codsadeen in uu dhulkaas bannaan ka kireysto. 300 $ ayuu uga kireystay dhulkii. Dhulkii inta darbi ku wareegsadeen ayey ku beerteen khudaar kala duwan. Hadda, Turkiga Xamar ku nool meeshaas baa khudaarta ay cunaan looga soo guraa. Maalin dhaweyto waxaan maqlay in khudaartii halkaas lagu beerayey inta ka badatay, qaraabadooda Turkiga joogta loogu daabbulo Diyaaradda Turkiga! Aan ku weydiiya e, Turkidaas ma ku jirtaa khudaar iyo fawaakih waxa ay noo soo dhoofiyaan? Suuqa tag oo soo eeg.

Qashinqubkii caalamka oo Suuqa kale isku beddelay

Markii uu burburay Kacaankii, waxa uu noqday dalkii suuqa qashinqubka caalamka, gaar ahaan waxa ay Maafiyo qandaraasyo ku qaadatay in qashinka xun, sun iyo haraadiga Nukliyeerka lagu shubo xeebaha Soomaaliya. Kuma dheeraanaynee, sii raadi oo bal soo akhri qashinka iyo sunta xeebaha Soomaaliya lagu shubay iyo khatartii caafimaad ee ka soo gaartay Soomaalida.

Maaddaama dunidii ay aragtay in uusan dalka Soomaaliya waxba soosaarin, dadkiisuna ay lacag iska haystaan, hadddana ay jecel yihiin waxa caalamka kale laga keeno, waxa uuu mar kale noqday suuq caalamku uu ku tartamo. Waaba fiicnaan lahayd haddii wax tayo leh la keeno dalka e, markii la arkay in ay yihiin jaahiliin aan waxba iska eegi karin, ayaa waxaa la bilaabay in lagu soo daabbulo wax dusha ka qurux badan hoosna qashin ka ah, oo lacag adag looga beddesho.

Kaalintii dawladda iyo kuwaa maamullada oo meesha ka maqan

Dal walba oo caalamka ka tirsan, waxa uu lee yahay shuruuc ganacsi. Waxaa ka mid ah in dalka aan la soo gelin karin tacab dalka gudihiisa laga soosaaro. Haddii la soo geliyana, waxa la saaraa canshuur farihii ka badatay si uu tacabkaasi aad iyo aad uga qaalisanaado kan gudaha, oo shacabku inta awoodi waayaan kan dalka u iibsadaan. Laakiin taasi kama jirto dalka. Tacabka kasta waxaa dalka lagu soo geliyaa canshuur yar ama candhuurdhaafba, kolkaas baa tacabkii dalka laga soosaarayey uu ka qaalisanaadaa kii dibedda laga keenayey, oo shacabka kan dibedda iska doorbideen.

Beeralaydii oo niyadjabkii hore mid kale ugu darmaday

Beeralaydii Soomaaliyeed dhawr arrimood oo isbiirsaday ayaa soo wajahday: Ammaanxumo, Abaar, iyo Sicirbarar. Iyaga oo horay uga niyadjabsanaa raashinka mucaawinada ah ee Soomaaliya la keeno iyo raashinka aadka u jaban ee ay ganacsatadu dekadda ka soo dejiso, ayaa waxaa waayadan ugu darmaday in khudaartii iyo fawaakihdiina dibedda looga keeno lacag aad u jaban. Niyadjabkii hore ayaa kanna ugu darmaday. Beerihii Soomaaliya oo dad badan ay arrimahaas uga soo haajireen ayaa loo badinayaa in inta ku hartayna ay isaga soo tegi doonto.

Xalku muxuu yahay?

Waxaa Qoray: Suldaan Nayruus        
Email: nayruus@gmail.com     
Fb Page: www.facebook.com/snayruus


Sawirka hoose waxa aan ka soo qaaday halka Karootadaas jumlada loogu iibinayo 


Tuesday, August 6, 2019

XILDHIBAANNO SUUQA FAHMAY OO SHAQAYSTA: Xog Dad Badan Ka Dahsoon


Inta aanan hoos u daadegin, horta ma aragtay xildhibaanno aad doonaysay in aad xaflad ku maamuustid oo marka aad u sheegtid inta su`aalo badan ku weydiiya, cabbaar ka dib kaa cudurdaarta? Ma la kulantay Xildhibaanno kaa ballanqaaday in ay kaala qaybgalaan xaflad, laakiin markii xilligii la gaaray taleefoonka kaa qaban waayey ama kaa cudurdaartay? Ma aragtay Xildhibaanno ku soo ajiibay oo kuu yimid, laakiin marka ay yimaadaanba kaa codsada in hadalka loogu hormariyo, marka ay hadlaanna horay ka baxa?

Ma fahantay sababtaasi? Haddii aadan kasin hadda ayaan kuu sheegine, wax yar sug.

Magaalada Muqdisho, waxaa waayadan ka dhaca xaflado farihii ka batay oo kala nooc ah. Iskool la furayo, jaamacad la xirayo, arday qalinjabinaysa, buug, urur, ganacsi la daahfurayo, xaflado sagoontis IWM. Qolo kasta oo hawlahaasi wax ka mid ah qabsanaysa, waxa ay raadiyaan Xildhibaanno uga qeybgala oo ay munaasabaddaasi ku weynaystaan, markaas baa laga yaabaa in ay Xildhibaanno ay maalintaas soo wacaan 10naan qof oo warsanaysa in ay munaasabad kala qeybgalaan.

Maxaa Xildhibaannadii ku soo kordhay?

Maadaama waayadan ‘mooshinkii’ wax laga heli jiray irduhu u xirmeen, Xildhibaannadii marka ay arkeen sida loo raadinayo, ayey degeen qorshe kale oo ay wax ku heli karaan. Xildhibaannadu waxa ay bilaabeen in ay la kafkaftamaan dadka soo waca oo markaasi ay aadaan qolada garashada leh ee maalintaas bixin karta dhaqdhaqaaqa xildhibaanka.

Tii iigu yaabka badnayd

Subax dhaweyto ayaan tagay hoteelka mid ah kuwa Muqdisho ugu caansan. Laba wiil oo aan garanayey ayaa kor inta iga aragtay, ii yeertay. Wiilashaan oo xaflad qabanqaabiyeyaal ka ahaa ayaa inta raadiyey la kulmay Xildhibaan ay doonayeen in uu xafladdaas kala qeybgalo, laakiin waxa uu u sheegay in boqollaal meel laga wacay maanta, laakiin uu iyaga raaacayo haddii ay bixiyaan shidaalka iyo qayilaaddaa wardiyihiisa. Inta ay tashi bannaanka ugu soo baxeen ayey markaa isweydiinayeen qaddarka ay siin lahaayeen Xildhibaankaas oo gudaha hoteelka ku jiray oo ka sugayey go`aan. Aniga ayey taladii iga qeybgeliyeen, markaas baan ku iri, “War haddii ay lacag joogto, Xildhibaan lacag badan buu u baahan yehee, mana bixin kartaane, iska dhaafa.” Isjiidjiid dheer ka dib, waxa ay isla qaateen in ay 200 Doollar ku dayaan, oo haddii uu yeelana ay ballansadaan, haddii uu diidana ay iska dhafaan. Waa u tageen, waana u sheegeen. Waxa uu ku yiri, “Adeerrayaal waxaasi waxba ma ahan laakiin soo tuura, ogaadana in aan bilaash idin kugu imid iyo Soomaalinimo ee aanan waxaas meel ku tegin.” Galabtaasi waa tagay xafladdaasi aniga oo rabay in aan eego habdhaqanka Xildhibaankaasi. Waxa aan la yaabay in uu Xildhibaankaasi ahaa qofkii ugu dambeeyey oo xafladdaasi ka baxa, illeen waa nin 200 dhaarsanayee!

Galabtaasi ayaan wax badan fahay.

FG: Waagii uu jiray Mooshinku arrintaani ma jirin, sidaas darteed Mooshin la`aantu shacabka Soomaaliyeed dhib ayey ku keentay.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus          

E-mail: nayruus@gmail.com    





Monday, August 5, 2019

HAWEENKA OO NOQDAY MACAAMIISHA UGU BADAN EE FARMASHIYEYAASHA: Waa maxay sababtu?

Habeen dhaweyto ayaa aniga oo farmashiye wax ka gadanaya, waxaa soo gashay haweyney, kolkaas baa wiilkii farmashiga gadayey inta aniga adeeggeygii dib u dhigay, ayuu islaantii inta kaniiniyo u soo bixiyey horey ka siiyey. Marka ay wax kala iibsanayeen, ma wada hadlin oo, indhaha ayaa la isaga baaqayey.

Markii ay baxdayba - wax ii dirsaday ma aqaane - waxa aan wiilkii weydiiyey waxa ay isla ogaayeen oo ay kala gateen. Wiilku fariid buu ahaaye, waxa uu igu yiri, “Islaantan iyo gabdho badan ba waa macaamiishayda, waxa aana ka iibiyaa kaniiniyada Viagra, Stendra, Cialis iyo Lavitra. Waxa kale oo aan ka gadaa sharoobbooyin iyo malabyo gaar ah. Alaabtaas inta iga qaataan ayey nimankooda oo aan ogayn caanaha iyo cabbitaanna ugu daraan si uusan habeenkaas oo dhan uga kicin.” Intii uu warbixintan ii waday ayuu i tusay kaniiniyo kale oo ragga alaabtooda weynaynaya. “Kuwaanna waxaa iga qaata dumarka ay qabaan ragga aan tiirada dheereyn!” Inta arrintaasi aan la yaabay, ayaan dhawr habeen oo kale ku laalaabtay, kolkaas baan arkay gabadho iyo islaamo indhashareerro qaba, oo hadba inta soo gala, kaniiniyo kala duwan iyo malabyo la siinayo.

Aniga oo afkii i kala tagay ayaa xalay nin aan arrintaas u sheegayey, waxa uu iiga qiseeyey sheeko uu goobjoog u ahaa. Waxa uu yiri, “Islaan jaadka iibisa oo suxulbaruur ah ayaa waxa ay guursatay wiil xerow ah. Islaantu inta habeenkii soo marto farmashiye ayey kiiniiniyaal aan bahalka daminayn inta soo qaadato oo xerowga ugu darto caanaha, ayuu habeenkaas oo dhan iska dulsaaran yahay!” Xerowgii oo sannad ka dib lugihii qaada la’ oo dhaban shummay, ayaa nin reer magaal hore ahaa maalin oo la kaftamay, oo uu ku yiri, “War nin yahow sidii aad u guursatay hoos baa u socotaaye, maxaa kugu dhacay?” Xerowgii iyo ninkii oo muddo sheekeysanayey, ayaa aakhirkii xerowgii u sheegay ninkii, in markii uu islaanta sariirta ugu tago uusan ba naagta ka kici karin, oo saacado badan iska dulqadhoobayo oo caarkii iska liqdaaran yahay, aysanna degdeg waxba uga imaan karin! Cabbaar haddii sheekadii la waday, ninkii waa gartay in ay naagto kaarto wiilkaan maskiinka ah u isticmaasho, waana fahansiiyey arrintii iyo cudurka ka dhashada oo uu in badan calaamadihii isku arkay. Wiilkii, 15 beri ayuu joojiyey in uu gurigii waxna ka cuno waxna ka cabbo, kolkaas buu arkay in ay naagto balaayo siinaysay. Jeerkaas buu horay ka furay.

Raggow, waayadan taxaddara, iskana eega kaartooyinkaan cusub oo dumarka Soomaaliyeed qaarkood la soo bexeenna!

Dumarka qoraalkaan akhrin doonayow, oo aan horay waxan u samayn jirinow, ha rijaabinnina, kuwa samayn jirowna iska dhaafa, oo dhakhaatiirta weydiiya dhibaatada iyo cawaaqibxumida ay kaniiniyaashaan ku reebaan ragga.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Email: nayruus@gmail.com
Fb Page: www.facebook.com/snayruus 


Thursday, August 1, 2019

FAA`IIDADA HILMAANKA


Waa hore oo aan wax iska weydiin jiray abuurka, guud ahaan iyo kan aadanaha, gaar ahaan, ayaan ogaaday in wax kasta oo aadanaha lagu abuuray ay faa`iido isaga igu jiraan. Ayaan markii la joogaba, waxaan isa su’aali jiray wax ka mid ah abuurka aadanaha iyo dheefta igu jirta. Sidii aan weydiimahaas ugu jiri jiray ayaa waxa aan soo gaaray maalin, hilmaanka lagu abuuray aadanaha iyo faa`iidada ugu jirta.



Aniga oo maalin sariirta gurigayga iskaga dangiiga ayaa waxaa igu soo dhacay geeridii aabbahay oo ay muddo dheer ka soo wareegtay. Waxaan soo xasuustay kulamada yadii hore iyo sheekooyin iyo xikmado badan oo aan ka dheefay. Maalintii la ii sheegay geeridiisa, aad iyo aad baan uga naxay. Maalintii la ii sheegay, waxa aan ku qornaa cashar aan siin lahaa shaqaalaha wasaarad ka mid ah wasaaradaha dawladda. Waan ka baaqday casharkii. Si kale ayaan ahaa maalmahaas oo dhan. Dhawr habeen ayaanan hurdo ladin oo markii aan seexdaba la i horkeenayey. Toddobaadyo ka dib waan hilmaamay geeridii. Hawlahaygii ayaana horey u galay. Saaxiib, bal ka warran xaalkayga nafsiyeed sidee buu ahaan lahaa haddii aanan hilmaami lahayn oo sidii maalintii uu dhintay uu xasuustayda ugu taagnaan lahaa?

Waxaa jiray nin maalin ii baahday oo aan u hiilliyey. Waxa aan isugu daray dhaqaale iyo hiil aan uga hiilliyey rag kale oo ay is hayeen; waana guulaystay. Booskii uu iiga baahday ayaan maalin uga baahday in uu ii hiilliyo. Anigu dhaqaale iyo hiil baan isugu daraye, isaga lacag farabadan ayaan inta siiyey baan iri, iigu shaqee oo iigu hiilli. Lacagtii aan siiyey iyo mid kale oo aan u dhiibtay ayuu inta la baxsaday, South Africa dukaan weyn uga furtay. Anigu oo faramaran ayaa soo haray, waana iska dhaafay hawshii. Ninkii, hiil iska daaye, lacag waxii aan haystay waa iga dhacay. Aad iyo aad baan uga naxay, uga xanaaqay oo aan isku maray. Habeenno ma seexan. Haddii aan heli lahaa, xataa waan ku fekeray in aan kaw ka siiyo. Laakiin muddo ka dib, caadi baan iska noqday oo waan hilmaamay ninkii. Xataa waan iska cafiyey. Saaxiib, bal ka warran xaalkayga nafsiyeed sidee buu ahaan lahaa haddii aanan hilmaami lahayn oo sidii maalintii uu khiyaanay uu xasuustayda ugu taagnaan lahaa?

Maalin baa biibato aan fadhiyey oo aan shaah ka cabbayey, ninka isna meesha shaah ka cabbiyey oo iga soo horjeeday ayaa nin inta uu qori la dulyimid, ku shaqshaqay aniga oo arkaya. Naxdin darteed miiskii aan ku fadhiyey waan ka dhacay. Waan miyirdaboolmar oo, waxaa la i geeyey isbitaal. Muddo toddobaadyo ah ninkii la dilayey ayaa xasuustayda ku jiray oo cunto waa iga degi weydey oo tii aan afkayga geliyo waan soo celinayey. Waa ka dib waan hilmaamay oo, caadi baan noqday. Saaxiib, bal ka warran xaalkayga nafsiyeed sidee buu ahaan lahaa haddii aanan hilmaami lahaayeen oo sidii maalintii aan noqday ay xasuustayda ugu taagnaan lahayd?

Taas keliya ma ahane, qofku waxa uu la kulmaa nololo kala duwan. Waxaa dhacda in uu la kulmo lamafilaanno, jillaafooyin, khiyaanooyin, ballan-ka-baxyo, iyo uur-ku-taallooyin kala duwan oo markaa maankiisa mashquuliya oo jiif iyo joogba u diida oo uu wax yar ka dibba hilmaamo. Saaxiib, bal ka warran xaalkiisa nafsiyeed sidee buu ahaan lahaa haddii qofku uusan hilmaami lahayn oo sidii maalintii ay wax ku dheceen ay xasuustiisa ugu taagnaan lahayd?

Saaxiib, ma og tahay in dad badan oo waashay, sababta waallidooda ay salka ku hayso dhacdo xun oo soo martay oo ay maskaxdiisu hilmaami weydey oo sidii ay ugu taagnayd uu ‘waaw’ la yiri?

Hadda ma ila fahantay faa`iidada hilmaanka?

FG: Waxa aad ogaataa wax walba oo abuurka aadanaha ku jira in ay faa`iido ugu jirto noloshiisa, waa haddii xadkii loogu talagalay ay yihiin, laakiin, haddii waxaasi ay dhaafaan xadkii loogu talagalay, faa`iido darro ayey isku beddelaan.

Waxaa Qoray: Suldaan Nayruus         
Email: nayruus@gmail.com