Thursday, April 25, 2019

WIIL DHAWR JEER IMTIXAAN SHAQO U GALAY OO LA MUSUQMAASUQAY iyo sidan u laabdejiyey!


Saaka ayaan waxa aan ku kulannay hudheel wiil dhallinyaro ah oo aan isbargaraynay. Wiilku waa jaamici shahaadooyin sare wata. Aad buu u niyadjabsanaa, waxa uuna iiga sheekaynayey in Soomaaliya aysan fiicnayn oo in laga haajiro ay mudan maadaama ay tahay gole musuqmaasuq. “Sabab”, ayaan iri. Waxaa uu ii sheegay in uu 31 jeer codsiyo u dirsaday haayado caalami ah, kuwo maxalli ah iyo shirkado soo baahiyey in ay shaqo ka bannaan tahay. 31kaas jeer, 9 ka mid ah kaalinta koowaad baan galay iyada oo weliba la iga musuqmaasuqay marar badan kaalinta koowaad. Kolkaas baan halkii aan ka sugayey in aan shaqo tago, la geliyaa qof dibedda laga keeno ama mid iga hooseeyey.

Markii aan dhageystay baan waxa aan ku iri, “Ma aaminsan tahay qaddarta Eebbe”. Suuye, “Haah.” Saanne, “Meel uusan Eebbe risiq kaaga qorin oo aadan calaf ku lahayn, ma heli kartaa?” Suuye, “Maya.” Saan haddana weydiiyey, “Ka warran meel aad calaf ku leedahay, cidi ma kaa celin kartaa?” Suuye, “Maya.” Kolkaas baan ku iri, “Intaas aad meel codsanaysay, Eebbe waxba kaaga ma qorin. Dadkaas ku musuqmaasuqay ayaa sabab looga dhigay mooyee, adiga Eebbe kuugu ma talagalin. Haddii Eebbe kuu qoray adiga oo kaalinta lixaad galay baad heli lahayd. Waxaa daliil u ah, meelaha aad sheegtay in dad imtixaanka kaaga hooseeyey la siiyey, kuwaas baa calaf ku lahaa.”

Waxaa kale oo aan uga warramay qiso dhab ah. Wiil aan abti u ahaa ayaa waxaa uu imtixaan u galay Haayadda Caafimaadka Adduunka (WHO), kolkaas baa waxa uu galay kaalinta saddexaad. Kuwii imtixaanka qaadayey ayaa inta xogtii imtixaanku ka hallowday, isaga kiisii heleen, shaqaduna degdeg bay ahayd oo waa ka gaari waayeen sii xulidda dadkii kale, kolkaas bay isagii iska qaateen. Markii uu heshiiskii saxiixay oo uu 23 beri shaqaynayo ayaa la helay xogtii. Maxaa la sameeyaa? Isagii baa loo daayey. Illaah baa isaga u qoray shaqadaas, ilaa iyo haddana waa ka shaqeeyaa. Inta si wanaagsan oo weji furnaan ah u eegay, oo aan garabkiisa gacanta saaray, baan ku iri, “Adeer, taadii waa dhimman tehee iska sug. Tan kale, Alle baa wax baxshee, isaga kaasho, dadaalkana sii badi.” Inta i gacanqaaday ayuu xabadka i geliyey. Waxaa uuna yiri, “Runtii waan murugaysnaa. Waan laabjabsanaa. Quus baana taagnaa. Hadda se, Alxamdullilaah, waxaan ogaaday in aysan Aadane wax i diidine, dhanka sare weli waxba la iiga xukumin. Wallaahi wax weyn baa iska kay beddalay. Walaal Suldaan waad mahadsan tahay 1000 jeer. Waan dadaalayaa inta aan helayo mid Eebbe ii qoray.” Isaga oo faraxsan buu iga tagay.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus                          
Kala xiriir: 
nayruus@gmail.com                          

https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb: facebook.com/snayruus


AFAR SIDA SOOMAALIYA LOOGA YAQAAN DUNIDA KALE KAMA AHAN


Beri baa nin Soomaali ah, waxaa uu tagay waddamo badan oo ay ku jireen kuwa muslim ah oo Aasiya u badan.

Ninkan, inta uu waddamadaas marayey, waxa uu ku arkay dhaqammo badan oo dalkiisa si kale looga yaqaan. Tusaale; waxaa uu arkay dad qamiisyo, koofiyado iyo cimaamado wata oo aan tukanayn oo heeso iyo fuxshi iska tumanaya. Aad iyo aad buu waayadii hore oo dhan ula yaabi jiray, sababta oo ah; dalka uu ka yimid, dharkaas waxaa xirta oo keliya culimada iyo akhyaarta, kolkaas buu ogaaday in waddamo badan uu labbiska noocaad ah dhaqan ka yahay oo kooda xun iyo kooda wanaagsanba ay qaataan. Sidaas oo kale ayuu arkay dumar wada xijaaban oo indhashareer wada qaba. Waagii hore waxa u haysan jiray, dumar wada wadaaddo ah, sababta oo ah dalka uu ka yimid, waxaa dharkaas xidha dumarka diinta ku xiran, laakiin dib dambe ayuu ka ogaaday in waddamada qaar dhaqan uu ka yahay xijaabku.

Waxaa kale uu socdaalkiisaas ku arkay, dad ay dhexda u wada dhuuqsan tahay oo gacanta galal ku wada wata. Waagii hore waxa uu u malayn jiray dad wada aqoonyahan ah, laakiin gadaal buu ka ogaaday, in dhex xirashadu ay ka tahay labbis iyo dhaqan caadiya ah oo qof kasta (aqoonyahan iyo mid aan aqoon lahaynba) uu xirto, halka dalkiisa ay dhexda dhuuqsadaan oo keliya dadka aqoon yahanka ah. Sidaas oo kale ayuu arkay niman kala duwan oo cayillan oo calooshu halkaas ka xogxoganaya, kolkaas buu waagii hore oo dhan waxa uu u qabi jiray in ay nimankaasi yihiin ganacsato lacagtii ka badatay, markaas buu mar dambe ogaaday in ay calooshu qof kasta yeesho oo weliba gaar ahaan, dadka aan waxba haysan ayba u badan yihiin, halka nimanka baruurta la dhaqaaqi la’ ee dalkiisa jooga ay ahaayeen ganacsatada ugu dhaqaalaha badan.

Soomaaligii ayaa waa dambe oo uu dalkiisii dib ugu soo laabtay, waxa uu saaxiibbadiis uga sheekeeyey waxa uu adduun ku soo arkay. Sida uu ugu warramayey ayaa mar waxa uu u sheegey arrimo la yaab leh oo sida Soomaaliya looga aamisan yahay aysan adduunka kale ka ahayn. Arrimahan kor looga sheekeyey ayuu aad ugu sharraxay, markaas buu hadal ugu soo kooban oraahdan:

Afar sida Soomaaliya looga yaqaan dunida kale kama ahan:

  1.    Nin kasta oo qamiis, koofiyad iyo cimaamad qaba, wadaad ma ahaN
  2.    Naag kasta oo xijaab iyo indhashareer qabta, wadaad ma ahaN
  3.    Nin kasta oo dhexda u dhuuqsan tahay, aqoonyahan ma ahan
  4.    Nin kasta oo cayillan oo calool weyn, ganacsade taajira ma ahan

   Waxaa qoray: Suldaan Nayruus                          
Kala xiriir: 
nayruus@gmail.com                          

https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb: facebook.com/snayruus

Tuesday, April 16, 2019

WIIL QAARAANKII QABIILKA KU BEDDESHAY MIDKA CAYMISKA


Wiil Soomaaliyeed oo ku dhashay qurbaha oo u shaqeeya mid ka mid ah haayadaha dalka ka hawlgala, ayaa in muddo ahba odayaasha qabiilkiisu ka qaadi jireen lacag qaaraan ah. Wiilkani sidii uu qaaraan u bixinayey, ayaa maalin uu shil gaari galay u baahday lacag degdeg ah oo uu isbitaal ku galo. Odayaashii qaaraanka ka qaadi jiray ayuu wacay. Waxaa uu u sheegay in maanta lacag uu uga baahan yahay. Sidii loo warwareejinayey, wiilkii waxba waa ka waayey. Markii uu arkay in aysan dadkii waxba ka soo socon ayuu koontadiisii furtay oo uu isku baxnaaniyey. Wiilku, maba fahansanayne, waxaa uu u qabay qaaraanka laga qaado in koonto lagu shubo oo hadhaw qofkii dhib gaaro lagu cayminayo. Laakiin maalmahaas ayuu fahmay danta qaaraanka iyo qaraabka odayaasha. Maalintaas ka dib odayaashii taleefoon dambe kama qaban.

Wiilkii, waxaa uu markaas la xiriiray mid ka mid ah shirkadaha caymiska Muqdisho. Iyadii ayuu iska diiwaangeliyey oo uu bilaabay in uu qaaraan ku bixiyo. Qarixii maalin dhaweyto ka dhacayey Weheliye agtiisa ayuu ku dhaawacmay. Isbitaalka Madiina ayaa la geeyey, markaas buu waxa uu la xiriiray shirkaddii caymis ee uu ka diiwaangashanaa. Inta gaari u keeneen ayey ku dheheen: sheego isbitaalka aad rabto. Isbitaalka Shaafi ayuu farta ugu fiiqay, kolkaas baa inta la qaaday oo la geeyey, ayaa waxaa la dejiyey qol ka mid ah qolalka dadka sare, wax walbana iyaga ayaa korka saartay.

Shalay galab oo aan wiilkaasi wada shaahaynaynay ayuu nagu waaniyey in aan iska joojinno qaaraanka qabiilka wax ka soo noqonka la hayn oo aan ku beddelanno midka caymiska.

War wiilka taladiisa bal ka warrama? Ma la qaadan karaa? Awalba danta qabiilka uu u jiray waa qaraankaase, haddii aan ku beddelano midka caymiska, soo qabiilkii naga burburi maayo oo waxaan ku faanno waayi maynno?

Adduun waa isku day e, bal aan anigu ka wardoono.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus                          
Kala xiriir: 
nayruus@gmail.com                          

https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb: facebook.com/snayruus



Wednesday, April 10, 2019

MISKIIN BAA WAX QORA MISKIIN BAANA AKHRIYA


Ma aqaan anigu dunida kala e, marka Soomaaliya la joogo, waxaa adag in la arko wiil ama gabar, nin ama naag Eebbe hanti u dhiibay oo ku mashquulsan waxqoris. Waxaa kale oo aadan dhaayo saarayn, inan ama gashaanti ama nin ama islaan lacagley ah oo inta suuqa buugta aada kutub ka soo adeeganaya, oo akhris diyaar u ah. Ilaahay amarki, waxaannu aragnay, wiil ama gabar noloshoodii asaasiga ahayd ba u tabar la’, oo misena buugqoris u kasho beelay. Xitaa inta waayaan Kambiyuutar ay wax ku qoraan, bay buug iyo qalin inta isa saaraan oo ku qoraan (amma waayadan dambe moobeel ay ku qoraan) ayey markaasi muddo raadiyaan qof Kambiyuutar leh oo u garaaca. Marka ay dhammeeyaanna, muddo dheer goobaan wixii ay ku daabici lahaayeen.

Waxaa ka sii yaab badan, dadka wax akhriya ama akhriska daneeya, iyaguna waxa ay u badan yihiin, kuwa aan waxba haysan. Ma iibsan karaan buug, waana rabaane, amaah ayey ku doonaan ama miskiinka wax qoray bay ka codsadaan.

Labadan miskin, Wallaahi dhib ayaa haysta.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus                          
Kala xiriir: 
nayruus@gmail.com                          

https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb: facebook.com/snayruus

WAX HUBSO


Naado, waxa ay soo gashay socdaal dheer oo ay kaga soo kicintintay waddanka Sweden kuna soo gaaraysay magaalada Muqdisho. Dhawr magaalo oo ay diyaaradaha ku kala beddelatay, waxaa hakadkeedu ugu wakhti dheeraa gegida diyaaradaha magaalada Nayroobi ee waddanka Kiiniya. Hiiro ayey soo gashay garoonka e, waxaa lagu wargeliyey in diyaaradda Xamar aadaysa ay kicitimayso 11: AM. Waxaana loo sheegay in ay garoonka ku sii jirayso oo ay ku sugayso diyaaraddaas ilaa shan saacadood.

Naado, markii ay saacado joogtay bay inta caajis dareentay, u kacday dhanka makhaayadda shaaha oo ay ka soo iibsatay kalax shaah ah oo kafee ku barxan yahay. Waxaa ay sidaas oo kale aadday dukaan, kolkaas bay isna ka soo iibsatay baradhada shiilan ee bacaysan, si inta ay garoonka fadhido u raamsato uguna madaddaalato. Maadaama marka ay iibsanaysay baradhada ay gacmaha u kala beddelaysay shaaha kulul ee ku jiray koobka kafiifka ah ee Maristicmaalka ah, ma aysan awoodi karin in ay koobkana gacan ku qaadato, bacdana gacanta kale ku qabsato, kolkaas bay waxa ay bacdii ku ridatay boorsada garabka oo ay markaas kolkosha ku wadatay. Wey soo baxday oo, waxa ay salka dhigatay kursi ku aaddan looxa laga eegto waqtiyada diyaaradaha, si ay uga fiirsato xilliga diyaaraddeedu ay diyaarka noqonayso. Kursiga ay fariisanaysay, waxaa kan midigta ka xigay ku fadhiyey nin duub caddaa oo isna socoto ahaa oo meeshana ku nasanayey, dhawranayeyna xilliga diyaaraddiisa.

Marka ay Naado soo fariisatay, waxa ay horay ka bilawday kabkabashada shaahii. Waa hayey e, sidii ay u fiiqsanaysay, wax yar ka dibba heensatay. Dindinkii ugu dambeeyey markii ay ka leeftay, ayey damacday in ay inta gees iska dhigto gorofka ay markaasi u jeensato cunista baradhadii. Ay koobka sii dhigaysay dhankeeda midigba, waxa ay qooraansigeedii, qacdii horeba tusay baradhadeedii oo ninkii geesta ka fadhiyey inta iska furtay uu xabbaddii koowaad la baxayo. Gabadhii Naado ahayd yaab iyo amakaag baa ka soo haray. Waxaa af-kala-taag ku riday, horarka iyo halacnimada ninka. Ju` uma dhihin oo, waa ka xishootay in ay dhegaha ka raacdo ama ugu yaraan ninka weydiiso sababta uu fasax la`aan isaga furtay oo uu cunayo xoolaheeda. Laakiin saas oo ay tahay, xanaaqa ay ka qaadday falkaasi cunaha ayaa la go`an, oo waxa ayba u aragtay nin ka santaagaya in uu wax weydiisto. Se taas beddelkeed, inta gobanimada dadkeeda lagu yaqaanno muujisay, ayey inta iska aamustay, ay iyana dhankeeda ka bilawday in ay inta gacanta la laacdo ay hadba xabbad la baxdo, iyada oo aan eegayn ninka jirriga ah dhankiisa. La is la ma hadlo, oo qofba kan kale ayuu war ka dhawraaye, sidii midba mar xabbad ula baxayey, ayaa mirkii ugu dambeeyey inta ninkii soo bixiyey oo kala jebiyey, buu qeyb u soo taagay Naado. Inta fiirisay, ayey foolqaawin aan labta jirin inta ilkaha u caddaysay, bay u ishaartay in uu jabkaanna ku darsado, laakiin ninkii ayaa ku baryey in ay qaadato. Haddii uu ku celceliyey, waa yara sheexday oo, wey ka qaadatay iyada oo la irkigsan sida uu dhuunigani waxeedii ugu maamulayo.


Marka ay dhammeeyeen baradhadii, ayaa xoogaa yar ka dibba, waxaa la gaaray ambabixii Naado, kolkaas bay isku diyaarisay safarkeedii. Markii ay sii istaagaysay ayaa ninkii la fadhiyey inta sarajoogsaday, si kal-iyo-laab ah ku macasalaameeyey Naado, una rajeeyey safar badbaado. Inta markaan Naado qalbigeedii wax ku tibqay, oo u qaadatay nin si dadban xoolaheedii ugu mahadcelinaya, ayey dhoollacaddayn uga qaadday.

Markii Naado diyaaraddii inta fuushay ay xoogaa socotay, ayaa waxaa ku soo dhacday in ay is haghagaajiso, si wejigeeda jacdad aysan uga dareemin ehelka ku soo dhaweynaya garoonka Muqdisho. Boorsadeedii garabka inta furatay ayey damacday in ay la soo baxdo muraayad iyo alaabaha la isku qurxiyo. Ay kala bixisayba, waxaa ay ku aragtay baradhadii ay soo iibsatay! Yaab iyo naxdin iyo u-qaadanwa baa isku helay. Wax walba oo uu qalbigeedu ku lahaa ninkii, in ay iyadu ahayd bay is ogaatay. Waxaa yaqiinsatay in uu ninkaasi ahaa gob sharaf badan. Waxa inta maankeeda ku soo dhacay uu la dhambalmay sida uu ninka ugu naxariisanayey oo uu xitaa xalleefkii baradhadii ugu dambaysay inta u kala jabiyey uu qeybta u siinayey. Haddii xitaa ay u mahadcelin lahayd, waa isku hiiftay oo wax xiriir ah kama haynin. Tu` gees fadhiday oo ay mar hore isku soo wardarsadeen ayaa aragtay Naado oo isbeddeshay, madaxwarwareejis, aamus iyo xasuus gashay. Kolkaas baa inta dareen galay, waxa ay weydiisay Naado waxa ku soo kordhay. Halkii ay warcelin kale ka sugaysay, waxa ay Naado la soo boodda, "Weligaa wax hubso."

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus                          
Kala xiriir: nayruus@gmail.com                          
https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb: facebook.com/snayruus

SIDAAN GABDHAHA ISLAAMEED U GALNO KUWA YAGA MA LOO GALAA



Beri baa koox Reer Mudug ah oo xigaalo ahayd oo inkaar ku qabtay dumarka, ayaa iyaga oo ka sheekaysanaya waxa ay dumar islaameed maro ka feydeen oo ay gaabsi uga alaxsadeen, baa raggii mid ka mid ahaa markii dambe su`aalay intii kale, “War horta ilma-adeerrayaalow, sida aan gabdhaha islaameed u galno kuwa yaga ma loo galaa?” Nin raggii ka mid ahaa ayaa ugu jawaabay, “Oo maxa dhacay? Inta loo galo oo looga asalawaadiyo ayaa weliba laga alaadsiiyaa.” Suu kii haddana su`aalay, “Oo maxaa falay oo leeddoraaca baray?” Saa kii kale misena ugu jawaabay, “Soo rag annaga oo kale ah carrada ma dhoobna. Soo inta aan habeenkii u guuraynaynno guryo islaameed, kuwa yagii baylah ma ahan oo lagu soo guurayn maayo?” Kii inta yaabay oo madaxa gacanta saartay ayaa, isaga oo afka maroojinaya waxaa uu yiri, “Ba`aa, oo ina-adeerow markaas la go`ye.”


Waxaa qoray: Suldaan Nayruus                          
Kala xiriir: 
nayruus@gmail.com                          

https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb: facebook.com/snayruus