Wednesday, June 27, 2018

TUUGGII NAXARIISTA BADNAA!


Maalin baa tuug waxa uu wiil ka jeebsiibay moobeel uu watay. Tuggii marka uu moobeelkii meel gaar ah la tagay, ayaa isaga oo fiirfiirinayey farriimaha, waxa uu arkay farriinqoraal ay wiilka hooyadi u soo dirtay, oo ay ku lahayd, “Maandhaw waayadan lacag la’aan baa na haysa, adigana intii aad noo soo diri jirtay weli maannaan helin, hooyo dabkiina waa naga damay”, kolkaas buu wiilkuna ugu jawaabayey, “Hooyo macaan, bishan oo dhan waan ku dadaalayey sidii aan kistii ku soo diri lahaa, laakiin hooyo weli waan soo qaban la’ahay. Meel kasta wax waan ka raadiyey, wallaahi waan la’ahay, xitaa deyn waan goobay. Hooyoy soo ducee waan dadaalayaa, aad bay ii dhibaysaa in aad wax la’aan tahay, oo aad dab dhidan la’dahay hooyooy macaanay”. Hooyadii ayaa wiilkeedii misena farriin kale u so dirtay, waxa ayna lahayd, “Hooyo, maanta dadaal oo xitaa 4 dollar noo raadi, oo aan ku soo gadanno wax aan dabka saaranno, ilaa shalay waxba maannaan cunine”. Wiilkii baa markaas farriin u diray, uu ku leeyahay, “Hooyo hadda moobeelka 1 doollar baa ku jirta. Xalay baa wax aan afka saaro iigu dambaysay, ku qadee baan lahaa. Hooyo waan qaraab tagayaaye, halkaas doollar sii haya, inta kalana ilaa saacado yar gudahood i sii suga, hooyo ducana iigu soo kaalmee”. “Waayahay hooyo, Allaha kuu soo sahlo” ayey ugu ducaysay.
Tuuggii markii uu arkay dhibka iyo gaajada wiilka hooyadi gubaysa, iyo wax la’aanta wiilka haysata, aad buu naxay. Xitaa intii uu akhrinayey ilmo ayaa ku soo joogsatay. Markaas tuugga waxa moobeelkiisa ku jirtay 5 doollar. Waxa uu go’aan ku gaaray in uu dabka u shido hooyadaas, maadaama wiilkii wax u raadinayey uu ka qaatay moobeelkii uu kala xiriiri lahaa. Tuuggii waa uu qaraab tagay, oo meelo badan soo gacmogacmeeyey, kolkaas baa saacado yar kaddibba, soo helay 17 doollar oo kale. Moobeelkii hooyada ayuu ugu tuuray 22 doollaar, oo ahayd intuu hayey oo dhan. Markii uu u tuuray ayuu la hadlay, waxa uuna u sheegay hooyadii in lacagtaas uu u soo diray, uu wiilkeedii u soo dhiibay.
Maadaama tuuggu uu haystay lafta (zim) wiilka, uuna og yahay marka ugu horreysa oo uu moobeel helo in uu laftaas shirkadda ka soo qaadanayo, waxa uu garaacay *990#, markaas buu ogaaday lambarka lafta. Waa kaydsaday si uu wiilka uga waco marka uu laftaan shirkadda ka qaato. Saacado ka dib ayuu dhawr jeer wacay wiilkii, laakiin wiilkii oo moobeel la’aan ahaa, waa uu heli waayey. Maalintii xigtay, ayuu tuuggii soo wacay wiilkii oo markaasi taleefoon niicle ah oo saaxiibkiis ka soo qaatay uu laftii gashaday. Waa uu ka qabtay, kolkaas buu tuuggii ku yiri, “Walaal waa tuuggii kaa xaday shalay taleefoonka. Walaal ha murgin, aniga ayaa hooyo isla shalayba u diray 22 doollar. Walaal hooyo waa hooyo oo dhibka haya caloosha baa ila hurtay oo waan ku eegan waayey walaahi. Walaal, waa ii ahaan weyday in aan moobeelkiina ku dhaafiyo, hooyana gaajo ku fiirsado”.
Wiilkii oo ilaa shalay oo dhan moobeel raadinayey, oo markaas inta shitay lafta, doonayey in uu hooyadi horay ka waco, ayaa isaga oo aan tuuggii u jawaabin, inta taleefoonka ku jaray, isla markii ba hooyo garaacay, kolkaas baa hooyadi hadal uga bilawday, “Hooyo, ilaahay khayr ha ku siiyo, 22 kii doollar ee aad shalay ii soo dirtay ayaan ku liibaannay. Hooyo, ilaahay khayr ha ku siiyo, hooyo dadka hooyo iyo aabbo allaha kaaga dhigo” “Aamiin” inta yiri, ayuu tuuggii ku celiyey, kolkaas buu ku yiri, “Walaal, aad baad u mahadsan tahay. Walaal, aniga oo la’aa meel aan wax ka soo qabto, ayaa markii aad taleefoonka iga xadday ilaa xalay ku soo habaarayey, xalayna hurdo ma ladin, marna baahida hooyo ayaan xasuusanayey, kolna adiga ayaa igu soo dhacayey, taleefoon la’aanta i dhigay. Walaal, hadda kolkii aan hooyo wacay illintayda waa xakameyn waayey. Walaal, ilaahay khayr ha ku siiyo. Kurbada aad iga faydday allaha kaa faydo. Walaal jira”

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com

GOORMA AYAAN KA DHIGTAA XILLIGA DHALASHADA?

Waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanaya waayadan tan xafladho dhalasho, oo ay qabsanayaan dhallinyarada Xamar, wiilal iyo gabdhaba. Xafladahaas waxaa lagu dhigaa hoteellada magaalada, waxaana lagu casuumaa oo ka qeyb gala, keliya dhallinyarada (gabdho iyo wiilal), kuwaas oo sida Yooyoogii dhar dhejis ah u wada qaba. Waxaa la soo kireystaa koox fannaaniin ah ama muustiko iyo sameecado waaweyn baa la keensadaa, kolkaas baa habeenkaas oo dhan, wiilal dhar dhejis ah oo qaar jeexjeexan yihiin qaba iyo gabdho faruuryo gaduudan, funaadano iyo siraawiil khafiif ah oo ku dheggan qaba, oo inta dhexda is qabsadaan, marna afka is gelinaya marna isku niikinaya.
Laba xafladood oo dhalasho oo marar kala duwan lagu qabsanayey hoteelka Qumbe oo ku yaalla Liido ayaan ka dul dhacay, aniga oo hoteelkaas u tagay mija baxsi iyo madax furfurasho. Muustiko xooggan inta maqlay – baa faduushayda - galay hoolka ay ka socoto, oo qof kasta loo oggol yahay, markaas baan meesha waxa aan ku arkay wax la la yaabo. Si kale kuugu ma sheegi kara e, waxa ay ahaayeen faddaro Shaydaan ku hirgisayey. Waxa aan ba u maleeyey in aan joogo Faransiiska oo waxaas lagu sheegi jiray. Inta yaabay ayaan weydiiyey waxa ay xafladdu ahayd, markaas baa la igu yiri, waa xaflad dhalasho, iyada oo la ii tilmaamay qofka dhiganayey oo ahayd gabar aysan waxba u qarsoonayn. In dadkani waddanka gaalo ay ka yimaadeen ayaan u malaynayee, waxa ayba ii sheegeen, hal qurbejoog ah oo gaalo la dhaqan ah in uusan ku jirin!
Aniga oo arrintaas la yaabban ayaan habeen habeennada ka mid ah, aniga oo fadhiya meel maqaayad ah, waxaa meel ii dhaw soo fariistay afar wiil. Waa tannaagoonayeene, sidii ay u sheekeysanayeen ayey ka hadleen in ay u baahan yihiin in ay dhalasho samaystaan. Waxa ay dhasheen intii burburku socday, oo kaar dhalasho ma haysane, waxa ay ka hadlayeen xilliyada ay ka dhiganayaan dhalashada. Laba ayaa isku qabsatay 14ka Feebarweri, oo ay la haayeen maalinta jacaylka. Muran yar ka dib mid baa loo daayey maalintaas.  Cabbaar haddii ay arrintaas ka hadlayeen, waa kala duwdeen xilliga dhalashada oo afar bil oo kala duwan iyo maalmo kala gaar ah ayey ka dhigteen.
Hadda Xamar, dhallinyarada aad bay u jecel yihiin xafladdaasi, laakiin, su’aasha ugu badan ee ay ka fekeraan inta aysan samaysan xafladdaas, waxaa weeye, goorma ayaan ka dhigtaa xilliga dhalashada?

Waxaa qoray Suldaan Nayruus

Wednesday, June 20, 2018

GABADHII CAQLIGA BADNAYD

Iyada oo muddo lagu kari waayey guurka wiil lagu khasabayo ayaa aakhirkii waaridkeed yiri, "Habaar iyo duco mid qaado", kolkaas bay markii ay halkaasi gaartay yeeshay ducada waalidkeed, jeerkaasina lagu daray wiilkii. Gabadhu, waxa ay ahayd inan Alle isugu daray qurux iyo qiimo. Xilligaas wiilka lagu darayo waxa ay soo dhammaysatay dugsi sare, dhawr bil ka dib na waxa u qorshaysneyd in ay jaamacad ku biirto. Wiilku se, waxa waxa uu ahaa wiil nolosha ka dhacay. Waxbarasho waxa uu uga haray dugsi dhexe, waxa uuna bilaabay balwad. Waxa uu ku faraq xirtay maqaafaadyo iyo mooryaan. Waxa uu la noolaa hooyadi iyo aabbihi oo wiilna ay keligiis ka dhaleen, waxa ay dhaleenna, keligi uu kala joogay. 4 gabdhood oo la dhalaytay ayaa dibedda ku maqan oo reerka soo gacanqabata. Lacagta biilka ayuu waaridkiisa ku sandulleeyey in laga siiyo wax uu jaad iyo tubaako ku cuno, iyaguna waa khasbanaadeen, iyaga oo naftooda uga baqa mararka qaar, maadaama uu kal hore waaridcaasiyoobay.

Odayga wiilka dhalay ayaa dhawr jeer ka codsaday in uu guursado, laakiin muxuu keenaa, marqaan iyo qaaddiro ayaa isku beddelaysee. Kolkaas buu gabadhaan u doonay, waxa uuna ugu doonayey, bal in uu carruur kala haro, haddii uu isaga dhib mooyee uusan dheef ku qabin. Reerka gabadha waa arkaan wiilka gabadha ay ku darayaan in uusan u qalmin, laakiin iyaga nolol ahaan hooseeyey, waxa ay u xisheen dhaqaalaha reerka, maadaama carruurtii oo dhan u dhooftay oo wiilkaas keliya u joogo, masruuf fiicanna qaataan. Xitaa waxaa ku jirtay, haddii ay carruur dhasho armaa mustaqbalkana iyana la dhoofiyaa, lacallana markaas noloshiinnu is beddeshaa! Gabadhu, iyadu waxa ay eegeysay mustaqbalkeeda waxbarasho, guurka waxaas qashinka ah oo kalena weligeed kuma soo dhicin.

Gabadhii kolkii loo aqal geeyey, runtii aad bay misena uga sii laabjabtay ruuxaas qurunkiisa, shurufkiisa iyo ustaggiisa. Wuxu waxa uu ahaa bahal balwad iyo nadaafaddarro isugu darmatay. Waa sida uu subixii uga baxo, qado iyo qubays midna ma soo doonto, kolkaas buu sida uu majliska qaadka uga soo tago, isaga oo aan musqusha ku leexan inta qolka soo galo oo isku agtuuro, xaajaysi bilaabaa, kolkaas baa shiirka ka soo kakamaya darti ka kala yaacaa dareenkeedii. Gabadhii mucjisadan maalmo dhan ayey aad u fekeraysay, oo talo rogrogaysay. Dhawr gobdhood bay kala tashatay, waxa ayna kula taliyaan in ay isaga cararto, oo deegaanka oo dhan ka tagto, misena taladaasi waa u qalmi weydaa, habaarkii waaridka ayaana horyimaada. Muddo dheer oo talo keligeed ah ay falanqeynaysay, aakhirkii waxa ay go’aansatay in ay iska deyso niyadjabka, reerkeeda dhaqato, isla markaasina inta kartideeda tijaabiso ay la timaaddo tab ay wiilkaan uga dhigto midkii ay ku fekeri lahayd in ay guursato.

Inta taladaasi qaadatay bay markii hore wiilkii ugu dhaqaaqday in ay daraaseyso. Waxa ay soo ogaatay in uu jecel yahay: ciyaarta Laadhuuga, sheekooyinka iyo heesaha. Waxa kale oo ay fahantay jaadka uu ka xiiseeyo raashinka. Kolkaas bay waxa ay go’aan ku gaartay, in ay debin inta u dhigto oo ay madaxa ka qabsato sida ay rabtana uu yeelo markaasi.

Subax uu baxayey, ayey inta bariday oo tuugtay bay ka codsatay in maanta duhurkii ay casuumayso, oo inta uusan aadin saaxiibbadi uu soo maro. ‘Haye’ ayuu ku yiri. Inta qaadkiisii horay u soo qaatay, saaxiibbadina uu ku yiri, waan idiin imaan, ayuu u yimid, mise maxaa qolka fadhiga cunto kala duwan taalla. Inta uusan u fariisan ayey ku tiri, “Qaali dhidid baa kaa da’ayee, musqusha ayaan biyo kuu geeyey”. Inta musqushii ku leexday ayuu sidii inta ku galay biyo isku daadiyey. Markii uu soo baxay ba, macawis feereysan, shukumaan iyo furnaad ayey u keentay. Inta dharkii hore iska bixiyey ayuu qolkii fadhiga soo galay. Cuntadii buu feeraha iska saaray. Markii uu dhammaystay ayey u keentay kibriid uu sigaarka ku daarto iyo haashtariig uu sigaarka isaga demiyo. Inta alaabtii ka gurtay, oo u furtay qaadkii bay misena u keentay baco uu qashinka isaga aruuriyo, una keentay darmuus shaah qayilaad ku jiro, isla markaasina heeso qaraami ah u daartay. Wiilkii inta illoobay nimankii ayuu qaadkii meeshiisii ku cunay, oo weliba ka helay sheekooyinka macaan ee ay saaxiibtiisa uga qisaynayso iyo ciyaarta Laadhuuga ay la dhalayso. Dharka khafiifka ah ee macaadinteedu ka muuqato inta ka helo ayuu dhawr jeer ka dul baxaa.

Maalintii koowaad, markii uu barwaaqadaas ku dhammaystay, ayey subixii markii la gaaray ay ku tiri, “Berri ma kuugu celiyaa?”, suuye, “Haah walaalay”. Sidii shalay oo kale si ka daran ayey u casuuntay. Dhawr beri bay sidaas u samaysay. Maalintii kale ayey ka aamustay, markaas buu markii uu baxayey, ka codsaday in ay sidii oo kale u samayso, waa se ka cudurdaaratay iyada oo eegaysa falcelintiisa, kolkaas buu inta xabadka saaray oo labada dhaban markii ugu horreysay ka shunkaday, aad u baryey. Waa ka yeeshay. Wiilkii waa ka go’ay saaxiibbadiis, waxa uuna u go’ay xaaskiisa. Odaygii iyo habartii baa la yaabay is beddelka wiilka ku yimid! Inta ay hawashaan ku jirtay ayey misena wadday in ay odayga iyo habartana kalsooni ka abuurato, taasina waa ku guulaysatay, waxa ayna gaartay in masruufka sida loo soo qaado iyada loo dhiibo.

Maadaama wiilku guriga ay ku soo xirtay, waxa ay ku fekertay in ay ka yarayso qaadka marduufka ah ee uu qaato iyo labada baakad ee sigaar ah. Marka uu qaadka la yimaado, sida ay kol ugu sheekaynayso, jeer Laadhuu ula ciyaarayso, marna ay ula faraciyaarayso, bay sida uga duufinayso arkaa iyada oo xilligii uu ka kici jiray la joogo, iyo isaga oo saddex mijood u hartay iyo baakad sigaar ah. Inta iska duuduubo ayuu seexdaa. Kolkaas bay maalintii dambe saaxiibti u sheegtay in uusan lacag khasaarin ee in ku filan uu qaadka ka soo qaado. Sidii ay sidaas ugu wadday waxa ay gaarsiisay in uu rubac gaaro iyo baakad barki sigaar ah.

Maalin baa iyada oo ka fekeraysa tillabada xigta ay qaadi lahayd, waxa ay soo maqashay in ay bilaabanayaan tartanka ciyaaraha degmooyinka. Kolkaas bay jeclaatay in uu ka qeyb galo oo ay ugu beddesho midda Laadhuuga, oo ay jaadka uga jarto. Arrintaas bay inta la socodsiisay bay weydiisay in uu ka qeyb geli karo. Markaas buu u sheegay in uu ba laacib hore ahaa isla markaasina yaqaanno maamulaha kooxda degmada u ciyaarta. Inta faraxday ayaa hadda waa u dheganugul yeehee, kula talisay in uu ka qeyb galo. Intaas kaga ma herine, inta subixii ba kaxaysay ayey geysay meeshii, kolkaas baa ninkii madaxa kooxda ahaa oo waa hore isugu dambeysay inta xabadka is geliyeen, isku burureen. Waxa uu ka codsaday in uu kooxda ku biiro, markaas buu inta ka yeelay oo siiyey dharkii kooxda, ‘subax walba iyo galab walba imow’ yiri, isaga oo u sheegay in uu balwadda joojiyo, oo aan loo oggolayn ciyaartoyda. Markii ay gurigii geysay ba sidii ay u maaweelinaysay ayey galabtii markii la gaaray, inta maaliyaddii u gelisay, kolkaas geysay meeshii. Haddana subixii kallihisay. Inta uu tabarbarka qaadanayo kama harto kamana tagto, aad bayna u dhiirrigelisaa, kolka guriga la yimaana u sheegtaa in uu ugu khatarsanaa ciyaartowda. Sidii ay tabtaas ugu wadday, waa ka jartay qaadkii iyo sigaarkii, waxa uuna ka qeybgalay tartarka ciyaaraha.

Markii ay ka jartay, ayey misena ku bilawday in ay sheekooyinkeedii u beddesho dhinacda hormarka, dhageysigii heesahana ugu beddesho Qur’aanka, kolkaas bay ku hanuunisay in uu salaadda tukado, dabadeedna masaajidda ay ku xirto, isla markaasina kula talisay in uu waxbrashadii dib ugu laabto, kolkaas bay inta dugsi sare ka bixisay, jaamacad misena ku biirisay. Intii uu jaamacadda ku jiray ayey kula talisay in uu shaqo raadiyo si ay uga xarooban biilka gabadhaha. Sidii uu wax u raadinayey, NGO buu shaqo ka helay. Markii uu jaamacaddii dhammeeyey ayuu misena UNDP shaqo ka helay. Maalintii uu shaqo bilaabay ilaa iyo hadda mushaarkiisa waxa uu ku soo dhacaa koontadeeda, iyada ayaana qoondaysa.

Wiilkan sidii uu gabadhan u guursaday, weligi dhar iyo catar ma soo iibsan, waxa uu guriga ugu yimaadaa dharka iyo udgiyeyaasha ugu qaalisan ee uu ku soo baxayo. Abidki gar iyo shaarub iyo kuwa cawrada iska ma xiirin, oo saaxiibtiis baa u kallan. Waqi keligiis inta musqul galo iska ma qubaysan, ma ba dhici karto iyada oo aan u qabeyn in uu suuliga ka soo baxo. Ma bixi karo iyada oo dharka ay rabto inta u geliso, u saliideyn, u shanlayn, kabaha u baalashayn, oo markaas inta labada dhaban ka shummiso aysan sagootin, oo weliba inta uu ka libdhayo, dhoollacaddayn iyo gacanhaatin ku sagoontin. Kolkaas buu marka uu magaalada soo galo, waxa uu noqdaa ninka ugu ooga qurxoon, ugu dhar bilicsan, ugu udud badan, ugu na deggan! Kolka uu guriga imaanayo, waa madaxweyne dalkiisii ku soo laabtay.

Hadda gabadhii waxa ay ku nooshay noloshii inta aan la guursan ay fekeri jirtay mid ka macaan. Guri weyn oo ay iyadu iibsatay bay deggan tahay, oo ay ka shaqeeyaan laba gabdhood oo shaqaale ah. Gaari raaxo ah oo noocii ugu dambeeyey ahna waa ku socotaa. 6 carruur ah oo qurxoon ayaa u joogta oo dugsiyo qaali ah dhigta. Dhaqaale ay maamusho oo ay sida ay doonto ka yeesho. Waxa ay la nooshay nin indhiihisa ka jecel oo, rabbaayad ah oo ay boqorad u tahay, oo aan far dhaqaajin karin in uu iyada oo la tashado ma ahane, oo weliba aamisan in ay noloshiisa oo dhan leedahay. Wiilka hadda gabdhihii oo dhan baa daba ordaya, kolkaas buu mid kasta ku dhahaa, “Abbaayo ninkaan heer kaan naag baa soo gaarsiisaye, iyada iga doono!”, markaas bay gabdhihii oo dhan ka fiigeen!

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus



Tuesday, June 12, 2018

WIIL DABIN UU U DHIGAY GABAR SOOMAALIYEED AY WALAASHIIS KU DHACDAY: Sheeko yaab leh oo cibro qaadasho mudan!


Kismaayo ayey ka dhacdaye, goor galab ah ayaa wiil iska socda waxa uu dariiq uga soo horbaxay gabar aad ula qurxoonayd. Inta faduuliyey ayuu inta bartay, ka qaatay taleefoonkeeda. Dhawr jeer buu la soo hadlay oo ay si fiican inta isku sii barteen, kolkaas ku ballameen maalin, in ay mar kale is arkaan.
          Gabadhu, waxa ay ahayd gabar wanaagsan oo Allahayd Alle yahay, isagu se waxa uu ekaa faddar rabbi iyo islaan ka furtay. Iyadu waa gabar ragga ula sheekeysata oo keliya in, kii ay ka hesho oo calaf u galo ay guursato, laakiin isagu waxa uu gabdhaha ula haasaawaa in uu ka leeddoraaco.
          Maalintii koowaad ee ay ballameen, waxay isku arkeen beerta xorriyadda. Aad buu uga helay quruxda gabadhaas Alle huwiyey iyo labeenta korkeeda ka muuqatay ee laga subkan karo. Waa 18 jir inta qoortahay ayey misena jir ahaanna buuxdaa. Midabku waa guduud caddaan xigeen ah, oo meelaha qaar xididdada ayaa ka muuqanaya. Marka ay indhashareerka iska fayddo, indhaha balaca ah, sandqoorka dheer, sunniyaha qaansoroobaadka u eg, bishimaya guduudan, oo tan hoose dhexda ka yara saran tahay iyo marka ay dhoollacaddaynayso ilkaha cad ee is la’eg, camanka bucbuca ah iyo horaaddada xooggan oo cabbayaddeeda in ay soo taraarayaan la moodayo, ayaad marka aad aragto inta dubaaxiso xaaddu, inta wax dareenta oo dhan bilaa amar la’aan istaagayaan. Markaas baad is oronaysaa yaaba gabigeeda liqa. Quruxda gabadhaasi wiilkii isha waa siin waayey. Xoogaa baa la sii sheekeystay, oo nus saac ka dib la is macasalaameeyey.
          Markii ay kala tageen ayaa wiilkii waxa uu go’aan ku gaaray sidii uu gabadhaasi uu ku soo xero gelin lahaa - oo guur kama rabee - dabadeed uu inta nicmatulfashuuqaas dhex tiimbado uu ka faramacaysto. Waxyaalo badan ayuu inta isku dhufsaday, ayuu gabadhii xargo u daadiyey. Wax welba oo gabar lagu soo jiidan karo waa sameeyey, laakiin si kasta inta sameeyey ayuu waxa uu ka waayey, in ay u dhiibto oo kabbiso hal mar, illeen dantiisu waa taase. Taas maxaad ka sheegaysaa, xitaa salaax waa ka waayey e. Iyadu wax aan xalaal ahayn in aan xuubkeeda lagu dillaacin ayey Alle horey uga ballanqadday, oo taas bay ku taagan tahay. Hayin ma ahoo, far la ma saari karo oo, haddii loo soo dhawaado inta buubto bay baabacaynaysaa. Waagii dambe, markii ay aragtay saqajaannimadiisa, bay is araggiisii goysay. Markii uu wakhti badan inta geliyey uu ka samray, buu waxa uu go’aan ku gaaray in uu u dhigo dabin sharafteeda dilaya.
          Markaas Kismaayo malleeshiyo ayaa xukumaysaye, dhallinyaro mooryaan ah ayuu inta diyaariyey, buu waxa ka dhaadhiciyey in gabar wakhti badan oga khasaaray, oo xumaysay ay uga aaraan, oo inta u ballamiyo ay kufsadaan. Yeele. Dhallinyaradii guri ay ku qaliyaan oo iyaga u gaar ah oo uu isna ugu tagtago mar mar, ayuu gabadhii - oo yaa Allahu ku yeeshay - ku ballamiyey inta maalintaas aad iyo aad u baryey oo isku oohiyey in ay la kulanto, isaga oo u tilmaamay gurigii, oo ay si fiicna u garatay. Nimankiina, waxa uu ku yiri, “taleefoonka waan dansanayaaye, gabadha guriga soo garaacda xilligaas, ka fura, oo qol inta gelisaan saf ka mara doofaarta”. “Haye” bay dheheen. Gabadhii waa ballamiyey goor galab ah 4:00 PM, markii xilligii la gaarayna taleefoonkii waa dansaday.
        Wiilkaas hooyadiis baa galabtaas lagu soo booday, oo fadhi iyo jiif ka tagtay, markaas baa loo baahday wiilkii. Gabar walaashiis ah oo ka yar baa wacday, markaas bay heli wayday maaddaama uu taleefoonkiisu dansanaa. Meel kasta ayey ka raadisay, markaas baa mar dambe loo sheegay meesha ugu dhaw ay ka heli karto in uu yahay guri uu mar mar tago, oo uu qaad kula dhuunto. Gurigii oo loo tilmaamay bay isku sii daysay, markii laga furayba oo ay magaciisa weydiisay ba, la ma aqoon oo, tii baa inta loo qaatay, “Soo gal” la yiri. Qolkii markii la geeyeyba, inta gaddac loo tuuray baa saf laga maray. Iyada oo dhiig ka falaq leeyahay, ayey gurigii ka soo baxday, markaas baa waxaa irridka uga hortimid gabadhii oo inta labbis iyo is qurxis ku soo yara daahday, laafyoonaysa. Gabadhan oo gaggabaysa oo ooyeysa ayey illinka kula kulantay, “Bisinka! Maxaa kugu dhacay abbaayo”, “Niman gurigaan aad u socotid ku jira ayaa i kufsaday ee ka carar” bay tiri iyada oo ooyeysa. Markii gabadhii ogaatay gurigii ay u socotay in uu yahay meel kusfi, inta big tiri ayey cagaheedii maashay.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus 
E-mail: nayruus@gmail.com