Sunday, December 31, 2017

HOOYO MACAAN IGA RAALLI AHOW


Islaan ayaa waxa ay maalin canaanatay gabar foodlay ah oo ay dhashay. Gabadhu, waxa ay markaas ahayd inan inta waayadaas qaangaartay, caaddaas maraysay! Inta hooyadeed dhoocil la mid ah ka soo qaadday, bay muran iyo jaqjaq kala hor timid. Xaarxaarintii inta si kale u qaadatay, bay inta qolkeedii gashay, oo soo labbisatay, iska dhaqaaqday.

Halkii ay u jeedday iyada oo aan gaarin, ayey inta daashay, goor cilcillow ah meel jardiin ah iska fariisatay. Iyada oo weli darbigii fadhida, ayaa waxaa kor ka aragtay islaan gurigeedii adeeg u wadatay. Inta ku soo leexatay, bay ku tiri, “Eeddo, maxaa meesha ku fariisiyey?” Gabadhu, indhaha bay ka eegtay mooyee, islaantii uma warcelin. Islaantii, inta aragtay in ay gabadhu wax si ka yihiin, bay misena ku tiri, “Eeddo soo bax, aan gurigeyga ku geeyee…” Gabadhii, dan baa haysaye, waa dabagashay. 

Markii ay tageen gurigii, ayaa islaantii aragtay naabta afka ka saaran, kolkaasina garatay in ay gabadhu gaajaysan tahay. Inta dabkii shidday ayey isla markii ba ugu tuurtay Baasto. Kolkii ay gabadhii feeraha iska saartay, bay inta islaantii gacanta ka dhunkatay, ku tiri, “Eeddo aad baad u mahadsan tahay. Hooyadeyna saan ogaa bay iigu qalineysay, adna, adiga oo aysan waxba isku kaaya gelin, ayaad inta i soo wadday cunto macaan gurigaaga iga siisay.”

Islaantii oo markaas fahantay xaalka gabadha, ayaa inta u soo dhawaatey, ku tiri hadalkan gabadhii beddelay, “Eeddo, cuntadan aan hadda ku siiyey ayaad sidaas kal-iyo-laabta ah iigu mahad celinaysaa, ka warran islaanta, inta aan ogaa caloosha kugu sidday, maalintii aad dhalatay ilaa iyo haddana wax ku soo siinaysay. Eeddo, soo taa kaa ma mudna mahadin weyn? Miyey kaa istaahishaa in aad dhegeysato ama aad la muranto, oo waxa ay ku farto ka madax adeygto?!”

Gabadhii, isla markiiba is beddel baa ku dhacay, waxa ayna go’aansatay in ay gurigii ku laabato. Iyada oo dhex sii maraysa ayey is heleen hooyaadeed, oo saacado badan baadigoobaysay. Hooyadii, inta gabadhii ku soo boodday oo labada dhaban mac ka siisey ayey soo kaxaysay. Inta gabadhii qolka fadhiga kaga hormartay ayey ku tiri, “Hooyo macaan soo gal, waad gaajaysan tehee, kaala cun raashinkan aan kuu diyaariyey.”

Gabadhii, kolkii ay fariisatay, ayey aad u eegtay cuntada jaad-ba-jaad ka ah ee hooyadeed u diyaarisay, oo weliba aadka uga wanaagsan midda ay islaantii siinaysay. Markaas baa gabadhii inta laabteedii raxmadi rusheysay, oo ay is heyn weydey, hooyadeed inta ku boodday oo isku duubtay, oo shummis ku boobtay, iyada oo oyeysana waxa ay ku lahayd, “Hooyo macaan waan ku jeclahay… Hooyo macaan waan khaldamay… Hooyo macaan iga raalli ahow.” 

Waxaa qoray Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com 

Tuesday, December 19, 2017

Buugga NABSI




Buuggan la dhaho ‘Nabsi’, waxaa uu ka sheekeynayaa cuqubo, hoog iyo inkaar ka dhalatay nasbi qofi uu ka galay ruux kale, kaddib markii inta uu dhagray uu laqdabeeyey oo uu uga baxay isa siintii, aamminaaddii iyo qalbigiisii uu raaciyey.  

Buuggu, waxaa uu si faah-faahsan uga warramayaa musiibadii, amarkii iyo nabsigii ku dhacay, mid mid, 11 qof oo kala duwan oo inta khiyaanay oo luggooyey, ka inkaar-galabsaday 11 qof oo kale.
Dhiganahan, qisooyinka nabsi ee ku uruursan, waa kuwo badankood si gaar ah u quseeya axdiyo jacayl oo la isaga baxay iyo heshiisyo caashaq oo la isku ballan-furay.  

Haddaba, inta aad buuggan akhrineyso, oo hadba qiso kaa nixisa iyo mid kaa yaabisa aad dul mareyso, inta aragtid dulmiga la iska galo, ba’a ka dhalanaya, ayaad inta gacmaha iyo dhafoorka isku qabtid, oo madaxa war-wareejisid, isla markaaba talo ku gaaraysaa in aad iska ilaaliso nabsi oo dhan, oo aadan weligaa cidna qalbigiisa dan-kuu-keliya iyo been ku sasaban.   

Akhriste, bal arag buugga, qaado oo akhri, si inta u ogaatid dhabanna-haysta uu tebinayo, aad keydkaaga nololeed ugu biirisid waaya-aragnimo xilli dheer kugu qaadan lahayd isla markaasina cibro inta ku qaadatid aad dadka kalana waano uga dhigtid.

Waxa aad hadda ka heli kartaa buugga dhammaan goobaha Muqdisho buugta lagu iibiyo iyo Boosaaso ama wac: 0616132474 ama kala xiriir: nayruus@gmail.com   


Friday, August 25, 2017

Buugga Godadle: War-bixin ku saabsan iyo sida loo heli karo

Buuggan la yiraahdo “Godadle”, waa buug ka sheekeynaya qiso dhacday oo qabsatay nin, inta dumarka lagu falay ku qamaamay, oo meeshii uu tagaba inta gabar ku qudba-sireysta ku xasheysta. Si aysan hawshiisa u ogaanna, inta ka raad-gata ka qiriya magaciisa saxda ah, dadkiisa iyo xaasaskiisa kaleba, taas oo dhalisay dhibaato wejiyo badan iyo mucjisooyin kala duwan oo qabsatay isagii, eheladiisii, xaasaskiisii iyo carruurtiisii - oo iyagu gadaal iska guursaday!

Waa buug, inta aad akhrineysid, waxa uu Godadle dhigay iyo waxa ku dhacay; mar aad qosli doontid, mar aad yaabi doontid, mar aad nixi doontid, mar aad ku sigan doontid in aad ilmeyso, marna aad moodi doontid, in qofka ay sheekadaani quseyso aad adigu tahay!

Dhanka wax-tarka, buugga Godadle; mar waa hanuuniye aan hadlayn, oo waxa uu ku hor keenayaa aayaha dhaqan-ku-tacaddiga bulshadeed. Mar isaga oo tijaabooyin kala duwan ku tusinaya, ayuu ku soo xasuusinayaa oraahaha “Inta aadan falin ka fiirso” iyo “Dadaalaa waa gaaraa”. Mar waayo-aragnimo nolaleed - oo aadan u soo joogin - ayuu maskax-ku-cirrow kaaga dhigayaa. Mar Afka hooyo ayuu miiddiisa ku dhan-dhansiinayaa, markii aad macaansatana kuu miisayaa. Marna waa maaweelo iyo maddadaalo aadan ka xiiso go’ayn akhriskiisa, oo hadba dareenkaaga ayuu meel qotomin doontaa.

Iibso oo bal akhri sida uu ninkani gabdhaha yar yar u soo daban jiray iyo farsamooyinkii uu isticmaali jiray iyo sida marka uu helo uu ku samayn jiray iyo musiibadii aakhirkii ka raacday baacsigii dumar!


Buuggan waxa aad ka heli kartaa, dukaammada buugta: Kismaayo, Xamar, Baladweyne, Garowe, Boosaso, Hargeysa iyo Nayroobi. Ama kala xidhiidh Lambarkaan: 0616132474 ama nayruus@gmail.com

Qoraaga Buugga: Suldaan Nayruus

Wednesday, July 26, 2017

Cigaal Shiidaad iyo Sheekooyinkiisii: Igal Shidad and his stories (Somali-English Book)



 Somali

Cigaal Shiidaad wuxuu ahaa nin sheeko maad iyo xikmad badan oo fulaynimo ku dheehnayd ku caan-baxay. Wuxuu ahaa sida sheekooyinkiisa ka muuqata nin Fulay ah, laakiin Af-tahan ahaa oo ku qarin jirey fulaynimadiisa Xikmad. Waxay sheekooyinkiisii noqdeen kuwa geyiga Soomaaliyeed oo dhan laga wada yaqaan.

Waxaan buug-yarahaan ku soo bandhigeynaa 17kii Sheeko ee ugu caansanaa Sheekooyinkii Cigaal Shiidaad. Waxaan kaloo raaciyey isla qeyb Af-ingiriis ah oo sheekooyinka oo dhan aan ku tarjumay, waxaana ugu tala-galay in ay bulshada Soomaaliyeed Sheekooyinkaas Ingiriis ku bartaan, si ay ugu sahlanaato in ay luuqaddana ku bartaan, ajaaniibtana oga sheekeyn karaan Sheeko-dhaqameedkeenna iyo xitaa in ay ajaaniibtuba akhristaan, ogaadaanna sheeko-dhaqameedyada Soomaaliyeed ee xikmadda badan.

English 

Igal Shidad was a far-famed coward, whose stories were related with wits and interwoven with comedy. As shown in his funny stories, he was coward, who used to conceal his weakness with wisdom and comic acts. It is worth to mention here; his quotations, wise sayings, and follies became well-known in Somalia. 

This small book will display 17 most famous stories about Igal Shidad. It is bilingual, i.e. Somali-English. The translation is in very simplified English for the purpose of helping Somalis to understand better while learning English through their literature. It will also help them to express the Somali stories to foreigners and Somali Diaspora abroad and by contrast, it will also help foreigners to enjoy and understand Somali traditional stories and their cultural values. 

Waxa aad ka heli kartaa e-mailkaan: nayruus@gmail.com

For order, please contact: nayruus@gmail.com

 

Thursday, July 20, 2017

Buugga: Layla Maxaa Loo Dilay

Buuggaan la magac-baxay “LAYLA MAXAA LOO DILAY’, waxaa uu ka sheekeynayaa qiso Calool-xumo iyo Murugo Jacayl iyo xanuun wadata, oo qabsatay gabar Yamaniyad ahayd, oo beri hore - waa Afartameeyadiiye - ku noolaan jirtay magaalada Xamar, oo aad u jeclaatay wiil Soomaali ahaa, oo ku noolaa Xamar-daye, feero-qaawanoo, Geel-jire ahaa, oo caano-teel magaalada ku imaan jiray.

Inkasta oo ay gabadhu Maqabbiyad ahayd, Afka Soomaaligana aysan aqoon, misena wiilkaan miyiga ka yimaada, oo ay mar fursad yar u heshey, in ay caano ka shubato, ayaa kolkii ay la-kowsatay - iyada oo aan wax is weydiin-ba - horey inta ka calmatay, Jacayl isku tig-tigey. Waa Jacayl iyo xaaladdiis e, sidii uu miskiintii - Allaheed Alle ahaa – inta u madax-maray, uu jid iyo jiho ugu diidayey, ayuu markii dambe meel xil-le ka tuuray, taas oo aakhirkii keentey, in Gabadhii Laylo ahayd, Jacaylkaas dartiis loo bireeyo, oo ay nafteedii qaaliga ahayd ku seegto. 

Sidaas awgeed, buuggu, waxaa uu si fiican kuugu qadaa-dhigayaa, sidii reerka Layla uu Soomaaliya ku yimid iyo nolosheedii, qaabkii uu Jacaylku u dar-daray, sidii uu nolosheedii u saameeyey, waddadii dheereyd ee ay u martay, sidii ay Jacaylka ugu tallaali lahayd wiilkii ay jeclayd iyo habkii ay ku hanatay jaceylkeedii iyo weliba baaskii ka dambeeyey, oo kol dambe ku keeney, in inta la gawraco ay dunidan dhaafto.

Sheekadu, mar waa Taariikh, oo aqoon baad ka siyaadsan; mar waa Ciil, oo gumeystihii iyo Carabba, ‘Nag’ yaa ka dhiga ayaad is dhihin; mar waa Jacayl iyo xaalkiis, oo bedweyn ayuu inta ku geliyo, hadba dareenkaaga beddelayaa; marna waa Cibro maan-kaabe ah, oo wax aad ku tusaale qaadato ayuu ku soo hor-dhigayaa.

Buugga Waxa aad ka heli kartaa, Dukaamada Buugta: Kismaayo, Xamar, Baladweyne, Boosaso, Hargeysa iyo Nayroobi. Ama kala xidhiidh Lambarkaan: 0615577448 ama nayruus@gmail.com 

Qoraaga Buugga: Suldaan Nayruus

Wednesday, July 19, 2017

Bandhiggii Buugta ee Garoowe iyo Qudbadii aan ka jeediyey

Bandhigga Buugta ee Garoowe ayaa waxa aan ka jeediyey Qudbad ka hadlaysay Dhibaatada uu la kulmo qoraha Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa; laga bilaabo kolka uu hindisaha buug-qoridda uu ku soo dhaco ilaa uu inta ka idleeyo uu suuq-geynayo.

Qudbada oo dhammaystiran halkaan ka dhageyso:
http://suldan-nayrus.blogspot.com/lif/vedions. nv 


Saturday, April 15, 2017

Buugga Gogoldhigga Ganacsiga

Buuggaan ( Gogoldhigga Ganacsiga) oo ka kooban 15 Cutub, wuxuu macluumaad guud iyo mid gaar ahba ka bixinayaa Ganacsiga. Waa buug qacda horeba kuu iftiiminaya waxa uu dhab ahaan yahay ganacsigu, isagoo si wanaagsan kuugu sharraxaya deegaanada kala duwan ee uu ganacsigu ku habboon yahay.
Wuxuu faham weyn kaa siinayaa Nidaamyada dhaqaale ee qaarkood maanta dunidu ku shaqeyso, isaga oo dhanka kalana, si dhaammaystiran kaga warramaya qaybaha kala duwan ee Ururada ku lugta leh ganacsiga.
Wuxuu aad kaaga haqab-tirayaa Suuq-geynta, Isku darka suuq-geynta, Jumlada, Tafaariikhda, Ganacsiga caalamiga ah iyo weliba haayadaha caalamiga ah ee ku lugta leh, isagoo geesta kalana xog buuxda kaa siinaya Agaasinka, Maamulaha iyo Maareynta shaqaalaha.

Wuxuu si faahfaahsan tooshka kuugu shidayaa meelaha ay dhibaatooyinka, mashaakillada iyo halisaha ganacsiga qul-qulateeya ama soo food saara ka imaan karaan iyo habka looga hor-tago halisahaas ama lagu yareeyo.

Waxaa Buuggaan waxaa uu u qoran yahay sida Buugta Wax-barashadJaamacadaha, waxaana lagu soo ururiyey Cilmi fara badan oo la xiriira ganacsiga, waxaadna kaga bogan kartaa oo kaliya, adiga oo si wanaagsan u dhex gala.

Buuggaan waxa aad ka heli kartaa: Moqdishu, Hargeysa, Bosaso, Garowe, Borama, Balaweyne iyo Nayroobi.

Ama kala Xidhiidh: Qoraha buugga Suldaan Nayruus
Emailkiisa: nayruus@gmail.com

Sunday, April 9, 2017

Buugga Qaamuuska Ganacsiga

Qaamuuskaan, waxaa loo uruuriyey, in uu baahi-tiro qof kasta oo Soomaali ah, oo ku dhex-jira ganacsiga ama baranaya, isagoo weliba ugu deeqaya erayada ganacsiga kuwooda ugu muhiimsan ee laga wada isticmaalo Ingiriiska iyo Mareykanka.

Qaamuuskaan waa abwaan ay ku urursan yihiin erayo laga soo xulay laamaha cilmiyada kala duwan ee ku salka leh gann erayo ama jumlado la xiriira ganacsiga adduunyada.
acsiga, waana xog-haye muhiim ah, oo u noqon kara il tix-raaceed qofka akhrista buuggaagta, Majalladaha iyo War-geysyada ay ku jiraa

Qaamuuskaan waxaa ku jira in ka badan 4000 eray oo muhiim ah, oo la xiriira ganacsiga, Dhaqaalaha, Maaliyadda, Suuq-geynta, Xisaabinta, Maamulka, Xafiisyada, Bangiyada, Xayeysiinta, Canshuuraha, Sharciyada ganacsiga, Farriimaha, Gaadiidka, Caymiska, Ganacsiga Caalamiga ah, Hantida ma guurtada ah, Warshadaha iyo kuwo kale oo badan. Qaamuuskaan waxaa lagu soo uruuriyey, awooddana la saarey erayada ganacsiga ee aadka loo isticmaalo. Eray kasta waxaa lagu qeexay Af-Soomaali aad u fudud, oo uu fahmi karo qof kasta oo Soomaali ah.

Waxaan rajaynayaa in uu Qaamuuskaan noqodo hage tix-raaceed oo kaaliya dadka xiiseeya in ay fahmaan Erayada muhiimka ah ee la xiriira ganacsiga adduunyada.
Buuggaan waxa aad ka heli kartaa: Moqdishu, Hargeysa, Bosaso, Garowe, Borama, Balaweyne, Nayroobi and Jigjiga.

Dictionary of Business 

This dictionary has been compiled in order to gratify the needs of every Somali person involved in or studying business and provide the key business terminology used in both British and American English. This informative guide gives a convenient source of reference for the reader of Books, Journals, and News papers which may contain words or phrases relating to the world of business.

This reference dictionary contains over 4000 key terms relating to Business, Commerce, Economics, Finance, Marketing, Accounting, Management, Office practices, Banking, Advertising, Taxation, Business law, Communications, Transportation, Insurance, International Business, Real estate, Industries and many more. In this dictionary, a special emphasis has been given to the most frequently used business terminology.
Each word is clearly defined in very simple Somali language that can be understood by each and every Somalis.

I hope this dictionary will serve as a helpful reference guide for those who are interested in understanding the key terms relating to the world of business.

This addition is available in Moqdishu, Hargeysa, Bosaso, Garowe, Borama, Balaweyne, Nayroobi and Jigjiga.

Suldaan Nayruus

Tuesday, March 21, 2017

Farqiga u dhexeeya Roob-doontii hore iyo Tan Maanta (Sheekooyin Dhab ah)



Roobdoontii hore

Nin-ba, wixii u soo joogey buu ka sheekeeyaaye, waxa aan u soo joogey, iyada oo maalin milic dhamac ah iyo hongorre kulul uu jirey, roobkii Guguna la la’yahay, baa xilli far-dambeed ah, annaga oo Qur’aan dhiganayna, ayaa Macallinkii inaga codsaday, in aan Roob-doonno. Inta Looxdii Maxada saaranay, ayaan waddada qaadnay. Cajiib, Saacad kama soo wareegin, goortii Samada nala ka aqbalay, oo daruuro cirkii inta qabsadeen, roob Dhibca weyn nagu bilawday.

Waxa kale oo aan u soo joogay, maalin sidaas oo kale roob la’aani ay dhacday, markaas baa wadaad Magaalada Joogay, oo dadka deegaanku ay aaminsanaayeen in uu samada xiriir fiican la lahaa ayaa isaga oo meel fadhiya, inta dad badan u tageen bey koofidii, Tusbixii iyo Kitaabkii ka qaateen, markaas bey dheheen “Wallaahi baanaan koofida, Tusbaxan iyo Kabahan aannaan dib dambe kuugu celineyn, haddii aadan Alle ino baryin in uu naga dulqaado Abaartan iyo Roob la’aantaan”. Maantaas baa iigu horreysey, in uu Shiikhu Bidaar leeyahay, markaas baa wadadkii oo cagacad, oo dhako diiran, inta uu baxay, ayuu meel Bakad ah, inta istaagey, laba Rakcadood tukaday. Markaas buu inta gacmaha iyo indhaha sare u qaadey, Alle baryid bilaabey. Waxa aan ka xasuustaa erayadiisii “Ilaahayow, waxa aan ahay waad og tahay, Ilaahayow, dadkaani maciin bey i bideen, Ilaahayow maanta Koofida igu celi”. Cajiib, Ilaahay, inta isla markiiba aqbalay, ayaa ‘Afarta Beenu Jiho’ daruuro is qabsadeen, roob Biyamaris ah magaaladii soo galay.

LOOX la soo amaahday oo maalin dhaweyd inta lagu roob-doonay


Magaalo ka mid ah, magaalooyinka Soomaaliya, ayaa waxa ay ahayd magaalo dadka jooga ay Qaaddiriyo ahaayeen, oo aad uga dambeyn jirey Culimada Dariiqada. Kuwa Awliyada ah ee dhintana, waa siyaaran jireen, kuwa noolna, waa ka duceysan jireen. 1995-kii, ayaa waxaa magaalada soo galay Culimada Saxwada Islaamka, oo barakadooda watey. Magaaladii ayey xoog ku yeesheen, markaas bey dadkii waxa ay u sheegeen, in mabda’ ay heysteen uu ‘Bico iyo Baadhil’ ahaa. Waxa ay ka dhaadhiciyeen in Awliyada dhimatay, ay Kabahoodu ka roon yihiin, kuwa noolna aysan Ilaahay ka xigin. Malcamadaha Qur’aanka ayaa Magaaladaas ku badnaa, oo Sarab iyo Rammaali ka dhisnaa, Looxna lagu dhigan jirey Khad la riiqey iyo Qalin xalleef ah oo la qorey, ciiddana waa lagu fariisan jirey. Dadkii ayey u sheegeen, in ay Diinta arrintaasi ihaano ku tahay, oo Diinta meel wasakh ah iyo wax dheerti ah in lagu barto aan loogu tala-gelin. Inta Dugsiyadii ka takhaluseen ayey fureen Malcamado Jiigado ah, hoosna Shamiito ka ah oo Qur’aanka Buug iyo Qalimaan lagu dhiganayo.   


Maalin dhaweyd, ayaa magaaladii abaar xuni ka dhacday, markaas baa Roob-doon loo baahday. Culimadi Baraaruggu (Saxwadu), waa shireen. Mid ka mid ah Culimada oo horey Qaaddiriyo u ahaan jirey, laakiin Saxwada ku biirey – wax ku kallifey-ba – ayaa raggii u sheegey in magaaladaan waagii hore Ardeyda inta madaxa Looxda loo saaro, magaalada ay ku wareegi jireen, markaasna isla markiiba Roob soo da’i jirey. Maaddaama uusan jirin Dugsi ay Culimadu leedahay, oo Loox leh, waxaa loo baahday Loox. Sidii magaalada looga baarayey, ayaa waxaa la helay laba Dugsi oo yar-yar oo magaalada kooneheeda ku yaalla, Macallimiintii hore iyo Ardey qalin-nuug ahna joogaan. Inta labadii Dugsi la tagay, ayaa Macallimiintii laga codsay in ay Looxda maalin amaahiyaan. Ma diidi karaane, waa ka yeeleen. Midna 17 Loox bay ka soo qaaten, midna 25 Loox. Caku waxaan garasho lahayn, xitaa Macallimiintii maantaas shaah Masiin, Ardeydoodiina waa ka taagee, markaas bey Looxdii waxa ay u geeyeen Ardeydoodii. Inta madaxa u saareen ayey dheheen “Adinka oo Alle tuugaya magaalada wareega, inta Roob ka imaanayo”. Sidii ay maantii oo dhan u wareegayeen, ‘Nakata’ Roob waa soo hoori waayey.

Suldaan Nayruus