Friday, August 24, 2018

GABAR JINNI BEEN AH ISKU RIDDAY (Gabadhihii aan xan dhageystay: sheeko yaab leh!)

Waxa ay ahayd casarliiq kolkii aan soo galay goob aad loo qurxiyey oo lagu iibiyo cuntada fudud iyo cabbitaannada. Waxa ay lahayd meelo kala xirxiran oo fadhiyo hagaagsan yaallaan. Dadka is wata oo raba in ay si gaara u fariistaan ayaa loogu talagalay. Kolka aan soo galay ayaan fariistay meelahaas goob ka mid ah. Halka aan fariistay, fadhiga ka gadaaleeya waxaa fadhiyey oo ku shawrayey saddex gabdhood. In kasta oo uu dhisme yar oo alwaax ah inoo dhexeeyey, haddana hadalka aan xamxam ahayn, oo si dareen leh loo dhageysto waa la iska maqlaa. Gabdhuhu farxadda haysay daraaddeed, si dad aan dareen qabin bay u sheekeysanayeen, taas ayaa keentay in uu hadalkoodu igu soo duulduulo. Markii aan arkay in arrin aan la yaabay ka sheekeysanayaan, ayaan dhegaheygii u leexiyey dhankooda, dareenkayga oo dhanna wada siiyey in aan si qummaati u ah u weeleeyo waxa ay ka hadlayaan.
Maxa ay ka hadlayeen?
Gabdhuhu waxa ay ka sheekeysanayeen oo aad ugu faraxsanaayeen dabin yaab leh oo ay u dhigeen wiil xaafadda ay deggan yihiin ka sheegganaa, oo aad u qurux badnaa, gabdhaho badanna ka dabadheceen, isna ahaa wiil aad isku la weyn, maadaama uu arkayey in gabdho badan ka dabayacayaan. Sida warkooda ku jirtay, laba ka mid ah ayaa mid kasta mar isku dayday in ay xiriir la samayso laakiin uu dhankeeda soo dayi waayey. Wiilkaasi dabinka ay u dhigeen ayaa ahaa, in saddexda gabdhood mid ka mid ah lagu la taliyey in ay Jin isku riddo, marka wadaaddada Qur’aanka loo geeyana ay sheegto in uu jeclaaday oo uu ka dhex qeylinayo wiilkaasi, weliba na muddo bil ah ay xanuunkaasi sii waddo, mar kastana wiilkaasi uu ka qeyliyo. Toddobaadka koowaad mid ka xigana, ay bilawdo in wiilka ka qeylinaya uusan baxayn ilaa la siiyo 100 $ oo gurigiisa loogu geeyo. Inta ay hawshaasi socoto, labada kalana waxa ay wadayaan dacaayado, warkaasina suuqa yey sii gelinayaan. Sidii ay ku heshiiyeen ayaa arrintii loo galay, waxaana dhacday in dhallinyaradii xaafadda oo dhan hal mar is la kacdo, warkiina wiilkii si degdeg ah ayuu ku gaaray. Balo waxa ay ka dhacday, kolkii uu maqlay in lacag loo soo wado si gabadha uga baxo. Wiilkii, arrintaas ceebta ah inta u adkeysan waayey ayuu 16 beri ka dib ba, xaafaddii ka cararay, markii dambana Xamar ka haajiray, waxa uuna aaday Keenya.
Sida hadalka gabdhaha ka muuqday, waxa ay isugu marxabbanayeen sida shaxdii ay degeen ugu fushay. “Macsonkor, wakhsakha ma ku sugnay! Maanta soo asigii ceeb inta la jaciirsaday lama cararin!” iyo erayo kale oo farxad ka muuqato ayey ku hayeen. Qoftii arrintaasi fulisayna aad bay ugu mahadcelinayeen.
Arrintan waxa aan ka ogaaday in Jinniga gabdhaha ka dhex hadla uusan intiisa badan sax ahayn, oo ay jiraan dano kale oo laga leeyahay Jinni isku ridkaasi.
FG: Sheekooyinka aan qoro, qaar baa akhriteyaashu tijaabiyaan. Gabdhaha cusub ee aan hawlahaan la socon, fadlan arrinkaan is ka ilaaliya.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus