Tuesday, January 29, 2019

FADHI KU DHEREG

Ma Rabtaa Lacag Badan Oo Aadan U Dhibtoon Oo Aad Bilaash Ku Dhuuqdo?

Horta ma la socotaa sida loogu loollamayo kuraasta dawlad-gobaleedyada iyo kawa dawladda dhexe? Ma fahantay sababta qof kasta oo soomaray Xildhibaan, ama Wasiir ama Madaxweyne (mid gobaleed iyo mid dhexeba), uu naf iyo maal ugu hurayo in uusan weligiis ka kicin kursigaas? Ma aragtaa sida qofka xilalkaasi mid ka mid ah qabta uu muddo yar ugu dhogordhacsanayo? Ma og tahay in ruuxa jagooyinkaasi qabta uu xilli gaaban ku hodmayo, carruurtiisana nolol raaxo leh ay waddamo shisheeye ugu baashaalayaan? Haddii aadan xogtaasi hayn, waxa aad tahay warmooge Allihiis Alleyahee, Wargalkan ayaa halkaan kaaga dharjinayaaye, laabtaada fur.

DHAQAALAHA SOOMAALIYA HALKEE YAALLAA?

Dadku badanki lama socdaan halka ay nimcada iyo lacagtu taallo. Dhaqaalaha Soomaaliya waxaa uu furihiisu yaallaa madaxtooyooyinka dawlad-gobaleedyada iyo tan dawladda dhexe. Wixii dalka laga helo iyo wixii ay muslim iyo gaalo ku deeqaan, halkaas baa laga maamulaa. Si kooban, nolosha waddanka oo dhan waxa ay ku soo ururtay madaxtooyooyinka: inta majaraha u haysa iyo inta ku xiran.

DHAQAALAHAASI KOLAYGEE KU DHACAA?

Dhaqaalahaasi waxa uu ku dhacaa:
1.    Kolayga madaxweyneyaasha
2.    Kolayga raʻisulwasaaraha iyo madaxweyne-ku-xigeennada
3.    Kolayga Wasiirrada
4.    Kolayga Xildhibaannada
5.    Kolayga Ganacsatada (oo shatiyo gaar ah iyo qansadaraasyo malaayiin ah oo saamiyo lagu leeyahay ka qaata madaxtooyooyinka)

CID WAX MA KA SIIYAAN?

Dadka fursadahan hela, marka ay arkaan lacagta walaan ee ku socota, cid kasta waa hilmaanaan aan ka ahayn xaasaskooda iyo carruurtooda. Haddii uu shakhsiga fursaddaas helay uu dibedda ka yimid, waxa uu ka fekeraa sidii uu carruurtiisa qasri uga dhisi lahaa meeshaas ay ku nool yihiin. Haddii uu dalka joogayna, waxa uu ku fekeraa habkii uu carruurtiisa waddanka uga dhoofsan lahaa. Labaduba waxa ay ka sii fekeraan qaabkii aysan nimcadan uga dhexbixi lahayn oo ay mar kasta ku soo laaban lahaayeen, kolkaas bay lacagaha qaar waxa ay ku galaan ganacsiyo iyo qandaraasyo, si ay hadhawto kolka doorashada kale la gaaro ay ugu soo laabtaan, haddii ay waayaanna - lacalla - ay raasumaal uga dhigtaan. Dadkani marka ay xilka qabtaanba waa ka dhuuntaan dadkii ay xilka ka soo qaateen oo taleefoonnada waa beddeshaan, haddii la helana ma qabtaan. Marmar haddii ay wax ka soo duulduulaan, ma soo dhaafto xidid iyo xigaalo. Dadka ay magacooda xilka ku heleen waxba kama siiyaan dhaqaalahaasi, waana ka qarsadaan, sababta oo ah; waxa ay ka cabsanayaan in la ogaado nimcada meesha taalla oo hadhawto dadka hunguri ka soo galo, kursigana ligligga lagu la dhego. Marka kasta waa u cabtaan, waxa ayna u sheegaan in aysan meeshan waxba ku heysan. Sidaas oo kale ma geeyaan shaqo fiican oo waxa ay ka cabsayaan in uu qofkaasi inta fahmo nidaamka uu hadhawto ku soo baxo.

Si kooban, dadkani ma oggola in la wada noolaado oo wax la wada cuno!

SIDEE DADKANI U NOOL YIHIIN?

Dadkani waxa ay ku nool yihiin dabaqadda ugu sarreysa dalka. Intooda badan waxa ay deggan yihiin hoteellada ugu qaalisan dalka. Safar iyo dalxiis dibedda ah kama baxaan, ama wafdi ha raacaan ama si kale ha u bexeene. Dharka ay xirtaan dibedda ayaa looga keenaa. Laba maalmood oo isku xigta isku cunto ma cunaan. Waxa ay ku socdaa gawaari qabawga dhexdooda ka socdo aad baraf mooddo. Haddii aad adigu qorrax iyo kulayl ku jirto, dadkan ma arkaan. Waa mar ay hoteel qabow ku jiraan iyo mar ay gaari baraf ah ku socdaan. Gabadhaha, waa shan qabo oo shan sii daa. Dhawrkii biloodba xeyn gabdha ah bay bacda ka fiiqaan. Muddo yar gudahoodba faruuryadaha ayaa guduuta. Adiguba arag oo laba sano ka hor dadkii wax noqday, sida ay ahaayeen iyo qaabka ay hadda u eg yihiin. Adi dhidid baa ku dilaye, raggaasi iyaga oo aan daalin bay fadhi waxooda ku helaan. Waa fadhi ku dhereg, jiif oo jaq, adiga oo aan hawshoon hodan, iyo bilaash ku baashaal.

HADDA MAXAA TALO AH - FURSADO MA JIRAAN?

Wakhti kaama tegin weli. Ha walwalin saaxiib, waxaa jira hadda fursado badan oo aad ka faaʻiidaysan karto. Tusaale; ma arkaysay maalin dhaweyto doorasho ka dhacaysay Butlaan? Xildhibaannadii la soo xulay, waxa uu mid walba qaatay lacag ku dhawdhaw ama ka badan laba boqol oo kun oo Doolaar (200,000 $). Waa maalin taajirnimo cad. Xildhibaannadaasi hal mar bay furkii fakhriga xooreen. Rag ka mid ah Nayroobi bay guryo ka gateen, qaarna waddanka ayey qasriyo waaweyn ka jeexdeen. Dad iska caadi ah bay ahaayeene, hadda dabaqadda sare ayey durba galeen. Dad badan oo reer Butlaan ah oo aan ku baraarugsanayn awal hore, ayaa markii ay arkeen lacagaha socda, fartooda qaniinay oo, “Tolla`ay! Maxaan Xildhiban u noqon waayeey,” ku caataba. Fursaddasi hada meesha ay ka jirto waa tan soo socota.

DOORASHOOYINKA GALMUDUG IYO JUBBALAAN

Bilaha foodda nagu soo haya waxaa dhici doona doorashooyinka dawlad-gobaleedyada Galmudug iyo Jubbalaan. Wixii ka dhacayey Butlaan wax daran baa ka dhaci doona. Waxaa ku tartamaya waddamo dhaqaale badan, oo kala wata musharrixiinta tartami doonta. Waddamadaasi waxa ay kala yihiin: Imaaraadka, Qadar, Kenya, Norway, Ingiriiska iyo Maraykanka – waa xog dhab ah oo la helay! Codka xildhibaaku waxa uu gaari doonaa wax ka badan boqol kun ($ 100,000) oo uu bixin doono calaa-musharrax. Sidaas darteed, haddii aad labadaas deegaan mid ka soo jeeddid, waxaa hadda kuu furan sidii aad uga fekeri lahayd qaabkii aad uga mid noqon lahayd xildhibaannadaasi. Lagaama xiga e, KU FEKER, KU DHAQAAQ, KU DAGAALLAN. Haddii aad hesho, waad gacan marin kartaa musharrax kasta. Qaar musharrixiinta ka mid ah oo hari doona ayaa laga yaabaa in ay ku yiraahdaan, lacagtii soo celiye, haddii ka sii feker waxa aad samayn lahayd; haddii aad habeenkiiba la guurayn lahayd, haddii aad subixiiba la jarmaadi lahayd iyo haddii aad indhacaddays isku difaaci lahaydba! Laakiin waxaa kuu fiican in saddexda nin ee aad lacagta ugu badan ka qaado, aad saddexdaba u codaysid. Waxa aad degi kartaa shaxdan: kan aad isleedahay wareegga koowaad buu ku harayaa, codka koowaad sii. Kaad isleedahay wareegga labaad buu ku harayaa, codka labaad sii. Kaad isleedahay wareegga saddexad buu gaarayaana, codka ugu dambeeya sii. Intaas mid ka mid ah haddii uu kuu qabsado lacag, Kitaabka isla taga. Haddii sida aad wax u qiyaastay ay noqon weydana, hadda qorshahaaga ku sii darso.

FG: ogow; lacagaha la bixinayo kama imaan nin jeebkiis uu ku soo tiro iyo tacabbeelaye, waa deeq Raabbi oo badaha kaaga soo gudubtay. Lagaama xigo. 

Haddii, si kasta inta samayso, aad ku sari weydo. Mar labaad isku day in aad noqoto wasiir. Haddii aad hesho, mushaarna waad helaysaa, waxaana kuu dheer siminaarro, laaluush aad haayadaha ka qaadato iyo qandaraasyo aad wax ka xagxagato. 

DOORASHADA 2021KA

Inta aanan doorashada xog kaa siin, horta aan kuu iftiimiyo xildhibaannada Federaalka ee hadda jooga lacagta soo gasha. Iska daah laaluushkii faraha badnaa ee doorashadii 2017ka e, marka la isku daro mushaarkiisa, gunnadiida, habeen-dhexiisa iyo laaluushkiisa, ragga qaarkood kama yara bishii 15,000 oo Doollar. Haddii uu wasiir ku darsadana, kaba sii badan. Intaas waxaa u dheer, hoteellada waa laga bixiyaa; waa jiif raaxo leh iyo cunto jaad-ba-jaad oo bilaash ah. Haddii mooshin iyo dhaqdhaqaaq isfahan darro uu ka dhexdhaco madaxda sarena, taasi xisaab ma leh lacagaha ay helayaan. Qandaraasyada iyo hawla kale ee ay ku jiraan, lama tirin karo iyana waxa uga soo go`a.

Ogow oo ogow, Xildhibaannada haatan, kuma jiro nin carruurtiisii ay waddanka ku nooshahay. Qaar ka mid ah waddamad Galbeedka ayey u dhoofsadeen, qaar Turki ayey geysteen, inna Carabaha ayey geysteen, kuwana Nayroobi ayey khadad ka sugayaan, oo sannadkaan ayaa la rajaynayaa in ay dhoofaan. 
 

Aan u soo laabto doorashada 2021ka e, saaxiib, tani been oranaysa doorashooyinkii dawlad-gobaleedyada. Waa doorasho adag oo ay dul dhigan tahay malaayiin Doollaar ayna ku tartamayaan rag ay maalgelinayaan waddamo dano fog ka leh dalka. Waxaa laga yaabaa in codka Xildhibaanku uu gaaro nusmilyan. Xildhibaanka hadda ay soo gasho lacagtii aan soo sheegay ee raaxo iyo dhakhle isaga jira, ma u malaynaysaa in uu ka joogsanayo midda soo socota? Iska daa taase, waxaa laga yaabaa - haddii ay adkaato - in uu xitaa qori soo qaato! 

Saaxiib, halkaasina fursad dahabi ah ayaa iyana taalla. Lagaama xiga e, iyana, KU FEKER, KU DHAQAAQ, KU DAGAALLAN.

HA IS WADATO DIIDAYE HA WALAAQANTEE DAA

Haddii, sida aad u dadaalaysey oo naftu kaaga baxaysay, markaas aad weydo Xidhibaan dawlad-gobaleed, Wasiir, Xildhibaan dawladda dhexe, Wasiir iyo ugu yaraan xitaa agaasime ama ka sii yar oo, shaqo aad noloshaada ku maarayso, asii nimanka jagooyinka kaa qaatay, dhaqaalaha iyo nimcada wax kaa sii waayaan, waxa kuu furan oo keliya in aad ka shaqeyso in aysan fadhi ku ladaaban. Sidee ku dhici kartaa, in adiga iyo reerkaagu guri kiro ah aad ku jirtaan, ninna fooqyo kugu kordhisanayo? Maxaa ay ku dhacaysaa in adiga iyo qoyskaaguba bogga ciidda aad ku heysaan, ninna uu madaxaaga inta uu ku hodmo ay isaga iyo reerkiisu halkaas caloosha ka xogxoganayaan oo uusan weliba kuu oggolayn in uu maalin dabka kuu shido ama uu ku geeyo meel aad dabka ka shidan karto? Nin weyn baad tehee, inta fekertid, oo fekertid oo talo rogrogtid, waa in aad keenta dheko aysan markaa ninkaas iyo raggiisuba ku ladin.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus      
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb: facebook.com/snayruus
 


21 comments:

  1. Wixii faallo ah halkan iigu reeb ama halka aad ka soo raacday.

    Mahadsanid,

    Suldaan Nayruus

    ReplyDelete
    Replies
    1. Lacagtaa waa mid umad leedahy marka xoolahasa dadka miyaa dhacnaa

      Delete
  2. Suldaan sxb waxaad tahay xogogaaal war og.

    ReplyDelete
  3. suldaaan bahasha adba wey kuu furantahayee bal na hor qabo oo noojeex wado aan suuban aan soo raacno

    ReplyDelete
  4. Ma waxan nagu dhiraga galinaysa Tuugo nimo in an tugo noqo oo dadka dhacno
    Hadi ad tirahdo wa qeybti adkulahed dalka
    Xage dadka miskinta ah kudambenayan
    Hadad runshegayso kalay qoryo anqadane oo an dagalanee si dalkan ubadbadino

    ReplyDelete
  5. Suldaan waxan islahaa war maanta dhaqalaha gm iyo jl ay gaarka u heleen waa maxay ileen waa hawshan

    ReplyDelete
  6. Cajiib abti haddii bahashu saas tahay oo aad dad badan soo jeedisay, waxaan sugnaa waa hardan adag oo faraha looga gubto.

    Meesha nimco ayaa taala lakiin dheeldheel inaan lagu gaarayn way iska cadahay. Ninkii marka hore bahasha Farxiya haya aya soo muuqda oo xubnaha 51 da ah iska afgarta kadib ayey nololi u egtahay xaraan iyo xalaalba ha iskugu jirte kkk

    Waxaa kaloo caqabad kala ah, dadka Soomaaliyeed oo wada siyaasiyiin ah ishana kuwada haya boosaskaas barakeysan!!!

    ReplyDelete
  7. Alle ayan ka magan galnay xoolo dad islaam leeyahy weligeyna talada xabiibkeyga scw ku taagnana xil doon in aan noqon
    Somali wey dhahday
    Nin xil qaaday eed qaad
    Mahadsanid wll ogowna qofki talada qaata hadhow dad dhaca saami ba ka leedahy dambigisa ileyn adaa tuse jidkase

    ReplyDelete
  8. Saaxiib caajiib xog dhameystirran weye qofkii illahey kayaabaya damiirkisu wuu diidaya in Dalkenna sidaa layeelo Niman khaayimin ahna ku dhellaan Nolosha maatidena tabaleysan islaan ayeyadey ah waxey Oran jirtey walle Akhiro warbaa yaal!

    ReplyDelete
  9. Cajaa’ib, waxaan kugu waafaqsanahay in qoraalkaagu yahay xaqiiqo aan midhna ka been ahayn, se iswaydiintu waxa weeye Xilalku waa kuwo xaddidan oo aan ummaddu wada heli karin taasoo ka dhigaysa kolba in yar uun ha nuugto. Haddaba dadki inti soo hartay maxaa u tala ah illaa waa kuwaa bogga ciida ku hayee, ar hadday qabasho leedahaye aan Xaaraan ku naaxyada iska xoraynoo, u xusul duubno sidaan innana xaqqeenna u heli lahayn. Miskiin baa miska la fuula leh baan maqli jiray ��

    ReplyDelete
  10. Runtii waa cajiib xogtan halagu dhaqaaqo

    ReplyDelete
  11. Waaa faalo xaqiiqda jirto waana ta keentay somaalida idilkeeda xiligaan jirto ay ku fikiraan personal benefits ama shaqsi walbo in uu naftiisa faaiido u raadsado si uu mar waliba xadaarada siyaasadeedda ugu dhax muuqda kuna fikiro in uu ku noolaado noolol heer sare ah isaga iyo qoyskiisa
    Waxa rajeey doonaaa in laga gudbi doona ay noqon doonta public benefits dhaqaalaha guud ee dalka wada qaybsan doonaa si cadaalad leh oo qof walbo u quudan doonna raasamaankiisa uu si sharciyan u helay taana goor aanan dheeran ayey imaan doontaa haduu alle idmo suldaan dayrus qormadaada waa qorma sare

    ReplyDelete
  12. Wallee suldaane waad asiibtay arinta!

    Lkn waxaan umaleenayaa guubaabada iyo kicinta iney kaa tahay oo kaliya inaad dadka tusido waxa jira iyo runta waxey tahay.

    ReplyDelete
  13. Maqaalkaasu ilama qumana runtii dr suldaan nayruus, wuxuuna iila qumanayn ninka xilka qabanaya meesha inuu dad u shaqeeyo buu uyimid ee uma iman inuu usaga iyo ehelkiisu ka shaqaystaan.

    Siyaasada somalia manta inay xaalkaas ku dhisanthy kuuma diidani waad ku saxsanthy lkn qaabkii loo saxi lahaa iyo wacyi-galin ku saabsan sidii loo joojin lahaa baa lagaaga baahna.

    Mahadsanid Dr: Suldan Nayruus.

    ReplyDelete
  14. Wallee waa xaqiiqo jirto, balse ay adagtahay si looga faaideysto adigoo hooyo Canjeelo isii ah.

    ReplyDelete
  15. Wallee waa xaqiiqo jirto, balse ay adagtahay si looga faaideysto adigoo hooyo Canjeelo isii ah.

    ReplyDelete
  16. Maamulladii doorashadu ka dhacday dadka ku nool ma qaadan karaan dhalashada kuwan hadda doorashada galaya? Hhhh Allow sahal ummuuraha.

    ReplyDelete
  17. Lacag tas ma xalal ba mise xaaran
    Inta anan radin

    ReplyDelete
  18. Suldaan arinka wa arin aad umada dhan ku yeelenaeyso hal hunguri tuuganimo iyo boob dalkaada wa la dhacayaahe wax ka dhac ma ahan wax damirka qadan karo wlh ani ahaan waxn qabaa inta wax dhacdaa hadey maanta fakadaan bari wa qiyaame la fakan maaye iska daaye hanti waxba kuma tareyso aad un nolaneyso ugu badnan 100 sano mrka xisaab unbey qiyamana ka rabtaa aduunkana wa holac suldaankana waxa ow noo sheegay kaliya nafciga yar lkn qasaarada ay dhexda ka fadhiyaan raga nuucas inooma sheegin war caqiliga ha shaqeyo suldaan adna mahadsanid

    ReplyDelete