Tuesday, February 26, 2019

ALLA WALAALAYAALOW MAXAAD SIDAN IIGU GALAYSAAN?

Gabadhii: Walaalayaalow, hadda meel aay ah baan idiin joogaa, idin kama fakan karo oo waan idiin jajuub nahay oo waa anigan kala aalla ee inta iinnaan falin waxa aad ku talagasheen, fursad yar i siiya aan ku baarto damiirkiinna. Walaalayaalow miyeysan gabar qurux badan idin dhalin, idin soo korin oo iinnaan naaskeeda jaqin? Walaalayaalow miyeysan idin la dhalan gabar aniga oo kale ah oo idiin adeegta oo aad quruxdeeda daawataan? Walaalayaalow, sidan aan u jeclahay oo ugu faano wiilasha Soomaaliyeed miyaannaan u jeclayn oo u qaddarin gabdhaha Soomaaliyeed? Walaalayaalow, miyaannu muslim isku tol ah ahayn? Miyiinnaan walaalayaalow u jeedin ilmanimadayda iyo ilmadawnimayda? Walaalayaalow bal hal mar maanka ii fura. Walaalayaalow maxaad sidan iigu galaysaan?

Kufsadihii: Waryaaya, najaasayahay maxaad la taagan tihiin oo u dhageysanaysaan dhoocisha. Xaragaha ku adkeeya, jaqalladana ka garaaca si ay hadal u gabto, shaqadana cabba!

Gabadhii: Alla walaalayaalow waa idin tuugayaaye ii arxama oo shaabbuugga iyo feerka iyo laadka iga daaya. Walaalayaalow garka iyo gomodda baan idin haystaaye, iga daaya xargaha afarta addin iiga dhuujinaysaan ee aad midba meel ku xiraysaan. Walaalayaalow ii laabdabca oo codsigeyga eega oo dharka aad iga furaysaan igu celiya oo cawrada ii astura. Alla walaalayaalow maxaad sidan iigu galaysnan?

Kufsadihii: Waryaa ina Dhoobawalaaq lugtaas xarigga si fiican ugu adkee, adna Ina Kabshaydaanow, middidaas qaado oo MAKAANKA noo waasici.

Gabadhii: Allaaa, isuga… Alla isuga, … Alla walaalow lugaha ha i kala dhilqin, Allaaaa… Allaha hoogayeey waa maxay mididdaa aad lisanayso? Alla, walaalalyaalow maxaad sidan iigu galaysnan?

Kufsadihii: Waryaa Ina Geesoliqe, bilow shaqada, Saalokorudhowrow ku xigso, Ina Doonlaaye ayaa saddexaynaya, ina Dhoobawalaaq iyo Ina Kabshaydaan iyo aniga oo Uurdoox ah baana ugu dambaynayna. Waxaan haysannaa 17saacadood, qof walba iyo karaanki, inta uu ka alaxsan karo.

Gabadhii (Xilligii kufsida): Waawareey… waawaareey, Alla Aabboow, Alla Hooyooy, … War yaa Tol aheey, ... Yaa islaam aheey,… Aaaaaa, uuuuu, aa~uu…
Kufsadihii (Kufsigii ka bacdi): Waryaaya, haddii la wada dhargay oo aysan cidna gaax ku laabnayn, anuunka ka jara Nacaladda.

Gabadhii (Wakhtigii naf-ka-goynta): Aaaaaaaaa, Aaaaaaaa, Aaaaa, Aaa, A… Allaa, dhagaxaas weynna ma madaxa ayaad iiga bajinaysaan? Alla jirrabkii ilaa shalay aan ku jiray, ma waxaad iigu daraysaan silicdil? Alla walaalayaalow maxaad sidan iigu galaysaan? Alla walaalayoow haddii aad go`aansateen dilkayga, caddibkan nafta ha iiga jarinine ii naxariista oo si wanaagsan qudha ii dhaafiya. Alla walaalayaalow muxuu yahay silicaan, Alla walaalayaalow maxaad sidan iigu galaysaan?

Saacado afduub, garaacis, xirxir iyo dhar-ka-jeexjeex lagu jiray, goor dheer oo dad aan ku tan iyo ku jin ahayn saf iyo ku noqnoqasho ugu jireen oo ay qacdii horeba la furantay, wakhti badan oo mindi saawir ah, ceego iyo dhagaxaan madaxa laga la dhacayey, Caasho silic iyo saxariir baa naftii looga qaaday.

Suuraysigii: Suldaan Nayruus 
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb Page: facebook.com/snayruus


Tuesday, February 19, 2019

YAAN NASABDHIMMAN AH YAASE LAANGAAB AH? Xog aan maanta ogaaday!


Saaka waxa aan ka qeybgalay meher si heer sare loo soo agaasimay oo ka dhacayey mid ka mid ah hoteellada ugu sarreeya Xamar.

Yaa Is Mehersanayey?

Waxaa is guursanayey wiil ka soo jeeda qabiillada la takooro iyo gabar ku abtirsata qolooyinka laandheerenimada iyo gobanimada ku faana. Markii uu meherku dhacay, ayaa wiilkii salaan la dhexqaaday xididkii, kolkaas baa la arkayey odayaashii gabadha oo wiilkii gacantiisa aad u dhunkanaya, mid kastana cabbaar haysanayo. Waxaadba moodaysaa sida ay isugu dhadhajinayeen in uu yahay nin karaamaysan oo la barakaysanayo.

Markii la faataxaystay, ayaa wiilkii hoteelkii ka bixi waayey, sida nin walba uu tafta u haysto.

Muxuu Ahaa Wiilkaasi?

Wiilku, waxa uu ahaa wiil Farxiso ag taallo. Dubay ayaa waxa uu ku leeyahay ganacsiyo kala duwan oo ku xiran waqooyiga Ameerika ilaa Jayna.

Maxaa Ii Baxay?

Waxa aan ka bartay in fongorku, nasabdhimmanku iyo gunnimaduba ay saynta uga xiran yihiin xantiir aan shilin isku furan.

Ba`aa, war anaaba illoobaye, waa hore baaban ka bartay gabay uu tiriyey gabyaa Dhuurcas, oo ay ka mid ahaayeen meerisyadan hoose:   

Caku faramarnaan yaa nin rag ah, nacas ka fiicneeyey 
Yaa kaa fogoray aadanaha, kuna fadeexeeyey    
Yaa foolxumaan iyo ku baday, fiiro qaabdaran

Qof Kasta Oo Gobanimo Raba Maxaa La Gudboon?    

Taas akhristaha ma u daayaa, inta is weydiiyo ha faalleeyee?

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus      
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb: facebook.com/snayruus