Sunday, June 30, 2019

KA FIIRSO LABBISKA SHAATIGA CAD IYO SIRWAALKA MADOW AMA U DULQAAD LAHOW


Qaadashada shaatiga cad iyo surwaalka madow iyo dhex-ka-xirashadoodaba, waa labbis ay ka helaan dad badan oo bulshada ka mid ah. Laakiin dhan kalana, waayadan waxa uu noqday labbis ay xirtaan shaqaalaha makhaayadaha waaweyn iyo hudheellada. Qof kasta oo furta makhaayad casri ah ama hoteel, waxa uu u soo jaraa shaqaalihiisa shaarkaas cad iyo sirwaalkaas madow, kuna amraa in ay dhexda ka xirtaan.

Maadaama rukuntii ay ishooda ka badatay dalabqaade iyo dalabgeeye dharkaas ku labbisan, marka ay goobahaas ku dhex arkaan qof dharkaas xiran, waxaa isla markiiba maankooda u soo dhaca in uu ruxaasi ka mid yahay shaqaalaha goobtaas.

Tiro ma leh intii ay dhacday macaamiil u wacatay wiil iska laafyoonaya oo laftiisu halkaas u tagay mushaax, kana dalbatay adeeg, isna inta uu u maleeyey in la yasayo, afcelis adag ugu jawaabay. Dhowr jeer baaba inta la is fahmi waayey, gacanqaad ay gaartay.

Intii aan aan goobjoogga u ahaa, waxaa iigu cajab badnayd, tii dhex martay wasiir iyo macallin jaamacadeed. Waxa ay ka dhacday hoteelka Jazeera e, wasiir hoteelkaas u tagay ballamo iyo casaryo ayaa goobtii uu fadhiyey oo ay madax sare ku weheliyeen, waxaa soo hormaray macallin jaamacadeed oo isna halkaas u aaday casaryo iyo caweys. Macallinku waxaa dhexda uga dhuuqsanaa shaati cad iyo sirwaal madow. Wasiirkii inta u maleeyey mid ka mid ah shaqaalaha hoteelka ayuu macallinkii u yeeray. Macallinkii oo aan is lurin ayaa ku leexday. Wasiirku haddii uu isticmaali lahaa erayo ixtiraam leh, in la is fahmo bay u dhawaan lahayde, maxaad ka taqaan Soomaali maalmahaas laga dabayaacayo, waxa uu hadal uga bilaabay, “Waryaa waxaad ii keentaa Kafee rasiin ah iyo caanogeelkiisa oo kulul oo kala socda, …” Macallinkii oo yaabay ayaa yiri, “Maxaad ka hadlaysaa!” “Maxaad ka hadlaysaa, maxay tahay? Waryaa, soo shaqaale ma tihid?” ayaa si kulul iyo yasmo ku jirto loo yiri. Meeshii waxaa ka dhacay muran adag, oo haddii aanan laga soo gaari lahayn, macallinku ku madan lahaa baadaynta waardiyaha wasiirka ama xarig.

Saaxiib, la soco baladka oo, ka fiirso labbiska shaatiga cad iyo sirwaalka madow ama u dulqaad lahow wacaalka iyo weydiinta macaamiisha islaameed.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Email: nayruus@gmail.com
Fb Page: Facebook.com/snayruus