Saturday, May 2, 2015

SHEEKADII DHEX MARTEY ANIGA IYO MAGAFE

Aniga oo meel biibata ah iska fadhiya oo shaah fuudaya ayaa waxaa ii yimid nin aan is-bar garanayney. Wuxuu I weydiiyey in aan Af-carbeedka aqaan. Waxaan u maleeyey nin shaqo ii haya, aniga oo aan ka fekerin ayaan ku iri “Walaal waan daadiyey”. Wuxuu I yiri “Nin u baahan qof Carabiga yaqaan ayaan kuu geynayaa”. War kale igama soo bixin aan ahayn INA DHAQAAJI.

Sida uu ii wadey ayuu ii geeyey nin oday ah oo meel darbi ah jardiin ku fadhiya. Inta iskayaa barey ayuu yiri “Waa idinkaas”. Aniga isla markiiba candhuufteydaan dib u liqey, meesha in aysan khayr ka soo soconna waan arkay. Odaygii la ii wadey ayaa warkii bilaabey, wuxuuna yiri “Adeerow nin Magafe la yiraahdo oo Jooga meel Libya agaheeda ah ayaa wiil iga haystey, lacagtii madax-furashada ahaydna waan u direy, marka in aan la hadlaan rabaa, marka waxaan doonayaa in aad iiga tarjunto. Maxaa kaloo ii furan, waan ku waafaqey. Wuxuu wacay number uu markaas ka soo wacayey. 

Wuu qabtey telefoonkii, markaas ayuu ii dhiibey, waan isa salaanay wuxuuna ii sheegey in uu lacagtii heley, wiilkiina galabta dad la fasaxayo uu raacayo. Laakiin wuxuu iga codsadey MAGAFE in aan u sheego odeyga in uu u duceynayo, wuxuuna yiri odayga u sheeg, ilaahay Khayr ha siiyo, jannadii Allaha geeyo, lacagtaan uu ii soo direyna aakhiro baddelkeed Allaha siiyo. Markii ducadii uu dhameeyey ayuu iga codsadey in ilaa 7qof oo kale oo shan xaafadood oo uu magacaabey kala jooga aan uga tarjumo. Waxaan ku iri “Haddii aan shaqadaas qabto, soo shufto in aan caawiyey ma ahan, oo dambi geli maayo”. Suuye “Maya Maya ajar baabad ka helaysaa, dad masaakiin ahbaad caawinaysaa, waa facaalal Khayr”.  Wacdi dheer baan u jeediyey, oo Alle ka cabsi ah, laakiin intii aan wadey ayaa telefoonkii go’ay. Telefoonkii markii uu go’ay, ayaan u sheegy odaygii farriintii la iigu dhiibey. odaygii inta yaabey ayuu yiri “Allaha ka aqbalo ducada”.