Saturday, December 29, 2018

QUDBASIRADII UGU XEESHA BADNAYD (Akhriso sirtaan in aad talo ka heshaa laga yaabaaye)

Beri baa waxa uu jacayl xad dhaafa dhex maray wiil iyo gabar. Wiilka iyo gabadha oo aad u jantay in ay nolosha wadaagaan baa waxa ay muddo ka fekerayeen sida ay ku suurogeli karto in ay isguursadaan. Dhibka ugu weyn ee jiray ayaa ahaa: Wiilku waxa uu ahaa sabool calaacalo fidsan. Odayga gabadha dhalayna waa nin gabadhahiisa ka ganacsada. Tan tii ka weynayd oo uu sannadka ka hor markaa bixiyey, waxa uu ka qaatay 15 helaad oo geel ah iyo qori Qalcadde ah oo baaggiisii oo buuxa wata. Waa la yaqaannaa oo, ma haweysto gabdhihiisa quruxda badan nin uusan kadin geel ah guriga u fadhin ama aan kala rogeyn lacagta uu ku sawiran yahay odayga bidaarta leh.
Wiilkii iyo gabadhii - gorfeyn dheer dabadeed - isla qire in aysan doonidi warkeed jirine, waxa la iska qaatay in la is meherxado. Laakiin, haddana culays weyn ayaa wiilkii soo foodsaaray. Si kasta inta yeelay ayuu muddo soo qaban waayey lacag uu ku masaafaysto. Meeshu ma ahan Xamar oo kale oo bas la iska qabsado iyo culimo inta aadan gaariga ka dagin kugu soo kala ordaysa oo is fallisaysa e, waa degmo marka cid la samaafaynayo loo baahan yahay gaari ingeer ah oo waddo bacaad ah qaadaya oo sii socod iyo soo socod la kiraysanayo iyo sheekh iyo shuhuud sannadkii qof soo maro oo hawshoodu cirkaa marayso!
Wiilka oo gabadha u baahan, intaas oo caqabadoodna hortaallo, ayaa muddo dhan oo uu tolo rogrogayey, waxaa u soo baxday xeel aysan qarash uga baxayn oo uu gabadha ku meherxadi karo. Waxa uu soo ogaaday in odayga qaraabo badan ay dibedda u jirto oo uu lacago ka helhelo. Waxaa kale oo uu soo helay in ay jiraan shirkado xawaaladeed oo aan deegaanka laamo ku lahayn. Inta laf cusub soo furtay, ayuu odaygii gabadha dhalay soo wacay. “Soo Sawrac Cadceed ma ahan?” ayuu weydiiyey. “Adeer waa isagiiye maxaa jiray?” ayuu odaygii ku jawaabay. “Adeer waa shirkad heblaayo, waxaa kuu taalla 500 Doolar, ee haddii aad joogto magaalo heblaayo, noo imow hadda.” Ayuu ku yiri. “Adeer magaaladaasi ma joogo ee waxaan joogaa magaalo-hebladaas kale” ayuu odaygii yiri. Wiilkii ayaa markaas ku yiri: “Adeer magaaladaasi kuma lihin laan, si kalana kuugu ma soo diri karna e, berri fadlan gaari soo raac oo noo imow.” Oday lacag loo sheegay maxaad ka taqaan? Isla markiiba waa aqbalay. Subixiiba gaari xammuul ah oo magaaladaas u socda ayuu dhakada ka fuulay. Markii uu magaaladii tagay ayuu odaygii lambarkii soo wacay, oo yiri: “Adeer waan imide, halkee xaruntiinnu ku taallaa?”
Kolkii uu wiilkii ogaaday in uu odaygii gaaray magaaladii oo masaafadii uu rabay jirta, ayuu inta laftii iska tuuray, gabadhii oo uu horay hawsha ula socodsiiyey inta u yeertay, niman uu diyaarsaday isla magaaladii isku meheriyeen. Odaygii sidii uu magaaladii u wareegayey, talaa ku caddaatay oo waa isaga soo laabtay.
Lix bil ka dib, odaygii waxa uu ka war helay gabadhii oo uur la tiicaysa. In kasta oo uusan odaygu ogaan shaxda loo dhigay, haddana goglo badan iyo xaal iyo u soo hoyasho ka dib, isagii ayey noqotay in uu aakhirkii gabadhii wax ka dhiso.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Fb: facebook.com/snayruus

Saturday, December 22, 2018

WAA GABADHII ALBAABKA IGA FURI LAHAYD!


Waa baa waxaa jiri jiray, wiil iyo gabar muddo dheer oo ay isjeclaayeen ka dib, go’aan ku gaaray in ay isguursadaan. Kolkii ay inta ismehersadeen, loo mashxadaray, ayey horay ka aqal galeen. Waa lammaane isku oommanaaye, waxa ay isla qaateen in, ilaa bil, inta ay ruuxaanta ku kacsan iska cuudinayaan, aysan aqalka qofna ka furin - xitaa haddii ay waaliddiintoodii yihiin.
Iyaga oo sidii isugu hawllan, baa toddobaad ka dib, waxaa la soo garaacay hoygii. Wiilkii baa inta booday, waxa uu ka fiiriyey daldaloolka albaabka dadka soo gaaracaya, mise waa labadiisii waalid. Isla markiiba waxaa ku oo dhacay ballantii isaga iyo xaaskiisii dhex martay ee ahayd, in aan guriga cidna laga furin, inta muddadaas la iska boganayo. Iyaga oo albaabkii garaacaya, ayuu inta ka soo laabtay, u yimid xaaskiisii. Inta u sheegay cidda illinka taagnayd, ayuu baalka ka sii galay.


Shan beri ka dib ayaa misena albaabkii la soo garaacay. Gabadha oo kolkaas ardaaga taagnayd, ayaa inta aadday ka fiirisay baqbaqa albaabka dadka soo garaacaya, mise waa labadii dhashay. Axdigii ayey soo xasuusatay. Waa heshiis adag oo ay la gashay seygeedii ay jeclayd, iyada oo weliba ogayd sidii uu inta wacadkii u oofiyey, uu waaridkiis illinka uga furi waayey. Gabadhii beerkaa balbalay, waxaana ku adkaatay in ay dhageysato waalidkeed. Iyada oo weli taagan, ayaa waxaa ku soo baxay ninkeedii, kolkaas baa inta illini ka soo daadatay, ku tiri seygeedii, “Qaali, hooyo iyo aabbe ayaa bannaanka taagan, mana awoodo iyaga oo albaabka taagan in aan ka furi waayo…” Iyada oo hadalka ku jirta baa waalidkii albaabka mar kale garaaceen, markaas baa iyada oo aan jawaab ka sugin seygeedii, inta ay laabdillaac la joogi weyday, albaabkii fag ka siisay. Inta ku boodday ayey inta - labadiiba - mid kasta labada dhaban ka dhunkatay, soo gelisay minankii. Inta meel harac ah fariisisay ayey biyo qabow u keentay, isla jeerkaasina ku qaabishay weji jeceyl iyo jamasho mug buuxisay. Wiilkii intaas waa eegayey. Arrintaas kala ma hadlin, waana isaga aamusay.

Gabadhii, waayadiiba waa uureysatay, waxa ayna ku curatay wiil. Seygeedii waxa uu u qalay wiilkii laba neef oo ari ah oo walqal ah. Laba qooroole kale ayey ku xijisay, isla sidii oo kale, laba neef oo ari ah buu u gawracay. Waxa ay ku saddexeysay gabar, markaas buu waxa uu u qalay 20 neef oo ari ah iyo 10 neef oo ishkin ah (5 lo’ ah iyo 5 geel ah). Waxaa uu isugu yeerey walqalkaas 500 oo qof. Arrintaan baa lala yaabay, sababta uu wiilasha, mid kasta laba neef ugu bireeyey, gabadhaanna uu waqdhaacdan iyo Alla berigan weyn ugu sameeyey. Gunaanadkii xafladda ayaa la weydiiyey ujeedka, kolkaas buu ugu jawaabay hadal dadkii meesha fadhiyey aysan fahmin markaas, laakiin, waa dambe oo ay qisada fahmeen ay garteen, oo ahaa, “Waa gabadhii albaabka iga furi lahayd!”

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Fb: facebook.com/snayruus 

Monday, December 3, 2018

TOLOW KAALAYA IGA CELIYA MAANTA MALAKULMOWT


Beri baa waxaa jiray nin sheekh ah oo qaalli ka ahaa magaalo ka mid magaalooyinka Soomaaliya. Magaalada uu sheekhu ka ahaa qaalliga, waxaa deggannaa qabiillo badan uu qabiilkiisu ka mid ahaa. Sheekhu waxa uu ahaa nin caaddil ah oo dadka u dhexeeya oo sida Eebbe faro aanan dhanna uga leexan. Maalinta qof qabiilkiisa ka mid ah iyo cid kale wax soo dhex maraan oo loo yimaado sida diintu ay qabto ayuu mariyaa isaga oo aan cidna u eexan. Marar badan oo dad qabiilkiisa ka mid ah iyo Soomaali kale wax soo dhex mareen ayuu marsiiyey sida diintu qabto. Qabiilkiisa oo dhan ayaa sheekhaas aad uga xumaada caddaaladdiisa.
Dhawr jeer baa sheekha looga yeeray kulammo uu qabiilku yeeshay oo la doonayey in sheekha looga dhaadhiciyo in uu reerka u eexdo sida ay sameeyaan culimada kale. Si kasta wax ugu sheege, ʻFiqi tolkiis kama janno tagoʻ ku wacdiye, si walba inta sameeyeen ayey ka waayeen wax jimic ah.
Sheekhaas waxa jeclaa dhammaan dadka magaaladaas ku noolaa. Waxa ay dadka qaarkiis ku naynaasi jireen Cumar Faaruuq qaarna Cumar Bin Cabdicasiis, iyaga oo ku matali jiray imaamyadii caddaala.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa sheekhii waxaa ku soo booday nabarkii Malakulmawt. Markii uu arkay in ay tiisii timid ayuu waxa u yeeray odayaashii, waxgaradkii iyo dhammaan intii gaashaanqaadka ahayd ee qabiilkiisii. Markii ay soo ag dhoobteen ayuu waxa uu ka codsaday in ay maanta Malakulmawt ka qabtaan, isaga markaas aad ugu qalinayey kalmado dadkii beerkooda lulay, waxa uuna lahaa, “Tolow kaala iga celiya maanta Malakulmawt. Tolow kaala iga celiya maanta Malakulmawt … Tolow maanta ayaan i diin baahanee ii hiilliya, waan idin baryayaaye, kaala iga qabta ninkaan i kor taagan oo nafta iga saari raba. Tolow, miyiinnaan idin ka dhalan, miyaana ahayn nin reer hebel ah?” Nimankii inta is dhugteen oo cabbaar aamuseen, ayaa ninkii ugu weynaa inta dhiirraday, yiri, “Sheekh, wax kale waan ka qaban karnaa, laakiin dhimasho ma baajin karno.”

FG: Murti Soomaaliyeed ayaa tiraahda: ninkii markhaati been ah furow, Rabbina ku og, kaad u furtay iyo kaad ka furtayna ku og.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus,
Email: nayruus@gmail.com
Fb: facebook.com/snayruus 

Thursday, November 22, 2018

LABA BUUG OO LA ISKU HAYSTO: (Gar ay odayaal ku jiraan, maxaad talo ah oo aad ku biirin lahayd odayaashas?)

Buugga koowaad: nin qoraa ah, ayaa waxa uu buug ka qoray oday Soomaaliyeed (oo xog badan hayey) oo uu muddo dhan ag fadhiyey si uu buggaas u dhammeeyo inta uu nool yahay. Buuggii ayuu inta daabacay suuqa soo geliyey. Buuggii xiiso fiican buu yeeshay, macaamiil badan oo odaygaas danaynaysayna waa uu helay.
Cajabta dhacday, isku qolo ma aysan ahayn ninka buugga qoray iyo odayga laga qoray. Wiil iyo gabar uu odaygaasi adeer u ahaa oo hanti haystay baa arkay buugga adeerkood laga qoray oo, welibana si fiican u qoran isla markaasina la jeclaystay. Inta nuqul buuggii ka mid ahaa qaateen bay inta waddanka Shiinaha ku soo badsadeen, dal iyo dibedba ku firdhiyeen.
Qoraagii inta ka war helay baa dood lagu riiqmay la galay. Kuwii daabacday waxa ay ku doodayaan: ma taariikhda adeerkeen baad nagu haysataa. Buugga adeerkeen baa iska leh, maxaad ku leedahay adigu? Jaldiga ayuu magacaagu ku qoran yahay, waana kuu dhafnay oo kamana aannaan tirin. Isna waxa uu leeyahay: war buugga aniga ayaa ku feero jabay, laba sanana ninkaas ag fadhiyey, ee buugga aniga ayaa lehe, adinku mid kale qorta. Odaygii buugga laga qoray oo kala saari lahaa, sannad ka dib, daabacaaddii buugga ayuu dhintay.
Buugga labaadna: sida la wariyey, nin baa buug uu muddo qorayey markii uu dhammeeyey, isaga oo aan daabicin tii Alle inta u timid, geeriyooday. Kolkaas uu buugga dhammeeynayey, waxaa uu la noolaa ina adeerti laxmi ah, waxaana la joogay laba wiil oo ay dhashay oo uu abti labaad u ahaa. Markii uu qorihii dhintayba, iyagii ayaa buuggii gacanta ku dhigay. Inta magacyadoodii ku qorteen bay daabacdeen. Qoraha, nin ay qaraabo yihiin oo ogaa in uu buuggaas qorayey, ayaa 10 sano ka dib ka warhelay buuggii oo magaalada ku jira. Nimankii ayuu qabsaday. Ninkani waxa uu ku doodayaa, in buuggaas uu leeyahay ninkaas qaraabada ay ahaayeen, nimankaanna ay daabacdeen maadaama uu ninku la noolaa, iyaga keliyana ay hayeen asalka buugga. Kuwa kalana waxay ku doodayaan, in iyagu ay qoreen buugga, abtigoodna uu ku saacidi jiray qeybaha hore ee buugga, iyagana ay dhammaystirteen. Laakiin khaladka ay sameeyeen uu keliya yahay, in ay ka tageen mahadcelinta abtigood, ayna ku darayaan daabacaad soosocta. Halkaana waxaa qoorta isku la jira wiilal iyo abtiyaashood.
Ma tahay garyaqaan rabbi iyo rasuul iyo rag yaqaana? Haddii ay jawabtu haah, talo ku biiri odayaasha gartaas ku jira, aniga ayaa kaa gaarsiinayee. Haddii aad is leedahay dad kaaga wanaagsan baa jira, sii gaarsii kuwaas.

Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
fb: www.facebook.com/snayruus

Like IYO Comment DARTOOD LA ISKU GUURSADAY (Qiso dhab ah)

Maalin baa wiil waxa uu arkay gabar sawirkeeda soo dhigtay Faysbuuggeeda, kolkaas buu sawirkii saaray ʻLikeʻ isla markaasina ʻCommentʻ qurux badan u raaciyey. Gabadhaasi uguma jirin isaga Faysbuuggiisa e, kuwa isaga saaxiib la ah ayey ugu jirtay oo, Timeline kooda ayuu ka arkay. Gabadhii markii ay aragtay faallada qurxoon ee uu wiilku ka bixiyey ba, isna mahadcelin qurux badan ayey siisay. Intaas ugama aysan harine, waa ay ku soo darsatay, isna waa uu ka aqbalay. Gabadhu waxa ay ahayd gabar Faysbuug aad u isticmaasha, mar kastana wax soo gelisa, isaguna, maalintii ay ku soo darsatay wixii ka bilawday, wax kasta oo ay soo dhigto, waxa uu saari jiray ʻLikeʻ ama ʻLoveʻ, waxa uuna ka bixin jiray ʻCommentʻ qurux badan. Muddo yar ka dib, waxa uu wiilkii ugu sii daray, in uu sii ʻshare` gareeyo, wax walba oo ay soo dhigto.


Gabadhii aad iyo aad ayey uga heshey wiilkaas sida wanaagsan ula socda, una qaddiriya wax walba oo ay soo dhigto, kolkaas bay waxa ay bilawday in ay farriimo mahadcelin ahna Massengerka gaar ugu dirto. Markii dame, waxaa u bilawday wiilkii iyo gabadhii sheeko aakhirkii ku aroortay haasaawe oo gaarsiisay in uu jacayl ka guntamo. Muddo sannad iyo bar ah ka dib, wiilkii iyo gabadhii calafkii baa u hiilliyey oo, waa is guursadeen, waxa uuna Eebbe ku irsaaqay gabar, ilaa iyo haddana iyaga oo is jecel ayey ku nool yihiin degmada Madiina ee magaalada Muqdisho.

FG: Ogow, Like iyo Comment qurxoon in ay macne weyn ku fadhiyaan oo ay kuu soo jiidi karaan qalbiyo kaa fog ama kuu soo jeedin karaan kuwo kuu dhaw.

Waxa soo wariyey oo qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.comfb: www.facebook.com/snayruus


Monday, November 12, 2018

BEELAHA SHANAAD OO ODAY AY KU ABTIRSADAAN YEESHEY (Beesha Reer Sheekh Cali)


Qabiilka beesha Shanaad, waxa uu soo baxay xilligii (waa 2000 e) dib-u-heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed loogu qabanayey tuulada Carta ee Jabuuti. Soomaalida waxaa laga dhigay afar beelood (Daarood, Dir, Hawiye iyo Digil-iyo-Mirifle) oo min saami buuxa helay iyo qabiillada kale oo hal meel inta laga dhiganay, la siiyey saami nus ah. Waagaas waxaa loo bixiyey beesha Shanaad.

Qabiillada beesha Shanaad loo bixiyey, waagii hore isma aqoone, illeyn dad la isku kabay bay ahaayeene, wixii ka dambeeyey dawladdii C/llaahi Yuusuf, waxa ay noqdeen dad xiriir dhaw yeeshey, ilaa ay gaareen in ayba isku qolo toos u noqdaan, oo ay
ʻhiil iyo hooʻ is garab istaagaan, sidii dad wada dhashay oo kale.

Aqoonyahanka beeshan oo in muddo ah shirayey, waxa ay soo ogaadeen in beelaha kale (Daarood, Dir, Hawiye iyo Digil-iyo-Mirif) aysan laftoodu abtirkoodu sax ahayn oo ay sidaan oo kale waa hore isbahaysteen. Sidaas darteed ayey muddo isweydiinayeen in ay samaystaan abtir ay wada galaan.

Dhawr bil ka hor, waxa ay aqoonyahankani soo hindiseen in beelasha shanaad ay ku abtirsadaan oday la yiraahdo Sheekh Cali, oo asal ahaanna galaya Carab, gaar ahaan reer Biniqaxdaan oo hadda laandheere ah (Maadama booskii Qureysh waa hore laga qabsaday). Abtirkan oo la isku waafaqey, waxaa lagu dhawaaqayaa ka hor doorashada soo socota 2021ka.

Tusaale, hadda, sidan bay qabiilladu abtirkoodu noqonayaan:
1. Reer Awxasan Sheekh Cali  
2. Jareer Sheekh Cali     
3. Yaxar Sheekh Cali     
4. Tumaal Sheekh Cali   
5. Ajuuraan Sheekh Cali
6. Carabsaalax Sheekh Cali     

Sidaas ku wad…  

Wixii hadda ka dambeeya, beesha shanaad waxaa loogu yeeri doonaa Beesha Reer Sheekh Cali. Waxa ayna qaadan doonaan saami la siman kuwa kale.

Waxa wariyey: Suldaan Nayruus
kala xiriir: nayruus@gmail.com
Fb: www.facebook.com/snayruus

Sunday, November 11, 2018

QORAAGII QABIILKU GARABGALAY


“Gob ninkaan ka dhalan ciilku, waa isaga gaboobaaye”


2014kii ayey ahayde, goor galab ah baan aniga oo fadhiya hoteel Xamar ku yaalla oo meel shaah ku cabbaya, waxa ay gabaru iigu timid miiskaygii. “Walaal isma naqaanna e, waxaa la i yiraahdaa Sahro, wiilal halkaas fadhiya baa ii sheegey in aad qoraa tahay, marka warqad casuumaad ah baan doonayaa in aan ku siiyo oo ku saabsan xaflad buug lagu daahfurayo berriba isla hoteelkan, gaar ahaan hoolkaas naga soo horjeeda.” Maxaad iga taqaan. Waa hawlaheygiiye, inta istaag ku qaabilay baan ka qaatay warqaddii, una mahadceliyey inanatii.
Xafladdu subax bay ahayde (9:00 AM) inta isa soo diyaariyey baan xilligii ka hor, hoteelkii imid. Hoolkii waxa aan ugu imid gabadhii warqadda casuumaadda i siisay iyo qoraagii oo, tobaannaan kartoon oo buug ah inta meesha soo dhoobay, nuqullo miisas ku sii sharraxayey. Inta qoraagii is barannay baan shaqadii wax ka galay, aniga oo ka codsaday qoraagii in uu shaqadan noo daayo aniga iyo gabadha, bacdamaa uu aad labbisnaa oo aan u diiddanaa dhidid iyo daal, inta nastana uu ka sii fekero, waxa uu martida u sheegi lahaa. Aniga iyo gabadhii ayaa dusha saarannay hagaajintii buugta iyo iibintoodiiba.
Sidii hadba qof u soo galayey, 10:30 AM, goobtii waa la soo buuxiyey. Weliba waxaa timid in ka badan intii loogu talagalay. Hawshii waa bilaabatay, qoraagiina si fiican buu buuggii uga sheekeeyey. Markii ay qudbadihii dhammaadeen, dadkiina ka waraabeen sharaab kala duwan, ayaa dadkii qof qof u bexeen. Dhawr ruux oo nagu soo leexatayna, buugtii ayey inta kor u qaadqaadaan oo, dhugdhugtaan bay si aan maamuus lahayn isaga dhigayeen. Subaxdaas waxaa gadantay 5 buug oo aan anigu mid iibsaday.
Dhallinyaro badan oo qoraalka ku soo biiray, waxa ay marka hore aaminsanaayeen in buugta lacag looga dhargo, markaas bay inta buug qoraan oo, wax badan ka soo daabacaan, suuqa soo geliyaan. Waxa ay kolkaas la kulmaan, sida ay filayeen wax aad iyo aad uga duwan. Qoragani dhallinyaradaas buu ka mid ahaaye, 500 oo nuqul oo uu keenay, waxa uu ku hanweynaa in aanan xabbad laga tageyn, laakiin markii uu arkay dadkii oo sii yaacaya iyo buuggii oo kam la dhihi laʻyahay, inta hoos ka xanaqaay, baa waxaa mar ka soo fakatay, “Nacallaa isirkiinna ku yaal, war wuxu gunsanaa!” Markii la kala tagay baan buugtii inta la xammaalay, misena u sii laabqaboojiyey qoraagii. Waxa uu ii sheegay, in dhibka ugu adag uu ka haysto sidii uu u bixin lahaa lacagta deynta ah ee uu buugta ku soo daabacay, tii kirada hoteelka iyo sharaabka iyo weliba middii uu warbaahinta siiyey. Aakhirkii, inta qoraagii saaxiibnay oo xiriirrada kala qaadannay, baan inta maalintaas kala tagnay, waxa aan waayo lahayn kulammo joogta ah iyo miis-wada-fariisi.
Maalin maalmaha ka mid ah, baa sidii uu qoraagii u fekerayey oo uu talo u gorfeynayey, waxa mar ku soo dhacay in uu qabiilkiisa ka wardoono, bal in uu tabantaabo ka helo uu isaga bixiyo qaanta faraha badan ee uu galay. Odayaashii cidda ugu waaweynayd buu galab inta meel isugu keenay, inta afka qabiilka lagu la hadlo kula hadlay, uga sheekeeyey dhibka soo gaaray. Waxa ka mid ahaa hadalladii uu ku yiri, “Tolow, waxa aan ahay nin aqoonyahan ah oo jaamacad sare ka baxay. Waxa aan ahay qoraa soosaaay buuggan aad arkaysaan ee cajabta leh. Waad ogtihiin oo, nin buug soosaaray ma ahan nin sahlan. Markii aan buuggan qoray baan waxa aan u sameeyey daahfur. Waxa ka soo qeybgalay dad gaaraya 700 qof oo Soomaaliweyn ah. Dadkii xabbad buug ahna waa iga iibsan waayeen. Illeyn ma fahansanayne, qareyaashu kolka ay buug bandhigayan qabiilkooda ayey ku casuuntaan, iyaga ayaana ka iibsada. Dadkii inta i garan waayeen bey iga kala tageen. Tolow, lacag deyn ah oo 5000 Dollar ahna waa iga gashay, buuggaygiina cid qaadata waan waayey. Tolow, sida qoreyaasha kale ee facayga ah loo tabantaabiyo – kama qabiil xumiye - ayaan doonayaa in aad i garabgashaan.” Dhawr oday oo hadalkii iska dabagashay ka dib, waxaa qoraagii iyo buugtiisiiba la ballamiyey maalin Khamiis ah oo ay markaa ka dhimmanayd saddex cisho.
Qoraagii, Khamiistii buu tagay isaga wada buugtii oo dhan halkii lagu ballamiyey. Waxa uu tagay iyada oo ay sugayaan odayaashii iyo niman kale oo ganacsato u badnaa. Odayaashii ayaa ka codsaday in uu mar kale ku celiyo warbixintii iyo codsigii uu jeediyey darraad tii ka horreysay. Sidii iyo si ka qurux badan oo hab qabiili ka muuqato ayuu misena u jeediyey hadal inta u dusay qaluubta qabiilkii, aad u ruxay. Inta maantaas la qiirooday baa waxaa loo ballanqaaday $ 5000 ee gashay iyo $ 2000 oo abaalmarin ah. Waxaa kale oo loo ballanqaaday in Master laga bixinayo, waddanka uu rabana la geynayo. Asbuuc ka dib, qoraagii waxa uu helay $ 7000. Sannad ka gadaalna, waxaa uu u dhoofay waddanka Maleeshiya oo uu Master u aaday.
Maantii uu lacagta helay baa qoraagii oo faraxsan ii yimid oo ii warramay. Baashaal iyo damaashaad baan galnay oo ayaan dhan baan buubuur hadba magaalada gees ula xiimaynnay.

Waayahaas baan qoragan ka xafiday, meeriskan hoose oo ku jiray gabay dheer oo uu horay u tiriyey gabyaa Soomaaliyeed: 

“Gob ninkaan ka dhalan ciilku, waa isaga gaboobaaye”


Waxa qoray: Suldaan NayruusKala xiriir: nayruus@gmail.com
Fb: www.facebook.com/snayruus

Monday, October 22, 2018

TANI WELIGEED BAY JIHAADAYSAY!


Waa aan kuray ahaa ayaa niga oo marar kala duwan raadye daarnaa mawjadihiisa warwareejinaya, waxa aan geeyey meelo ay ku kala jireen raadeyaashii Kulmis iyo kan BBC da. Dhawr mar oo kala duwan baa waxaa maankayga ku soo dhacayey erayada Jihaad iyo Mujaahid oo ay adeegsanayeen dhaqdhaqaaqyadii SSDF iyo SNM ee ka horjeeday dawladdii Kacaanka.
Si fiican waagaas uguma baraarugsanayn waxa uu Jihaadku yahay, laakiin xilli dambe oo aan Kitaabbo raacanayey baan waxa aan ogaaday in uu Jihaadku yahay Dagaal Barakaysan oo Muslimka kala dhexeeya Gaalada cadawga ku ah ee aan heshiis nabadeed kula jirin.
Ayaan u dhaw waayadaas uu macnaha Jihaadku wax iiga bidhaamay baa aniga oo fadhiya makhaayad waddo saarnayd oo shaaha laga cabbo ayaa waxaa magaaladii soo galay gaari, nooca loo yaqaan Jeemiska oo uu saarna qoriga loo yaqaan 37, oo aad sheellaraha loogu cadaadinayey, hoon dheerna yeerinayey. Waxaa gaariga dusha ka saarnaa 5 nin oo, laba ka mid ah qoriga labada dhinac ka saarnaayeen isla markaasina xabbado ridridayeen, laba kalana go`yaal ay warfinayeen iyaga oo ku qeylinayey, “War ka kacooy, magaalada cadaw baa ku soo socdee, war Jihaad u kaca, war Jihaada, . . .” mid kalana uu seeri dhawaajinayey. Gaarigii oo xiimaya ayaa i dhaafay isaga oo magaalada oo dhan ku wareegayey. Magaaladu waxay ahayd magaalo col-u-joog ehe, daqiiqado yarba waxa ay noqotay qof iyo qori.
Xilligu casar buu ahaaye, waxa aan aaday Masaajidka Jaamaca oo ii dhawaa si aan casarka ugu soo tukado Jamaacada. Markii casarkii laga baxay baa waxaa istaagay Imaamkii oo horay dhiilladu ka soo gaartay, kolkaas baa waxa uu Masjidkii ka iclaamiyey Jihaad isaga oo ka sheekeeyey fadliga Jihaadka iyo qofka ku dhinta Jihaadkaas halka uu Jannada ka galayo. Culimo iyo caammo, intii galabtaas Masjidka joogtay qoryahoodii bay iyaguna gurteen. Jihaadkii waa la qaaday galabtaas. Waa laga hortagay cadawgii. Waa la jabiyey. Gawaari, hub iyo saad badanna waa laga soo qanimaystay. Waagaas keliya ma ahayne, dhawr mar oo dambe ayaan arkayey dadka deegaanka oo Jihaadyo kala duwan, mar qaadaya, kolna isku difaacaya.
Aniga oo aad ula yaabbanaa kala duwaanashaha Jihaadka aan Kutubta ku soo arkay iyo midka dadka deegaanka ay isticmaalayaan baan ayaan dambe waxa aan u socdaalay Koofurta Soomaaliya. Xilligaas aan Koofurta imaanayo, waxaa ka jiray Dagaallo Sokeeya oo qaab qabiil u abaabulnaa oo ay kala hoggaaminayeen qabqableyaal jabhado-beeleed oo intooda badan watay xarfo magacyo Ingiriirska ah oo la soo gaabiyey oo ay badankood ka sinnaayeen xafarka ʻSʻ.
Kolkii aan Koofurta soo gaaray, waxa aan ugu imid erayada Jihaad iyo Mujaahid oo ay u isticmaalayaan dhammaan qabiilladii iska soo horjeeday. Qolo kasta waxa ay aaminsanayd in ay Jihaad xaq ah kula jirto qolada kale ee ka soo horjeedda. Deegaankii aan ka imid kuma arki jirin dumar Jihaadka ku jira iyo qof la leeyahay ʻMujaahid Hebel` laakiin waxa aan Koofurta ugu imid oo igu cusbaa dumar Jihaadka dhinacooda uga jira iyo dad Mujaahidiin loogu yeerayo. Marar kala duwan baan waxa aan arkay dad kala duwan oo daagaallo ku nafoobey oo loogu yeerayey Mujaahid Hebel/Mujaahidad Hebla iyo kuwo dagaallo ku dhintay oo la leeyahay, Ilaahay ha u naxariisto Mujaahid Hebel.
Sidii uu u socday Jihaadkaas qabaa`ilka ka dhexeeyey baa Soomaaliya waxa ay misana sii gashay marxalad kale oo dadkii u kala miirmeen laba geesood (Laba maamul oo midna dawlad hoggaaminayso midna Alshabaab horkacayo). Sidii hore oo kale, labadaas dhinacna, horay bay Jihaadkii ka sii wadeen.
Aniga oo muddo dheer la amakaagsanaa habka uu Jihaadku ugu qoran yahay Kitaabka iyo sida Soomaalidu u taqaan, wax ii fasirana intaa aan laʻaa, ayaa maalin dhaweyto soo ag fariistay odayaal meel ku qaxweynayey. Ilaahay amarki, dooddoodii ay kaga hadlayeen xaaladda waddanka ayaa waxa soo dhexgalay erayga jihaad, kolkaas bay cabbaar ka hadleen Jihaadka waxa uu yahay iyo sida ay Soomaalidu u taqaan.
Nin aad u da`weynaa oo waara-arag ahaa ayaa waxa uu ka sheekeeyey in waagii uu erayga Jihaad soo galay carrada Soomaaliya, ay Soomaalidu u fasiratay (Culimo iyo caammaba) in uu yahay dagaal xaq ah oo la isaga dhiciyo qof kasta oo ka soo horjeeda, gaal iyo islaan, kuu doono ha ahaadee. Isaga oo faahfaahin galay buu odaygii sii lahaa, “Marka, xilligii uu erayga Jihaad afka Soomaaliga soo galay, inta saas loo qaatay baa labadii qolo ee is dagaashaba, Jihaad uu dagaalkoodu ahaa.” Odayga oo caddaynayey in uusan farqiga saasa u dhaxayn Jihaadkii hore ee Soomaalida iyo kan hadda, ayaa waxa uu lahaa, “Weligiisba Jihaadka Soomaaliya ka socday nafhur wuu lahaa, laakiin, waxaa Jihaadkan hadda ah ku soo siyaaday hub cusub iyo hab cusub.”
Odaygaas sidii uu taariikhdaas u waday buu markii dambe isaga oo suuljaawinaya, waxa uu hadalkiisii uga baxay, “Jihaadku ma wax hadda Soomaaliya ku cusub baad u qabtaan, tani weligeed bay jihaadaysay!”

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Email: nayruus@gmail.com
Fb: www.facebook.com/snayruus 


Sunday, October 21, 2018

MA NAGA MUDAN YAHAY HADDA MAXAMMED XASAN WEJI XAALMARIN IYO ABAALGUD?

“Laabjabkii iigu horreeyey, waxa aan la kulmay maalintii aniga oo jira 7 sano aan tagay iskool, markaas oo ninkii maamulayey uu igu yiri: Maxaad halkaan ka soo doontay, maad birtiinnii tumatid? Marka uu saas i lahaa, waxaa ag taagnaa macallimiin iyo dad kalaba, kolkaas bay kulligood wada qosleen iyaga oo u muuqday in ay fekerkaas ku raacsanaayeen!” Maxamed Xasan Cali Weji ayaa sidaas yiri, isaga oo sii daba dhigay, “Hadalka xun ee yasmada ah ee niyadda dhaawaca, maalin weliba waan ku qoraacdaa, waana ku qadeeyaa. Waxa ahay golqaniinyada jaahilka. Maalin kasta waxaa iga horyimaada 10 jaahil oo jirkayga cad fuqsada.”
Maxamed Xasan Cali Weji, waa aqoonyahan ka baxay jaamacaddii Lafoole, kuna takhasasay afka Ingiriiska. Waa macallin ka soo shaqeeyey waxbarashada asaasiga ah ee dalka. Waa wariye rugcaddaa ah oo ka soo shaqeeyey raadyow Muqdisho iyo Hargeysa. Waa curiye caan ku ah hal-abuurka sheekooyinka gaagaaban. Waa qoraa soosaaray buug uu ku aruuriyey sheekooyinkiisa gaagaaban. Si kooban, waa nin dadka iyo dalka u soo shaqeeynayey muddo ka badan 40 sano.
Beesha uu ka soo jeedo darteed, Weji, aqoontaas iyo adeeggaas ummadda uu u hayey kaga ma uusan helin bulshada mansab, aqoonsi iyo ictiraaf. Iska daa taase, xitaa kaga ma helo hadal fiican oo laabtiisa farxad geliya. Maalin waliba waxa uu la kulmaa kuwa toos u dhahaya iyo kuwa gadaal kaga xamanaya erayga `boon` iyo erayo kale oo ka sii liita oo lagu xaqirayo. Sidaas oo ay tahay, maalinna Weji kama niyadjebin in uu dadkiisa iyo dalkiisa ugu adeego aqoontiisa iyo waaya-aragnimadiisa.
Halyeygan, kuwo aan garaad ku dhammayn, ka feker iyo aqoon yar, baa maalin kasta hela mansabyo sare, sharaf iyo maamuus, oo weliba lagu casuumaa shirar iyo xaflado sare; dal iyo dibadba, magacooduna meel walba gaaraa. Waxa heerkaas u saamaxaya, waa beelaha awoodda haysta ee laandheerenimada sheeganaya ee ay ka soo jeedaan.
Hadda ma tahay xilligii aan odaygaas laabdhiqi lahayn oo, inta garka iyo gommadda qabsanno aan ku dhihi lahayn: “Aabbe, aad baan uga xunnahay khaladkii naga kaa soo gaaray. Aabbe, waan gafnee na cafi oo, naga raalli noqo.” Ma tahay wakhtigii aan ictiraafi lahayn oo aan siin lahayn ʻbillad geesiʻ iyo ʻbillad sharafʻ oo aan ku oran lahayn: “Aabbe, waad naga mudan tehee, qabso.”

Haddii uu fekerkan kula fiican, fadlan qoralkan sii faafi si uu u gaaro qof kasta oo Soomaali ah oo waxgarad ah, falcelis ku habboonna uu uga yimaado.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com
Fb: www.facebook.com/snayruus


(Muuqaalkiisa iyo hadalkiisii murugada lahaa hoos ka daawo)

Sunday, October 7, 2018

MACALLIN LOO DILAY ARDAY DHACAY DARTI: dhacdo yaab leh oo saameyn muddo ku lahayd waxbarashada dalka


Waayadii ay xoogga u socotay oraahda ahayd ʻnin walbaw tabartaa, nin walbaw taagtaaʻ ayaa macallin dhigi jiray dugsi ka mid ah dugsiyada magaalo waddanka ka mid ah, waxa uu aad ugu ad-adkaa dhanka macallinimada. Waxa uu aad u ilaalin jiray wakhtiga, waxa uuna si dhab ah wax u bari jiray ardayda. Waxa uu dhigi jiray maaddooyin ad-adag, sida: Xisaabta, Fiisigiska iyo afka Ingiriiska. 

Maadaama uu si fiican casharrada ardayda u diyaarin jiray isla markaasina uu ku dadaali jiray in uu fahansiiyo, sidaas oo kale ayuu ardayda ku cadaadin jiray in ay fahmaan kuna dadaalaan barashada carrada iyo nakhtiimintoodaba.

Ma uusan baqi jirin, mana uusan aqoon eexda iyo qof jeclaysiga e, kolka uu imtixaanka saxayo, wakhti badan buu gelin jiray, sida ay tahay buuna u saxaa, arday walibana waxa uu keensado ayuu siiyaa. Taasi waa midda qur ah ee uu uga duwanaa macallimiinta kale, oo iyagu ishooda-qaateyaal ahaa, mararka qaarkoodna eex iyo arday jeclaysi eegi jiray. Macallinkaas mooyee, inta kale waxa ay ka sinnaayeen in aysan ardayba ridin, haddii ay doonaan calaamadaha lagu baaso ha u kala badiyeene. 

Sidii lagu yaqiinnay macallinkan, maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu soo gudbiyey imtixaankii maaddooyinkiisii, oo ay 7 ka mid ah ardaydii maaddooyinkiisa gashay, ay ku dheceen.

Ardayda maaddooyinkiisa ku dhacay, waxaa ka mid ahaa wiil ka soo jeeday qolo hubaysned. Wiilku ma ahayn mid dadaali jiray, mana ahayn mid saani ah u imaan jiray iskoolka. Wiilkan, waa ku baasay dhammaan maaddooyinkii kale ee macallimiinta kala duwan ay dhigayeen, laakiin intii uu macallinkani u bixinayey, buu ku dhacay.

Wiilkii inta ʻu-qaadan-waaʻ ku dhacay, baa isaga oo furka tuuraya inta uu gurigii ku laabtay, waxa uu walaalihi iyo ilma adeerradi u sheegay - isaga oo ficil ka raadinayey - in macallin uu ku riday saddex maaddo oo uu u dhigayey, halka macallimiintii kale maaddooyinkoodii uu ku baasay. Mid walaalkiis ah oo mooryaan ahaa iyo mid kale oo ay qaraabo ahaayeen, baa inta dhiiggii kacay, oo qoryo soo qaateen, bay ku dheheen wiilkii, “Soo bax, na soo tus ninka kugu riday imtixaanka.” Wiilkii, waa soo kaxeeyey, waxa uuna keenay iskoolkii, waxa uuna tusay macallinkii. Labadii jirrida ahayd, ma wareysan macallinkiiye, isaga oo fasal hortaagan, bay baas qabadsiiyeen. Halkaasina ay macallinkii ku dhaaftay noloshii. 

Dhacdadan oo caan noqotay, waagaas ka dib, cidina ma aysan ku dhicin in ay riddo arday wax ka dhigta iskool ka mid iskoollada magaaladaasi iyo magaalooyinkii kale ee laga maqlay. Ilaa iyo haddana saamaynteedii waa ay sii jirtaa.

Markii la dilay macallinkiiba, wiilkii waa ka tagay iskoolkii, mid kalana kuma uusan biirin. Ayaan ka dib, waxa ku dhacay cudur. Waxaa jirkiisa ka soo daatay nabro waaweyn, oo cuncun siyaado ah leh, oo in uu is xoqayo mooyee uusan faraha kala bixi karin. Waxa sidaa oo kale misena ugu darmaday kulay iyo hur, isaga oo in uu 24-saac biyo isku shubo mooyee, uusan joogi karin. Si kasta inta ciddiisii yeeshay oo meel kasta geeyeen, bay caafimaad u waayeen. Markii dambe, sidii uu silicaas iyo saxariirtaas ugu jiray, bay adduun is daayeen.

Fg: Qoruhu uma arkin muhiim in uu sheego magaca magaaladaasi. Dadka ogaa ama ay soo gaartay oo garanaya goobta ay ka dhacdayna, muhiim ma ahan in ay faallada hoose ku muujiyaan, oo ay dadka la wadaagaan.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Fb: Facebook.com/snayruus 

Saturday, September 22, 2018

ABBAAYO ANIGA AYAA KUGU JECEL CID KASTA OO AAD TAHAY

Kolka ay sugsi sare isugu yimadeen baa sheeko-doceed u furantay, taas oo waa darmbe gaarsiisay in ay inta isku bogaan ay xilliyo gaar ah ballamaan, oo ay wakhti isla qaataan. Aad baa la isaga sii helay, waxa ayna gaareen in jacayl u kala tilaabbay uu isku xidho qalbiyadooda, oo ayba saacad ismoogaan waayaan, haddii ay kala maqnaadaanna uu u soo  khabro haatufjacayl, oo qof walba meeshiisa ku siiya xogta qof kale.

Maadaama aysan labadoodii kala maarmi karin, waxa ay is weydiiyaan in ay mustaqbal wada yeeshaan, oo ka fekeraan in ay isguursadaan, markaas bay mar dambe axdi ku galeen, in marka jaamacadda dhamaystaan ay isguursadaan. 

Dugsi sare isla dhammayste, hal jaamacadna, kulliyadda ganacsiga ayey ka bilaabeen, jacaylkoodiina marba marka dambeysa waa sii labalixaadsanayey. Saddex sano ka dib waa soo afmeereen jaamacaddii.

Sidii uu ballanku ahaa, waxaa la gaaray xilligii la isku guursan lahaa, waxa ayna wiilkii iyo gabadhii isla garteen in ay is aroosaan. Wiilkii waxa uu u tagay ciddiisii, waxa uuna la socodsiiyey gabadha uu jecel yahay iyo in uu doonayo in uu guursado, arrintaasina laga gacansiiyo. Ciddii waa ka aqbaleen, laakiin waxaa la weydiiyey cidda ay gabadhu tahay, kolkaas buu u sheegey in uusan garanayn. Aabbihi oo aan wax kala ba ka fekerin, baa yiri, “Iska daa marka aan la kulanno odaayasha gabadha ayaan ogaanaynaaye”. Gabadhii ayaa sidaas oo kale ciddeedii ku wargelisay guurka, iyagiina waa soo dhaweeyeen.

Markii ay is diyaariyeen cidda wiilka, ayaa wiilkii waxa uu gabadhii ku wargeliyey xilliga ballanta, isaga oo u sheegay in gurigooda ay imaanayaan odayaal dhankiisa ka socda iyo wadaadkii meherin lahaa, iyana ay sii diyaarsato dadkeeda.

Subixii ayuu wiilkii soo kaxeeyey odayaashii, waxa uuna keenay gurigii gabadha, halkaas oo si wanaagsan oo gobeed ogaayashii loogu soo dhaweeyey. Markii la is baranayey, ayaa odaayaashii wiilku waxa ay ku baraarugeen in cidda gabadha laga doonayo ay yihiin qolo ay yasaan oo aysan isguursan. Odayaashii wiilka ayaa ayaab iyo afkalataag ku dhacay oo, afkii baa juuqda gabay. Aabbaha wiilka ayaa inta istaagay, kolkaas yiri, “Adeerrayaalow naga raalli ahaada, qolo kale ayaan idiin haysannay, guurkiina waan ka laabannay, oo isma gayno!” jeerkaasina odayaashii ku yiri, “War inaga soo bixiya guriga gunta.”

Wiilkii, markii uu arkay odaayaasha oo kala dareeraya iyo hawshiisii oo laga naqday, ayuu inta si kale noqday, buu aabbihi ku yiri, “Aabbe saas ha yeelin, Naciima waa qalbigeyga kama na maarmo, aabbow waa jeex iga mid ah oo kama tegi karo, aabbow cid kasta ha ahaatee ii doon Naciima.” Inta uu istaagay wiilkii oo aabbihi hoos fariistay, buu odaygii oo dhaqaaqi raba ku lahaa, “Abboow waan ku baryayaa, abboow garka iyo gomadda baan ku haystaaye, jacaylkayga halkaas ha oga tegin, oo ha i laabjebin.” Odaygii ma maqlin codka xanuunka leh ee wiilkiisa e, inta ul makoorad ah oo uu watay la dhacay ayaa gurigii inta xoog looga kaxeeyey, gaari lagu soo tuuray.

Gabadhii, markii ay ogaatay guurka laga laabtay, istaagga bay ka dhacday. Waa miyir daboolantay, waxaana loo la orday isbitaal.

Wiilkii, markii gurigii la geeyey, ayaa isaga oo si kale ah waxa ay odayaashii ku bilaabeen in ay ka dhaadhiciyaan, in cidda ay gabadhu ka soo jeeddo ay yihiin qolo gun ah oo bakhtiga cunta, oo aan la guursan. Waxa ay u sheegeen, in haddii uu guursado, carruurtiisu ay faddaro noqonayso oo aanan la guursanayn. Waxa ay u wariyeen oraah ahayd, in wiilkaagu uu hiil kaaga baahan yahay marka aad hooyadiis guursanayso, oo haddii aad ka dhasho naag midgaan ah, loo bixin doono Barbarxaaraan, wiilasha faciisa ahna waa liidi doonaan, gabdhaha gobeedna ma guursan karo, hadhawtana adiga ayuu ku habaari doonaa… 

Wiilkii, hadalka odayaasha kuma socon oo, maqanejooge ayuu ahaa. Markii odayaashii ka kala tegeen ayuu sariirtii isku tuuray, isaga oo aan dharkiisii iska bixin. Habeenkii oo dhan hurdo ma ladin. Marna fashilkii saaka oo dhabbanahays ku noqotay ayaa ku soo dhaca, marna Naciima ayaa la soo hormariyaa, kolkaas buu inta madaxa gacanta saarto, waxa uu samaayo garan waayaa.

Markii subixii la gaaray, buu inta dadkii ka hor kacay, isaga jarmaaday gurigii Naciima, kolkaas baa loo sheegay in ay gabdhii isbitaal ku jirto. Isbitaalkii ayuu ugu tagay, markaas baa markii ay aragtay, faleebbooyinkii ku socday oo dhan inta iska jartay ayey ku boodday, oo ilmo mooyee wax kale laga waayey. Cabbaar haddii ay ku dhegganayd, waxaa ka soo baxay, “Abboowe Jaamac, ma aana garanayn qabiilka aan ahaa, haddii aan aqoon lahaa kula ma xiriireen, kumana jeclaadeen, walaalow haddii aan ku waayey nolol waa iiga dhammaatay, waana ka quustay adduun dambe, adigu farxad iigu noolow.” Jaamac wadnaha ayaa rigleeyey. Hadal waa ka soo bixiyey, ilma aan joogsi lahaynna, laabtiisa ayey taraaraxaysay.

Xoogaa haddii uu af kala qaadi waayey, hadal gabadhii u laabqaboojiyey ayaa aakhirkii ka soo baxay, waxa uuna ku yiri, “Naciima, aniga ayaa ku jecel. Abbaayo aniga ayaa kugu jecel cid kasta oo aad tahay.” Isaga oo shaatigiisa ilmada Naciima uga tirtiraya, ayuu waxa uu ku lahaa, “Macaanto ii aamus, hawshayadu qabiil ma joojin kara e, aniga ayaana taas xallinayee.” Naciima, hadalka Jaamac waa ka qaaday xanuunkii isbitaalka keenay. ‘Fay’ inta  tiri, ayey Jaamac oo ay garabka haysato u raacday gurigeedii, oo ciddeedii ku laabatay iyada oo faraxsan. Saddex beri ka dib, Jaamac inta lacag raadsaday, ayuu Naciima la goostay, oo inta deegaankii ka guuray, meel kale la degay.

Hadda Jaamac iyo Naciima waxa ay isku hayaan afar carruur ah, waxa ayna ku nool yihiin nolol jacayl iyo farxad leh, oo isaga oo kula fadhiya ayaad arkaysaa isaga oo daqiiqad daqiiqad u wacaya, indhiisana waa ka jecel yahay. Dadka deriska ah oo dhan inta jacaylka Namiica iyo Jaamac la yaabaan, ayey kaga sheekeystaan xaafaddaas, waxa ayna haatan deggan yihiin xaafadda Waaberi ee Muqdisho.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus,
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
fb: www.facebook.com/snayruus