Beri baa waxaa jiray nin sheekh
ah oo qaalli ka ahaa magaalo ka mid magaalooyinka Soomaaliya. Magaalada uu
sheekhu ka ahaa qaalliga, waxaa deggannaa qabiillo badan uu qabiilkiisu ka mid
ahaa. Sheekhu waxa uu ahaa nin caaddil ah oo dadka u dhexeeya oo sida Eebbe
faro aanan dhanna uga leexan. Maalinta qof qabiilkiisa ka mid ah iyo cid kale
wax soo dhex maraan oo loo yimaado sida diintu ay qabto ayuu mariyaa isaga oo
aan cidna u eexan. Marar badan oo dad qabiilkiisa
ka mid ah iyo Soomaali kale wax soo dhex mareen ayuu marsiiyey sida diintu
qabto. Qabiilkiisa oo dhan ayaa sheekhaas aad uga xumaada caddaaladdiisa.
Dhawr jeer baa sheekha looga
yeeray kulammo uu qabiilku yeeshay oo la doonayey in sheekha looga dhaadhiciyo
in uu reerka u eexdo sida ay sameeyaan culimada kale. Si kasta wax ugu sheege, ʻFiqi tolkiis kama janno tagoʻ ku wacdiye, si walba inta sameeyeen ayey ka waayeen wax jimic
ah.
Sheekhaas waxa jeclaa dhammaan
dadka magaaladaas ku noolaa. Waxa ay dadka qaarkiis ku naynaasi jireen Cumar
Faaruuq qaarna Cumar Bin Cabdicasiis, iyaga oo ku matali jiray imaamyadii
caddaala.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa
sheekhii waxaa ku soo booday nabarkii Malakulmawt. Markii uu arkay in ay tiisii
timid ayuu waxa u yeeray odayaashii, waxgaradkii iyo dhammaan intii gaashaanqaadka
ahayd ee qabiilkiisii. Markii ay soo ag dhoobteen ayuu waxa uu ka codsaday in
ay maanta Malakulmawt ka qabtaan, isaga markaas aad ugu qalinayey kalmado
dadkii beerkooda lulay, waxa uuna lahaa, “Tolow kaala iga celiya maanta
Malakulmawt. Tolow kaala iga celiya maanta Malakulmawt … Tolow maanta ayaan i
diin baahanee ii hiilliya, waan idin baryayaaye, kaala iga qabta ninkaan i kor
taagan oo nafta iga saari raba. Tolow, miyiinnaan idin ka dhalan, miyaana ahayn
nin reer hebel ah?” Nimankii inta is dhugteen oo cabbaar aamuseen, ayaa ninkii
ugu weynaa inta dhiirraday, yiri, “Sheekh, wax kale waan ka qaban karnaa,
laakiin dhimasho ma baajin karno.”
FG: Murti Soomaaliyeed ayaa
tiraahda: ninkii markhaati been ah furow, Rabbina ku og, kaad u furtay iyo kaad
ka furtayna ku og.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus,
Email: nayruus@gmail.comFb: facebook.com/snayruus
Email: nayruus@gmail.comFb: facebook.com/snayruus
No comments:
Post a Comment