Monday, November 12, 2018

BEELAHA SHANAAD OO ODAY AY KU ABTIRSADAAN YEESHEY (Beesha Reer Sheekh Cali)


Qabiilka beesha Shanaad, waxa uu soo baxay xilligii (waa 2000 e) dib-u-heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed loogu qabanayey tuulada Carta ee Jabuuti. Soomaalida waxaa laga dhigay afar beelood (Daarood, Dir, Hawiye iyo Digil-iyo-Mirifle) oo min saami buuxa helay iyo qabiillada kale oo hal meel inta laga dhiganay, la siiyey saami nus ah. Waagaas waxaa loo bixiyey beesha Shanaad.

Qabiillada beesha Shanaad loo bixiyey, waagii hore isma aqoone, illeyn dad la isku kabay bay ahaayeene, wixii ka dambeeyey dawladdii C/llaahi Yuusuf, waxa ay noqdeen dad xiriir dhaw yeeshey, ilaa ay gaareen in ayba isku qolo toos u noqdaan, oo ay
ʻhiil iyo hooʻ is garab istaagaan, sidii dad wada dhashay oo kale.

Aqoonyahanka beeshan oo in muddo ah shirayey, waxa ay soo ogaadeen in beelaha kale (Daarood, Dir, Hawiye iyo Digil-iyo-Mirif) aysan laftoodu abtirkoodu sax ahayn oo ay sidaan oo kale waa hore isbahaysteen. Sidaas darteed ayey muddo isweydiinayeen in ay samaystaan abtir ay wada galaan.

Dhawr bil ka hor, waxa ay aqoonyahankani soo hindiseen in beelasha shanaad ay ku abtirsadaan oday la yiraahdo Sheekh Cali, oo asal ahaanna galaya Carab, gaar ahaan reer Biniqaxdaan oo hadda laandheere ah (Maadama booskii Qureysh waa hore laga qabsaday). Abtirkan oo la isku waafaqey, waxaa lagu dhawaaqayaa ka hor doorashada soo socota 2021ka.

Tusaale, hadda, sidan bay qabiilladu abtirkoodu noqonayaan:
1. Reer Awxasan Sheekh Cali  
2. Jareer Sheekh Cali     
3. Yaxar Sheekh Cali     
4. Tumaal Sheekh Cali   
5. Ajuuraan Sheekh Cali
6. Carabsaalax Sheekh Cali     

Sidaas ku wad…  

Wixii hadda ka dambeeya, beesha shanaad waxaa loogu yeeri doonaa Beesha Reer Sheekh Cali. Waxa ayna qaadan doonaan saami la siman kuwa kale.

Waxa wariyey: Suldaan Nayruus
kala xiriir: nayruus@gmail.com
Fb: www.facebook.com/snayruus

10 comments:

  1. Wixii faallo ah halkaan hoose waad ku reebi kartaa, ama halka aad ka soo raacday baad uga tegi kartaa.

    Mahadsanid,

    Suldaan Nayruus

    ReplyDelete
  2. Asc aniga waan taageerayaa beelaha loogu yeero beesha shanaad ama beesha reer sheikh cali, waa beelo soomaaliyeed oo dadka kale ee Alle abuuray la siman amaba beelaha kale ee soomaaliyeed, laakiin ay beelaha kale ee soomaaliyeed ay ku sheegeen in ay yihiin dad nus ah, taas waa gaf weyn,Ilaah ba nus kama dhigine yaa kaloo nus ka dhigi kara, waa cidna. Aniga waxaan ahay wiil ka dhashay beelaha kale ee soomaaliyeed laakiin aamain san soomaali oo dhan in ay yihiin dad wada dhashay oo hadana siman, inta aad xaqiina idiin kaga maqan dowlada soomaaliyeed na la idiin siiyo.

    ReplyDelete
  3. Marka hore asc,
    Marka 2aad maxaa laga faa'iidayaa in dad nasabkooda la badalo oo qof dhalin magaciisa qaataan?
    Marka 3aad diinta maxee ka qabtaa in aabahaa aad badasho?
    Marka 4aad maxaa noo diidaa in aan midoowno oon walaaloowno anaga oo nasabkeena badalin, tusaale ahaan anigoo ah" rer awxasan sayid cumar" iyo, "wllakey jareer cusmaan" carab saalax bin fulaan
    Why sh cali oo maanta ka hor aan maqlin magaciisa naloo siinaa?
    Marka 5aad why looga soo tagay wllha kle sida shaanshi, reer faqay, bandhabow, iwm?
    Igu dambeeyn walaalayaal dulmi waxaa noogu filin inta nimankaan qoryaha wato ay na dulmiyeen.
    Plse anaga dhaxdeena yaan is dulminin
    Because dulmi ka weeyn nin aan aabaha aan aheen in lagu dhaho waa aabahaa majirto ...قال تعالى" ادعوا لابائهم الى اخر الاية
    Wbllh towfiiq

    ReplyDelete
  4. Ajuuran iyo Arab saalax
    Jareer ma ahan bala kula qaadi

    ReplyDelete
  5. Adi lee sidaas ku wad adaa keene

    ReplyDelete
  6. Asc ugu horeyn waad ku mahadsantahay qoraalkaan iyo fikir kan aad nala wadaagtay. Intaas anigu fikirkaan mid aan habooneen ayaan u arkaa, midaas oo ah in sinji iyo abtirsiga saxda ah ee qofka la badalo. Beelaha afarta ah inta badan waa isku keen keen iyo qabiilo badan oo isku tagay deegaan iyo wax wada qabsi kadib midoobay( ama midkii dhulkaas yimid kuwa kale ku biiray). Anigu waxaan ahay carab saalax alx abtirsigayga marnaba qalooc magalin in uu galona ma doonaayo qof aan ila dhalana wuu ila dhashay inaan dhaho ma rabo, midaasna hadda kahor intii la noo soo bandhigay ayaan diidnay. Deegaanka waa muhiim maanta qabiil aan ila deegan ahayn oo dhib iyo dheef toona aanan wadaageynin wax wada qaybsigiisa dan iiguma jirto. Haddaba midaan “shiikh cali” waxaa ka muhiimsan in nidaamka 4.5 aan ka dhigno 5 iyo awood siman. Tusale beelwaynta jareer oo tiridooda la yaqaan in ay 7 xildhbn lee yihiin oo xitaa wasiir buuxa la siin oo wasiir ku xigeen lagu sasabay waa dulmi. Haddaba 1: dulmiga maxaligaa la hayo iska dulqaada sida in la idin dhaco la idin dilo macno la’aan. Qodobkan wuxuu si gaar ah u quseeyaa beelweynta jareer iyo banaadiriga.
    2: in aad idinku isku calool fiyoownaataan. inta badan qabiiladaan iyagaa dadka iskugu neceb
    3: in deegaan aad ka arimisaan yeelatan.
    Hal maalin ayeey ceel joogtaaye inteey goori goor tahay is daba qabta.
    Wixii aragti duwan ah soo dhawoow

    ReplyDelete
  7. Mudane waxaan kuweydiinayaaa miyaan leys odhan kadhin somaali oodhani waa kuwo aabe iyo hooyo la,aaana tsaai oo ay cadeeyn u tahay is bahaysiga baahsan ee
    Ay ku midoobeyn beel kasta oo kamid ah hawiye, dir, digital iyo mirifle iyo daaroodba hadaan katysaalo qaadanno beesha shanaaaan isku imaatankooda dhameystiran eey kusoo qoreeen abtirsi dhameeystiran ????

    ReplyDelete
  8. Maxaad ugu dari weyseen Carab Soomali

    ReplyDelete