Waa aan kuray ahaa ayaa niga oo marar kala duwan raadye daarnaa mawjadihiisa warwareejinaya, waxa aan
geeyey meelo ay ku kala jireen raadeyaashii Kulmis iyo kan BBC da. Dhawr mar oo
kala duwan baa waxaa maankayga ku soo dhacayey erayada Jihaad iyo Mujaahid oo
ay adeegsanayeen dhaqdhaqaaqyadii SSDF iyo SNM ee ka horjeeday dawladdii
Kacaanka.
Si fiican waagaas uguma baraarugsanayn waxa uu Jihaadku yahay, laakiin xilli dambe oo aan Kitaabbo raacanayey baan waxa aan
ogaaday in uu Jihaadku yahay Dagaal Barakaysan oo Muslimka kala dhexeeya Gaalada cadawga ku ah ee aan heshiis nabadeed kula jirin.
Ayaan u dhaw waayadaas uu macnaha Jihaadku wax iiga
bidhaamay baa aniga oo fadhiya makhaayad waddo saarnayd oo shaaha laga cabbo
ayaa waxaa magaaladii soo galay gaari, nooca loo yaqaan Jeemiska oo uu saarna
qoriga loo yaqaan 37, oo aad sheellaraha loogu cadaadinayey, hoon dheerna
yeerinayey. Waxaa gaariga dusha ka saarnaa 5 nin oo, laba ka mid ah qoriga
labada dhinac ka saarnaayeen isla markaasina xabbado ridridayeen, laba kalana
go`yaal ay warfinayeen iyaga oo ku qeylinayey, “War ka kacooy, magaalada
cadaw baa ku soo socdee, war Jihaad u kaca, war Jihaada, . . .” mid kalana uu seeri
dhawaajinayey. Gaarigii oo xiimaya ayaa i dhaafay isaga oo magaalada oo dhan ku
wareegayey. Magaaladu waxay ahayd magaalo col-u-joog ehe, daqiiqado yarba waxa ay noqotay qof iyo qori.
Xilligu casar buu ahaaye, waxa aan aaday Masaajidka Jaamaca oo ii dhawaa si aan casarka ugu soo tukado Jamaacada. Markii
casarkii laga baxay baa waxaa istaagay Imaamkii oo horay dhiilladu ka soo
gaartay, kolkaas baa waxa uu Masjidkii ka iclaamiyey Jihaad isaga oo ka
sheekeeyey fadliga Jihaadka iyo qofka ku dhinta Jihaadkaas halka uu Jannada ka
galayo. Culimo iyo caammo, intii galabtaas Masjidka joogtay qoryahoodii bay
iyaguna gurteen. Jihaadkii waa la qaaday galabtaas. Waa laga hortagay cadawgii.
Waa la jabiyey. Gawaari, hub iyo saad badanna waa laga soo qanimaystay. Waagaas
keliya ma ahayne, dhawr mar oo dambe ayaan arkayey dadka deegaanka oo Jihaadyo
kala duwan, mar qaadaya, kolna isku difaacaya.
Aniga oo aad ula yaabbanaa kala duwaanashaha Jihaadka
aan Kutubta ku soo arkay iyo midka dadka deegaanka ay isticmaalayaan baan
ayaan dambe waxa aan u socdaalay Koofurta Soomaaliya. Xilligaas aan Koofurta
imaanayo, waxaa ka jiray Dagaallo Sokeeya oo qaab qabiil u abaabulnaa oo ay
kala hoggaaminayeen qabqableyaal jabhado-beeleed oo intooda badan watay xarfo
magacyo Ingiriirska ah oo la soo gaabiyey oo ay badankood ka sinnaayeen xafarka
ʻSʻ.
Kolkii aan Koofurta soo gaaray, waxa aan ugu imid
erayada Jihaad iyo Mujaahid oo ay u isticmaalayaan dhammaan qabiilladii iska
soo horjeeday. Qolo kasta waxa ay aaminsanayd in ay Jihaad xaq ah kula jirto
qolada kale ee ka soo horjeedda. Deegaankii aan ka imid kuma arki jirin dumar Jihaadka ku jira iyo qof la leeyahay ʻMujaahid Hebel` laakiin waxa aan Koofurta ugu imid oo igu cusbaa dumar Jihaadka dhinacooda uga jira iyo dad Mujaahidiin loogu yeerayo. Marar kala duwan baan waxa aan arkay dad kala duwan
oo daagaallo ku nafoobey oo loogu yeerayey Mujaahid Hebel/Mujaahidad Hebla iyo
kuwo dagaallo ku dhintay oo la leeyahay, Ilaahay ha u naxariisto Mujaahid Hebel.
Sidii uu u socday Jihaadkaas qabaa`ilka ka dhexeeyey
baa Soomaaliya waxa ay misana sii gashay marxalad kale oo dadkii u kala
miirmeen laba geesood (Laba maamul oo midna dawlad hoggaaminayso midna
Alshabaab horkacayo). Sidii hore oo kale, labadaas dhinacna, horay bay Jihaadkii ka sii wadeen.
Aniga oo muddo dheer la amakaagsanaa habka uu Jihaadku ugu qoran yahay Kitaabka iyo sida Soomaalidu u taqaan, wax ii fasirana intaa
aan laʻaa, ayaa maalin dhaweyto soo ag fariistay odayaal meel ku
qaxweynayey. Ilaahay amarki, dooddoodii ay kaga hadlayeen xaaladda waddanka
ayaa waxa soo dhexgalay erayga jihaad, kolkaas bay cabbaar ka hadleen Jihaadka
waxa uu yahay iyo sida ay Soomaalidu u taqaan.
Nin aad u da`weynaa oo waara-arag ahaa ayaa waxa uu ka
sheekeeyey in waagii uu erayga Jihaad soo galay carrada Soomaaliya, ay
Soomaalidu u fasiratay (Culimo iyo caammaba) in uu yahay dagaal xaq ah oo la
isaga dhiciyo qof kasta oo ka soo horjeeda, gaal iyo islaan, kuu doono ha
ahaadee. Isaga oo faahfaahin galay buu odaygii sii lahaa, “Marka, xilligii uu
erayga Jihaad afka Soomaaliga soo galay, inta saas loo qaatay baa labadii qolo
ee is dagaashaba, Jihaad uu dagaalkoodu ahaa.” Odayga oo caddaynayey in uusan
farqiga saasa u dhaxayn Jihaadkii hore ee Soomaalida iyo kan hadda, ayaa waxa
uu lahaa, “Weligiisba Jihaadka Soomaaliya ka socday nafhur wuu lahaa, laakiin,
waxaa Jihaadkan hadda ah ku soo siyaaday hub cusub iyo hab cusub.”
Odaygaas sidii uu taariikhdaas u waday buu markii
dambe isaga oo suuljaawinaya, waxa uu hadalkiisii uga baxay, “Jihaadku ma wax
hadda Soomaaliya ku cusub baad u qabtaan, tani weligeed bay jihaadaysay!”
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Email: nayruus@gmail.com
Fb: www.facebook.com/snayruus
Email: nayruus@gmail.com
Fb: www.facebook.com/snayruus
Wixii feker ah hoos ku reeb ama halka aad ka soo raacday.
ReplyDeleteMahadsanid,
Suldaan Nayruus
Qormadada waxaan u arkaa haldhinac iney ka rarantahay
DeleteQeebtada hore ee qormada u makala cada side qebta danbe ee qormadadu ucadahay.
1.Waxase ku weydinaya halkebey aheed halkad joogtay intada koonfurta iman?
2.Yeey ahayen qolada aad qormadada qeebta hore ku sheegtay, yeysa ladagalamayen oo ayakuna ee ku tilmamayen inee ladagalkoda jihaad tahay?
walaal, haddii aan sheegey koofur waa iska cadday meesha kale. Markii aan koofur Ka hadlayey ma qabiil aan sheegey ayaa Jira. Keliya waxa aan iri qabiillada Soomaalida ee deggan koofurta. Haddii aanan qabiillada sheegin maxaan u sheegayaa qabiillada aad I weydiisey.Haddii aad I leedahay dhammaan qabiillada koofurta iyo halkii horeba caddee waaa caadi markaasina.
Delete