Sunday, October 7, 2018

MACALLIN LOO DILAY ARDAY DHACAY DARTI: dhacdo yaab leh oo saameyn muddo ku lahayd waxbarashada dalka


Waayadii ay xoogga u socotay oraahda ahayd ʻnin walbaw tabartaa, nin walbaw taagtaaʻ ayaa macallin dhigi jiray dugsi ka mid ah dugsiyada magaalo waddanka ka mid ah, waxa uu aad ugu ad-adkaa dhanka macallinimada. Waxa uu aad u ilaalin jiray wakhtiga, waxa uuna si dhab ah wax u bari jiray ardayda. Waxa uu dhigi jiray maaddooyin ad-adag, sida: Xisaabta, Fiisigiska iyo afka Ingiriiska. 

Maadaama uu si fiican casharrada ardayda u diyaarin jiray isla markaasina uu ku dadaali jiray in uu fahansiiyo, sidaas oo kale ayuu ardayda ku cadaadin jiray in ay fahmaan kuna dadaalaan barashada carrada iyo nakhtiimintoodaba.

Ma uusan baqi jirin, mana uusan aqoon eexda iyo qof jeclaysiga e, kolka uu imtixaanka saxayo, wakhti badan buu gelin jiray, sida ay tahay buuna u saxaa, arday walibana waxa uu keensado ayuu siiyaa. Taasi waa midda qur ah ee uu uga duwanaa macallimiinta kale, oo iyagu ishooda-qaateyaal ahaa, mararka qaarkoodna eex iyo arday jeclaysi eegi jiray. Macallinkaas mooyee, inta kale waxa ay ka sinnaayeen in aysan ardayba ridin, haddii ay doonaan calaamadaha lagu baaso ha u kala badiyeene. 

Sidii lagu yaqiinnay macallinkan, maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu soo gudbiyey imtixaankii maaddooyinkiisii, oo ay 7 ka mid ah ardaydii maaddooyinkiisa gashay, ay ku dheceen.

Ardayda maaddooyinkiisa ku dhacay, waxaa ka mid ahaa wiil ka soo jeeday qolo hubaysned. Wiilku ma ahayn mid dadaali jiray, mana ahayn mid saani ah u imaan jiray iskoolka. Wiilkan, waa ku baasay dhammaan maaddooyinkii kale ee macallimiinta kala duwan ay dhigayeen, laakiin intii uu macallinkani u bixinayey, buu ku dhacay.

Wiilkii inta ʻu-qaadan-waaʻ ku dhacay, baa isaga oo furka tuuraya inta uu gurigii ku laabtay, waxa uu walaalihi iyo ilma adeerradi u sheegay - isaga oo ficil ka raadinayey - in macallin uu ku riday saddex maaddo oo uu u dhigayey, halka macallimiintii kale maaddooyinkoodii uu ku baasay. Mid walaalkiis ah oo mooryaan ahaa iyo mid kale oo ay qaraabo ahaayeen, baa inta dhiiggii kacay, oo qoryo soo qaateen, bay ku dheheen wiilkii, “Soo bax, na soo tus ninka kugu riday imtixaanka.” Wiilkii, waa soo kaxeeyey, waxa uuna keenay iskoolkii, waxa uuna tusay macallinkii. Labadii jirrida ahayd, ma wareysan macallinkiiye, isaga oo fasal hortaagan, bay baas qabadsiiyeen. Halkaasina ay macallinkii ku dhaaftay noloshii. 

Dhacdadan oo caan noqotay, waagaas ka dib, cidina ma aysan ku dhicin in ay riddo arday wax ka dhigta iskool ka mid iskoollada magaaladaasi iyo magaalooyinkii kale ee laga maqlay. Ilaa iyo haddana saamaynteedii waa ay sii jirtaa.

Markii la dilay macallinkiiba, wiilkii waa ka tagay iskoolkii, mid kalana kuma uusan biirin. Ayaan ka dib, waxa ku dhacay cudur. Waxaa jirkiisa ka soo daatay nabro waaweyn, oo cuncun siyaado ah leh, oo in uu is xoqayo mooyee uusan faraha kala bixi karin. Waxa sidaa oo kale misena ugu darmaday kulay iyo hur, isaga oo in uu 24-saac biyo isku shubo mooyee, uusan joogi karin. Si kasta inta ciddiisii yeeshay oo meel kasta geeyeen, bay caafimaad u waayeen. Markii dambe, sidii uu silicaas iyo saxariirtaas ugu jiray, bay adduun is daayeen.

Fg: Qoruhu uma arkin muhiim in uu sheego magaca magaaladaasi. Dadka ogaa ama ay soo gaartay oo garanaya goobta ay ka dhacdayna, muhiim ma ahan in ay faallada hoose ku muujiyaan, oo ay dadka la wadaagaan.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Fb: Facebook.com/snayruus 

2 comments: