Buugga koowaad: nin qoraa ah,
ayaa waxa uu buug ka qoray oday Soomaaliyeed (oo xog badan hayey) oo uu muddo
dhan ag fadhiyey si uu buggaas u dhammeeyo inta uu nool yahay. Buuggii ayuu
inta daabacay suuqa soo geliyey. Buuggii xiiso fiican buu yeeshay, macaamiil
badan oo odaygaas danaynaysayna waa uu helay.
Cajabta dhacday, isku qolo ma aysan ahayn ninka buugga
qoray iyo odayga laga qoray. Wiil iyo gabar uu
odaygaasi adeer u ahaa oo hanti haystay baa arkay buugga adeerkood laga qoray
oo, welibana si fiican u qoran isla markaasina la jeclaystay. Inta nuqul
buuggii ka mid ahaa qaateen bay inta waddanka Shiinaha ku soo badsadeen, dal
iyo dibedba ku firdhiyeen.
Qoraagii inta ka war helay baa
dood lagu riiqmay la galay. Kuwii daabacday waxa ay ku doodayaan: ma taariikhda
adeerkeen baad nagu haysataa. Buugga adeerkeen baa iska leh, maxaad ku leedahay
adigu? Jaldiga ayuu magacaagu ku qoran yahay, waana kuu dhafnay oo kamana
aannaan tirin. Isna waxa uu leeyahay: war buugga aniga ayaa ku feero jabay,
laba sanana ninkaas ag fadhiyey, ee buugga aniga ayaa lehe, adinku mid kale
qorta. Odaygii buugga laga qoray oo kala saari lahaa, sannad ka dib,
daabacaaddii buugga ayuu dhintay.
Buugga labaadna: sida la wariyey,
nin baa buug uu muddo qorayey markii uu dhammeeyey, isaga oo aan daabicin tii
Alle inta u timid, geeriyooday. Kolkaas uu buugga dhammeeynayey, waxaa uu la
noolaa ina adeerti laxmi ah, waxaana la joogay laba wiil oo ay dhashay oo uu
abti labaad u ahaa. Markii uu qorihii dhintayba, iyagii ayaa buuggii gacanta ku
dhigay. Inta magacyadoodii ku qorteen bay daabacdeen. Qoraha, nin ay qaraabo
yihiin oo ogaa in uu buuggaas qorayey, ayaa 10 sano ka dib ka warhelay buuggii
oo magaalada ku jira. Nimankii ayuu qabsaday. Ninkani waxa uu ku doodayaa, in
buuggaas uu leeyahay ninkaas qaraabada ay ahaayeen, nimankaanna ay daabacdeen
maadaama uu ninku la noolaa, iyaga keliyana ay hayeen asalka buugga. Kuwa
kalana waxay ku doodayaan, in iyagu ay qoreen buugga, abtigoodna uu ku saacidi
jiray qeybaha hore ee buugga, iyagana ay dhammaystirteen. Laakiin khaladka ay
sameeyeen uu keliya yahay, in ay ka tageen mahadcelinta abtigood, ayna ku darayaan
daabacaad soosocta. Halkaana waxaa qoorta isku la jira wiilal iyo abtiyaashood.
Ma tahay garyaqaan rabbi iyo
rasuul iyo rag yaqaana? Haddii ay jawabtu haah, talo ku biiri odayaasha gartaas
ku jira, aniga ayaa kaa gaarsiinayee. Haddii aad is leedahay dad kaaga
wanaagsan baa jira, sii gaarsii kuwaas.
Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
fb: www.facebook.com/snayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
fb: www.facebook.com/snayruus
Aad bay u mahadsan yihiin asxaabta talooyinka igu soo siiyey FB. Qofkii raba halkaan waa ku reebi karaa talada ama FB ga ayuu ku reebi karaa ama halka uu ka soo raacay.
ReplyDeleteMahadsanid,
Suldaan Nayruus