“Laabjabkii iigu horreeyey, waxa
aan la kulmay maalintii aniga oo jira 7 sano aan tagay iskool, markaas oo
ninkii maamulayey uu igu yiri: Maxaad halkaan ka soo doontay, maad birtiinnii
tumatid? Marka uu saas i lahaa, waxaa ag taagnaa macallimiin iyo dad kalaba,
kolkaas bay kulligood wada qosleen iyaga oo u muuqday in ay fekerkaas ku
raacsanaayeen!” Maxamed Xasan Cali Weji ayaa sidaas yiri, isaga oo sii daba dhigay, “Hadalka xun ee yasmada ah ee niyadda
dhaawaca, maalin weliba waan ku qoraacdaa, waana ku qadeeyaa. Waxa ahay
golqaniinyada jaahilka. Maalin kasta waxaa iga horyimaada 10 jaahil oo jirkayga
cad fuqsada.”
Maxamed Xasan
Cali Weji, waa aqoonyahan ka baxay jaamacaddii Lafoole, kuna takhasasay afka
Ingiriiska. Waa macallin ka soo shaqeeyey waxbarashada asaasiga ah ee dalka.
Waa wariye rugcaddaa ah oo ka soo shaqeeyey raadyow Muqdisho iyo Hargeysa. Waa
curiye caan ku ah hal-abuurka sheekooyinka gaagaaban. Waa qoraa soosaaray buug
uu ku aruuriyey sheekooyinkiisa gaagaaban. Si kooban, waa nin dadka iyo dalka u
soo shaqeeynayey muddo ka badan 40 sano.
Beesha uu ka
soo jeedo darteed, Weji, aqoontaas iyo adeeggaas ummadda uu u hayey kaga ma
uusan helin bulshada mansab, aqoonsi iyo ictiraaf. Iska daa taase, xitaa kaga
ma helo hadal fiican oo laabtiisa farxad geliya. Maalin waliba waxa uu la
kulmaa kuwa toos u dhahaya iyo kuwa gadaal kaga xamanaya erayga `boon` iyo
erayo kale oo ka sii liita oo lagu xaqirayo. Sidaas oo ay tahay, maalinna Weji
kama niyadjebin in uu dadkiisa iyo dalkiisa ugu adeego aqoontiisa iyo
waaya-aragnimadiisa.
Halyeygan,
kuwo aan garaad ku dhammayn, ka feker iyo aqoon yar, baa maalin kasta hela
mansabyo sare, sharaf iyo maamuus, oo weliba lagu casuumaa shirar iyo xaflado
sare; dal iyo dibadba, magacooduna meel walba gaaraa. Waxa heerkaas u
saamaxaya, waa beelaha awoodda haysta ee laandheerenimada sheeganaya ee ay ka
soo jeedaan.
Hadda ma tahay
xilligii aan odaygaas laabdhiqi lahayn oo, inta garka iyo gommadda qabsanno aan
ku dhihi lahayn: “Aabbe, aad baan uga xunnahay khaladkii naga kaa soo gaaray.
Aabbe, waan gafnee na cafi oo, naga raalli noqo.” Ma tahay wakhtigii aan
ictiraafi lahayn oo aan siin lahayn ʻbillad geesiʻ iyo ʻbillad sharafʻ oo aan ku
oran lahayn: “Aabbe, waad naga mudan tehee, qabso.”
Haddii uu
fekerkan kula fiican, fadlan qoralkan sii faafi si uu u gaaro qof kasta oo
Soomaali ah oo waxgarad ah, falcelis ku habboonna uu uga yimaado.
Waxaa qoray:
Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com
Fb: www.facebook.com/snayruus
E-mail: nayruus@gmail.com
Fb: www.facebook.com/snayruus
(Muuqaalkiisa iyo hadalkiisii murugada lahaa hoos ka daawo)
Wixii feker ah, hoos ku reeb fadlan ama halka aad ka soo raacday.
ReplyDeleteMahadsanid,
Suldaan Nayruus
Horta waanka xumahay in la xaqiro aqoontiisa iyo kartidiisa iyadoo qabiilkisa loo sababaynayo
ReplyDeleteKa raali noqo baanu leenahay inta waxma garatada ah gefkooda
Lkn ma qabo in shaqsi la dhaho gadhka iyo gomoda hala qabsado
Billad waa la gudoonsiin kara lkn gadh iyo gomoda maya