Waa baa waxaa jiri jiray,
wiil iyo gabar muddo dheer oo ay isjeclaayeen ka dib, go’aan ku gaaray in ay
isguursadaan. Kolkii ay inta ismehersadeen, loo mashxadaray, ayey horay ka aqal
galeen. Waa lammaane isku oommanaaye, waxa ay isla qaateen in, ilaa bil, inta
ay ruuxaanta ku kacsan iska cuudinayaan, aysan aqalka qofna ka furin - xitaa
haddii ay waaliddiintoodii yihiin.
Iyaga oo sidii isugu
hawllan, baa toddobaad ka dib, waxaa la soo garaacay hoygii. Wiilkii baa inta
booday, waxa uu ka fiiriyey daldaloolka albaabka dadka soo gaaracaya, mise waa
labadiisii waalid. Isla markiiba waxaa ku oo dhacay ballantii isaga iyo
xaaskiisii dhex martay ee ahayd, in aan guriga cidna laga furin, inta muddadaas
la iska boganayo. Iyaga oo albaabkii garaacaya, ayuu inta ka soo laabtay, u
yimid xaaskiisii. Inta u sheegay cidda illinka taagnayd, ayuu baalka ka sii
galay.
Shan beri ka dib ayaa misena albaabkii la soo garaacay. Gabadha oo kolkaas ardaaga taagnayd, ayaa inta aadday ka fiirisay baqbaqa albaabka dadka soo garaacaya, mise waa labadii dhashay. Axdigii ayey soo xasuusatay. Waa heshiis adag oo ay la gashay seygeedii ay jeclayd, iyada oo weliba ogayd sidii uu inta wacadkii u oofiyey, uu waaridkiis illinka uga furi waayey. Gabadhii beerkaa balbalay, waxaana ku adkaatay in ay dhageysato waalidkeed. Iyada oo weli taagan, ayaa waxaa ku soo baxay ninkeedii, kolkaas baa inta illini ka soo daadatay, ku tiri seygeedii, “Qaali, hooyo iyo aabbe ayaa bannaanka taagan, mana awoodo iyaga oo albaabka taagan in aan ka furi waayo…” Iyada oo hadalka ku jirta baa waalidkii albaabka mar kale garaaceen, markaas baa iyada oo aan jawaab ka sugin seygeedii, inta ay laabdillaac la joogi weyday, albaabkii fag ka siisay. Inta ku boodday ayey inta - labadiiba - mid kasta labada dhaban ka dhunkatay, soo gelisay minankii. Inta meel harac ah fariisisay ayey biyo qabow u keentay, isla jeerkaasina ku qaabishay weji jeceyl iyo jamasho mug buuxisay. Wiilkii intaas waa eegayey. Arrintaas kala ma hadlin, waana isaga aamusay.
Gabadhii, waayadiiba waa
uureysatay, waxa ayna ku curatay wiil. Seygeedii waxa uu u qalay wiilkii laba
neef oo ari ah oo walqal ah. Laba qooroole kale ayey ku xijisay, isla sidii oo
kale, laba neef oo ari ah buu u gawracay. Waxa ay ku saddexeysay gabar,
markaas buu waxa uu u qalay 20 neef oo ari ah iyo 10 neef oo ishkin ah (5 lo’
ah iyo 5 geel ah). Waxaa uu isugu yeerey walqalkaas 500 oo qof. Arrintaan baa
lala yaabay, sababta uu wiilasha, mid kasta laba neef ugu bireeyey, gabadhaanna
uu waqdhaacdan iyo Alla berigan weyn ugu sameeyey. Gunaanadkii xafladda ayaa la
weydiiyey ujeedka, kolkaas buu ugu jawaabay hadal dadkii meesha fadhiyey aysan
fahmin markaas, laakiin, waa dambe oo ay qisada fahmeen ay garteen, oo ahaa,
“Waa gabadhii albaabka iga furi lahayd!”
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Fb: facebook.com/snayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Fb: facebook.com/snayruus
Wixii faallo ah halkan iigu reeb ama halka aad ka soo raacday.
ReplyDeleteMahadsanid,
Suldaan Nayruus
Masha Allaah waasheko
DeleteRunti xigmad kufadhida
Sheekoyinka noocasa waakahela wll nooso kordhi
Alle caqliga haku barakeye
Wlhi waa aheeko aad u mugweyn
ReplyDeleteMahadsanid walaal.
DeleteWan ka haley sheekadan wana la dhacey , inbadn wan soo dhaweynayaa sheekoyinka noocan ah oo xiisaha badan ,adne wad ku mahdsanthy wll
ReplyDeleteMahadsanid walaal.
DeleteWaa sheeko xigmad xambaarsan wax badana aan ka faaiidey mahadsanid ustad suldan nayruus
ReplyDeleteMahadsanid walaal.
DeleteWalaal guulayso waa sheeko cajiiba runtii meel la tuuro ma leh. mahadsanid
ReplyDeleteMahadsanid walaal.
DeleteWaxay muujinaysaa inay gabdhuhu ka nugul yihiin wiilasha.
ReplyDeleteMahadsanid walaal.
DeleteMaasha Allah waa sheeko xikmad badani ku jirto
ReplyDeleteWaxana laga faa'iidayaa inay gabdhuhu aad unaxariis badan yihiin
Mahadsanid walaal.
DeleteMasha Allah waa shego macno xanbaar'san waa kaga mahadcelineynaa la wadaagida aa nala aragtay
ReplyDeleteMahadsanid walaal.
DeleteMhdsanid suldaane 👍
ReplyDeleteAdiga ayaa mudan walaalo.
DeleteWaxaa laga qaadan karaa labo arimood.
ReplyDelete1. In gabdhuhu ka beer jilucsan yihiin raga.
2. In ninku ogaa sidii uu kusameeyey labadiisi waalid sidaas si lamid ahna uu ka filaayo in wiilashiisu kusamayn doodanaab ilaa waalidka wixii lagusameeyo ayaa ubadka laga fishaaye.
Masha Allahu. Aad baad ugu mahadsan tahay fahamkaasi walaalo.
DeleteMashaa allh wa xigmad muhiim aH
ReplyDeleteMnsha allah wllhi waa sheeko aad u xikmad badn waaand mhdsnthy
ReplyDeleteMassengerka ayaan kasoo raaacay
Mhdsanid