Sunday, November 11, 2018

QORAAGII QABIILKU GARABGALAY


“Gob ninkaan ka dhalan ciilku, waa isaga gaboobaaye”


2014kii ayey ahayde, goor galab ah baan aniga oo fadhiya hoteel Xamar ku yaalla oo meel shaah ku cabbaya, waxa ay gabaru iigu timid miiskaygii. “Walaal isma naqaanna e, waxaa la i yiraahdaa Sahro, wiilal halkaas fadhiya baa ii sheegey in aad qoraa tahay, marka warqad casuumaad ah baan doonayaa in aan ku siiyo oo ku saabsan xaflad buug lagu daahfurayo berriba isla hoteelkan, gaar ahaan hoolkaas naga soo horjeeda.” Maxaad iga taqaan. Waa hawlaheygiiye, inta istaag ku qaabilay baan ka qaatay warqaddii, una mahadceliyey inanatii.
Xafladdu subax bay ahayde (9:00 AM) inta isa soo diyaariyey baan xilligii ka hor, hoteelkii imid. Hoolkii waxa aan ugu imid gabadhii warqadda casuumaadda i siisay iyo qoraagii oo, tobaannaan kartoon oo buug ah inta meesha soo dhoobay, nuqullo miisas ku sii sharraxayey. Inta qoraagii is barannay baan shaqadii wax ka galay, aniga oo ka codsaday qoraagii in uu shaqadan noo daayo aniga iyo gabadha, bacdamaa uu aad labbisnaa oo aan u diiddanaa dhidid iyo daal, inta nastana uu ka sii fekero, waxa uu martida u sheegi lahaa. Aniga iyo gabadhii ayaa dusha saarannay hagaajintii buugta iyo iibintoodiiba.
Sidii hadba qof u soo galayey, 10:30 AM, goobtii waa la soo buuxiyey. Weliba waxaa timid in ka badan intii loogu talagalay. Hawshii waa bilaabatay, qoraagiina si fiican buu buuggii uga sheekeeyey. Markii ay qudbadihii dhammaadeen, dadkiina ka waraabeen sharaab kala duwan, ayaa dadkii qof qof u bexeen. Dhawr ruux oo nagu soo leexatayna, buugtii ayey inta kor u qaadqaadaan oo, dhugdhugtaan bay si aan maamuus lahayn isaga dhigayeen. Subaxdaas waxaa gadantay 5 buug oo aan anigu mid iibsaday.
Dhallinyaro badan oo qoraalka ku soo biiray, waxa ay marka hore aaminsanaayeen in buugta lacag looga dhargo, markaas bay inta buug qoraan oo, wax badan ka soo daabacaan, suuqa soo geliyaan. Waxa ay kolkaas la kulmaan, sida ay filayeen wax aad iyo aad uga duwan. Qoragani dhallinyaradaas buu ka mid ahaaye, 500 oo nuqul oo uu keenay, waxa uu ku hanweynaa in aanan xabbad laga tageyn, laakiin markii uu arkay dadkii oo sii yaacaya iyo buuggii oo kam la dhihi laʻyahay, inta hoos ka xanaqaay, baa waxaa mar ka soo fakatay, “Nacallaa isirkiinna ku yaal, war wuxu gunsanaa!” Markii la kala tagay baan buugtii inta la xammaalay, misena u sii laabqaboojiyey qoraagii. Waxa uu ii sheegay, in dhibka ugu adag uu ka haysto sidii uu u bixin lahaa lacagta deynta ah ee uu buugta ku soo daabacay, tii kirada hoteelka iyo sharaabka iyo weliba middii uu warbaahinta siiyey. Aakhirkii, inta qoraagii saaxiibnay oo xiriirrada kala qaadannay, baan inta maalintaas kala tagnay, waxa aan waayo lahayn kulammo joogta ah iyo miis-wada-fariisi.
Maalin maalmaha ka mid ah, baa sidii uu qoraagii u fekerayey oo uu talo u gorfeynayey, waxa mar ku soo dhacay in uu qabiilkiisa ka wardoono, bal in uu tabantaabo ka helo uu isaga bixiyo qaanta faraha badan ee uu galay. Odayaashii cidda ugu waaweynayd buu galab inta meel isugu keenay, inta afka qabiilka lagu la hadlo kula hadlay, uga sheekeeyey dhibka soo gaaray. Waxa ka mid ahaa hadalladii uu ku yiri, “Tolow, waxa aan ahay nin aqoonyahan ah oo jaamacad sare ka baxay. Waxa aan ahay qoraa soosaaay buuggan aad arkaysaan ee cajabta leh. Waad ogtihiin oo, nin buug soosaaray ma ahan nin sahlan. Markii aan buuggan qoray baan waxa aan u sameeyey daahfur. Waxa ka soo qeybgalay dad gaaraya 700 qof oo Soomaaliweyn ah. Dadkii xabbad buug ahna waa iga iibsan waayeen. Illeyn ma fahansanayne, qareyaashu kolka ay buug bandhigayan qabiilkooda ayey ku casuuntaan, iyaga ayaana ka iibsada. Dadkii inta i garan waayeen bey iga kala tageen. Tolow, lacag deyn ah oo 5000 Dollar ahna waa iga gashay, buuggaygiina cid qaadata waan waayey. Tolow, sida qoreyaasha kale ee facayga ah loo tabantaabiyo – kama qabiil xumiye - ayaan doonayaa in aad i garabgashaan.” Dhawr oday oo hadalkii iska dabagashay ka dib, waxaa qoraagii iyo buugtiisiiba la ballamiyey maalin Khamiis ah oo ay markaa ka dhimmanayd saddex cisho.
Qoraagii, Khamiistii buu tagay isaga wada buugtii oo dhan halkii lagu ballamiyey. Waxa uu tagay iyada oo ay sugayaan odayaashii iyo niman kale oo ganacsato u badnaa. Odayaashii ayaa ka codsaday in uu mar kale ku celiyo warbixintii iyo codsigii uu jeediyey darraad tii ka horreysay. Sidii iyo si ka qurux badan oo hab qabiili ka muuqato ayuu misena u jeediyey hadal inta u dusay qaluubta qabiilkii, aad u ruxay. Inta maantaas la qiirooday baa waxaa loo ballanqaaday $ 5000 ee gashay iyo $ 2000 oo abaalmarin ah. Waxaa kale oo loo ballanqaaday in Master laga bixinayo, waddanka uu rabana la geynayo. Asbuuc ka dib, qoraagii waxa uu helay $ 7000. Sannad ka gadaalna, waxaa uu u dhoofay waddanka Maleeshiya oo uu Master u aaday.
Maantii uu lacagta helay baa qoraagii oo faraxsan ii yimid oo ii warramay. Baashaal iyo damaashaad baan galnay oo ayaan dhan baan buubuur hadba magaalada gees ula xiimaynnay.

Waayahaas baan qoragan ka xafiday, meeriskan hoose oo ku jiray gabay dheer oo uu horay u tiriyey gabyaa Soomaaliyeed: 

“Gob ninkaan ka dhalan ciilku, waa isaga gaboobaaye”


Waxa qoray: Suldaan NayruusKala xiriir: nayruus@gmail.com
Fb: www.facebook.com/snayruus

1 comment:

  1. Wixii tacliiq ah ama halkan ku reeb ama halka aad ka soo raacday.

    Mahasanid,

    Suldaan Nayruus

    ReplyDelete