Saturday, December 29, 2018

QUDBASIRADII UGU XEESHA BADNAYD (Akhriso sirtaan in aad talo ka heshaa laga yaabaaye)

Beri baa waxa uu jacayl xad dhaafa dhex maray wiil iyo gabar. Wiilka iyo gabadha oo aad u jantay in ay nolosha wadaagaan baa waxa ay muddo ka fekerayeen sida ay ku suurogeli karto in ay isguursadaan. Dhibka ugu weyn ee jiray ayaa ahaa: Wiilku waxa uu ahaa sabool calaacalo fidsan. Odayga gabadha dhalayna waa nin gabadhahiisa ka ganacsada. Tan tii ka weynayd oo uu sannadka ka hor markaa bixiyey, waxa uu ka qaatay 15 helaad oo geel ah iyo qori Qalcadde ah oo baaggiisii oo buuxa wata. Waa la yaqaannaa oo, ma haweysto gabdhihiisa quruxda badan nin uusan kadin geel ah guriga u fadhin ama aan kala rogeyn lacagta uu ku sawiran yahay odayga bidaarta leh.
Wiilkii iyo gabadhii - gorfeyn dheer dabadeed - isla qire in aysan doonidi warkeed jirine, waxa la iska qaatay in la is meherxado. Laakiin, haddana culays weyn ayaa wiilkii soo foodsaaray. Si kasta inta yeelay ayuu muddo soo qaban waayey lacag uu ku masaafaysto. Meeshu ma ahan Xamar oo kale oo bas la iska qabsado iyo culimo inta aadan gaariga ka dagin kugu soo kala ordaysa oo is fallisaysa e, waa degmo marka cid la samaafaynayo loo baahan yahay gaari ingeer ah oo waddo bacaad ah qaadaya oo sii socod iyo soo socod la kiraysanayo iyo sheekh iyo shuhuud sannadkii qof soo maro oo hawshoodu cirkaa marayso!
Wiilka oo gabadha u baahan, intaas oo caqabadoodna hortaallo, ayaa muddo dhan oo uu tolo rogrogayey, waxaa u soo baxday xeel aysan qarash uga baxayn oo uu gabadha ku meherxadi karo. Waxa uu soo ogaaday in odayga qaraabo badan ay dibedda u jirto oo uu lacago ka helhelo. Waxaa kale oo uu soo helay in ay jiraan shirkado xawaaladeed oo aan deegaanka laamo ku lahayn. Inta laf cusub soo furtay, ayuu odaygii gabadha dhalay soo wacay. “Soo Sawrac Cadceed ma ahan?” ayuu weydiiyey. “Adeer waa isagiiye maxaa jiray?” ayuu odaygii ku jawaabay. “Adeer waa shirkad heblaayo, waxaa kuu taalla 500 Doolar, ee haddii aad joogto magaalo heblaayo, noo imow hadda.” Ayuu ku yiri. “Adeer magaaladaasi ma joogo ee waxaan joogaa magaalo-hebladaas kale” ayuu odaygii yiri. Wiilkii ayaa markaas ku yiri: “Adeer magaaladaasi kuma lihin laan, si kalana kuugu ma soo diri karna e, berri fadlan gaari soo raac oo noo imow.” Oday lacag loo sheegay maxaad ka taqaan? Isla markiiba waa aqbalay. Subixiiba gaari xammuul ah oo magaaladaas u socda ayuu dhakada ka fuulay. Markii uu magaaladii tagay ayuu odaygii lambarkii soo wacay, oo yiri: “Adeer waan imide, halkee xaruntiinnu ku taallaa?”
Kolkii uu wiilkii ogaaday in uu odaygii gaaray magaaladii oo masaafadii uu rabay jirta, ayuu inta laftii iska tuuray, gabadhii oo uu horay hawsha ula socodsiiyey inta u yeertay, niman uu diyaarsaday isla magaaladii isku meheriyeen. Odaygii sidii uu magaaladii u wareegayey, talaa ku caddaatay oo waa isaga soo laabtay.
Lix bil ka dib, odaygii waxa uu ka war helay gabadhii oo uur la tiicaysa. In kasta oo uusan odaygu ogaan shaxda loo dhigay, haddana goglo badan iyo xaal iyo u soo hoyasho ka dib, isagii ayey noqotay in uu aakhirkii gabadhii wax ka dhiso.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Fb: facebook.com/snayruus

3 comments:

  1. Wixii talo ah halkan iigu reeb ama halka aad ka soo raacday.

    Mahadsanid,

    Suldaan Nayruus

    ReplyDelete
  2. Waa sheeeko aad u xiiso badan, waxaanba ka cabsi qabaa in aan practic u sameyno Suldaanoow. Kkkkkk

    ReplyDelete