Saddex haddii ay tahay
gabadhu ninkeeda ayey ku dhibaysaa:
1. Haddii ay tahay geesiyad
2. Haddii ay tahay aftahan
3. Haddii ay tahay deeqsiyad
1. Haddii ay tahay geesiyad
2. Haddii ay tahay aftahan
3. Haddii ay tahay deeqsiyad
Haddii ay tahay geesiyad, ninkeeda bay ku dhibaysaayoo, maalinta ay isku dhacaan ayey inta middi qaadato rubadda ugu shubaysaa, illeen waa naag geesiyad ahoo aan libiqsanayne. Imisa ayaad maqashay naag ninkeedii rubadda goysay ama xubinta taranka ka jirtay ama naafo ka dhigtay ama biyo inta u karkarisay gebigiisoo oo dhan wada gubtay? Waa naago geesiyaal ahaa.
Haddii ay tahay aftahay,
mar kasta oo reerku talo u baahdo, aftahannimadeeda ayey kugu marsiinaysaa waxa
ay rabto. Taas waxaa ka daran, maalinta aad is qabataanba - waa naag ishubta e
- gogol bay dhiganaysaa, kolkaas bay inta afkeeda maasho oo meel cad ku
qaadsiiso, xaal lagugu xukumayaa.
Haddii ay tahay
deeqsiyad, reerka waxba u dhigmi maayaan. Wax kasta oo aad keentid, qof ugu
horreeya ayey siinaysaa. Waa la jeclaanayaa markaasi illeen waa naag deeqsiyad
ehe, kolkaas baa gurigii waxa uu noqonayaa goob qof kasta weelkiisa u soo qaato
iyo meel ummadi dhooban tahay. Taas waxaa ka daran, magacaaga ayaaba lumaya, oo
guriga waxaa loo aqoonsanayaa gurigii heblaayo.
Sidaas darteed, waa in
gabadhu:
1. Geesinnimo kala mid tahay Cigaal Shiidaad
2. Aftahannimo kala mid tahay dhallaanka
3. Deeqsinimo kala mid tahay biisadda
Waxaa qoray: Suldaan
Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Wixii faallo ah halkan iigu reeb ama halka aad ka soo raacday.
ReplyDeleteMahadsanid,
Suldaan Nayruus