Wednesday, January 9, 2019

NIN U DHINTAY SHARUUR UU BIXIN WAAYEY DARTI


Beri baa waxaa dhacday, nin ay dawladihii ku-meelgaarka ahaa mid ka mid ah u magacowday guddoomiye degmo, in ay la soo xiriireen xoogaggii Muqaawamada oo markaasi itaal roonayd. Waxaa ay ninkii ku dheheen, “Haddii 24-saac gudahood aadan is casilin oo aadan weliba iscasilaaddaada warbaahinta ka sheegin, adaa cirka roob ku og.”

Ninkii waa baqay, waana ogaa in haddii ay Muqaawamadu soo wacdo uusan geedo dambe calalinayn, oo horay buu u arkay, rag sidaas oo kale inta la soo wacay oo dhego-adaygey, aakhiro loo taxaabay. Kolkii uu farriinta helay, saacado yar ka dib, waxaa uu isugu yeeray wariyeyaal dhowr ah, markaas buu qabtay shir jaa’id oo uu isaga casilayey jagadii loo magacaabay.

Markii uu shirkiisii jaraa’id dhammeeyey, baa wariyeyaashii waxa ay weydiiyeen Sharuur (Oo ah lacag ay wariyeyaashu ka qaataan dadka ay wareystaan ama shirarka qabsada). Markaas buu ninkii inta cataabay, waxa uu wariyeyaashii ku yiri: “Walaalayaalow, hadda wax lacag ah ma heli karo Wallaahi, in aan noolaadana waxaa ka dhimman saacado yar e, in aan warbaahinta casilaaddayda ka sheegana shardi baa la iiga dhigee, fadlan waa idin baryayaaye, warkaan ii sii daaya.” Wariyeyaashii uma aysan jixinjixine, waxaa ay mar labaad ku dheheen, “Walaal, Sharuur la’aan warkan lama sii deyn karo.” Waa nin geeridiisa loo sheegaye, isaga oo murugeysan buu mar kale ku yiri, “Walaalayaalow, xitaa i deymiya oo, maalin kale ii qabta, aan lacagtaas ku keeno.” Inta madaxa warwareejiyeen bay u sheegeen in warkiisa aysan Sharuur la’aan sii deyn karin.

Muran iyo baryo badan ka dib, wariyeyaashii waa ka tageen ninkii, warkiisana lama baahin.

Nasiibdarro, waxa maalin ka dib la baahiyey, dilkiisii oo aysan wax Sharuur ah ku qaadan wariyeyaashii iyo idaacadihii baahiyey.

FG: Qeyntan yar ee qoraalka, waxa aan ka soo qaatay, buugga "Warsame iyo Wariyenimo"

Waxaa Qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
fb: www.facebook.com/snayruus

3 comments:

  1. Wixii faallo ah halkan iigu reeb ama halka aad ka soo raacday.

    Mahadsanid,

    Suldaan Nayruus

    ReplyDelete
    Replies
    1. Waa qiso dulucdeeda wadata kana turjumaysa Awooda saxaafadii hore iyo ta maanta

      Delete
  2. Waa arin layaab leh maanta qof ayaa u dhimanaya kabo biyo ah

    ReplyDelete