Monday, January 28, 2019

WAR YAA TOL AH OO REER HEBEL AHEEY!

Magaalo Joogis Bay Kaa Rabtaa


Shalay galab ayaan waxaan soo raacay Bajaaj. Waxaa waday Bajaajtaasi nin garmadow ah oo markaasi jaad takhsiinnaa. Ka warrama haddii ay ishelaan nin war jecel iyo nin marqaansan? Sheeko qiso iyo qosol isugu jirtay ayaannu dhex dabaalannay. Annaga oo ay noo baxayso ayaa waxaa gadaal nooga yimid gaari Cabdibile ah oo ay ku dhoobnayeen askar hubaysan. Haddii aad Soomaaliya joogto, ma Cabdibile ayaa la hor socon karaa? Marka hoonkiisa la maqlo ayaa la kala haadaa! Cabdibilihii foori ayuu intaa nala dabajoogaa, annaguna lama soconno oo adduun kale ayaannu ku jirnaa. Sidii uu noo daba socday oo uu sheellare iyo hoon isugu darayey, qolo kale ayaa inta meel uu maro siisay, ayuu inta xiin nagu dhaafay, jidkii bartankiisii noo istaagay.

Maxaa dhacay?

Hal mar baa waxaa Cabdibilihii ka soo daatay 11 askeri oo qoryahoodii oo dhegta ka jarantahay la soo booday. Waxa ay doonayeen in ay feer iyo laad iyo bugayn kala daalaan darawalka Bajaajta. Waa nagu yimaadeen, kolkaas baa kii ugu horreeyey ninkii shaatiga inta qabtay oo uu baad ku dhuftay ʻsoo dego najisyahow najisku dhalay` yiri. Ninkii markii uu arkay meesha xaal marayo, ayuu waxa uu isla markiiba ku dhawaaqay, “War yaa tol aheey, war yaa reer hebel aheey!” Nimankii soo yaacayey, intoodii badnayd isla markiiba gadaal bay u hakadeen. Ninkii shaatiga ku dhegganaa ee mar quriga ku dhuftayna, mid baa inta ku soo haaday oo gacanta ka qabtay, ku yiri, “War bal sug, …, waryaa soo ninka ma aragtid, waa in oday ah oo masʻuul ehe, sideed ula dhaqmaysaa?” War yaanan kugu daaline, ninkii waa la raalligeliyey waxaana xaalmarin loo siiyey qeyb qaad ah oo ah waxa ugu qaalisan, waxa ay malleeshiyo bixiso.

Ninku qoladu uu sheegtay ma ahaa?

Markii ay nimankii naga tageen baan ninkii isaga oo qoslaya waxa uu hadal iiga bilaabay, “Magaalo joogis bay kaa rabtaa.” Inta yaabay ayaan waxa aan weydiiyey, waxa uu ka wado. Waxa uu ninkii ii sheegey in uusan ahayn qolada uu ku hayey ʻyaa reer hebel aheey. Isaga oo hadalkii ii wada ayaa waxaa uu igu yiri, “Saaxiib, waxa aan kala bartay lahjadaha ciidanka Faradheerta, marka hadba qoladii igu aabyoota, marka aan lahjadooda dareemo ayaan u habarwacdaa qolada aan u maleeyo. Waana ku faa`iidaayoo, waatan aan haddaba kaga badbaaday, kuna helay jeex jaad ah.”

Magaalo joogis bay kaa rabtaa


Ninkaasi, waxa aan siiyey lacagtii aan kula soo heshiiyey maantaas laba jibbaarkeed, sababta oo ah; waxa aan ka bartay xikmaddan ʻ Magaalo joogis bay kaa rabtaa. Insha Allahu, waan ku dhaqmi doonaa hadda kabacdi.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus      
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb: facebook.com/snayruus
 


1 comment:

  1. Wixii faallo ah halkan iigu reeb ama halka aad ka soo raacday.

    Mahadsanid,

    Suldaan Nayruus

    ReplyDelete