Maalin dhaweyd baa waxa aan helay
nin aan muddo goobayey, oo hadba ballan inta wada dhiganno aan is heleeli weyno.
Markaas aan is helaynnay, dad buu qaabilayey. Markii ay qaabilaaddii u
dhammaatay, ayuu inta ii yeeray, waxa uu igu yiri, “Walaal, siyaasi baa ii
yeerayey, ee kaalay horay ii sii raac, inta aan sii soconnana aan sheekaysanno,
marka aan ka soo dhammaadana, aannu si fiican wakhti is kugu helnee. “Haye,”
baan iri. Is raacnay. Waxa aan aragnay siyaasigii oo rag badan la kulansan.
Siyaasigii markii uu indhaha naga qaaday, buu yiri, “Kaala soo fariista.” Ninka
aan la socdo iyo siyaasigu waa isku reero. Ragga siyaasiga la fadhiyey oo
dhanna waa isku qolo. Siyaasigu marka uu noo yeerayey, waxa uu anna ii
malaaynayey in aan ahay dhallinyarada beesha. Kan aan la socdo, wuu i reebi
lahaa, haddii uu ogaan lahaa in ragga la fadhiya siyaasiga ay tolka wada
yihiin, ama uu garan lahaa mawduuca laga hadlayo. Sidii aan u soconnay baan la
fariisannannay.
Maxaa laga hadlayey?
Siyaasigu waxa uu ka hadlayey
doorashada mustaqbalka ee ʻqof iyo coki ah, sidii la yeeli lahaa iyo qaabkii beesha cido
kale loogu soo biirin lahaa. Siyaasiga iyo laba nin oo kale, ayaa soo hadal
qaaday hawlo ay waayadan ku mashquulsanaayeen oo ahayd, beelo ay soo heleen oo
beeralay u badnayd oo aan tiro yarayn. Odayaasheedii beelahaasi waxa ay isla
garteen, in qabiilkan lagu daro. Waxaa kale oo ay sheegeen, in beel kale ay ku
raad joogaan, oo wax u dhawdhaw yihiin. Midda ugu yaabka badnayd ayaa ahayd,
nin ka mid ah raggii ayaa yiri, “Ilma adeerrayaalow, jifadayda ayaa laangaab
ah, waan idin baryayaaye, beelahaas jilibkayga ha lagu kaabo!” Gebagebadii
waxaa la isku afgartay, in la sameeyo abtir iyo halka beelaha soo socda laga
gelin lahaa beelweynta iyo sidii loo qeybsan lahaa dhaqaalihii dadkaas wax
loogu qaban lahaa iyo wakhtiga shirarka la bilaabayo.
Ninkii aan la socday, intaas hoos
buu ka gubanayey, waana dhididayey, waxa uuna ka xumaa in aan hawshaas wax ka
ogaado. Markii la dhammeeyey, isaga iyo siyaasigiina ballameen, ayaan, markii
aan soo baxnay, waxa aan ku iri, “Saaxiib, ha u bixin, Maryoolay oo dhan baa
sidan wada ahe, anina afkayga warkaas oo mutaxan laga maqli maayo e.”
Siyaasi dhexgalay qabiillada
cadcadka ee Muqdisho
Siyaasi ka mid ahaa siyaasyiintii
aad iyo aadka ugu soo caanbaxay dawladdii Xasan Sheekh, ayaa waxaa uu dhexgalay
beelaha cadcadka ee Xamar deggan. Siyaasigan oo ka soo jeeda qabiil tiro yar
(laakiin siyaasad ahaan saameyn leh), ayaa shaqo dheer ka dib, soo helay qolo
cadcadka Xamar ka mid ah oo aysanba u ekeyn Faradheerta uu ka soo jeedo,
kolkaas baa – wadaxajood ayaad qaatay ka dib - waxaa la isla gartay in ay soo
kala lumeen waa hore, oo odayga AXMED ah ee ay ku abtirsadaan uu ka soo lumay,
oo cadcadka inta dhexgalay ka guursaday oo sidaas ku farcamay. Arrintan laba
faaʻiidaba waa yeelatay: Siyaasigiina beel dhan ayuu helay uu
qoladiisii ku biiriyo, qoladiina waxa ay heshey abti dhaafsiisan “Reer Axmed”.
Madaxweyne naclad iyo habaar la
isugu daray
Hadda ka hor baa aniga oo fadhiya
hoteel, waxaa gadaashayda fariistay, niman odayaal ah oo isku reer ahaa. Sidii
ay u sheekeysanayeen, ayaa sheekadoodii soo gashay Awoodqeybsiga Siyaasadda Soomaaliya.
Waxa ay uga xumaayeen awoodqeysigaas, waxa ayna aaminsanaayeen in ay xaaraan
tahay oo ay ku dulman yihiin, oo beelo badan oo hadda kuraas haysta aysan
mudnayn.
Laba nin oo odayashaas ka mid
ahayd, ayaa waxa ay ka warrameen, in hadda ka hor ay la kulmeen madaxweyne ay
isku hayb ahaayeen oo ka mid ahaa kuwii hore (Aadan Cadde, C/rashiid iyo Siyaad
Barre). Waxa ay u sheegeen in ay hayaan shan beelood oo aan abtir dheer lahayn,
diyaarna u ah in ay qabiilka ku soo biiraan. Marka ay macluumaadkii siiyeen,
baa isla markiiba war degdeg ah u yimid madaxweynihii, kolkaas buu, isaga oo
aan u jawaabin, waxa uu ku yiri, “Maalin kale ii kaalaya.” Nimankani, waxa ay u
qaateen in uu madaxweynuhu arrintaasi raalli ka yahay, markaas bay isla
markiiba bilaabeen in ay beelihii abaabulaan, una sameeyeen abtirro iyo meelo
ay kaga arooraan qabiilka, iyaga oo ballanqaadyo hormarineed iyo mid dhaqaalena
u samaynayey.
Maalin kale ayey madaxweynihii la
kulmeen, markaas bay u tebiyeen, in ay qabiilladii soo diyaariyeen.
Madaxweynihii nimankii waa la yaabay, dood dheer baana dhex martay. Aakhirkii,
madaxweynihii arrintaasi waa ka diiday, isaga oo sheegey sababo ay aad uga
xumaadeen nimankii. Markaas bay, iyagiina, inta niyadjabeen, ka dhuundhuunteen
qolyihii oo maalin walba la soo xriirayey; maadaama aysan u samayn karin
ballamihii ay ka qaadeen.
Odayaashii waxa ay sheegeen,
qolyihii waagaas uu madaxweynuhu ka diidayey, in ay maanta, laba jeer ka
xildhibaanno iyo wasiirro badan yihiin qabiilkii ay diyaarka u ahaayeen in ay
ku biiraan, haddana, saddex ka mid ah ayba yihiin qabiillo tiro iyo taagba leh.
“Maanta haddii ay qabiilka ku jiri lahaayeen, xildhibaannadaas iyo
wasiirradaasi qabiilka ayey ahaan lahaayeen, “ ayaa la is yiri. Mid ka mid ah
raggii waagaas lahaa taladaas, ayaa inta madaxa luxay, waxa uu yiri,
“Madaxweyna hebalow, ilaahay nacladdiisu kugu dhacday, oo godka lagugu cadaab,
taladaas haddii aad qaadan lahayd, maanta waxa dhacay ma dhaceen, oo Soomaali
badankeed, isku qabiil baan ahaan lahayn.” Kuwii la fadhiyey ayaa iyaguna
nacladdii iyo habaarkii la jiibiyey.
Arrintani ma dhaqan cusub baa?
Arrintani ma ahan dhaqan cusub,
waxa ay soo bilaabatay 60kii, xilligii doorooshooyinka qof iyo codka ah jireen,
waxaana jiray qabiillo siyaasiin cod doon ah ay ku biiriyeen qabiilkoodii, oo
ila hadda ku jira, qaarkoodna ayba noqdeen laandheeraha qabiilladii lagu
biiriyey. Inta la xuso, afar siyaasi oo keliya ayaa sidaas samaysay.
Hadda ma jiraan fursado?
Haddii ay dadku isla qaataan in
saamiqeybsiga 4.5 la baabiʻiyo oo dadka la isku tiriyo, dad
badan oo hadda xildhibaanno haysta oo uu saaciday awoodqeybsiga 4.5, ma heli
doonaan xildhibaano. Sidaas darteed, laangaab oo dhan waa hari doonaa. Laakiin
hadda fursado badan ayaa jira, oo lagu heli karo dad badan oo aan qaabiil ku
xirnayn, oo beesha lagu dari karo. Dadkaasi - haddii aad ugu kuurgashid - waxa
laga heli karaa meelo badan oo dalka ah. Waxa jira dad badan oo beeralay ah oo
haddii aad matoorro iyo cagafcagafyo u samaynaysid, laga yaabo in aad hesho.
Sidaas oo kale, waxaa jira tuulooyin u badan koofurta, oo haddii aad mashaariic
geyso, ku oggolaan kara. Waxaa iyana jira beelo aan ku qanacsanayn qabiilka ay
ku jiraan ee la yaso, oo haddii ay helaan qabiillada nasabka lagu sheego oo
diyaar ah, ku biiraya. Waxaa saas oo kale jira, beelo qabiillo ku dhex jira oo
qabiilkaasi uu ku sheego in aysan asal ahayn, oo reero kale ka yimaadeen,
kuwaasina, waa la heli karaa, haddii loo sheego in ay waa hore qabiilkiinna ka soo
dhumeen.
2021 ka wixii ka dambeeya, qabiil aan abtiris fog lahayn la heli maayo, ee hadda fursadaha ha la ga faaʻiidaysto.FG: Waxaa jira siyaasiyiin beelahooda ka soo dhex bixi waayey oo la shiiqiyey, kuwaasina, waxa ay haystaan fursad ay ugu biiri karaan beelaha kale ee ay siyaasiyiintu ku yaryihiin.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Wixii faallo ah halkan iigu reeb ama halka aad ka soo raacday.
ReplyDeleteMahadsanid,
Suldaan Nayruus
Suldaanoow makula tahay in soomlida qabiil ka dhamaanaa hadii aay dhacdo xataa qof iyo cod. Hadane dhamman asxaabta siyaasadda waxeey ku dhisantahay qabaa'il.
ReplyDeleteTalada aad soo jeedisay kuguma raacsani sulaanoow. Waayo maanta waxaa dalka u dadan dhalinyaro aan qabiil aqoon. Odoyaasha saas wax yeelaa ee marba cid ku daraa weey gaboobeeyn oo maanta ma talin karaaan wixii ka dambeyo 2021.
Waxaan jelaan lagaa inaad inaad wax ka qorto waxyaaha dhalinyarada dhiiri galinaaa.
Aad iyo aad baan kuu soo dhaweeynaa. Suldaan nayruus qoraalada waan aqriyaa waxbdn waan ka faa'iday.
Horay u soco.
Mahadsanid saaxiib sare.
DeleteQormo xiisa leh weeye, laakiin inkaaran
ReplyDeleteSuldan nayruus marka koobaad articalkaada xaqiiqada ayuu ka fugyahay mida labaad aniga ayaa kuu sheegi sida wax luuqo geesi noqo oo farta aadtaagtay sifiican kor ugu qaad oo xildhibanka xiliga xasan waa farah Abdiqadir reerka aad sheegayso ee reer aw xasan ayaa ka wadaa qooska aad sheegaysayna waxaa laga la dhahaa rer ahmed ahmed nuur laakiin sxb taariikhda dib u sax marka aad leedahay dadbaa abtir loo sameeyey waxaan filayaa waxba kama taqaanin systemka dhismaha qabiilada ma moodaa.hadii lafiiriyo hadalkaada in oo hawiyo yahay Aabo lagu abtirsada amaba darood yahay ama dirba Yahay.!!! Taasi sii faahfaahin maayo adiga laakiin dib isugo naqo qoraalkana kadaa maldahaad beeneedka
ReplyDeleteReer aw ahmed nuur sxb ma aha niman lagu soo direy reer aw xasan ee waliguud ayey reer aw xasan ahaayeen oo waliba xamar.weyne sanad kasta xuska sheikh xasan dhigi jiraan midka kala waa nimanka 75% boqolkii jaaliyahda rer aw xasan ee yurub iyo mareykanka 4.5 ka hur iyo waliba 2021 doorashadeeda sxb sidii aqoonyahanka u dhaqan waad mahdantahay dadbadana waan kuu hayaa laakiin intàasi ayaan ku gaabsanaa thanks sxb f.g ka fiirso waxaad qoreyso ee kadhalanka aflagaado iyo ku xadgudub nasab dadkale mahadsanid
Adeer aad baad ugu mahadsan tahay fekerkaasi.
Delete..... lkn beeraleyda inaad u geftay ma mooddaa?
ReplyDeleteHaday saas wax kusii socdaan soo idiinlama eka in soomali oo dhan isku soo biyo shubanayaan yacni isku soo darsami lahaayeen aakhirka
ReplyDeleteWa rajo aad uqurux bdn markaa sawiraneysid ��
Waa sida uu sheegay Hassan Osman anna markii hore waan fahmay meesha aad u socoto ee Reer Ahmed Nuur waa laf ka mid ah Rerow Hassan.
ReplyDeleteWakhtiyadii hore dadku yaraa somalidu sidan bay u dhaqmi jirtay horeyna isugu khaldameen .Waxayna u kala bixi jireen Kuwo si sax ah u abtirsada iyo kuwo deegaan ku ah
ReplyDeleteBeelaha Daarood beelihii deegaanka ku ahaa oo dhan way ku abtirsadeen sidoo kale hawiye beelo badan oo deegaan ku ah baa ku abtirsaday laakiin beelaha dir oo kale weli way kala soocanyihiin
Badanaana Beelaha waqooyi wali iskumay qasmin laakiin dad kii reer waqooyiga ahaa ee koon fur soo galay way ku qasmeen reer koonfurka Tusaale ahaan Waxa jiray Oday xasan la odhan jirey oo isaaq ah kaasoo yimi koonfur 400 oo sano ka hor ilaa hadana waqooyi dad uu dhalay degenyihiin si sax ahna u abtirsadaan .Shiikhaasoo Qisaduu ku tegey ilaa hada laga sheekeeyo iyo gabayaduu markuu socdaali doono sii tiriyayba xilayadaa oo somalida gabayaayadu ku yaraayeen . Markuu koonfur tegeyna wuu ku guursaday dadkii uu dhalayna waxay qaateen abtirsiin khaldan beeshaaso khaliya maahee beelo badan ayaa jira oo abtirsiin khaldan qaatay .Marka beelo badan oo maanta la yaqaan lama odhan karo waa isku asal ee waxa la odhan karaa waa urur ku heshiiyay inay nin ku wada abtirsadaan .Waxa khaliyee lagu kala sooci karo somaliduna Waa DNA Taasoo hadii runta la isla tago qaar badan oo qabyaalad umada ku wareeriyay ay cidlo u bixi lahaayeen.
ReplyDeleteMa reer aw xasan baad ula jeedaa
ReplyDelete