Tuesday, February 19, 2019

YAAN NASABDHIMMAN AH YAASE LAANGAAB AH? Xog aan maanta ogaaday!


Saaka waxa aan ka qeybgalay meher si heer sare loo soo agaasimay oo ka dhacayey mid ka mid ah hoteellada ugu sarreeya Xamar.

Yaa Is Mehersanayey?

Waxaa is guursanayey wiil ka soo jeeda qabiillada la takooro iyo gabar ku abtirsata qolooyinka laandheerenimada iyo gobanimada ku faana. Markii uu meherku dhacay, ayaa wiilkii salaan la dhexqaaday xididkii, kolkaas baa la arkayey odayaashii gabadha oo wiilkii gacantiisa aad u dhunkanaya, mid kastana cabbaar haysanayo. Waxaadba moodaysaa sida ay isugu dhadhajinayeen in uu yahay nin karaamaysan oo la barakaysanayo.

Markii la faataxaystay, ayaa wiilkii hoteelkii ka bixi waayey, sida nin walba uu tafta u haysto.

Muxuu Ahaa Wiilkaasi?

Wiilku, waxa uu ahaa wiil Farxiso ag taallo. Dubay ayaa waxa uu ku leeyahay ganacsiyo kala duwan oo ku xiran waqooyiga Ameerika ilaa Jayna.

Maxaa Ii Baxay?

Waxa aan ka bartay in fongorku, nasabdhimmanku iyo gunnimaduba ay saynta uga xiran yihiin xantiir aan shilin isku furan.

Ba`aa, war anaaba illoobaye, waa hore baaban ka bartay gabay uu tiriyey gabyaa Dhuurcas, oo ay ka mid ahaayeen meerisyadan hoose:   

Caku faramarnaan yaa nin rag ah, nacas ka fiicneeyey 
Yaa kaa fogoray aadanaha, kuna fadeexeeyey    
Yaa foolxumaan iyo ku baday, fiiro qaabdaran

Qof Kasta Oo Gobanimo Raba Maxaa La Gudboon?    

Taas akhristaha ma u daayaa, inta is weydiiyo ha faalleeyee?

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus      
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb: facebook.com/snayruus


1 comment:

  1. Wixii faallo ah halkan iigu reeb ama halka aad ka soo raacday.

    Mahadsanid,

    ReplyDelete