Dhibka
kala haysta xirfadlayda iyo looshaqeeyeyaasha!
LA: la qabso
KU: ku qabso
KA: ka qabso
Tusaale; ganacsade ama NGO-le ka dhex waayey qaraabadiisa qof leh xirfad uu markaasi u baahan yahay, ayaa xifadle uu ka warhelay in uu leeyahay aqoontaasi, inta uu raadiyo, shaqo siinayaa. Marka uu shaqada soo galo, ayaa waxa uu u keenayaa qof qaraabadiisa ah oo uu horay uga soo dhaadhiciyey in uu xirfadlahan ka barto xirfadda shaqada, waxa uuna ku soo leeyahay, ʻLAQABSO shaqada!
Qofkii
waxa uu soo agfariisanayaa maalin waliba xirfadlihii si uu shaqada uga barto, xirfadluhuna waa
uu tixgelinayaa oo, waxa uu leeyahay waa qaraabada badarnoolaha. Kolka uu
shaqadii kala baro ayuu maalinta dambe shaqada KU QABSANAYAA xirfadlihii! Muran
iyo dhib ayaa meesha ka dhacaya, looshaqeeyuhuna hoos buu wax ka ogyahay. Marka
uu muranka iyo qaylada dhexdooda ah uu bato, ayaa xirfadlahii loo yeerayaa,
waxaana la leeyahay, “Adeer, buuqaan joogtada ah kama bixi karno, shaqadaana
nooga dhumaysa ee fadlan iska bax!” Markaas buu, isaga oo ka muragaysan sida la
yeelay oo la mooda in la leeyahay ʻdabaday`, iska baxayaa. Qofkii
qaraabada ahaa sidaas ayuu meeshii KAGA QABSANAYAA shaqadii!
Dadka
xirfedlayda ah oo dhan taasi waa wada sugeysaa. Marka, haddii
aadan ahayn qaraabada looshaqeeyaha, sidii aad uga dabaalan lahayd LAKUKA adiga
ayey ku jirtaa.
Waxaa qoray:
Suldaan Nayruus
Wixii faallo ah halkan iigu reeb ama halka aad ka soo raacday.
ReplyDeleteMahadsanid,
Suldaan Nayruus
Suldan nayrus waxad ka hadashy waa wax Jira
ReplyDelete