Saturday, January 19, 2019

ANAA QABIILATUL FOOQFOOQ: Maxa Kala Qabsaday Gabar Reer Mudug Ah Iyo Qoys Reer Sucuudi ah!

Beri baa gabar reer Mudug ah, waxaa la geeyey waddanka Sucuudi Carabiya. Waxaa loo geeyey in ay halkaasi ka soo shaqeysato oo ay dadkeeda anfacdo.
Maadaama gabadhu aysan aqoon lahayn, dadka shaqada geynayey baa waxa ay u sheegeen in ay ku shaqeynayso shaqada Khaddaamannimo oo aysan inantu markaas sida ay tahay u fahmin waxa laga wado Khaddaamo, laakiin waa dee reer Mudug oo ‘maxay tahay khaddaamo?, maba dhihin.
Markii reerihii loo geeyey baa waxa ay aragtay shaqada nooca ay tahay, oo horay kaga ma qancin, laakiin waa iska gashay oo ka warkeen bay is tiri.
Dhawr beri oo soo dhaweyn ah ka dib, waxa ay ciddii isku dayday in gabadhii ula dhaqmaan sidii Khaddaamooyinkii ay arki jireen oo kale, markaas baa maalin naagtii guriga lahayd amar ku siisay in ay dhaqdo dhar aad ustag u ahaa oo u badnaa matateyaal, candhecaajiyaal, naasagelisyo, garammo, iyo sharabaadyo. Gabadhii oo yaabban baa inta dharkii cagaheeda saas ugu kala firdhisay bay isheedii ku sii aragtay dabagelisyo carruur oo doox iyo ban ku yaallaan iyo kastuumooyin faddaraysan oo baro dhiig ah ku yaallaan, oo shaw gabdhaha iyo islaantu Caado ka dindintay uga tibiqday. Inta yaqyaqsi iyo yalaalugo isugu darmatay oo gadaal uga baxday bay iyada oo ka ash-ashoonaysa, diidday in ay shaqadaasi qabato. Naagtii baa damacday in ay ku qayliso oo shaqada ku xaarxaarato, jeerkaas bay inta si yasmo ah kor iyo hoos ugu fiirisay, waxa ay ugu jawaabtay, “Anaa qabiilatul fooqfooq.” Gabadhu Carabi ma taqaan, markasta oo ay la hadashadaba, intaas jacburka ah bay ugu jawaabtaa. Naagtii ayaa markii dambe waxa ay u yeertay ninkeedii, kolkaas bay u sheegtay in ay Khaddaamadii shaqadii diidday. Ninkii ayaa inta soo degtay, waxa uu ku yiri adeegtadii Soomaaliyeed, “يا خدامة قم بعملك” oo u dhiganta, “Naayaa adeegto, kac oo shaqadaada qabso.” Sidii oo kale, inta si liidmo ah kor ugu fiirisay oo gacanteeda xabadka ku garaacday bay asna ku tiri, “Anaa qabiilatul fooqfooq.”
Qoyskii Carbeed, waxa ay isla markiiba u waceen ciddii keentay gabadha oo ay arrintii u sheegeen, kolkaas baa inta dadkii shaqada keenay u yimaadeen, waxaa la weydiiyey waxa dhacay. Inta u warrantay bay waxa ay u sheegtay in ay tahay gabar sare oo laandheere ah oo aan marnaba oggolaan karin in ay gunnimo qaadato. Waxaa la damcay in lagu qanciyo shaqada oo ay inta jajabnaan muujiso ay danteeda raacato oo ciddeedii kalkaasho, sida gabadhaha kale ee Soomaalida ay shaqeystaanna, ay u shaqeysato.
Inta eegtay hadalka dadka shaqada keenay, baa waxa ay ugu jawaabtay hadal ka yaabiyey, waxa ayna ku tiri, “Walaalayaal, haddii shaqada Sucuudiga taalla ay tahay in naago nigisyadooda iyo naasacelisyadooda la dhaqo, anigu waxaas waa ka sarreeyaaye, dalkaygii ha la ii celiyo.” Kolkas baa lagu khasbanaaday in lagu celiyo gobalkii Mudug ee ay ka timid.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus      
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/
Fb: facebook.com/snayruus
 

1 comment:

  1. Wixii faallo ah halkan iigu reeb ama halka aad ka soo raacday.

    Mahadsanid,

    Suldaan Nayruus

    ReplyDelete