Thursday, April 12, 2018

Wiil shukaansi laga dhabqiyey iyo sidii xariifnimada lahayd ee uu uga dabaashay: Bal eeg farsamada uu sameeyey

Wiil shukaansanayey gabar ay isku cusbaayeen oo meel maqaayad ah gadaysa, ayaa isaga oo sheeko u wada, waxaa maqaayaddii yimid wiil kale oo shaah meesha u soo raadsaday. Wiilkii inta gabadhii dhanka kale ka fariistay ayuu shaah dalbaday. Kolkaas baa wiilkii shukaansigii ka istaagay. Kii, markii uu shaahii cabbay is kama tagine, waa iska sii fadhiyey, kolkaas buu taleefoonno iyo hawlo u gaar ah meeshii ku galay. Kii kale, waa uu arkaa in uusan dan ka lahayn gabadha, isagana sheekadii ka dhabqiyey. Si uu yeelo ayuu garan waayey. Haddii uu xitaa wiilka si gaara wax ugu sheegi lahaa, gabadha dhinaceeda kale ayuu fadhiyaa oo lama hadli karo.
 
Cabbaar ayuu fekeray, kolkaas buu helay talo uu kula hadli karo oo uu wax uga codsan karo. Taleefoonkiisii ayuu inta qeybta farriinta, farriin ku qoray ayuu wiilkii kale inta u soo taagey ku yiri, “Walaalow, taleefoon i soo wacay oo aan maqli waayey ayaa garan waayey dalka u yahay e, ee fadlan eeg oo dalka uu yahay ii sheeg”. Wiilkii, markii uu taleefoonkii fiiriyey, ayuu ku arkay farriin ku qoran oo dhahaysa, “Saaxiibow, qof taan ayaan gaadgaad ku hayaaye fursad i sii”. Wiilkii inta qoslay, oo yaabay ayuu isna firriin u qoray, markaasna ku yiri, “Walaal, dalka lagaa soo wacay waa Faransiiska”. Kii kale, markii uu taleefoonkiisii loo celiyey ayuu fiiriyey, mise isna farriin buu u soo qoray, uu lee yahay, “Saaxiib, iga raalli ahow, waan kuu firaaqaynayaaye, Allaha kuu fududeeyo”. Waana baxay wiilkii kale.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus    
Email: nayruus@gmail.com  

No comments:

Post a Comment