Kollay haddii aad Soomaaliya joogtid, cidi kaaga
ma sheekeynayso maqaayada cuntada laga cuno ee Soomaaliya. Markii aad cuntada
dhammaysato, waxaa laguu keenayaa jaraa’id la soo jarjaray, si aad afka iyo
gacmaha isaga tirtirto. Jaraa’idyada laguu keenayo, waa kuwa ugu caansan Dubai,
sida: Dubai Standard, Gulf News, Khaleej Times, The national, the Arabian Post iwm.
Waxaa yaab
leh, in ganacsato ay ka keensato jaraa’idyadaas Dubai, oo ay soo rartaan, una
keensadaan waddanka, in ay ka iibiyaan maqaayadaha Soomaaliya, si ay
macaamiishooda afka iyo gacmaha ugu ishtiraashaystaan.
Sheekada ugu xiisaha badnayd, waxa ay ahayd,
markii nin u dhashay waddanka Iskutagga Imaaraadka Carabta uu arkay nin
Soomaali ah, oo boqollaal kartoon ku raranaya jaraa’idyadaas, markaas buu waxa
uu weydiiyey, “Akhi, masha Allah, waddanka Soomaaliya illeen waa waddan
akhriska aad looga xiisaayo, oo inta jaraa’idyadii ka soo baxayey ku filnaan
waayeen, kuwaan soo dhoofsada!”. Ninkii Soomaaliga ahaa waxaa ku adkaatay, in
uu Carabkii u sheego, in jaraa’idyadan afka lagu tirtirto, markaas buu ku yiri,
“Akhii, umadda Soomaaliyeed waa ummad war ku nool ah!”.
Ha la yaabin, haddii uu
Carabkii ninkii Soomaaliga ahaa ugu deeqey lix bilood, kumaannaan nuqul oo 7-da
jaraa’id ee UAE ugu caansan ah, si ummaddaas warka ku nool ay uga
faa’iidaystaan. Isna waa ganasade Soomaaliyeed e, inta soo rarto jaraa’idkaas
ayuu maqaayadaha Soomaaliya ku soo daabulaa. Masha Allah, aad buu uga
macaashay!
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com
E-mail: nayruus@gmail.com
Vdempsiis_go Carol Kirby https://wakelet.com/wake/W5sjosHprdQkBUzbfU633
ReplyDeletetoduconsa