Monday, April 16, 2018

MAXAA KALA HAYSTA DHAGOOLAYAASHA IYO CIIDAMADA AMMAANKA MUQDISHO?

Muqdisho marka la joogo, cid kasta oo ka baqaysa in la beegsado, waxa ay samaysataa ciidan waardiyeeya. Haddii ay meel gaar ah deggan yihiinna, waxa ay samaystaan xad ay dhigaan dhagaxaan shub ah ama jawaanno ciid laga buuxiyey, waxa ayna meel gaar ah ugu sameeyaan waardiye gaariyaasha iyo dadka meelaha maraya u diga, wixii soo dhaafa xadkaasina rasaas huwiya.

Waad og tahay, oo waddanka shaqo la’aan iyo faqri ba’an ayaa ka jirta, sidaas darteed, dadku iyaga oo iska lugaynaya ayaad arkaysaa, iyaga oo iska maqan, oo maanka is kala sheekeysanaya. Markaas baa waxaa laga yaabaa, in qofka maqalkisii caadi yahay laakiin is ka maahsan, uu ku yimaado meel inta qolo xirtay ay ciidan waardiyeynayaan. Marka hore, qofka iyaga oo aan la la hadlin ayaa qoriga lagu soo jeediyaa, markaas baa haddii la arko, in uu iska soo socdo, qaylo iyo xabbad kor loo rido la isugu daraa. Qofkii inta argagaxo, oo maahsanaantii ka baxdo, ayuu arkaa isaga oo meel jinni maraya, kolkaas buu inta ka leexo, dhabbe islaan qaadaa. Ka warran, ninkaas nolosha Soomaaliya ka jirta la maahsan, haddii uu ahaan lahaa dhagoole?!

Qofka dhagoolaha ah, isaga oo iska socda oo maahsan, haddii uu ku yimaado meelahaas, oo dhowr jeer ‘joog’ lagu yiraahdo, oo uu maqli waayo, waxaa dhacda, in xabbad lagu furo, oo uu halkaas ku dhinto. Waayadan qof la dilay wax ba la iskama weydiiyo, haddii uu sii yahay qof laangaab ahna, kaba sii daran. Shabaab wax dilay ama Shabaab la dilay ayey dadka oo dhan wada noqdaan.


 
Inta aan maqlay, saddexdii sano ee ugu dambeysay, afar dhagoole ayaa sidaas ku dhimatay, oo qaar ka mid ah ku baxay gacanta ciidamada shisheeye ee waddanka jooga, oo dhagoole iska lugayna inta ku soo baxay, ay inta u maleeyeen wadkoodii, ay markaas xabbad raacsiiyeen. Inta aanan maqal ee dad kale maqleen waa ka sii badan karaan tiradaas.

Waxaa intaas dheer, marar farabadan ayaa ciidamada ammaanku dhagooleyaal iska qoodaynaya ku soo baxaan, kolkaas bay inta ka shakiyaan qabtaan. Marka ay la hadlaan oo ay jawaabi waayaan, ayey u maleeyaan dad is yeelyeelaya, markaas bay aad u garaacaan. Muggii ay war ka waayaan ayey xabsiga cadaabta u taxaabaan. Sidii loo garaacayo ayaa markii ay juuq dhihi waayaan, xabsiga ku hayaan ilaa uu ka imaanayo qof raadinaya. Jeerkaas bay ogaadaan in uu dhagoole yahay. Xabsiyada waxaa jooga, dad dil kaga hadalsiiya dadka hadli diida, cadaabtaas darteed na sheegta dambi aysan shuqul ku lahayn, laakiin ma joogaan dad af yaqaan kuwa dhagaha la', sida loo garaacayo, oo hadal looga raadinayo ayuu dhintaa!
Fadlan, haddii ay farrintani ku damaqday, la wadaag asxaabtaada iyo ciddii mas’uul ah oo aad garanayso, adiga oo aan minguurin.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com

No comments:

Post a Comment