Thursday, April 12, 2018

ABAAL NIN GALA WAA LA ARKAA NIN GUDA SE WAA YAR YAHAY: Wiilkii inta shaqada la siiyey ku abaaldhacay kii shaqada geeyey!


Waxa uu ahaa wiil waddanka Malleesiyada Jaamacad uga soo baxay, oo ku soo qaatay shahaadada heerka labaad, kuna soo takhasusay maareynta shaqaalaha. Kolkii uu Soomaaliya yimid ayuu in door ah shaqo daydayayey. Tol iyo saaxiib meel uusan shaqo ka raajicin ma leh.

Isaga oo iska niyad jabsan, oo meelaha iska wareega, oo ku tallamayey in uu Xamar isaga tago, oo uu tahriibo, ayey maalin wiil haayad u shaqeeya is barteen. Wiilkii ayuu dantiisa u sheegtay. Wiilkii inta taleefoonkii uu ka qortay ayuu ku yiri, “Meesha aan ka shaqeeyo haddii fursad ka bannaanaato, waa ballan, aniga ayaa kuu soo sheegaya, kuguna riixaya.” Saas baa la isku afgartay.

Laba bil ka dib, ayaa wiilkii haayadda u shaqeynayey soo wacay wiilkii kale. Waxa uu u sheegay in boos uu ka baannaaday haayaddii, oo uu soo codsado, isagana uu arrintaa kala shaqaynayo. Sidii buu sameeyey, waana xareeyey shaqadii. Wiilkii sida uu wiilkani shaqada uu ku heli lahaa ayuu aad ugu dadaalay. Ugu dambeyntiina waa ku guulaystay. Boosku waxa uu ahaa, ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha ee haayadda, waxaana madax ka ah wiilka shaqada soo geliyey, isna ku xigeenkiisii ayuu noqday.

Wiilkii, markii uu shaqadii helay ba, waxa uu la yimid hawlqabad iyo firfircooni dheeri ah. Hawshiisii inta ka adkaaday ayuu xitaa qabtaa shaqo badan oo haayadda u yaalla oo aan shaqadiisa ahayn. Soomaalidii oo dhan inta ka tillaabay, ayuu xitaa gaaladii xiriir la yeeshay.

Muddo ka dib, waxaa wiilkii hunguri uu ka galay booska ninka ka sarreeya ee shaqada keenay, oo aad uga lacag badnaa. Waxa uu isku arkay in uu kaga fiican yahay dhanka shaqada, oo kaasi caajis buu iska ahaa. Waa kale oo uu ogaaday in uu ka shahaado sarreeyo, oo kaasi shahaadada koowaad ayuu watay. Waxaa kale oo u soo baxday, in shaqadani ay takhasuskiisa tahay, oo kaasi waaya-aragnimo ayuu ku joogay e, uusan takhasuskaan ba u lahayn. In uu booskaas isagu uu galo inta go’aan ku gaaray, ayuu bilaabay in wiilkii shaqada geeyey iyo madaxdii isku diro.
Ayaan uu arrintaas ka shaqeynayey ka dib, waa u suurto gashay. Wiilkiina shaqadii waa laga ceyriyey. Lama ba xayeysiin booskaas e, isagii ayaa toos ugu wareegay, maddaama la aaminsanaa in uu kaga fiican yahay kii kale.

Hadda, kii shaqada la geyn jiray ayaa meeshii ku haray oo mushaar fiican qaata, isaga oo isku arka in uu yahay nin rag ah, oo siyaasad khatar ah dheelay. Kii shaqada geeyeyna waxa uu galay booskii shaqo la’aanta ee uu kaasi ku jiri jiray.

Isaga oo kii hore shaqo la’aan yahay, kanna baashaalayo, ayaa iigu wardembeysay. Laakiin, kollay, nabsi ma foga, oo mar aan dheereyn, tunka waa soo qaban doonaa!


Haddii aan warbixin kale ka helo, meesha uu kaasi ku dambeeyey, qoraal kale baan ka samayn doonaa.

Waxaa  qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com

4 comments:

  1. Waa cajiib abaal daranaa in badan oo aadanaha kamid ah

    ReplyDelete
  2. Horaa loo yiri abaal nin galaa badan ee nin gudo ma badno!

    ReplyDelete
  3. My name is Abdishakur Hassan. mashaAllah waa qiso cajiib ah. saaxib inshaAllah youtube videos ba sameyaa muqaal waankasameyn karaa anigo fasax ku weydisanaayo sheekadaan?mahadsanid

    ReplyDelete