Marka
aad marayso laamiyada ama jidcaddayaasha halbawlaha ah ee magaaladaada, ama
dhex marayso suuqyada waa weyn ee dalka, waxa shaki kaa galayaa in aad
Soomaaliya joogto! Sababtuna waxa ay tahay; masawirrada ku dheggan
tabeellayaasha suran foolka bakhaarrada, dukaamada, carwooyinka,
dhartolayaasha, mayaaqadaha, hudheellada, timejarayaasha, gabdhoqurxisyada, xarumaha duullilmaadka, xarumaha dhardhaqaalka,
isbitaallada iyo … iwm.
Haddii
aad u fiirsato bakhaarrada, dukaamada iyo carwooyinka; waxa aad ku arkaysaa
tabbeellyaashooda sawirro gaalo cadcad oo dhar qaba ama saacado. Meelaha dharka
gabdhaha lagu iibiyo, waxaa ugu sawiran gabdho carbeed oo cabbaayado qaba ama
carruur carbeed oo dharkooda qaba.

Ma
arkaysid maqaayada cuntooyinka dalka ay tabbeellayaasha ugu sawiran yihiin iyo
qof Soomaali ah oo xayeysiinaya, iyaga oo weliba iibiya. Middii iigu yaabka
badnayd, waxa aan arkay biibato iibisa caano geel oo keliya, misana uu ugu
sawiran yahay nin cad oo caano cabbaya!
Intaas
waxaa dheer, inta badan afka ugu qoran waa afaf qalaad: Ingiriis iyo Carabi.
Adduunyada,
dhawr meel oo aan ka soo maray, waxaa xarumahooda ganacsi ugu dheggan sawirrada
dadkooda, xitaa kuwooda ugu caansan, afkooda ayaana ugu qoran. Kuwaani, ma
waayeen dad Soomaaliyeed oo ay ku sawirtaan iyo cid afkooda waxa ugu qorta mise
kalsoonidarro ayaa haysa, oo dadka caddaanka ah iyo afka qalaad ayey kaga
kalsoon yihiin mise taleefishinka waxa ay ka arkeen ayey soo minguuriyeen oo
aqoondarro baa haysa!
Waxaa
qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: snayruus@gmail.com
E-mail: snayruus@gmail.com
No comments:
Post a Comment