1990kii
ka hor, haddii aad Soomaaliya ku noolaan jirtay, waxaa jiri jiray Awliyo dalka
laga wada yaqaannay, oo wakhtigoodii ugu badnaa u soo huray faafinta diinta
islaamka. Culimadaas Awliya Alle ahaa, kolkii ay geeriyoodeen, ummaddu si wada
jir ah ayey xus duco iyo barako ah ugu dhigi jireen. Waayadaas, waxaa la arki
jiray, marka la gaaro xilliga siyaarada, dad badan oo oo kala yimaada dhammaan
daafaha Soomaaliya, oo isugu yimaada qabriga weligaas la siyaaranayo. Awliyada
aannu xiriirka la lahayn ee waddamada kale, iyagu, intii isku meel deggan ba,
deegaankooda ayey ku xusi jireen, maadaama aysan qabuurtoodu ku oollin dalka
dhexdiisa.
Wixii
ka dambeeyey 1990kii, xaalkii waddanku waa is beddelay. Dagaallo iyo colaado
sokeeye ayaa waddankii kala xiray. Qolo walbana waxa ay ku khasbanaatay in ay
deegaankeeda ku siyaarato Awliyadaas – kuwa gudaha iyo kuwa caalamiga ah ba.
Laakiin, wixii ka dambeeyey 1996kii, dagaalkii sokeeye meelo fool xun ayuu gaaray, taas oo keentay in Awlayadii Soomaaliyeed la barto qolyooyinka ay ku abtirsadaan. Kolkaas baa haddii uu weligu ka soo jeedo laba qabiil oo ay colaadi dhex martay midkood, deegaankaas siyaaradiisa laga joojiyaa. Sidaas darteed, qabiillo badan ayaa joojiyey siyaarada culimo badan oo ka soo jeeda qabiillo aysan isku wanaagsanayn.
Maadaama
siyaarada culimada wanaag iyo barako loo arko, hadda qabiil walba sheekh ay
isku heyb yihiin oo dhintay, haddii uu jiro, isaga ayey siyaartaan, haddii
uusan jirinna, odaayasha qabiilku uu ka soo farcamay ayey xusaan.
Siyaartii
Awliyada caalamiga ah, iyadu qabiilku saameyn kuma yeelan, oo sidii loo
siyaaran jiray ayaa meel walba oo Soomaaliya ka mid ah xilligeedii loogu
qabtaa.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com
E-mail: nayruus@gmail.com
Burburkii ka dib inta badan dadka diinta ayay si fiican u fahmeen, weyna iska daayeen siyaarada sheekh hebel iyo xuska weli hebel, ummada aad ayaa loo furan jiray oo dhaqaalo badan looga aruursan jiray barnaamijka siyaarashada weliga.
ReplyDeleteTeeda kale waligeey ma maqal owliyo dumar ah oo raga keliya ayaa owliyo ah oola xusaa. Marka xaa loo arki waayay owliyad!?