Tuesday, April 24, 2018

MACALLIN JAAMACADDII WAAN DHAMMEEYEY: Gabadhii shaxda yaabka leh u degtay macallinkeedii

Markii ay dugsiga sare dhammaysay, ayey gashay jaamacad ka mid ah jaamacadaha Muqdisho. Waxa ay ku biirtay kulliyadda dhaqaalaha. Bilihii horeba, waa ku adkaatay jaamacaddii. Waxa ay ku wareertay afka Ingiriiska iyo xisaabaadka dhaqaalaha. Waxaa kale oo niyadjab weyn ku riday buugta waaweyn ee jaamacadda oo marka ay soo kala rogto ay waxba ka fahmi weydo. Dhawr jeer bay ku fekertay in ay jaamacadda isaga harto, laakiin, misena waxa ay aragtaa, qeyrkeed oo ay dugsi sare isla soo dhigteen oo waxbarashadii sii wata.


Muddo markii ay isweydiin ku jirtay, ayaa waxaa u soo baxday in ay samayso tab kale oo ay waxbarashadan ku sii wadi karto. Waxa ay ahayd gabar is hubta oo aad u qurux badane, waxaa ay is tustay, in ay wejigeeda jaamacadda uga baxdo. Inta arrintaas go’aan ku qaadatay ayey muddo bil ah, waxa ay baaritaan ku samaynaysay hormuudka iyo macallimiinta kulliyadda. Kolkaas bay waxa ay soo ogaatay, in macallinka ugu xiisadaha adag uu yahay hormuudka kulliyadda. Waxaa kale oo ay soo heshay, in hormuudka kulliyadda uu xukumo macallimiinta kulliyaddaas. Kolkaas bay waxa ay go’aan ku gaartay, in ay shax u daadiso hormuudka kulliyadda, si ay uga dhigato buundo ay uga tallowdo hirarka caqabadda ku ah guul-ka-gaarista waxbarashadeeda.  

Maalmahaas ay talada rogrogaysay, waxa ay ahayd horraanta bisha 10aad ee sannadka 2013kii. Kolkaas bay sidii ay uga fekeraysay halkii ay shaqo ka ambaqaadi lahayd, waxa ay ku soo dhacday in hawsheeda koowaad ay ka bilawdo, in ay hadiyad qaali ah oo soo jiidasho leh guddoonsiiso maamulaha kulliyadda. Markii ay taladaasi heshay ayey misena ka fekertay xilliga ugu habboon ee ay hadiyaddaasi ku beegi karto. Sidii ay taana u maanshiilaysay, waxaa u soo baxday in ay haddiyaddaasi ku beegto munaasibadda maalinta macallinka Soomaaliyeed oo ku aaddan 21ka bisha 11aad oo markaasi bil iyo jarjar ka dhimmanayd.  

Marka xilligii la gaaray ayaa, awal bay qurux u dhalataye, inta aad isku sii bishay, waxa ay maalintaas tagtay xafiiskii hormuudka. Albaabka oo riixnaa inta garaacday, ayey tiri, “Macallin waa Rooda e, ma soo geli karaa?” Nasiibkeeda, keligi buu ahaaye, “Soo dhaaf” buu yiri. Inta ay xafiiskii ugu gashay hormuudki ayey si xushmad ku dheehan tahay u guddoonsiiyey hadiyad cajab lahayd. Markaas ay guddoonsiinaysay, iyada oo dhoollacaddaynaysay ayey ku lahayd, “Macallin Rooble iga guddoon hadiyaddan, waxa aan aad ugu faraxsanahay macallinimadaada, waxa aana jeclahay in aan kuugu hambalyeeyo maalinta macallinka Soomaaliyeed.” Hormuudkii, markii ay gabadhu u soo galeysayba, quruxdeeda ayuu indhaha siin waayey. Kolkii ay inta u soo dhawaatay, hadiyadda u dhiibaysayna, waxa uu la ashqaaraaray udgoonka gabadhaas ka soo baxayey iyo muuqaalka xubneheeda qaar, maadaama ay dhar ku dheggan qabtay. Weligi ma arag arday hadiyaddan oo kale u keena oo weliba ku soo addiyey munaasabaddan muhiimka ah! Hormuudkii si kale ayuu noqday, gabadhiina maankiisa ayey boos ka xaaratay.

Wixii maantaas ka dambeeyey, hormuudkii iyo gabadhii waxaa u bilaabatay xiriir mar dambe isku beddelay jacayl oo ardayaddu markii hore ay jilaa garwadeen ah ka ahayd, laakiin markii dambe isaga si dhab ah ay ugu tallaalshay oo uu gaaray in uu daqiiqad moogaan waayo inantaas hadalkeeda ama muuqeeda.

Marka gabadhii uu ugu soo dhacay dabinkii ay u dhigtay, isla jeerkaasna aragtay sida uu u jecel yahay hormuudku, waxaa gashay kalsooni. Iska daa wax akhris e, xitaa mar mar waa u goysaa casharrada fasalka, wax kastana waxaa xalliya hormuudka. Taas iskaba daaye, dhaqaalaynteedii waxa uu ugu daray, in uu waayadii dambe, isagu uu ka bixiyo lacagta jaamacadda. Imtixaanka iyada ayaa ugu sara marta fasalka, sababta oo ah, hormuudkii ayaa waxa uu bilaabay in uu gabadha imtixaanka ka saacido oo inta imtixaanka uu sii siiyo, buu misena kala sii shaqeeyaa, kolkaas baa iyada oo xafidsan horey ka qortaa imtixaanka, dhibco sarena ku baastaa.


Kolkii ay gabadhii dhammaysay waxbarashadii oo weliba dhibco sare oo yaab leh jaamacaddii uga baxday, ayaa markii ay qaadatay shahaadadii, awalba dan bay ku wadataye, hormuudkii taleefoonka ka qaban weydey. Gurigeedii ayuu tagaa, kolkaas baa albaabka sidii uu u garaacayo, laga furi waayaa.

Sideedaba, jacaylku waxa uu ugu daran yahay kolka jeclaaduhu uu waawaayo la-jeclaadaha. Marka oo ay ku adkaato jeclaadaha in uu heli waayo maqalka ama muuqa la-jeclaadaha, waa mar kasta oo uu jacaylka ku sii bato jeclaadaha.

Hormudkii, waayidda uu waayey inantii uu indhihiisa ka jeclaa, waxa ay gelisay badweyn jacayl oo hafisay. Har iyo habeen waa jiifan waayey, jaamacaddii qummaati waa u aadi waayey, oo googooys buu noqday, haddii uu aadana waa maqanejooge. Waa wiiqmay oo, waxa uu noqday xayeysi dharkiisii hore ku dhexdhacay. Intaa waxa uu ka fekeraa waxa gabadhii ku dhacay, intaana waxa uu ku mashquulaa taleefoon aan la qabanayn ka-waciddiis, farriin aan laga soo jawaabayn ugu diriddeed Moobeel iyo Faysbuug, guri aan laga furayn garaaciddiis, haddii laga furana, mar magaalada ayey ku maqan tahay la leeyahay, marna meel kale ayey qabatay ama waa jiifta loogu jawaabayo. Ma ka quusto, ma helo, kama warhelo.


Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa macallinkii oo Dahabshiil u yimid in uu lacag koontadiisii kala baxo, waxa uu ugu soo galay Roodo oo bangigii ku dhex jirta oo iyana hawl meesha u timid. Uu indhaha ka qaadayba, inta is heyn waayey oo ku orday, hadal calaacal ah oo dadkii ag joogay ay maqlayeen, ku yiri, “Roodooy, qaali, maxaa kugu dhacay oo aad intaas iiga maqnayd, sidii aan kuu raadinayey waan kugu daalaye?. Qaali, sidii aan kuu waayey hurdo iyo hoyaad waan ka tagay, adiga ayaana kaa fekerayey. Xabiibti, maxaad sidaas u samaysay oo aad waqtigaas dheer muuqaaga iyo maqalkaaga iiga qarisay?” iyo erayo kale oo laab wax jecel ka imaanayey, ayuu ku lahaa, isaga oo aan arkayn dadka faraha badan ee ku hareereysan oo inta maqlay soo wada dhuganayay.

Roodo, inta markii hore ka naxday, ayey inta si xasilloon u dhageysatay, kolkii uu hadalkii dhammeeyey, sidii uu jawaab qurux badan oo qalbiga u dhista uga sugayey, si yaab iyo yasmo ku jirto inta loo eegey, hadal oo dhan waxa ay ugu soo koobtay, “Macallin jaamacaddii waan dhammeeyey!”

 

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus 
E-mail: nayruus@gmail.com 

No comments:

Post a Comment