Wednesday, March 28, 2018

SIRDOONKII AY WALAALKI ISA SEEGEEN

Waxaa jiray nin ganacsade ah oo degganaa magaalada Muqdisho. Ninkan oo magaciisu ahaa Kaahiye, reerkoodu baaddiye ayey degganaayeen. Inta badan noloshoodu, isaga ayey ku tiirsanaayeen. Maalin maalmaha ka mid ah baa waxa uu ku fekeray, in uu walaalihiis, kuwa yaryar mid soo kaxeeyo oo uu wax baro, si uu reerka ula gacan qabto.  

Kaahiye, inta go'aankaas qaatay ayuu Keynaan soo kaxeeyey. Waxa uu isla markiiba geeyey dugsi Qur'aan, kolkii uu dhammeeyeyna, waxa uu ku daray iskool. Keynaan, markii  uu u gudbay dugsi sare, ayaa waxaa xiriir la soo samaysay Hey'addii Nabadsugidda Qaranka. Waxa ay u soo jeedisay, si weyna ugu muujisay, in ay danaynayso in uu ku soo biiro oo uu qaranka u shaqeeyo; taas oo uu si buuxda uga yeelay.   

Keynaan, markii uu dugsi sare afjaray, baa walaalki Kaahiye misena jaamacad ku biiriyey. Markii uu jaamacaddii idleeyey, ayaa Kaahiye waxbarasho dibedda ah u soo dhammeeyey, laakiin Keynaan waa ka diiday in uu dalka ka baxo, illeen hawl uusan Kaahiye ogeyn buu ku jiraaye. Markii uu Keynaan ka diiday, ayuu Kaahiye ku yiri, “Waayehee, aniga ganacsiga igala shaqee.” “Hayeh, waana kala shaqayn,” ayuu Keynaan ugu warceliyay.

Kaahiye, waxa uu ahaa nin dhaqaalihiisa inta badan hantiyey xilligii Kacaanka, waxa uuna fursad ka helay, qandaraasyo dawladdu ay bixinaysay, laakiin kolkii uu xoolo badan yeeshay, ayuu isu beddelay mucaarad. Waxa uu ka bilaabay magaalada olole hoose oo Kacaandiid ah. Waxa uu lacago u diri jiray mucaaradkii dowladda. Dhibka ugu weyn ee qabsaday Kaahiye ayaa waxa uu ahaa, dhaqdhaqaaqiisa mar walba waa lala socon jiray. Dhawr jeer baa la xiray oo weliba aad iyo aad loo ciqaabay.  

Waxa uu Kaahiye la yaabi jiray, sida ay dowladdu ku ogaato xogitiisa. Wax kasta oo uu yiri, shirka kasta oo uu qabto, tirada lacagta uu diro iyo cidda uu u diro, dhammaan, marka la xiro oo uu sheegi waayo, ayaa xabbad xabbad loogu tiriyaa. Heer waxa uu gaaray uu ka shakiyo nimanka ay mucaaradka isla yihiin ee uu la shiro. Kuma soo dhicin walaalki Keynaan in uu yahay Nabadsugid qaranka daacad u ah.   

Dowladdii, ninkii Kaahiye ahaa cadaadis adag bay saartay, qandaraasyadiina waa ka joojisay. Wiidadii ama dabaggalkii walaalki mooyee, kuwa kale oo farabadanna waa la dul dhigay oo uusan ka war heyn.

Mar uu aad u shiiday oo uu xoolo yareeyay, ayaa Keynaankii Nabadsugidda ahaa, madaxda Dowladda ka codsaday in walaalki Kaahiye qandaraasyadii wax un looga soo celiyo; isaga oo u sheegay in uu yahay oday madaxdhaqameed ka soo jeeda oo aysan busaaraddu ku wanaagsanayn. Dowladda oo tixgelisay codsigii Keynaan dartii, oday Kaahiye qandaraasyadii ayaa loo soo celiyey. Laba wiil oo uu dhalay oo Jaamacadda dhammaysayna, takhasus dibedda ah ayaa loogu diray.

Iyada oo ay halkaas xaajo marayso, ayaa dowladdii Kacaanku dhacday oo la kala haantaawilfay. Kaahiye iyo Keynaan, waa isla qaxeen, waxayna isla tageen xeryaha qaxootiyada Kenya. Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa Kaahiye helay teesare ka lumay walaalkiis, kolkaas buu ku arkay, in uu ahaa Keynaan sargaal sare oo Nabadsugidii ka tirsanaa. Teesarihii ma siine, isaga oo yaabban ayuu goobay cid uu bargaranayo oo ka tirsanayd saraakiishii Nabadsugidda, kolkaas buu soo helay laba nin oo u xaqiijiyey, in Keynaan muddo dheer Nabadsugid ahaa. Markii uu yaqiinsaday, ayuu aamminay in uu Keynaan ka dambeeyey xiritaankiisii iyo jirdilkiisii. Aad buu uga xumaaday, in ninkii uu baaddiyaha ka keenay oo uu intaas wax barayey uu ka shaqeyn jiray lurkiisa, lug gooyadiisa iyo ciqaabtiisa. Meeshii ay isla degganaayeen inta uga guuray, ayuu ku yiri, “Walaal dhab ah baan kuu haystay. Saaxiib ku ogaaday! Muusa biddiin, Ciisaa biddiin.” Labadii nin saas bay ku kala tageen.

Arrintii Kaahiye iyo Keynaan, waxaa dhawr jeer soo dhexgalay odayaal iyo cuqaal reerka ah, laakiin Kaahiye iyo Keynaan waa la heshiisiin waayey. Sababta oo ah, Kaahiye waxa ku dhegay, in uusan ninkaasi walaalki ahayn oo, isaga oo kabtiisa tolaya uu isna kafantiisa tolayey, halka Keynaanna uu ku dhegay, in uu ku saxsanaa hawshaas, uuna Qaranka iyo horusocdkiisa u shaqeynayey, walaalkiisna uu ku hawllanaa halka aannu maanta joogno. Lacagta iyo hantida uu haystay Qaranka ayuu ka helay, kolkaas buu hantidaas niman qaran-dumis ah u dirayey. Nimanka uu taageerayey, maalinna reerkiisa biil uma soo dirin, keliya qabiil buu ku la safnaa. Waxa aan ka shaqeynayey, in noloshiisii quruxda badnayd uu ku noolaado, isna waxa uu doonayey in xaqootigan iyo gunnimadan aan ku noolaanno. Waa kane, Qarankii dun, nimankii uu waxtarayeyna, waa kuwaase, Qaran ha keenaan!!

Kaahiye iyo Keynaan waa la heshiisiin waayay, waxaana khilaafkii labadooda u dhaxeeyay saameeyay ilmahoodii, ilma-adeerka ahaa oo aan maanta isa salaamayn.

Sheekadani waxa ay ka mid tahay 53da sheeko ee ku jirta buugga CIBRO oo haatan laga heli karo Dukaammada Buugta: MUQDISHO, HARGEYSA, BURCO, GAROWE, BOOSAASO, GALKACYO, BALADWEYNE, BAYDHABO IYO KISMAAYO.



Waxaa qoray: SULDAAN NAYRUS
 Email: nayruus@gmail.com

10 comments:

  1. Wixii faallo ah ama halkaan iigu reeb ama facebook ga iigu dhaaf. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. Runtii waxaad tahay qoraa aan aad u taageero badanaana aan akhristo maqaalladiisa

    ReplyDelete
    Replies
    1. Ahmed Zacky, aad baad u mahadsan tahay saaxiib akhriska iyo taageeradaba. Buugta aan daabacyna wax ka ma akhrisay weli?

      Delete
    2. wax leesku soo aadiyay waaye ka seexo magaalada

      Delete
  3. Aniga waxaa ila qaldan midka nabadsugidda noqday waayoo walaalkiis wax uga roon majiraan

    ReplyDelete
  4. Waa qiso aad iyo aad u xanuun iyo yaab badan.
    Nin abaal gala waa la arkaa laakiin nin guda abaal lama arko.
    Waddaniyadda iyo ilaalinta qarankuna waa waajib xittaa waxa ay ka muhiimsan yihiin danaha qoys, qabiil, qaraabo iyo qowleysato.
    Qisadaanna waa arrin imtixaan ah.

    ReplyDelete
  5. Wiilka yar ba khaldan..dhan marka ka istagno . .. dhanka kalena ganacsadaha
    1. Maskaxda ayay ka xadeen o an ku odhan karo .NABADSUGIDA waxay awoodi kari wayen in ninkan ganacsadaha ah sir ama xog laga helo
    2. Ka yar maadama muddo ugu shaqeyniyey walow xeerka nabadsugida aysan ku jirin lkn waxay ahayd in u ehelka ama qof tolka ah misane wax la fahmaya farin ugu dhiibo o dhaho oday hawlaha wada wa lagula socdaye ka jogso..

    3. Ganacsaduhu isago qandarasyo wacan ka qaata ayu hadana dib dowlada u dhaawacayey..taasna khalad bey ku ahayd
    4. Mucaaridki wakhtigaas kacay wata faaido ama khasaaraba waxi ka dhashay aynu u wada joogno

    ReplyDelete
  6. Macallin ma jiraa buuggaag aad daabacday?Mana la ga heli karaa Nairobi-kenya?

    ReplyDelete
    Replies
    1. Walaal, waa jiraan, laakiin Nayroobi waa ka dhammaadeen baan filayaa

      Delete