
Kolkii aan shaahi laystay - waa faduusheyda e - baan aaday
maamulka hudheelka. “Niman yahow, maxaad shaqaalaha ajnabiga ah u keenteen
adinka oo heli kara Soomaali?” iyo su'aalo kale baan la galay. Ninkii maamulka
joogay, si deggan buu iila hadlay. Waxa uu yiri: Shaqaalahan waxa ku qorannay
arrimahan soo socda:
1. Soomaalida ayaa jaanibta jecel, oo
Ingiriiskaas ay kula hadlayaan ayey danaynayaan. Baraaktiis bay ku qaataan.
Hudheelkii ay ajaaniib u shaqeyso waa macmiil badan yahay.
2. Ajaanibtaan shaqada waa ka
yaqaannaan Soomaalida.
3. Amarka si fiican bay u
qaadanayaan. Wallaahi in aad maamule tahaad dareemeysaa sida qaddarinta leh ee
ay kaaga hoos shaqeynayaan.
4. Shaqada aad bay ugu jajaban yihiin.
5. Haddii aad canaanato madaxa ayey
hoos u foorarinayaan, waxa ayna ku leeyihiin, mar kale uma laabanayno iyaga oo
jilbaha ku haysta.
6. Waa han yar yihiin.
7. Tuug ma ahan.
8. Dadkoodii iyo saaxiibadood meeshaan
ma joogaan oo shaah iyo cunto si hoose u siin maayaan.
9. Qaad iyo balwad midna ma lahan.
Waxa uu hadal kiisii ku soo gabagabeeyey “Shaqaalaha Soomaalida ah baa…, kuwaas iga daa warkooda, doofaarta kaadi najaastu dhashay!”.
Waxa uu hadal kiisii ku soo gabagabeeyey “Shaqaalaha Soomaalida ah baa…, kuwaas iga daa warkooda, doofaarta kaadi najaastu dhashay!”.
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com
f
waa arin cajiib ah dhabtii qorraa
ReplyDelete