Thursday, January 31, 2019

XIKMAD WAAYA-ARAGNIMO KU FADHIDA

Saddex haddii ay tahay gabadhu ninkeeda ayey ku dhibaysaa:        

1. Haddii ay tahay geesiyad            
2. Haddii ay tahay aftahan                        
3. Haddii ay tahay deeqsiyad



Haddii ay tahay geesiyad, ninkeeda bay ku dhibaysaayoo, maalinta ay isku dhacaan ayey inta middi qaadato rubadda ugu shubaysaa, illeen waa naag geesiyad ahoo aan libiqsanayne. Imisa ayaad maqashay naag ninkeedii rubadda goysay ama xubinta taranka ka jirtay ama naafo ka dhigtay ama biyo inta u karkarisay gebigiisoo oo dhan wada gubtay? Waa naago geesiyaal ahaa.

Haddii ay tahay aftahay, mar kasta oo reerku talo u baahdo, aftahannimadeeda ayey kugu marsiinaysaa waxa ay rabto. Taas waxaa ka daran, maalinta aad is qabataanba - waa naag ishubta e - gogol bay dhiganaysaa, kolkaas bay inta afkeeda maasho oo meel cad ku qaadsiiso, xaal lagugu xukumayaa.

Haddii ay tahay deeqsiyad, reerka waxba u dhigmi maayaan. Wax kasta oo aad keentid, qof ugu horreeya ayey siinaysaa. Waa la jeclaanayaa markaasi illeen waa naag deeqsiyad ehe, kolkaas baa gurigii waxa uu noqonayaa goob qof kasta weelkiisa u soo qaato iyo meel ummadi dhooban tahay. Taas waxaa ka daran, magacaaga ayaaba lumaya, oo guriga waxaa loo aqoonsanayaa gurigii heblaayo.

Sidaas darteed, waa in gabadhu:
         
1. Geesinnimo kala mid tahay Cigaal Shiidaad  
2. Aftahannimo kala mid tahay dhallaanka      
3. Deeqsinimo kala mid tahay biisadda

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus      
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb: facebook.com/snayruus
 

Tuesday, January 29, 2019

FADHI KU DHEREG

Ma Rabtaa Lacag Badan Oo Aadan U Dhibtoon Oo Aad Bilaash Ku Dhuuqdo?

Horta ma la socotaa sida loogu loollamayo kuraasta dawlad-gobaleedyada iyo kawa dawladda dhexe? Ma fahantay sababta qof kasta oo soomaray Xildhibaan, ama Wasiir ama Madaxweyne (mid gobaleed iyo mid dhexeba), uu naf iyo maal ugu hurayo in uusan weligiis ka kicin kursigaas? Ma aragtaa sida qofka xilalkaasi mid ka mid ah qabta uu muddo yar ugu dhogordhacsanayo? Ma og tahay in ruuxa jagooyinkaasi qabta uu xilli gaaban ku hodmayo, carruurtiisana nolol raaxo leh ay waddamo shisheeye ugu baashaalayaan? Haddii aadan xogtaasi hayn, waxa aad tahay warmooge Allihiis Alleyahee, Wargalkan ayaa halkaan kaaga dharjinayaaye, laabtaada fur.

DHAQAALAHA SOOMAALIYA HALKEE YAALLAA?

Dadku badanki lama socdaan halka ay nimcada iyo lacagtu taallo. Dhaqaalaha Soomaaliya waxaa uu furihiisu yaallaa madaxtooyooyinka dawlad-gobaleedyada iyo tan dawladda dhexe. Wixii dalka laga helo iyo wixii ay muslim iyo gaalo ku deeqaan, halkaas baa laga maamulaa. Si kooban, nolosha waddanka oo dhan waxa ay ku soo ururtay madaxtooyooyinka: inta majaraha u haysa iyo inta ku xiran.

DHAQAALAHAASI KOLAYGEE KU DHACAA?

Dhaqaalahaasi waxa uu ku dhacaa:
1.    Kolayga madaxweyneyaasha
2.    Kolayga raʻisulwasaaraha iyo madaxweyne-ku-xigeennada
3.    Kolayga Wasiirrada
4.    Kolayga Xildhibaannada
5.    Kolayga Ganacsatada (oo shatiyo gaar ah iyo qansadaraasyo malaayiin ah oo saamiyo lagu leeyahay ka qaata madaxtooyooyinka)

CID WAX MA KA SIIYAAN?

Dadka fursadahan hela, marka ay arkaan lacagta walaan ee ku socota, cid kasta waa hilmaanaan aan ka ahayn xaasaskooda iyo carruurtooda. Haddii uu shakhsiga fursaddaas helay uu dibedda ka yimid, waxa uu ka fekeraa sidii uu carruurtiisa qasri uga dhisi lahaa meeshaas ay ku nool yihiin. Haddii uu dalka joogayna, waxa uu ku fekeraa habkii uu carruurtiisa waddanka uga dhoofsan lahaa. Labaduba waxa ay ka sii fekeraan qaabkii aysan nimcadan uga dhexbixi lahayn oo ay mar kasta ku soo laaban lahaayeen, kolkaas bay lacagaha qaar waxa ay ku galaan ganacsiyo iyo qandaraasyo, si ay hadhawto kolka doorashada kale la gaaro ay ugu soo laabtaan, haddii ay waayaanna - lacalla - ay raasumaal uga dhigtaan. Dadkani marka ay xilka qabtaanba waa ka dhuuntaan dadkii ay xilka ka soo qaateen oo taleefoonnada waa beddeshaan, haddii la helana ma qabtaan. Marmar haddii ay wax ka soo duulduulaan, ma soo dhaafto xidid iyo xigaalo. Dadka ay magacooda xilka ku heleen waxba kama siiyaan dhaqaalahaasi, waana ka qarsadaan, sababta oo ah; waxa ay ka cabsanayaan in la ogaado nimcada meesha taalla oo hadhawto dadka hunguri ka soo galo, kursigana ligligga lagu la dhego. Marka kasta waa u cabtaan, waxa ayna u sheegaan in aysan meeshan waxba ku heysan. Sidaas oo kale ma geeyaan shaqo fiican oo waxa ay ka cabsayaan in uu qofkaasi inta fahmo nidaamka uu hadhawto ku soo baxo.

Si kooban, dadkani ma oggola in la wada noolaado oo wax la wada cuno!

SIDEE DADKANI U NOOL YIHIIN?

Dadkani waxa ay ku nool yihiin dabaqadda ugu sarreysa dalka. Intooda badan waxa ay deggan yihiin hoteellada ugu qaalisan dalka. Safar iyo dalxiis dibedda ah kama baxaan, ama wafdi ha raacaan ama si kale ha u bexeene. Dharka ay xirtaan dibedda ayaa looga keenaa. Laba maalmood oo isku xigta isku cunto ma cunaan. Waxa ay ku socdaa gawaari qabawga dhexdooda ka socdo aad baraf mooddo. Haddii aad adigu qorrax iyo kulayl ku jirto, dadkan ma arkaan. Waa mar ay hoteel qabow ku jiraan iyo mar ay gaari baraf ah ku socdaan. Gabadhaha, waa shan qabo oo shan sii daa. Dhawrkii biloodba xeyn gabdha ah bay bacda ka fiiqaan. Muddo yar gudahoodba faruuryadaha ayaa guduuta. Adiguba arag oo laba sano ka hor dadkii wax noqday, sida ay ahaayeen iyo qaabka ay hadda u eg yihiin. Adi dhidid baa ku dilaye, raggaasi iyaga oo aan daalin bay fadhi waxooda ku helaan. Waa fadhi ku dhereg, jiif oo jaq, adiga oo aan hawshoon hodan, iyo bilaash ku baashaal.

HADDA MAXAA TALO AH - FURSADO MA JIRAAN?

Wakhti kaama tegin weli. Ha walwalin saaxiib, waxaa jira hadda fursado badan oo aad ka faaʻiidaysan karto. Tusaale; ma arkaysay maalin dhaweyto doorasho ka dhacaysay Butlaan? Xildhibaannadii la soo xulay, waxa uu mid walba qaatay lacag ku dhawdhaw ama ka badan laba boqol oo kun oo Doolaar (200,000 $). Waa maalin taajirnimo cad. Xildhibaannadaasi hal mar bay furkii fakhriga xooreen. Rag ka mid ah Nayroobi bay guryo ka gateen, qaarna waddanka ayey qasriyo waaweyn ka jeexdeen. Dad iska caadi ah bay ahaayeene, hadda dabaqadda sare ayey durba galeen. Dad badan oo reer Butlaan ah oo aan ku baraarugsanayn awal hore, ayaa markii ay arkeen lacagaha socda, fartooda qaniinay oo, “Tolla`ay! Maxaan Xildhiban u noqon waayeey,” ku caataba. Fursaddasi hada meesha ay ka jirto waa tan soo socota.

DOORASHOOYINKA GALMUDUG IYO JUBBALAAN

Bilaha foodda nagu soo haya waxaa dhici doona doorashooyinka dawlad-gobaleedyada Galmudug iyo Jubbalaan. Wixii ka dhacayey Butlaan wax daran baa ka dhaci doona. Waxaa ku tartamaya waddamo dhaqaale badan, oo kala wata musharrixiinta tartami doonta. Waddamadaasi waxa ay kala yihiin: Imaaraadka, Qadar, Kenya, Norway, Ingiriiska iyo Maraykanka – waa xog dhab ah oo la helay! Codka xildhibaaku waxa uu gaari doonaa wax ka badan boqol kun ($ 100,000) oo uu bixin doono calaa-musharrax. Sidaas darteed, haddii aad labadaas deegaan mid ka soo jeeddid, waxaa hadda kuu furan sidii aad uga fekeri lahayd qaabkii aad uga mid noqon lahayd xildhibaannadaasi. Lagaama xiga e, KU FEKER, KU DHAQAAQ, KU DAGAALLAN. Haddii aad hesho, waad gacan marin kartaa musharrax kasta. Qaar musharrixiinta ka mid ah oo hari doona ayaa laga yaabaa in ay ku yiraahdaan, lacagtii soo celiye, haddii ka sii feker waxa aad samayn lahayd; haddii aad habeenkiiba la guurayn lahayd, haddii aad subixiiba la jarmaadi lahayd iyo haddii aad indhacaddays isku difaaci lahaydba! Laakiin waxaa kuu fiican in saddexda nin ee aad lacagta ugu badan ka qaado, aad saddexdaba u codaysid. Waxa aad degi kartaa shaxdan: kan aad isleedahay wareegga koowaad buu ku harayaa, codka koowaad sii. Kaad isleedahay wareegga labaad buu ku harayaa, codka labaad sii. Kaad isleedahay wareegga saddexad buu gaarayaana, codka ugu dambeeya sii. Intaas mid ka mid ah haddii uu kuu qabsado lacag, Kitaabka isla taga. Haddii sida aad wax u qiyaastay ay noqon weydana, hadda qorshahaaga ku sii darso.

FG: ogow; lacagaha la bixinayo kama imaan nin jeebkiis uu ku soo tiro iyo tacabbeelaye, waa deeq Raabbi oo badaha kaaga soo gudubtay. Lagaama xigo. 

Haddii, si kasta inta samayso, aad ku sari weydo. Mar labaad isku day in aad noqoto wasiir. Haddii aad hesho, mushaarna waad helaysaa, waxaana kuu dheer siminaarro, laaluush aad haayadaha ka qaadato iyo qandaraasyo aad wax ka xagxagato. 

DOORASHADA 2021KA

Inta aanan doorashada xog kaa siin, horta aan kuu iftiimiyo xildhibaannada Federaalka ee hadda jooga lacagta soo gasha. Iska daah laaluushkii faraha badnaa ee doorashadii 2017ka e, marka la isku daro mushaarkiisa, gunnadiida, habeen-dhexiisa iyo laaluushkiisa, ragga qaarkood kama yara bishii 15,000 oo Doollar. Haddii uu wasiir ku darsadana, kaba sii badan. Intaas waxaa u dheer, hoteellada waa laga bixiyaa; waa jiif raaxo leh iyo cunto jaad-ba-jaad oo bilaash ah. Haddii mooshin iyo dhaqdhaqaaq isfahan darro uu ka dhexdhaco madaxda sarena, taasi xisaab ma leh lacagaha ay helayaan. Qandaraasyada iyo hawla kale ee ay ku jiraan, lama tirin karo iyana waxa uga soo go`a.

Ogow oo ogow, Xildhibaannada haatan, kuma jiro nin carruurtiisii ay waddanka ku nooshahay. Qaar ka mid ah waddamad Galbeedka ayey u dhoofsadeen, qaar Turki ayey geysteen, inna Carabaha ayey geysteen, kuwana Nayroobi ayey khadad ka sugayaan, oo sannadkaan ayaa la rajaynayaa in ay dhoofaan. 
 

Aan u soo laabto doorashada 2021ka e, saaxiib, tani been oranaysa doorashooyinkii dawlad-gobaleedyada. Waa doorasho adag oo ay dul dhigan tahay malaayiin Doollaar ayna ku tartamayaan rag ay maalgelinayaan waddamo dano fog ka leh dalka. Waxaa laga yaabaa in codka Xildhibaanku uu gaaro nusmilyan. Xildhibaanka hadda ay soo gasho lacagtii aan soo sheegay ee raaxo iyo dhakhle isaga jira, ma u malaynaysaa in uu ka joogsanayo midda soo socota? Iska daa taase, waxaa laga yaabaa - haddii ay adkaato - in uu xitaa qori soo qaato! 

Saaxiib, halkaasina fursad dahabi ah ayaa iyana taalla. Lagaama xiga e, iyana, KU FEKER, KU DHAQAAQ, KU DAGAALLAN.

HA IS WADATO DIIDAYE HA WALAAQANTEE DAA

Haddii, sida aad u dadaalaysey oo naftu kaaga baxaysay, markaas aad weydo Xidhibaan dawlad-gobaleed, Wasiir, Xildhibaan dawladda dhexe, Wasiir iyo ugu yaraan xitaa agaasime ama ka sii yar oo, shaqo aad noloshaada ku maarayso, asii nimanka jagooyinka kaa qaatay, dhaqaalaha iyo nimcada wax kaa sii waayaan, waxa kuu furan oo keliya in aad ka shaqeyso in aysan fadhi ku ladaaban. Sidee ku dhici kartaa, in adiga iyo reerkaagu guri kiro ah aad ku jirtaan, ninna fooqyo kugu kordhisanayo? Maxaa ay ku dhacaysaa in adiga iyo qoyskaaguba bogga ciidda aad ku heysaan, ninna uu madaxaaga inta uu ku hodmo ay isaga iyo reerkiisu halkaas caloosha ka xogxoganayaan oo uusan weliba kuu oggolayn in uu maalin dabka kuu shido ama uu ku geeyo meel aad dabka ka shidan karto? Nin weyn baad tehee, inta fekertid, oo fekertid oo talo rogrogtid, waa in aad keenta dheko aysan markaa ninkaas iyo raggiisuba ku ladin.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus      
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb: facebook.com/snayruus
 


Monday, January 28, 2019

WAR YAA TOL AH OO REER HEBEL AHEEY!

Magaalo Joogis Bay Kaa Rabtaa


Shalay galab ayaan waxaan soo raacay Bajaaj. Waxaa waday Bajaajtaasi nin garmadow ah oo markaasi jaad takhsiinnaa. Ka warrama haddii ay ishelaan nin war jecel iyo nin marqaansan? Sheeko qiso iyo qosol isugu jirtay ayaannu dhex dabaalannay. Annaga oo ay noo baxayso ayaa waxaa gadaal nooga yimid gaari Cabdibile ah oo ay ku dhoobnayeen askar hubaysan. Haddii aad Soomaaliya joogto, ma Cabdibile ayaa la hor socon karaa? Marka hoonkiisa la maqlo ayaa la kala haadaa! Cabdibilihii foori ayuu intaa nala dabajoogaa, annaguna lama soconno oo adduun kale ayaannu ku jirnaa. Sidii uu noo daba socday oo uu sheellare iyo hoon isugu darayey, qolo kale ayaa inta meel uu maro siisay, ayuu inta xiin nagu dhaafay, jidkii bartankiisii noo istaagay.

Maxaa dhacay?

Hal mar baa waxaa Cabdibilihii ka soo daatay 11 askeri oo qoryahoodii oo dhegta ka jarantahay la soo booday. Waxa ay doonayeen in ay feer iyo laad iyo bugayn kala daalaan darawalka Bajaajta. Waa nagu yimaadeen, kolkaas baa kii ugu horreeyey ninkii shaatiga inta qabtay oo uu baad ku dhuftay ʻsoo dego najisyahow najisku dhalay` yiri. Ninkii markii uu arkay meesha xaal marayo, ayuu waxa uu isla markiiba ku dhawaaqay, “War yaa tol aheey, war yaa reer hebel aheey!” Nimankii soo yaacayey, intoodii badnayd isla markiiba gadaal bay u hakadeen. Ninkii shaatiga ku dhegganaa ee mar quriga ku dhuftayna, mid baa inta ku soo haaday oo gacanta ka qabtay, ku yiri, “War bal sug, …, waryaa soo ninka ma aragtid, waa in oday ah oo masʻuul ehe, sideed ula dhaqmaysaa?” War yaanan kugu daaline, ninkii waa la raalligeliyey waxaana xaalmarin loo siiyey qeyb qaad ah oo ah waxa ugu qaalisan, waxa ay malleeshiyo bixiso.

Ninku qoladu uu sheegtay ma ahaa?

Markii ay nimankii naga tageen baan ninkii isaga oo qoslaya waxa uu hadal iiga bilaabay, “Magaalo joogis bay kaa rabtaa.” Inta yaabay ayaan waxa aan weydiiyey, waxa uu ka wado. Waxa uu ninkii ii sheegey in uusan ahayn qolada uu ku hayey ʻyaa reer hebel aheey. Isaga oo hadalkii ii wada ayaa waxaa uu igu yiri, “Saaxiib, waxa aan kala bartay lahjadaha ciidanka Faradheerta, marka hadba qoladii igu aabyoota, marka aan lahjadooda dareemo ayaan u habarwacdaa qolada aan u maleeyo. Waana ku faa`iidaayoo, waatan aan haddaba kaga badbaaday, kuna helay jeex jaad ah.”

Magaalo joogis bay kaa rabtaa


Ninkaasi, waxa aan siiyey lacagtii aan kula soo heshiiyey maantaas laba jibbaarkeed, sababta oo ah; waxa aan ka bartay xikmaddan ʻ Magaalo joogis bay kaa rabtaa. Insha Allahu, waan ku dhaqmi doonaa hadda kabacdi.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus      
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/ 
Fb: facebook.com/snayruus
 


Thursday, January 24, 2019

MAXAAD KA TAQAANNAA ERAYGA ʻLAKUKA?


Dhibka kala haysta xirfadlayda iyo looshaqeeyeyaasha!

Waxaa jira eray la yiraaho `LAKUKA` oo caan ka ah dalka Soomaaliya, waxaana eraygan laga soo gaabiyey:     

LA:     la qabso      
KU:    ku qabso     
KA:    ka qabso


Tusaale; ganacsade ama NGO-le ka dhex waayey qaraabadiisa qof leh xirfad uu markaasi u baahan yahay, ayaa xifadle uu ka warhelay in uu leeyahay aqoontaasi, inta uu raadiyo, shaqo siinayaa. Marka uu shaqada soo galo, ayaa waxa uu u keenayaa qof qaraabadiisa ah oo uu horay uga soo dhaadhiciyey in uu xirfadlahan ka barto xirfadda shaqada, waxa uuna ku soo leeyahay, ʻLAQABSO shaqada!

Qofkii waxa uu soo agfariisanayaa maalin waliba xirfadlihii si uu shaqada uga barto, xirfadluhuna waa uu tixgelinayaa oo, waxa uu leeyahay waa qaraabada badarnoolaha. Kolka uu shaqadii kala baro ayuu maalinta dambe shaqada KU QABSANAYAA xirfadlihii! Muran iyo dhib ayaa meesha ka dhacaya, looshaqeeyuhuna hoos buu wax ka ogyahay. Marka uu muranka iyo qaylada dhexdooda ah uu bato, ayaa xirfadlahii loo yeerayaa, waxaana la leeyahay, “Adeer, buuqaan joogtada ah kama bixi karno, shaqadaana nooga dhumaysa ee fadlan iska bax!” Markaas buu, isaga oo ka muragaysan sida la yeelay oo la mooda in la leeyahay ʻdabaday`, iska baxayaa. Qofkii qaraabada ahaa sidaas ayuu meeshii KAGA QABSANAYAA shaqadii!

Dadka xirfedlayda ah oo dhan taasi waa wada sugeysaa. Marka, haddii aadan ahayn qaraabada looshaqeeyaha, sidii aad uga dabaalan lahayd LAKUKA adiga ayey ku jirtaa.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus      
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/
Fb: facebook.com/snayruus
 



Saturday, January 19, 2019

ANAA QABIILATUL FOOQFOOQ: Maxa Kala Qabsaday Gabar Reer Mudug Ah Iyo Qoys Reer Sucuudi ah!

Beri baa gabar reer Mudug ah, waxaa la geeyey waddanka Sucuudi Carabiya. Waxaa loo geeyey in ay halkaasi ka soo shaqeysato oo ay dadkeeda anfacdo.
Maadaama gabadhu aysan aqoon lahayn, dadka shaqada geynayey baa waxa ay u sheegeen in ay ku shaqeynayso shaqada Khaddaamannimo oo aysan inantu markaas sida ay tahay u fahmin waxa laga wado Khaddaamo, laakiin waa dee reer Mudug oo ‘maxay tahay khaddaamo?, maba dhihin.
Markii reerihii loo geeyey baa waxa ay aragtay shaqada nooca ay tahay, oo horay kaga ma qancin, laakiin waa iska gashay oo ka warkeen bay is tiri.
Dhawr beri oo soo dhaweyn ah ka dib, waxa ay ciddii isku dayday in gabadhii ula dhaqmaan sidii Khaddaamooyinkii ay arki jireen oo kale, markaas baa maalin naagtii guriga lahayd amar ku siisay in ay dhaqdo dhar aad ustag u ahaa oo u badnaa matateyaal, candhecaajiyaal, naasagelisyo, garammo, iyo sharabaadyo. Gabadhii oo yaabban baa inta dharkii cagaheeda saas ugu kala firdhisay bay isheedii ku sii aragtay dabagelisyo carruur oo doox iyo ban ku yaallaan iyo kastuumooyin faddaraysan oo baro dhiig ah ku yaallaan, oo shaw gabdhaha iyo islaantu Caado ka dindintay uga tibiqday. Inta yaqyaqsi iyo yalaalugo isugu darmatay oo gadaal uga baxday bay iyada oo ka ash-ashoonaysa, diidday in ay shaqadaasi qabato. Naagtii baa damacday in ay ku qayliso oo shaqada ku xaarxaarato, jeerkaas bay inta si yasmo ah kor iyo hoos ugu fiirisay, waxa ay ugu jawaabtay, “Anaa qabiilatul fooqfooq.” Gabadhu Carabi ma taqaan, markasta oo ay la hadashadaba, intaas jacburka ah bay ugu jawaabtaa. Naagtii ayaa markii dambe waxa ay u yeertay ninkeedii, kolkaas bay u sheegtay in ay Khaddaamadii shaqadii diidday. Ninkii ayaa inta soo degtay, waxa uu ku yiri adeegtadii Soomaaliyeed, “يا خدامة قم بعملك” oo u dhiganta, “Naayaa adeegto, kac oo shaqadaada qabso.” Sidii oo kale, inta si liidmo ah kor ugu fiirisay oo gacanteeda xabadka ku garaacday bay asna ku tiri, “Anaa qabiilatul fooqfooq.”
Qoyskii Carbeed, waxa ay isla markiiba u waceen ciddii keentay gabadha oo ay arrintii u sheegeen, kolkaas baa inta dadkii shaqada keenay u yimaadeen, waxaa la weydiiyey waxa dhacay. Inta u warrantay bay waxa ay u sheegtay in ay tahay gabar sare oo laandheere ah oo aan marnaba oggolaan karin in ay gunnimo qaadato. Waxaa la damcay in lagu qanciyo shaqada oo ay inta jajabnaan muujiso ay danteeda raacato oo ciddeedii kalkaasho, sida gabadhaha kale ee Soomaalida ay shaqeystaanna, ay u shaqeysato.
Inta eegtay hadalka dadka shaqada keenay, baa waxa ay ugu jawaabtay hadal ka yaabiyey, waxa ayna ku tiri, “Walaalayaal, haddii shaqada Sucuudiga taalla ay tahay in naago nigisyadooda iyo naasacelisyadooda la dhaqo, anigu waxaas waa ka sarreeyaaye, dalkaygii ha la ii celiyo.” Kolkas baa lagu khasbanaaday in lagu celiyo gobalkii Mudug ee ay ka timid.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus      
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/
Fb: facebook.com/snayruus
 

Saturday, January 12, 2019

BEELO HADDA ABTIR LA ISUGU DUWAYO OO QABIILLO KALE LAGU BIIRINAYO: U diryaargarowga doorashayooyinka mustaqbalka (Xog yaab leh)

Maalin dhaweyd baa waxa aan helay nin aan muddo goobayey, oo hadba ballan inta wada dhiganno aan is heleeli weyno. Markaas aan is helaynnay, dad buu qaabilayey. Markii ay qaabilaaddii u dhammaatay, ayuu inta ii yeeray, waxa uu igu yiri, “Walaal, siyaasi baa ii yeerayey, ee kaalay horay ii sii raac, inta aan sii soconnana aan sheekaysanno, marka aan ka soo dhammaadana, aannu si fiican wakhti is kugu helnee. “Haye,” baan iri. Is raacnay. Waxa aan aragnay siyaasigii oo rag badan la kulansan. Siyaasigii markii uu indhaha naga qaaday, buu yiri, “Kaala soo fariista.” Ninka aan la socdo iyo siyaasigu waa isku reero. Ragga siyaasiga la fadhiyey oo dhanna waa isku qolo. Siyaasigu marka uu noo yeerayey, waxa uu anna ii malaaynayey in aan ahay dhallinyarada beesha. Kan aan la socdo, wuu i reebi lahaa, haddii uu ogaan lahaa in ragga la fadhiya siyaasiga ay tolka wada yihiin, ama uu garan lahaa mawduuca laga hadlayo. Sidii aan u soconnay baan la fariisannannay.
     
Maxaa laga hadlayey?
Siyaasigu waxa uu ka hadlayey doorashada mustaqbalka ee ʻqof iyo coki ah, sidii la yeeli lahaa iyo qaabkii beesha cido kale loogu soo biirin lahaa. Siyaasiga iyo laba nin oo kale, ayaa soo hadal qaaday hawlo ay waayadan ku mashquulsanaayeen oo ahayd, beelo ay soo heleen oo beeralay u badnayd oo aan tiro yarayn. Odayaasheedii beelahaasi waxa ay isla garteen, in qabiilkan lagu daro. Waxaa kale oo ay sheegeen, in beel kale ay ku raad joogaan, oo wax u dhawdhaw yihiin. Midda ugu yaabka badnayd ayaa ahayd, nin ka mid ah raggii ayaa yiri, “Ilma adeerrayaalow, jifadayda ayaa laangaab ah, waan idin baryayaaye, beelahaas jilibkayga ha lagu kaabo!” Gebagebadii waxaa la isku afgartay, in la sameeyo abtir iyo halka beelaha soo socda laga gelin lahaa beelweynta iyo sidii loo qeybsan lahaa dhaqaalihii dadkaas wax loogu qaban lahaa iyo wakhtiga shirarka la bilaabayo.
Ninkii aan la socday, intaas hoos buu ka gubanayey, waana dhididayey, waxa uuna ka xumaa in aan hawshaas wax ka ogaado. Markii la dhammeeyey, isaga iyo siyaasigiina ballameen, ayaan, markii aan soo baxnay, waxa aan ku iri, “Saaxiib, ha u bixin, Maryoolay oo dhan baa sidan wada ahe, anina afkayga warkaas oo mutaxan laga maqli maayo e.”

Siyaasi dhexgalay qabiillada cadcadka ee Muqdisho
Siyaasi ka mid ahaa siyaasyiintii aad iyo aadka ugu soo caanbaxay dawladdii Xasan Sheekh, ayaa waxaa uu dhexgalay beelaha cadcadka ee Xamar deggan. Siyaasigan oo ka soo jeeda qabiil tiro yar (laakiin siyaasad ahaan saameyn leh), ayaa shaqo dheer ka dib, soo helay qolo cadcadka Xamar ka mid ah oo aysanba u ekeyn Faradheerta uu ka soo jeedo, kolkaas baa – wadaxajood ayaad qaatay ka dib - waxaa la isla gartay in ay soo kala lumeen waa hore, oo odayga AXMED ah ee ay ku abtirsadaan uu ka soo lumay, oo cadcadka inta dhexgalay ka guursaday oo sidaas ku farcamay. Arrintan laba faaʻiidaba waa yeelatay: Siyaasigiina beel dhan ayuu helay uu qoladiisii ku biiriyo, qoladiina waxa ay heshey abti dhaafsiisan “Reer Axmed”.

Madaxweyne naclad iyo habaar la isugu daray
Hadda ka hor baa aniga oo fadhiya hoteel, waxaa gadaashayda fariistay, niman odayaal ah oo isku reer ahaa. Sidii ay u sheekeysanayeen, ayaa sheekadoodii soo gashay Awoodqeybsiga Siyaasadda Soomaaliya. Waxa ay uga xumaayeen awoodqeysigaas, waxa ayna aaminsanaayeen in ay xaaraan tahay oo ay ku dulman yihiin, oo beelo badan oo hadda kuraas haysta aysan mudnayn.
Laba nin oo odayashaas ka mid ahayd, ayaa waxa ay ka warrameen, in hadda ka hor ay la kulmeen madaxweyne ay isku hayb ahaayeen oo ka mid ahaa kuwii hore (Aadan Cadde, C/rashiid iyo Siyaad Barre). Waxa ay u sheegeen in ay hayaan shan beelood oo aan abtir dheer lahayn, diyaarna u ah in ay qabiilka ku soo biiraan. Marka ay macluumaadkii siiyeen, baa isla markiiba war degdeg ah u yimid madaxweynihii, kolkaas buu, isaga oo aan u jawaabin, waxa uu ku yiri, “Maalin kale ii kaalaya.” Nimankani, waxa ay u qaateen in uu madaxweynuhu arrintaasi raalli ka yahay, markaas bay isla markiiba bilaabeen in ay beelihii abaabulaan, una sameeyeen abtirro iyo meelo ay kaga arooraan qabiilka, iyaga oo ballanqaadyo hormarineed iyo mid dhaqaalena u samaynayey.
Maalin kale ayey madaxweynihii la kulmeen, markaas bay u tebiyeen, in ay qabiilladii soo diyaariyeen. Madaxweynihii nimankii waa la yaabay, dood dheer baana dhex martay. Aakhirkii, madaxweynihii arrintaasi waa ka diiday, isaga oo sheegey sababo ay aad uga xumaadeen nimankii. Markaas bay, iyagiina, inta niyadjabeen, ka dhuundhuunteen qolyihii oo maalin walba la soo xriirayey; maadaama aysan u samayn karin ballamihii ay ka qaadeen.
Odayaashii waxa ay sheegeen, qolyihii waagaas uu madaxweynuhu ka diidayey, in ay maanta, laba jeer ka xildhibaanno iyo wasiirro badan yihiin qabiilkii ay diyaarka u ahaayeen in ay ku biiraan, haddana, saddex ka mid ah ayba yihiin qabiillo tiro iyo taagba leh. “Maanta haddii ay qabiilka ku jiri lahaayeen, xildhibaannadaas iyo wasiirradaasi qabiilka ayey ahaan lahaayeen, “ ayaa la is yiri. Mid ka mid ah raggii waagaas lahaa taladaas, ayaa inta madaxa luxay, waxa uu yiri, “Madaxweyna hebalow, ilaahay nacladdiisu kugu dhacday, oo godka lagugu cadaab, taladaas haddii aad qaadan lahayd, maanta waxa dhacay ma dhaceen, oo Soomaali badankeed, isku qabiil baan ahaan lahayn.” Kuwii la fadhiyey ayaa iyaguna nacladdii iyo habaarkii la jiibiyey.

Arrintani ma dhaqan cusub baa?
Arrintani ma ahan dhaqan cusub, waxa ay soo bilaabatay 60kii, xilligii doorooshooyinka qof iyo codka ah jireen, waxaana jiray qabiillo siyaasiin cod doon ah ay ku biiriyeen qabiilkoodii, oo ila hadda ku jira, qaarkoodna ayba noqdeen laandheeraha qabiilladii lagu biiriyey. Inta la xuso, afar siyaasi oo keliya ayaa sidaas samaysay. 

Hadda ma jiraan fursado?
Haddii ay dadku isla qaataan in saamiqeybsiga 4.5 la baabiʻiyo oo dadka la isku tiriyo, dad badan oo hadda xildhibaanno haysta oo uu saaciday awoodqeybsiga 4.5, ma heli doonaan xildhibaano. Sidaas darteed, laangaab oo dhan waa hari doonaa. Laakiin hadda fursado badan ayaa jira, oo lagu heli karo dad badan oo aan qaabiil ku xirnayn, oo beesha lagu dari karo. Dadkaasi - haddii aad ugu kuurgashid - waxa laga heli karaa meelo badan oo dalka ah. Waxa jira dad badan oo beeralay ah oo haddii aad matoorro iyo cagafcagafyo u samaynaysid, laga yaabo in aad hesho. Sidaas oo kale, waxaa jira tuulooyin u badan koofurta, oo haddii aad mashaariic geyso, ku oggolaan kara. Waxaa iyana jira beelo aan ku qanacsanayn qabiilka ay ku jiraan ee la yaso, oo haddii ay helaan qabiillada nasabka lagu sheego oo diyaar ah, ku biiraya. Waxaa saas oo kale jira, beelo qabiillo ku dhex jira oo qabiilkaasi uu ku sheego in aysan asal ahayn, oo reero kale ka yimaadeen, kuwaasina, waa la heli karaa, haddii loo sheego in ay waa hore qabiilkiinna ka soo dhumeen.

2021 ka wixii ka dambeeya, qabiil aan abtiris fog lahayn la heli maayo, ee hadda fursadaha ha la ga faaʻiidaysto.

FG: Waxaa jira siyaasiyiin beelahooda ka soo dhex bixi waayey oo la shiiqiyey, kuwaasina, waxa ay haystaan fursad ay ugu biiri karaan beelaha kale ee ay siyaasiyiintu ku yaryihiin.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus      
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
https://suldan-nayrus.blogspot.com/
Fb: facebook.com/snayruus

         


Wednesday, January 9, 2019

NIN U DHINTAY SHARUUR UU BIXIN WAAYEY DARTI


Beri baa waxaa dhacday, nin ay dawladihii ku-meelgaarka ahaa mid ka mid ah u magacowday guddoomiye degmo, in ay la soo xiriireen xoogaggii Muqaawamada oo markaasi itaal roonayd. Waxaa ay ninkii ku dheheen, “Haddii 24-saac gudahood aadan is casilin oo aadan weliba iscasilaaddaada warbaahinta ka sheegin, adaa cirka roob ku og.”

Ninkii waa baqay, waana ogaa in haddii ay Muqaawamadu soo wacdo uusan geedo dambe calalinayn, oo horay buu u arkay, rag sidaas oo kale inta la soo wacay oo dhego-adaygey, aakhiro loo taxaabay. Kolkii uu farriinta helay, saacado yar ka dib, waxaa uu isugu yeeray wariyeyaal dhowr ah, markaas buu qabtay shir jaa’id oo uu isaga casilayey jagadii loo magacaabay.

Markii uu shirkiisii jaraa’id dhammeeyey, baa wariyeyaashii waxa ay weydiiyeen Sharuur (Oo ah lacag ay wariyeyaashu ka qaataan dadka ay wareystaan ama shirarka qabsada). Markaas buu ninkii inta cataabay, waxa uu wariyeyaashii ku yiri: “Walaalayaalow, hadda wax lacag ah ma heli karo Wallaahi, in aan noolaadana waxaa ka dhimman saacado yar e, in aan warbaahinta casilaaddayda ka sheegana shardi baa la iiga dhigee, fadlan waa idin baryayaaye, warkaan ii sii daaya.” Wariyeyaashii uma aysan jixinjixine, waxaa ay mar labaad ku dheheen, “Walaal, Sharuur la’aan warkan lama sii deyn karo.” Waa nin geeridiisa loo sheegaye, isaga oo murugeysan buu mar kale ku yiri, “Walaalayaalow, xitaa i deymiya oo, maalin kale ii qabta, aan lacagtaas ku keeno.” Inta madaxa warwareejiyeen bay u sheegeen in warkiisa aysan Sharuur la’aan sii deyn karin.

Muran iyo baryo badan ka dib, wariyeyaashii waa ka tageen ninkii, warkiisana lama baahin.

Nasiibdarro, waxa maalin ka dib la baahiyey, dilkiisii oo aysan wax Sharuur ah ku qaadan wariyeyaashii iyo idaacadihii baahiyey.

FG: Qeyntan yar ee qoraalka, waxa aan ka soo qaatay, buugga "Warsame iyo Wariyenimo"

Waxaa Qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
fb: www.facebook.com/snayruus

Wednesday, January 2, 2019

SHIRKII KHUBARADA FARANSIISKA IYO INDHEERGARADKA SOOMAALIYEED (Xog xiiso badnayd)


Khubaro ka socotay waddanka Faransiiska ayaa 9 sano ka hor, mar waxa ay u baahdeen in ay la kulmaan indheergaradka Soomaaliyeed (Intellectuals) ee Yurub ku sugan oo ay doonayeen in ay arrimaha Soomaaliya wax ka weydiiyaan. Niman Soomaali ah ayey inta la kulmeen, waxa ay ka codsadeen in ay indheergaradkaasi u raadiyaan inta Yurub lag heli karo, wakhtiga iyo goobtana waa la iska jaangooyey.  


Maalintii ballanta, ayaa nimankii waxa ay keeneen 156 qof oo Soomaali ah. Khubaradii Faransiiska oo aan tiradan iyo wax u dhaw ku xisaabtamin – oo shaw dhawr qof filaysey - ayaa nimankii weydiiyey waxa ay dadkan faraha badan yihiin. Nimankii waxa ay ugu jawaabeen: “Waa dadkii Indheergaradka ahaa ee aad noo dirteen. Weliba wakhtiga ayaa nagu yaraaday oo waan ka gaari weynay in aan keenno intaan in ka badan.” Khubaradii talaa ku caddaatay, waxa ayna noqotay in ay haal u kireeyaan, meelo ay dagaan saddex maalinna u raadiyaan!

Shir ayaa maalin ka dib furmay, markaas baa khabiirkii ugu horreeyey ee Faransiiska ahaa ee hadlay, waxa uu ku bilaabay warkiisii su`aashan: “Intiinnaan ma indheergarad baad tihiin?” Hal mar baa dhawaq xoog badan waxa loogu jawaabay: “Haah” Inta qoslay ayuu ku yiri, “Waddanka Faransiiska ah ee aad maanta timaaddeen, 20 qof ma dhamma dadka uu waddankan u aqoonsan yahay indheergarad, waana dadka marjaca u ah oo masiirka dalkaan u fekera. Haddii, marka intiinnaani aad indheergarad tihiin, intaas oo kalana aad ka soo tagteen, sidee ku dhacday in uu waddankiinnu noqdo sida uu hadda yahay? Mise wixiinaan fahansanayn waxa ay tahay indheergaradnimadu?”

Khubaradii markii ay arkeen in ay yihiin dadkani kuwo ariyullaahi-baraar ah oo dabka ka leexan kara, bay laba maalmood inta shaah iyo shilimaad siiyeen, tareenno ku dareen.

Waxaa qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Fb: www.facebook.com/snayruus