Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Fb page: www.facebook.com/snayruus
Muuse,
waxa uu ahaa wiil madi ah. Baaddiye ayaa uu ku dhashay oo uu ku garaadsaday.
Xilligii kuraynimada ayaa aabbihi uga dhintay kadimo ishkin ah iyo tirooyin ari
ah. In kasta oo uu barwaaqo darduuranayey, haddana, ma uusan jeclayn in uu ku
sii nagaado baddiyaha. Waxa uu ka doorbidayey magaalada. Laba arrimood ba waa u
danaynayey magaalada: In uu wax ka barto iyo in uu ku naalloodo nolol ka macaan
tan miyaga.
Muddo uu isweydiinayey tabtii uu uga
daldoorsan lahaa duurka ka dib, habeen habeennada ka mid ah, ayaa waxa uu
go`aan ku qaatay: In uu magaalo galo uu xoolaha uga tago adeerradi. In maalinta
uu baxayo uu kaxaysto xoolo uu suuqgeysto oo uu ku noolaan karo ilaa muddo
sannad ah, maadaaama aysan xigaalo uga horreyn magaalada. In, kolka uu nooliga
ka dhammaado, uu adeerradi la soo hadlo si ay hantidiisa uga soo diraan, wixii
uu hadba uga baahdo. Fuliyey arrinkii. U caqlicelin, ismarinwaa iyo dood dheer
oo ku saabsan xoolo-dayaciisa ka dib, dirqi looga yeel taladiisii. Ka ambabax
oo, kaxaysay dhawr rati oo korommo ah, xoogaa dibi ah iyo xeynta jar ah.
Isaga oo xoolihiisii dabada ka wada ayuu
galay magaalada Muqdisho. Xoliihiisii ayuu beecsaday. Magaalada ayuu guri ka
kiraystay. Waxa uu dhaqso ku bilaabay waxbarasho. Awooddiisa ayuu isugu geeyey
waxdhigashadii. Sidii uu qiyaasayey, nooligiisii waa isku furdaamiyey
sannadkii. Qorshuhu sida uu ahaa, kolka ay sahaydu ka go`do, adeerradi ayuu la
xiriiri jiray oo ka warsan jiray in ay xoolihiisa wax uga soo gadaan oo u soo
diraan. Iyaguna, waxa uu codsado, ju` kama keeni
jirin.
Muuse, sidii uu u dadaalayey, dhammee dugsi
sare. Halkaas kuma joojine, jaamacad buu inta bilaabay, iyana soo afmeerey.
Ganacsiga iyo maamulka ayuu ku takhasusay. Kolkii uu tacliintii sare ka baxay,
ayaa inta uu fekeray, waxa u sawirantay in uu ka dhabeeyo aqoontiisii ganacsi
ee uu bartay. Inta baaddiye u baxay oo soo xaraashtay xoolihii oo dhan ayuu ka
bilaabay ganacsi magaalada Muqdisho. Ganacsigii waa u bullaalay, waxa uuna ka
mid noqday hantiileyaasha baladka laga yaqaanno.
Maantiii uu ganacsigiisu tisqaaday, ayuu
joogteeyey ka-warqabidda iyo taageerada adeerradi. Wax kasta oo ay u baahan
yihiin; baad iyo biyaba ayuu ugu diri jiray halkooda, taas oo adeerradi ugu
beddeli jireen mahadin iyo duco. Oday ka mid ah adeerradi ayaa inta waxa kale
oo ugu abaalgudo garan waayey, waxa uu baaddiye ugu yaaray Muuse, kolkaasina ku
daray gabadhiisii. Markii gabadhii lagu meheriyey, ayuu Muuse waxa uu soo
kaxeeyey xaaskiisii iyo wiil adeerki kale dhalay oo uu is lahaa waxna ha barto,
hana ku caawiyo. Qasri uu xaaskiisa ugu talo galay ayuu gees ka dejiyey
wiilkii.
Muuse, waa nin hawlo adduun kala xallinayee,
subixii sida uu guriga uga baxo, habeenkii waqti dambe ayuu ku soo laabtaa.
Waxaa inta badan guriga isla jooga xaaskiisa iyo ina-adeerkood, markaas baa
Sheydaan inta uu waa dambe isku dhaweeyey, waxa ay bilaabeen in ay gorodda iska
laacaan. Saaxiibbo isjecel bay noqdeen oo, hawlahooda maareysta inta uu Muuse
masruufkooda ku maqan yahay.
Muddo ka dib, Muuse waa ogaaday in
ilma-adeerradi ay dabamareeyeen. Xataa waa hubiyey oo, mar ma ahayn inta uu
arkay iyaga oo isku maqan oo aan warheyn. Muuse, in uu dacwo iyo dagaal galo
iska daaye, xataa ma dareensiin in uu la socdo dhubuqdhubuqdooda. Waxa uu
muujiyey dulqaad. Dhawr jeer buu gabadha si sarbeeb ah u waaniyey, laakiin
Indhxamil waa garabmariyey in ay si saxa u fahanto. Marar buu wadaaddo ugu
yeeray in ay saaraan Qur`aan gabadha dejiya oo imaanka ku suga, se taasina lagu
ma anficin. Wiilku waa sidaa oo kale oo, ma kaso waxsheeggiisa dadban. Caqli
iyo ciso midna ma leh. Mar buu ku fekeray in firaaqada badan uu Shaydaanku uga
faa`iidaysanayo, markaas buu inta is yiri hawl ku mashquuli, wiilkii, u dhuumasho
deyn waayey.
Goortii uu arkay in aysan labaduba lahayn
garasho iyo imaan ba, ayuu talo rogrogid bilaabay. Aad bay u dhibaysaa in uu
adeerradi la socod siiyo hawsha oo uu ceebeeyo ilma-adeerradi, uuna dhaawacmo
qalbiyada adeerradi. Aad bay u la xumaataa in uu bilaa sabab ku furo Gabadhii
lagu sharfay ee adeerki uu jecel yahay dhalay. Haddana, waa dhibaysaa in uu
gurigiisa ku wada hayo dad aan lahayn xil iyo xishood.
Sidii uu u arrinsanayey, waxa uu ayaan dambe
isku la xaalay: In uu ganacsigiisa u wareejiyo Tansaaniya. In gabadha iyo
wiilka uu u celiyo deegaankooda. In adeerradi uu ka dhaadhiciyo in uu dal
shishiiye u safrayo, oo aan la ogayn waxa uu kala kulmi doono, ilma-adeerradina
uusan sidiisa oo kale ku biimayn karin shisheeye, isla markaasina, garan karin
inta ay ku qaadan karto soo laabashadiisa, sidaas darteedna, uu jeclaaday in
walaashina uusan waqtiga ka lumin, oo uu furayo. Ku dhaqaaq taladaas. Gabadhii
iyo wiilkii waa celiyey. Adeerradina ka yeele cudurdaarkiisii. Gabadhiina furi,
waxa uuna siiyey meherkeedii iyo siyaado oo caddaan ah, wiilkiina, waxa uu u
dhiibay xaqasalaamo, adeerradina, faramarnaan uga ma ducaysan. Magaaladii ayuu
inta ku laabtay, oo ganacsigiisii lacag u beddeshay, ayuu u dhoofay Tansaaniya
oo uu halkaas ganacsi kaga furtay.
Muuse, maxa uu intaas oo dhib ah u marayey?
Waa u ceebqarinta ilma-adeerradi iyo maandhawridda adeerradi.
Markii uu Muuse baxay, ayaan ka dib, ayaa
habeen ay ilma-adeerradii inta sidoodii isugu nafiseen, talo isweydaarsi
dabadeed, waxa ay istuseen in ay fiicnaan lahayn in ay inta isxalaalaystaan, ay
reer yegleeshaan. Waa ay la wacnaatay oo, inta odayaashii loo tagay baa la isku
daray. Waa dad nolol magaalo arkaye, waxa ay kaalo ku heleen iyo wixii ay
haysteenba, inta isku darsadeen ayey ku aqalgaleen degmo u dhaw deegaanka
reerahooda.
Nabsigu ma dhexo e, inantii waxa ay mar kale
bilawday in ay baladku ku yeelato saaxiib kale oo dahsoon oo ay wada qaraabtaan
xilliyada uu seygeedu guriga ka maqan yahay. Ninkii, tuhunna gal, xanna ka hel
ooridiisii. Dabalgal iyo wiido aysan ogayn buu duldhigay. Goor yar dabadeed,
waa soo helay ninka gurigiisa u dabamara. Ciil iyo maseyr qalbiga balbalinayey,
waxa ay ku riixeen in uu aakhiro u diro ninkaasi. Mindi ayuu inta u soo
soofaystay, waa uu yaqiinsaday xilliga guryo-noqodkiisa e, waxa uu ugu gabbaday
jiiro xaafadda u dhaw. Goor barqo dheer ah ayuu ninkii, sidiisii, gurigii isa
soo taagay. Qolkii jiifka ayuu inta marwadii ugu galay, waxa uu horay ka
bilaabay shaqadii la isku jeclaa. Isaga oo weli ku foorara naagtii, ayaa kii
inta gurigii xoog ku soo galay, waxa uu middidii kaga shufeeyey dhabarka ilaa
uu ka go`ayey.
Naagtii ayaa isla markiiba qalodhaamisay. Ninkii
waa la qabtay. Waxaa loo gacangeliyey bilays. Isla maalintaas, waxaa magaalada
soo galay Muuse, oo sannado badan oo muqnaa, u yimid ka-wardoonka adeerradiis.
Ina-adeerkii oo jeebbaysan oo saldhigga loo sii jiidayo, ayaa, isaga oo gaari
lagu wado, waxa uu kaga horyimid dariiq. Inta uu gartay oo uu si degdeg ah
daaqaddii isaga jaray, oo joojiyey isaga iyo ciidankii wadayba, ayaa waxa uu
weydiiyey dambiga ina-adeerki lagu haysto. Ciidankii oo aan jawaabin ayaa waxa
u warceliyey ina-adeerki, waxa uuna yiri, “Ina-adeer, waxa aan kow kaga siiyey
nin ay ‘Tii’ gurigayga kaga alaxsanaysay!” Muuse, waa hore ayuu maqlay in ay
isguursadeene, waxa uu ku yiri, “Ina-adeerow, maxaad ugu dulqaadan weydey sidii
aan kuugu dulqaadan jiray!”
Oraahdan ayaa waxa ay gaartay adeerradi,
jeerkaas baa la fahmay sababtii uu u soo celiyey ilma-adeerradi oo uu dalka uga
haajiray. Waxa ay adeerrari la wada khushuuceen dulqaadka, dhugmada iyo
iin-asturidda walaalihi, taas oo hadda, sawaabnimadooda, bannaanka keentay.
Xaalmarin, gabar kale iyo duco baa la isugu daray Muuse.
“Nabsigaan ayaan dhaxayn, adigu haw
yeedhan.”
Sayid Maxamed Cabdille
Xasan
Qiso ka mid ah 53ka qiso eek u jira buugga CIBRO
Waxaa Qoray: Suldaan Nayruus
Email: nayruus@gmail.com
Fb: www.facebook.com/snayruus
Sideedaba, waa dhaqanka jacaylka oo, laba qof oo kasta oo xiriir bilaaba mid uu u eexdaa oo uu laabta u fariistaa. Xiriirkii ugu horreeyey ee ay Raxmo wiil la yeelato buu haaye, maalmihii hore ee haasawaha, iyadii ayuu jacaylkii horay daf ka yiri. Markii hore Cali baa soo wici jiraye, markii dambe iyadii baa daqiiqad moogaan weydey oo wici jirtay. Haddii uu arkay in isaga la danaynayo, waaba iska dhaafay wicitaankeeda oo keeda ayuu sugaa. Haddii uu maalmihii hore Kaar iyo Shilimaan soo jiidasho ah uu u tuuri jiray, waa iska dhaafay oo, isaga ayaaba loo soo xawilaa in ka badan intii uu u gami jiray. Maalmihii hore, isaga ayaa danayn jiray kulankeeda e, kolkii dambe iyada ayaa mar kasta ka codsan jirtay in ay aragto. Jeerkii uu arkay in kulankiisa la xiisaynayo, waa iska joojiyey codsigiisii kulammada. Xataa kulankeeda waa ka faa`iidaa oo, xolihiisa waa u turtaa oo, wax kasta oo ku baxa iyada ayaa bixisa.
Baryo xiriir iyo jacayl la wadwad ah ka dib, Cali waxa uu ka codsaday Raxmo in uu oga baahan yahay lacag dhan 4,500 $ oo uu dan muhiim ah ku qabsanayo. Ma iyada ayaa diidi karta codsi ka yimid wiilkii ay adduun ugu jeclahayd. Iyadu lacag ma haysa e, sanduuq ay hooyadeed dahabka gashato inta u dhacday ayey ka soo dhiitisay dahab badan, oo inta isla markiiba la orodday, u geysay jacaylkeedii. Farxad buu inta la dhacay, ayuu ka qaatay inta uu aad ugu mahadceliyey. Dahabkii ayuu suuqa geystay oo, waxa uu u gaaray 6,400 $, masha Allah, kaba badan intii uu doonayey. Fiisihiisii iyo Hawlihiisii kale ayuu ku dhammaystay.
Raxmo, dib dambe uma raadin Cali, kama na warheyso meel uu ku dambeeyey. Laakiin, waxaa la hubaa in rafaadkii uu mariyey Raxmo uusan ku raaxaysan doonin; in uusan ku barwaaqoobi doonin beesadii ay u xadday.
Magaalada Muqdisho, waxaa waayadan ka dhaca xaflado farihii ka batay oo kala nooc ah. Iskool la furayo, jaamacad la xirayo, arday qalinjabinaysa, buug, urur, ganacsi la daahfurayo, xaflado sagoontis IWM. Qolo kasta oo hawlahaasi wax ka mid ah qabsanaysa, waxa ay raadiyaan Xildhibaanno uga qeybgala oo ay munaasabaddaasi ku weynaystaan, markaas baa laga yaabaa in ay Xildhibaanno ay maalintaas soo wacaan 10naan qof oo warsanaysa in ay munaasabad kala qeybgalaan.