Inta aanan hoos u daadegin, horta
ma aragtay xildhibaanno aad doonaysay in aad xaflad ku maamuustid oo marka aad
u sheegtid inta su`aalo badan ku weydiiya, cabbaar ka dib kaa cudurdaarta? Ma
la kulantay Xildhibaanno kaa ballanqaaday in ay kaala qaybgalaan xaflad,
laakiin markii xilligii la gaaray taleefoonka kaa qaban waayey ama kaa
cudurdaartay? Ma aragtay Xildhibaanno ku soo ajiibay oo kuu yimid, laakiin
marka ay yimaadaanba kaa codsada in hadalka loogu hormariyo, marka ay hadlaanna
horay ka baxa?
Ma
fahantay sababtaasi? Haddii aadan kasin hadda ayaan kuu sheegine, wax yar sug.
Magaalada Muqdisho, waxaa waayadan ka dhaca xaflado farihii ka batay oo kala nooc ah. Iskool la furayo, jaamacad la xirayo, arday qalinjabinaysa, buug, urur, ganacsi la daahfurayo, xaflado sagoontis IWM. Qolo kasta oo hawlahaasi wax ka mid ah qabsanaysa, waxa ay raadiyaan Xildhibaanno uga qeybgala oo ay munaasabaddaasi ku weynaystaan, markaas baa laga yaabaa in ay Xildhibaanno ay maalintaas soo wacaan 10naan qof oo warsanaysa in ay munaasabad kala qeybgalaan.
Maxaa Xildhibaannadii ku soo
kordhay?
Maadaama
waayadan ‘mooshinkii’ wax laga heli jiray irduhu u xirmeen, Xildhibaannadii
marka ay arkeen sida loo raadinayo, ayey degeen qorshe kale oo ay wax ku heli karaan. Xildhibaannadu waxa ay bilaabeen in ay la
kafkaftamaan dadka soo waca oo markaasi ay aadaan qolada garashada leh ee maalintaas bixin
karta dhaqdhaqaaqa xildhibaanka.
Tii iigu yaabka badnayd
Subax
dhaweyto ayaan tagay hoteelka mid ah kuwa Muqdisho ugu caansan. Laba wiil oo
aan garanayey ayaa kor inta iga aragtay, ii yeertay. Wiilashaan oo xaflad qabanqaabiyeyaal
ka ahaa ayaa inta raadiyey la kulmay Xildhibaan ay doonayeen in uu xafladdaas
kala qeybgalo, laakiin waxa uu u sheegay in boqollaal meel laga wacay maanta,
laakiin uu iyaga raaacayo haddii ay bixiyaan shidaalka iyo qayilaaddaa
wardiyihiisa. Inta ay tashi bannaanka ugu soo baxeen ayey markaa isweydiinayeen
qaddarka ay siin lahaayeen Xildhibaankaas oo gudaha hoteelka ku jiray oo ka
sugayey go`aan. Aniga ayey taladii iga qeybgeliyeen, markaas baan ku iri, “War
haddii ay lacag joogto, Xildhibaan lacag badan buu u baahan yehee, mana bixin
kartaane, iska dhaafa.” Isjiidjiid dheer ka dib, waxa ay isla qaateen in ay 200
Doollar ku dayaan, oo haddii uu yeelana ay ballansadaan, haddii uu diidana ay
iska dhafaan. Waa u tageen, waana u sheegeen. Waxa uu ku yiri, “Adeerrayaal
waxaasi waxba ma ahan laakiin soo tuura, ogaadana in aan bilaash idin kugu imid
iyo Soomaalinimo ee aanan waxaas meel ku tegin.” Galabtaasi waa tagay
xafladdaasi aniga oo rabay in aan eego habdhaqanka Xildhibaankaasi. Waxa aan la
yaabay in uu Xildhibaankaasi ahaa qofkii ugu dambeeyey oo xafladdaasi ka baxa,
illeen waa nin 200 dhaarsanayee!
Galabtaasi ayaan wax badan fahay.
FG:
Waagii uu jiray Mooshinku arrintaani ma jirin, sidaas darteed Mooshin la`aantu
shacabka Soomaaliyeed dhib ayey ku keentay.
Waxaa
qoray: Suldaan Nayruus
E-mail: nayruus@gmail.com
FB Page: www.facebook.com/snayruus
No comments:
Post a Comment