Gabar xaas ah ayaa hadda ka hor waxaa
ay mar walba baaran jirtay jeebabka ninkeeda. Wax kale ka ma aysan baari jirin
e, maaddaama uu ahaa nin lacag jeebka isaga qaata, lacagta ay ka hesho
jeebkiisa ayey wax uun ka goosan jirtay isaga oo aan ogeyn, isna, in kasta oo
aysan tebiddiisu badnayn, laakiin haddii uu maalin wax uun dareemo, meel uu u
saariyo inta uu aqoon waayo, ayaa in uu isagu isticmaalay u la ekaan jirtay laakiin
uu illowsan yahay ama ay meel uga dhuntay.
Sidii ay aroor walba u baaran jirtay
jeebkiisa ayey maalintii dambe waxa ay ka heshay nuqulka warqad furriin ah oo uu
siiyey gabar uu hoos u qabi jiray oo ay isfahmi waayeen. Say te, ‘Waaw’.
Maantaas, iyana xog bay heshay, isna
tuuggii jeebsiibi jiray ayuu helay!
Waxaa Qoray: Suldaan Nayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Fb page: www.facebook.com/snayruus
Kala xiriir: nayruus@gmail.com
Fb page: www.facebook.com/snayruus
Hada xaalka sidaas wuu ka ilbaxsanyahay waxa la isticmalaya Electric Mobile Money
ReplyDelete